Waa
ilaaheey mahadiis in mar kale ay Soomaali ka badbaaday
dabin ay u qooleen Dowladaha deriska la ah iyaga oo
kaashanayo kursi doon iyo doqon aan garan halka ay ku
jirto danta guud ee Soomaaliyeed iyo tan gaar ahaaneed
ee uu leeyahay shaqsi walba oo Soomaliya. Shirka
Mbagathi waa kuftin kale iyo kici waa ku timid ummadda
Soomaaliyeed, waxaana ka horeeyay shirar kale oo shirkan
uga duwanaa oo kaliya makaanka lagu qabtay oo
geddigood ku dhamaaday fashil iyo shimbirayahow heesa ,
waxaa iyagana shirarkaas ka horeeyay ridintaanki
rejiimki ina Siyaad madaxda
ka ahaa iyo asbaabihi keenay in uu nidaamkaas ku
dhamaado foolxumo Soomali oo dhan la degtay iyo
dhicidiisi keddib oo ay bilowdeen dagaala abaabulan oo
faraha looga gubtay isla
markaana uu ku daatay dhiig fara badan oo Soomaaliyeed ,dagaaladaas
ragga abuuray oo horboodayay waxay doonayeen in dalka uu
ku socdo mid la mid ah nidaamki uu hogaaminayay
Madaxweyna Maxamed Siyaad Barre oo ahaa in Qabiil kaliya
gacanta ku dhigo ilaha dhaqaalaha iyo hogaanka sare ee
dalka iyo in Soomaalida inteeda kale ahaato kuwa loo
taliyo oo aan tala ku lahayn hogaanka sare ee dalkooda
taana waa lagu hungoobay ,waxaa iyadana weli lagu guda
jiraa tan iyo saddex iyo toban sanno ka hor ilaa
haddeer dagaaladaas dibaatooyinki laga dhaxlay iyo
dowlad la'aan iyo
in aan weli lagu raad joogin helitaanka dowlad
Soomaaliyeed oo loo dhan yahay tiirarkeedana yihiin alla
ka cabsi, caddaalad iyo sinaan.
Soomaali
Maanta waxay u baahantahay hogaamiya gacanta qabta kana
soo saara mugdiga islamarkaasna
la yimaado dhaqanki uu hogaamiyayaasha Soomaliyeed kaga
soo saari lahaa bohosha ay ku jiraan oo salkeeda lagu
wada indha beelay, Soomaali waxay u baahantahay in
dadweynaha iyagana gartaan in ay danta guud ku jirto
dabagalka hogaamiya ku sifoobay hufnaan dhinac walba leh
ama ugu yaraan maanta ka tarjumi karo baahida loo qabo
ka bixitaanka kala danbayn la'aanta saameysay waddanka
oo dhan haba ugu dartnaatee Caasumadda Soomaliya
Muqdisha
Xaqiiqada
maanta mar kale na hortaal waa in ay weli
hogaamiyayaasha Soomaliyeed aynan ka qaangaarin
siyaasadooda ah garasha la'aanta in uu dadweynaha
Soomaliyeed kaliya uu yahay cidda xaq u leh taageerida,
ogalaanshaha iyo diidmadeedaba dowlad alla dowladi lagu
soo dhiso dibadda iyo gudahaba ,waxaa iyadana xaqiiqa ah
in hogaamiyayaasha Soomaaliyeed weli ku jiraan hurda
dheer oo caqligooda u diiday in uu arko qaranka
Soomaaliyeed marki la wiiqay in dadweynaha qola walbo
horboodayo mid ugu maqan waxa loogu yeero fulinta
fikirka iyo danaha taageerayaashiisa . waxaa kale oo
raggan dareenkooda ka maqan in dadweynaha Soomaaliyeed
maanta kala bah-dilanyahay iyo in hogaamiya walba marki
ay tolkiisa aqbalaan siyaasad aynan ku taageersanayn
hogaamiyayaasha kale ee Soomaaliyeed in ay hortaalo in
aynan aqbalaynin reeraha kale ee Somaaliyeed oo qola
kasta ku daba taagan mid u aqriya cadowtooyada ay u
hayaan reer hebel iyo hogaamiyahooda waa keddib kolkuu
dareenka hogaamiyahaas is taabsiiyo arrin uu ku taamayay
in uu ku guuleysto in looga baxay ,taa waxaa dheer
jiritaanka ayagana
hogaamiyayaal sidoodaba dhaan raac ah oo goor walba ku
tiirsanaado hogaamiyihi ay u arkaan in uu yahay kii ay
ka heli lahaayeen wasiir haddii la waayana aanan marnana
laga weynayn wasiir ku xigeen iyadoo weliba laga yaabo
qaar ka mid ah hogaamiyayaashan dhaanraaca ah in aynan
ogayn in ay gacantooda
ku jirto mid ka mid ah furayaasha ugu muhimsan ee xalka
arrimaha murugsan ee ummadda Soomaaliyeed.
