Muusa
Suudina waa soo xaadiray, Cabduqaasim oo weli gorgortan
ku jirana waa kaga horeeyay, Hiraalana waa la filayaa,
kuma kala maqno Qabqable iyo hogaan doon mid dhiig badan
daadshay iyo mid doodiisa tahay aniga difaac ayaan ku
jiraa ee dilka ma'aqaan inta laga helayo dowlad caadil
ah oo loo dhan yahay, odayaashi dhaqankana waa kuwaa ku
sii qulqulayo gogasha Soomaliweyn u taal dalka kenya ,xerada Mbaghati ama doofareey sida ay u yaqaaniin Soomali
badan, maareynteedana uu gacanta ku haayo egrgay gaar ah
oo ay u soo magacawday dowladda Kenya oo iyada
martigelisay ka soo qeybgalayaasha gogashaas loogu magac
daray "shirka dibuheshiisiinta Soomaaliyeed ee
Mbaghati ", maareyntaasna kama marno gacan gurracan
oo gadaal kaga tidcan gacanta Kiplat mareeyaha gogasha
amaba dowladda Kenya naf ahaanteeda.
Waxaa hubaal ah in uu shirkan mar kale haleelay
waddo lagu tilmaami karo in uu ka duwan yahay shirarki
dib uheshiineed ee Soomaaliweyn loogu qabtay dalka
Soomaaliyeed debadiisa geddigoodna ku dhamaaday isma
naqaan iyo fashil,
marka laga fiirsho dhinaca ka soo qeybgalayaasha
Waxaa shirkan ku dhan dhamaan hogaamiyayaasha lagu
tiriyo in ay iyaga gacan weyn ku leeyihiin dhibaatada
dalka Soomaaliyeed
ka jirto , hogaamiyayaasha dhqanka , aqoonyahanno
isxilqaamay iyo kuwa danaystayaal ah ee gudaha dalka iyo
debadiisa ka yimid iyo wax loogu yeero bulshada madaniga
ah(NGO) oo iyaga uunan damacooda ka marnayn gacan ku
lahaashada dowladi halkaa ka curato waa hadii taa la
helaba, waxaa shirkan intaas u dheer in ay iyagana ka
soo qaybgelidiisa qeyb ka yihiin dowladdaha deriska la
ah Soomaaliya oo ay saameyn toos ah ku yeelan karto
nabad la'aanta dalkeena ka jirto iyo haddii nabad ka
dilaacdaba dalkeena waa Kenya,Itobiya iyo Jabuti iyada
oo ay dowladda Itoobiya iyo Kenya gaar
u tahay cadowtooyo soo jireen ah oo kala dhexeyso dadka
iyo dalka Somaaliya kuna saabsan in uu dhinacooda naga
jiro dhul iyo dad Soomaaliyeed taasoo iyagana aynan
ogalayn soo hadal qaadideeda iyo dowladdaha daneynayo in
ay Soomali heshiiso halkaana ku soo dhistaan dowlad
nabad ku soo dabaasho dalka Soomaaliya, waxaasa su'aal in la iska weydiiya mudan shirkan ma u muuqdaa
in uu yahay mid ay ka soo baxayaan mira lagu nasto,
dadka iyo dalkana ka helaan dowlad caadil ah oo loo
dhanyahay ,kuwi horana kaga duwanaato ka soo
qaybgalayaasho oo daneeyo danta guud ka hor waxay ugu
yeeraan danahooda hoose, waxaa iyadana su'aal isweydiin
mudan ah ragga
iyo dumarka isu soo sharaxay qabashada jagada ugu
sareyso ee dalkeena ma ku jiraa hogaamiya la dhihi karo
alley lehe waa kaa, waana fulaan.
