Bal aan wada fiirino go’aamadeey gaareen inta keenyo u joogtay
lug gooymada iyo inta u
tagtay in eey fiiriyaan sida eey ku dhamaan
doonto cayaarta wareega 14rad.Go’aamada eey ku heshiiyeen oo
dantooda ku fulikarto waxeey ahaayeen:
1)
1.
Anakaa
dooraneeyno isna dooraneeyno, si aan baarlamanka ugu
badnaano,
2)
2.
Rayidka iyo
odayaasha nugula qasbay in eey nagala qeeybgalaan waxaan u
dhiibeeyna nin naga mid eh oo u maamulo sidaan doono,
3)
3.
Ciddii diido
barnaamij keeyna naga mid maaha,
4)
4.
Barlamaanka
nama deeqo, waase isla cariirsaneeynaa,
5)
5.
Wasiirada
doowlada tiradooda ha ahaat mid furan sidii tii Ali Mahdi
iyo Abdikaasim, ayakaa dantood u kala tagidoonee,
6)
6.
Federaaliga aan
afka ku buuxsano, cidne si fiican uma taqaanee,
7)
7.
Gabaladii
m.Siyaad naas nuujiska u sameeyay aan meel marino, waxaan ka kooban nahay ardadiisii iyo qoomiyadiisee,
8)
Aan ku doodno in ku meelgaarka naqdo 8 sano, 4 waymeeynee,
9)
Aan ku dadalno
in waqti dhumiska keenyo oowsan ka yaraanin kii jabuuti
oon si wanaagsan noogu meel maray.
10)
Isku dir iyo kala dir aan ku dadalno ayagaa is dili doonee,
11)
Haddeeyba doowlo dhalato,aan saqiirino, haddey kortane aan habaabino,
12)
Haddeysan dhalan dhib kuma qabno, waxaa noo kori dhaqaalah kama dhiibno canshuur badeecada soo dhacdo iyo midda la dhoofiyo midnee,
13) Muqaadiraadka aan ka
dherjino, anakane, dhaqaalo aan ka dheregno,
14) Kuma qasaarin kenyo;khamro kulul,qaad raqiis eh iyo guri qaboow ;meeshii kaloo shir lugu qabtane qaaylo aan ka kicino, kadibne aan qaboojino.
15) Midbo aan mar u sacbino, uyukaa isi seegi doonee
Beesada beenta eh aan soo badino, berri aan ku baxsan
doonaa.
SIDEEY IGULA FIICANTAHAY
Sida looga baxo dhibka ka yimid qabiilada qaarkood oo u bartay In eey
cunaan sed eeysa xaq u leheen iyo kuwaa weligood ku
noolaay canshuurta laga qaado inta tacbato.
Kuwa beenta iyo dheelmashada gumeeysiga ku oow siiyay 60kii, xildhibaano
eeysan xaq iyo tiro midna u leheeyn; assii aan la dhacsiin karin talo xalaal eh iyo
tirakoob midne.
Waa lagama maarmaan tirakoob ku saleeysan degaanka, si aan dadka looga daldalin degaan kooda, si mar lamaad eey aga woodaan meel kale, ayakoo wato calamo tirtirkooda.
1)
Hab bresidensiale eh oo shacbiga doranaayo madaxweeynaha, usugane
doowlada si toos eh u maamulo, ama magacaabo
ra’yisulwasaaro doowlad dhiso;baarlamaanka la hor geeyo.
Madaxweeynaha waxaa la dooran karaa lama tamiin kaliyah
oo min 4 sano eh.
2)
Barlamaan ka
qooban 113 oo ku meelgaar eh , laga soo xulay Dad ka tirsanq oowmiyadaha dalkoo dhan, eeysan ku jirin
gacan ku dhiigleyaal, dagaal oogayaal, heraaygii
doowladii hore iyo kuwii dambe.
Waa in eey ka koobnaadaan dad cilmi leh, wax garad iyo kuwa xirfad u leh
qorida dastuurka iyo sharciga oona la garab dhigo gudiyo u
tilmaamo dhaqanka, baahida iyo tabarta dhaqaale oow dalka
xamilikaro.
Waxaa kaloo loo kaalmeeysan karaa dejinta sharciga iyo dhisida qaranka,
wax aqoon ajnabi eh iyo heey’ado caalami eh.
Baarlamaanka waxoow jirikaraa 4 sano; xildhibaan kastakane waxoow ka
qeeyb galikaraa 2 tamiin kaliyah.
3) Golaha wasiirada waa in
eey ku koobnaadaan 11 ximin. Gola barlamaanka iyo midka
wasiirada is bedelime- eyso cadadooda (113 iyo 11),xitaa haddii
doowlada ku meelgaark eh waqti geedu dhamaado. Waqtiga doowlad ku meelgaarka 2 sano
3.
Tiracoob, blastik
aqoonsi leh oo masawir iyo saxiix suulka
leh si lugu aqoonsado ,sii waqtiga doorashada muwaadhin kasto; loogana baxo anaa badan iyo anaa boqor eh ee halley badsho derejada iyo
dhaqaalaha.
4.
Heey’ad
caddalo oo madaxbanaan iyo garsoore yaal doorash ku yimaad, si eeysan ugu soo laaban haddeey musuq galaan iyo eexasho
midkood. Garsoora yaasha waa in eey sharciga u
hogaansamaan.
5.
Dalkoo loo
qeeybiyo gabalo macquul eh, sideey isu rabaan, isu raaci karaan iyo sidey dhaqaale ahaan isu celinkaraan.
6.
Derejo walbo
waa in loo tartamaa oo lugu helaa doorash ka badneeyn 2 tabiin oona lugu soo laaban karo 4 sano ka dib, haddi tii
hore waajibkeeda si fiican loo gutay.
Waxaa la ogolyahay tartan cilmi ku dhisan, haddi lo baahdo.
7.
Dadka haayo
derejooyinka waaweeyn waa in la siiyaa degaan iyo mushar
kaafiyo, si eey waajib kooda u gutaan,wel wel
la’aan ugana badbaadaan musuq qabiil iyo anna mesha ku keenay.
8.
Habka
federaaliga eh, waa lugu qasbanyahay, maxaa yeelay waa midda kaliya oo na wada qancin karto,
cid kastane eey ku dhisi kaarto gabalkeeda iyo degmadeeda.
Dad dun xun ka suubsan iyo tuug qabiil hugsan oo aan meel
dheer wax ka arkeeyn aa na kala geeyay.Is aamin waa
dhamaada ee aan saa ku dayno.
9.
Gabalkii rabo
in oow gusto xaq oow u leeyaha, laakin waa in oow “referendum” laga qaadaa, ayaadoo goobjoog ka yihiin heey’ado
calami eh oo lugu wada qanacsanyahay.
10.
Xaquuqda
daa’inka eh oo muwaadhinka yaan loogu gamban:
Reerkoow u dhashay, meeshoow ku dhashay, hoyadiis iyo nagtiisaba.
Intaan kuma dhamaan karto tilmaanta aan farta ku fiiqay ee Waa tub la
qaadi karo, haddi si fiican loo falo.
Waxaa la yiraa in eeysan doro, qoor qabad biyo ku cabin .
( rer waqooyi, dooradu tii aad taqaaneen ma’aha)
Somali isma isna necba ee daruufta aa kala geeysay, haddi miirka aan
helno oon is wada afgarano, deris nimadii iyo calgaceeykii
waa soo fiixi doonaa.
Cadawga iska dhiciya qal bigane kheeyr u sheega.
XAQ IYO XURRIYO,
prof.Galagul.
___________________________________