In
yar gadaal ugu noqo taariikhda iyo goobti uu ka dhacay
shirki Carta iyo ka qeybgalayaashiisa waxaad arkaysaa in
maanta ay joogaan Shirka Soomaaliweyn uga socdo gogasha
taal xerada doofaareey ee Mbagathi ergooyin badan iyo
hogaamiyayaal ka qeybgalay shirki Carta markaana
idaacadaha la iska arko iyo kuwa maqalkaba u sheegi
jiray in shirka Carta guuleysanayo lagana maarmi doono
qabqablayaasha dagaalka, wadankana uu heli doono dowlad
loo dhan yahay, Soomaali weyn maanta waa ka dheregsan
tahay halka ay maanta mareyso natiijooyinki ka soo baxay
shirki Carta iyo in uu waddanka iyo dadkaba ku soo
kordhiyay dhibaatooyin hor leh iyo kala qeybsanaan xagga
fikirka ah oo ku baahay dadweynaha Soomaliyeed iyo
hogaamiyayaasha horboodayo dhexdooda. Waa arrin la yaab
leh hogaamiyayaashi sidaa nagu lahaa shirki Catre in ay
maantana shirkan ka leeyihiin hadalki iyo mid ka sii
qurux badan , hilmaan hadal kuma jiro isla
hogaamiyayaashaas qaar ka mid ah ayaa marki ay xamar dib
ugu soo noqotay dowladdi ka soo baxday gogasha Carta oo
ay garbaha u ahaayeen adduunka u sheegay maalmo keddib
in ay DKM(waa kooxda Carta) ka leexatay heshiisyadi lagu
gaaray Carta, arrinta sidaa ay wax u sheegayaan ma aha
ee waa uun kaliya in hogaamiyahan marki gogashaa Carta
la joogay uu ku riyoonayay in ay qeyb ahaan u soo gaari
doonto qeyb libaax ,marki riyadiiina ay noqonweysay
riwaayadi uu soo aqristay ayuu ku dhaqaaqay in uu isaga
balanki ka baxo ilayn dhinaca kalaba waa hogaanka reer
Cartee waxaa loo soo meeriyay riwaayad kale oo ka duwan
tii ay ku riyoonayen kuwa kale ee gogashaa la
qalqaaliyay in ay wax uun ka soo baxaan, isla haddeerna
wuxuu ku jiraa riyo kale iyo shirkan ayaa kii hore ka
fiican oo aad wax ka helaysaa, haba sheegin raggan
taladaba uguma jirto waddankan aan mar kale dhidibada u
aasno maamul mideeyo ummadda Soomaaliyeed , dadkeenana
gaarsiiyo nabad balaaran ee lagu nasto laguna
nasteexeeyo.
Shirka
Mbagathi kama duwana Shirki Carta waa marka laga reebo
oo kaliya kala
duwanaashada goobta lagu dhigayo iyo
tababarayaasha(coach) kala wato labadan koox ee kala
lahaa u khidmeynta
Shirki Carta iyo kan Mbagathi hadda ka socda,
shirka Mbagathi, qabashadiisa iyo mira ka dhalintiisa
wuxuu ka unkamay Dhisida Uururka la magac baxay SRRC oo
ay dowladda Itoobiya ugu tala gashay in ay u adeegsato
burburinta iyo kala daadinti guulhihi
u soo hoyday kooxda Carta iyo koojkooda oo ay Dowladda
Itoobiya u arkeysay in dowladaas ka soo if baxday
degmada Carta ee dalka Jabuuti in ay ka hor imaaneyso
masaalixa ay iyada isu tustay
in ay laga maarmaan
tahay in ay ku lahaato dalka Soomaaliya dowladi
mustaqbalka dhow iyo midka fogba ka ambaqaado, Itoobiya
waa ku guuleysatay arintaa oo ay kaalma kaga heshay
Madaxweynihi DKM Cabduqaasim Salaad Xasan oo aan isaga
marin wadda mideyn karto umaadda Soomaaliyeed loogana
hortegi karo dowladaha damaca kaga jiro in ay gacan ku
yeeshaan tala siinta iyo ku amar ku taagleynta dowladdi
dalka soomaliya ka curato.