Ka hor kor u qaadida qalinka aan kaga jawaabeyno
su'aaladaha kor
ku xusan waxaan isla qaadaa dhigaynaa sifaha uu leeyahay
dheraga saaran dabka ku jiro jigada taal xerada Mbaghati
iyo cuntada
gudahiisa ku karsamayso oo dhinacyada isku haayo
maareynta arrimaha Soomalida mid walbo dhararayo ka dhur
sugida bislaashada cuntadaas iyo isaga in uu dhinac
walbo noqdo kii ku gacan roonaado maareynta
karintiisa,qeybintiisa oo ay udheer tahay damac kaga
jiro helitaanka qeyb libaax, haddaba Soomaaliweyn ceeb
kuma aha in ay wax wadaagaan gogolna kuwada cunteeyaan
dhaqanka siduu ahaa iyo somaalida waxay arrintaa ka tiri
"qeybshaa ama waa qadaa ama quutaa" waxaasa
ceeb iyo lama arag ah
kan dhab u leh qeybinta cuntadaas dheraga ku
jirto , bislaashadeedana laga sugayo, martidana loo
yahay in uu yahay koreeye(ajnabi) oo ay taa soo wehliso
iyada oo aan la ogayn ,lagana wada hadlin halki lagu
cuni lahaa cuntadaa , kii lahaa qeybinta iyo kan doonayo
in ay qeyb libaax ka soo gaarto gogashaas in
uunan midnaba ogayn warna u hayn maxaa lagu karinayaa
dheraga gudhiisa .waxaa taa ka daran ergada Soomaalida
in mid u sheego kariyaha jigada iska leh in ay cusbada
ku yartahay cuntada ,mid kalana u sheego in loo baahan
yahay in la badiyo cuntada maadaamo ay isaga u muuqato
cuntada dheraga ku jirto in ayanan ku filnayn dadki loogu talagalay,mid kalana wuxuu
ugu tagayaa kariyaha in uu tuso in cuntada dheraga ku
jirto ay faraha ka badatay loona baahan yahay in
mar kale la saaro dheray hor leh oo cuntada lagu
karinayo uu isaga xadiday, midna wuxuu leeyahay kariye
naga dhex bax oo annaga noo daa ka tashiga cuntada nooca
la karinayo iyo cida iska leh qeybinteeda ,waa la yaab
iyo amagaag dheregan haddii aad u fiirsato qaabka loo
karinayo waxaa kuu soo baxayso murti Soomaaliyeed oo
dhaheyso "dheregi fara badiyo waa fuud xaraareeyaa".
Fiira
gaar ah
Shirka Somaaliweyn uga socdo
dalka Kenya inti lagu jiray qabanqaabadiisa in uu
qabsooma ayaan ka saadaal bixiyay sida uu
ku dhamaanayo haddii uu qabsoomo, waxaana maqaalkaas ugu
magac daray "Shirka
Neyroobi Ma naruuraa Misa Waa Nabar Hor leh".
Bal aqriye in yar dib ugu noqo taariikh aan fogeyn 10\03\2002
.
Aan dib ugu noqono ka jawaabida su'aaladaha aan kor
ku soo xusnay, taabashada xaqiiqada waa lama huraan
Soomalida waxay tiraa "run sheeg waa ceeb sheeg
"laakin xaqiiqada taa ma ahan ee waa"run
sheeg waa wanaag sheeg".Shirka Mbagaathi uga
socdo Somaaliweyn kuma
taagna wado la dhihi karo waa mid lagu heshiisiinayo
hogaamiyayaasha, qabaa'ilka iyo degaanada Soomaaliyeed
ee colaada ku dhexmartay maamulida deeganada ay ka soo
jeedaan iyo maareynta halbowlaha maamul dhexe ee dalka
yeesho, Shirka Mbagathi wuxuu shirarki hore kaga duwan
yahay oo kaliya ka soo qeybgalayaasha shirka oo ka tira
badan inti hore u imaan jirtay shirarki
hore ee fashilka ku dhamaaday iyo hogaamiya aan horay
ugu soo qeyb gelin shirarki hore oo ka mid ah
hogaamiyayaasha ka soo qeyb galay shirkan oo markan la
soo taagan hadal wax ku ool ah, abuuri karana in ay
soomaali arrin uun ku heshiiyaan haddii loo dhega
dhuglaado warkiisa walow aanan filayn taa in ay dhaceyso
