|
Shirka Kenyo in eey wax kasoo bexeeynin qof kastoo wax garad eh
waa u caddeed, maxaa yeelay meesha waxaa isugu tagay tuugo iyo
jaahiliin loo dhiibay barnaamij eey wataan doowlado aan dantoodu
eheeyn in Somali eey nabad iyo doowlad ka dhalato.
Dr. Abdiqaasin waxoow gefay markoow soo aruursaday baahalo aan
rabaayad noqoneeynin oo dantoodo ka duwantahay mida shacbiga
somaliyed.
Waxaa lala wareegaa in dotoorka oowsan soo dooran cidne oo
qabiil walbo oow soo sharaxay intoow doonaayay ineey aga qeeb
gasho barlamaanka iyo doowlada.
Dr Abdiqaasim waa diidi karay dadkaas waxoowse ka doortay derejo
aan luga leheeyn, garabne ka haaysan somalida badankeed.
Waxoow rajo ka qabay in waqtiga u furidoono albaab looga boxo
dhibka dheeraaday oo gacan ku dhiigla yaasha iyo tuugada eey is
bedeli doonaan kana tanasuli doonaan dhaqan xumada eey u dhasheen.
Waqtigi ku meel gaarka ahaay oo la rabay in dalka loogu sameeyo
maamul, nadaam doorasho iyo mid doowlo; barnaamij
siyaaso, mid dhaqaalo iyo cadaalad madax banana, waxaa laga
badin waayay is qab qabsi iyo xatooyo hoolihi yaraay oo loogu soo
dhiibay in eey wax ugu qabtaan dadka, kuna fuliyaan barnaamijkii
iyo axdidi eey ku soo galeen jabuuti.
Intiii yareed oo u joogsatay in la fuliyo barnaamijkii iyo axdigii
jabuuti,
waxeey muteeysteen raacdo maalin kasta eh, handadaad iyo naf
la carar. Waxaa xasuus mudan Kulalihi iyo qar kaloo aanan xasuusan
magacoda.
Datoorku waxoow iloobay, ama iska dhega tiray in : qof
walbo eey
guraneeyso waxeey abuuratay murohood .
Ina Siyad waxoow ku haayay dalka gacan adag, xabis, dil, derejo
iyo billad been eh, waxoowse illobay in oo dayaariyo dad bedelo jahiliinta
oow abaha iyo
macalimka u ahaay iyo kuwa aan ka bogsan xanuunka doowlaadii oow
ka qaaday.
Labaatankii sano oow xukunka haayay waxoow soo dhoweeysta
qaraabo iyo qabiilo kalo oow ka soo xushay intii ugu xumeed si eey
u hor joogsadaan kuwa eey ka dhasheen.
Dembiyadiisa waxaa ugu waa weeyn: naas nujinta qabiilka, derejo
ku boobka jaahiliinta, dagaalka waqooy, abuurista gabalada iyo
degmooyinka oow u suubiyay qoowmiyada oow ku abtirsanaayay, dagaalka itobia
Waxoow soo dejiyay dalka Hawiye, qaxooti ku sheeg Daarood oo
qasadka ka dambeey ahaay ku beerid Daarood iyo barakicin Hawiye.`
Meelaha la soo dejiyay waxaa ka mid ahaay: jiqleey, jalaalaqsi,
mahaday, cadale, kurtunwaareey, saacow, dujuma iyo baraawe oo
intaasoo dhan luguna masafuufaayay canshurta 100kiiba 90 Hawiyaha
laga qaadaayay.
Kuwa badan oow garab ku siiyay qabilnimo iskana dhigaayay
siyaasiin iyo wax garad aa ku caasiyay banaankane caaydiisa ka
faafinaayay.
Wanaaga oo lugu xasuusto Afweeyne waa: qoraalka farta somalied,
sinaanta raga iyo naagaha, banadaada gumeeysiga iyo kala takoorka
muwaadhiniinta,magaca somalied oo laga barta aduunka, si kastaba
ha ahaadee.
Cid walbo waxaa ku jiro dad cilmi leh oo nadiif ka eh xumaanta ka
dhacday Somalia, oona u leh xirfad iyo aqoon maamul doowlad iyo
mid qaran.
Kuwaa Kenyo u joogay dalxiiska 10 bilood oo lasoo dhaafay,assii
u maleegaayay shirqool dadka somalied ,rabaane in eey u mel
mariyaan barnaamijkooda xaaraanta eh doowlado shisheeye oo dan
gaar eh leh iyo kuwaa aan la socon khayaanada eey wataan tuugada
is aruursatay.
Sidaan arkaayo hurimeeyso dagaal, maxaa yeelay boobku iyo
hunguri weeyninka waa kuwii keenay dagaalka iyo burburka 14 jirka
eh.
Heshiis lalama gelikaro dugaag rabto in eey ku disho, iska dhicis iyo
dil kaliyah eey kaaga heri kartaa.
Hubkiisa nin dhiibaayo majiro, cid ka qaadi kartane haba sheegin; taas
waxeey ku imaan kartaa oo kaliya in dalkoo dhan isku mar laga wada
qaado hubka sharci iyo xoog kala hagane loo yeelo.
Waraabe
hilbo luguma rarto, qeeybina lama dhihi karo.
Xaq
iyo xurriyo prof. galagul
___________________________________
|