Shirka
Mbagathi uga socda Somaaliweyn waa ka hoseeyaa shirki
Carta oo natiijooyinki ka soo baxay burburintooda laga
shaqeeyay keddib marki uu guuleystay loona adeegsaday
SRRC oo iyada hadda shirkan ku leh gacan xoogan ,SRRC
waa kala furfurantay oo shirkan iskuduubnaan kuma imaan
waxaana kala reebay asbaaba ay ka mid yihiin kala
duwanaashaha damaca awood doon ee ku kala jiray
hogaamiyayaashi ku mideysanaa kooxdan ,guushi ay shirkan
kala soo hoydaana waa haddii uu ku dhamaado sidi ay
Itoobiya ugu talagashay ilayn Soomali kuma dhamee, waxaa
goor dhow kooxdan magaceeda uu noqon doonaa kooxda
Mbagathi sugayo koox aan weli loo waqlalin, magacna aan
la bixin laakin aan aniga u saadaaliyay in uu magaceeda
noqon doono kooxda Triboli loona diyaarinayo ka hortaga
in aynan anbaqaadin dowlad ku sheega loo joogo Mbagathi
in lagu soo dhoodhoobo.
Kooxda
Mbagaathi kama danbayn doonto wax badan kooxda Carta ,koox
alla kooxdi lagu dhiso damac gaar ah iyo faragelin
shisheeya wuxuu dhameedkeeda ku
danbeeyn doonaa mugdigi ay kaga idlaatay kooxihi kaga
horeeyay dhaqankan sidi SNA(Salbalaar),SSA(Soodare),SRRC,
kooxda Carta , kooxda Mbagaathi oo hadda u mashxaradayso
maritaanka waddadi kooxihi ka horeeyay ay
ku danbeeyeen iyo kooxda fooda nagu soo heyso oo aan
magac la bixin laakin aan aniga u bixiyay si ku meel
gaar ah kooxda Triboli looguna tala galay horjoogsiga
wax loogu yeeri doono danaha kooxda Mbagathi
Gegebo
iyo soo koobida qaabxumida fikirka siyaasadeed ee
kooxahan aan kor ku soo xusnay iyo dhibaatada ay ummadda
Soomaaliyeed la dul joogaan waxaa lama huraan ah in aan
farta ku fiiqno xalka in uu ku jiro in koox walba
garwaaqsato nin walba oo xaqiisa hela maahine in aan xal
lagu gaareyn riya ka soo unkantay nin kaliya, koox ama
dowladaha ku jahwareersan raadinta dano aan ka
shaqeyneynin danaha waddanka Soomaaliyeed iyo dadkiisa
oo mid ah.
Soomaaliweyn
qool ka sameysan hogaamiyayaal dhiigmiirata ah ayaa
qoorta loo galiyay sidi koorti lagu ilaalinayaay geela,
waxaasa nasiib wanaaga ah in ay jirto fashil iyo
habacsanaaan xag alleh uga timid
hogaamiyayaasha lagu tiriyo in ay iyaga yahiin
dhab ahaan kuwa hortaagan
danaha Soomaalida, muddana loo adeegsanayay ka shaqeynta
kala daadinta mideysnaanta ummadda Soomaaliyeed ee lagu
doonayay welina lagu doonayo in uu dhamaado maqal danbe
ee taariikheed oo ah waxaa jiro geeska africa dowlad
Soomaaliyeed oo qawi ah dowrna ku leh habsami u socodka
nolasha ka jirto geeska africa iyo africaba.
Kooxda
Carta÷2+Kooxda
SRRC÷2+Kooxda
G8÷2=Kooxda
Mbagathi =Kooxda Cusub EE Triboli=Xukun Jaceyl lagu
Waashay=Dagaal Hor leh= Somaali Baabe'eeda
Abdallah
Moallim Maxamud
Moallem10@hotmail.com