waayo inta badan kasoo qeybgalayaasha shirka nin walbo
wuxuu jeebka ku sitaa riyo uunan iska weydiin maanta
Soomaaliweyn ma ka dhex socon kartaa, hogaamiyahaas
wuxuu leeyahay gogasha la joogo aan ku heshiino ,wada
hadalna aan ku gaarno xal u helida dhibaatada ay
Soomaaliweyn kala tirsaneyso, ka bacdina annaga aan ka
shaqeyno wejiga ay yeelanayso dowlad mustaqbalka dhow
iyo dheerba hogaamiso dalka Somaaliya iyo yaa mudan
daadihinta hogaanga sare ee dalkeena, waxaa kale oo uu
leeyahay dowladaha deriska la ah Soomaliya iyo dowladaha
daneynayo arrimaha Soomaliya ha ku ekaadeen kor joogto
iyo in ay naga kaalmeeyaan taaba gelinta heeshiiski aan
isla wada meel dhigno.shirkan haddii uu ku sii socdo
qaabki uu ku jiray tan iyo intuu bilowday sagaal bil ka
hor oo ahayd heshiis ayaa arrin fulaan laga gaaray iyo
lagama gaarin, muran aan dhamaan, is eedeyn,isdaba marin
,heshiisyo la saxiixo oo aynan jirin meel looga wada
hadlay ,fulaan iyo koox hebel waxay doonayaan in uu
shirka fashilmo laguna kala tago,aniga ha lay doorto oo
ragga leh tiro iyo afartan kor u dhaafeen, hebel ayaa
baxay, hebel ayaa yimid ,dowlad fulaan faragalinta ha
joojiso IWM oo aan lagu soo koobi karin halkan .
Shirkan uma muuqdo mid ay ka soo baxayso dowlad loo
dhan yahay oo dalka oo idil ku soo dabaasho nabad lagu
nasto iyo kala danbeyn waayo marki aad Hoos iyo dushaba
ka fiiriso qaabka uu shirkan ilaa hadda u socdo waxaa
kuu soo baxayso in uu ku socdo waddadi ay mareen kuwi ka
horeeyay oo fashilkooda uu ka danbeeyay maareyn xumo
salka ku hayso dana gaar ah oo ka timid soo
qabanqaabiyaasha shirrarki hore iyo midkanba.
Midda kale ragga iyo dumarka isu soo sharaxay
qabashada jagada u sareyso ee dalkeena ilaa iyo hadda kuma jiro mid u qalmo jagadaas ilayn gogasha ay doonayaan in
lagu soo doorto midkood kuma laho gacan muuqato oo ka
shqeyneyso isu soo dhoweynta ka soo qeybgalayaasha
shirka iyo sidi xal loogu heli lahaa dhibaatada kala
gaartay ummadda Soomaaliyeed,waxaa taa ka daran ragga
lagu tilmaamo in ay ugu firfircoon yihiin musharaxiinta
in doodooda qabashada jagadaas ay asaas u tahay aniga
waxaan ku fiicanahay dowlad fulaan,Madaxweyne fulaan
ayaan la sawiranahay , tuugsiga waa kaga wacanahay ragga
kale iwm, halheyskoodu kuma jiro aan shaqeynsano iyo soo
bandhigida barnaamij cad oo fududeeyo taabagelinta in ay
Soomaaliweyn heshiiso iyo sidi dhulkooda ugu
filnaanlahaa iyaga oo aan u baahan dawarsi iyo iska
gedida dalal kale . raggan barnaamijkooda runta ah waa
aniga ayey adduunweynaha I wataan ee ma ahan
Soomaaliyeey aan heshiino .
Guusha shirkan waxay ku jirtaa aan wada hadalno oo
ah aan heshiino haddii taa la waayana shirkan
dhamaadkiisa waa guul darro hor leh oo Soomaaliweyn la
soo gudboonaato, taana macnaheeda waa heshiis kama
sukeeyo shir kale oo aan
annaga qabashadiisa ku abaabulno dalkeena gudihiisa kana
soo shaqeyno ajandoonyinkiisa iyo gobalka nasiib u helo
dhigida goshasaas ilaaheey idinkiis.
28/07/2003
Aan Heshiino Waa
Aan Wada Hadalno
Nin Kale Ha Ii Hadlana Waa Aan Dagaalno
Abdallah Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com