Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Falastin TV Live Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Waddankeena Ma Laho libaaxyo Aan Wiilashiisa Ahayn

by: Abdallah Moallim Maxamud (Abdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

Rati oon kama gooyo reerka leh haddii uunan lahayn hogaan adag, hogaan hayaha ratigana haddii uunan xikmad lahayn ceel dad badan wadaagaan wanaag ugama soo dhaansho isaga oo aan dhiig daadin ama laga daadin, ceelkana wadaan lagama soo gooyo si nabad ah haddii aanan heshiis lagu ahayn cabidiisa si kaltama.

Maanta Arrinta Soomaaliweyn ku sugantahay siyaasad ahaan ma' ahan mid cad wejiga ay leedahay waxaasa cad in Shirka Mbagathi ka socdo uu noqday mid ay guuldaradiisa u gaar tahay koox magacdhaban ama kooxda Mbagathi oo aan iyadaba ku mideysnayn siyaasad guud ,dhaqaale iyo waxqabad military oo horay loo soo jeexjeexay lagana soo shaqeeyay iyo tilaabada hogaamiya walba oo gacan saar leh shirkan Mbagathi ku aadan in uu ku dhaqaaqo dhamaadka shirkaas. Waxaa iyadana cad in kooxda Shaamow waa magac cusub oo ku meel gaar ah aynan ka duwanayn dhaqan ahaan kooxda Mbagaathi wax mideeyana aynan jirin kol haddii ay kooxaha Soomaaliyeed iyo hogaamiyayaashooda geddigood qaamuuskooda ka tireen in ay mideyso soomaliweyn oo nabad ku wada noolaato ayagana ka taliyaan ayaatiinkeeda.

Kor u dheh ,hoos u dheh dhegahooda maqalka waa ka owdanyahay , indhahoodana aragti ha sheegin ,qalbigoodana waa mugdi jaahilnimo iyo caqiida yari ku dhegaatay ilayn imaan ma laho raggan Soomaaliweyn horboodayo badankooda, waxaa Kiblet mareeyaha Shirka Mbagathi lagu sheegay in uu yahay rug caddaa mudda dheer ku soo jiray siyaasada wuxuuna afkiisa ka qirtay in uu aad ugu xeeldheeryahay arrimaha Soomaalida gaar ahaan ( waa siduu isagana u tilmaamay marki uu tegay Dalka Sweden laba usbuuc ka hor) colaada ay ummadda Soomaaliyeed u haayaan dalalka Kenya iyo itoobiya kuna salaysan dhulalka ay soomaalida leedahay oo uu gacantooda isticmaarki Ingriiska kaga tegay , waxaa isagana sidaa iyo si ka daran u qeexay murugada ku taagan madaxweynihi hore ee dalka Kenya Daniel Arab Moi oo ah ummadda Soomaaliyeed oo yeelato dowlad ay ku mideysanyihiin in ay khatar ku tahay dalalka deriska la ah ,Kiblat baa ka daray oo raaciyay maamul inti ay kala daadsan yihiin kana fogeey in ay ka maarmaan soo faragelinta dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Xageen ku soconaa ? meel walba oo aan joogno dibada iyo gudaha dalka Soomaaliya waa su aal na hortaal una baahan in ay jawaab cad ka bixiyaan dhamaan ummadda Soomaaliyeed culmaa udiinkooda, caalimkooda,caaqilkooda ,akhyaartooda , dhalinyaradooda ,dumarkooda sida ay u dhan yihiin ilayn Soomaali waxay tiraahdaa biyo waxaay ku kulmaan meeshi godan, Waddankeena tan iyo xornimadi inti aan qaadanay wuxuu ku jiraa jahwareer siyaasadeed,mid dhaqan ,mid bulsho iyo mid dhqaalaba haba ugu darnaato wixi ka danbeeyay tan iyo inti hilfaha loo qaaday xukuumadi milatariga ahayd oo uu madaxda ka ahaa madaxweyne Maxamed Siyaad Bare iyo ilaa hadda oo uunan waddankeena lahayn xukuumad ha xumaato hasa samaatee hogaanka u qabato ummaddeena.

Shirka Mbagathi waa mid abaabulnaa lagana soo shaqeeyay dhamaadkiisa ka hor qabanqaabadiisa balsa qolooyinki soo diyaariyay waxaad moodaa in aynan khibrad wacan u lahayn xaalada maanta soomali ku suganatahay marka laga reebo in ay kooxaha Soomalida ku hardamayo dhaqan xumadooda ka aqristeen in aynan ahayn muwaadiniin diyaar u ah dib u dhiska dalkooda sidaa darteedna loo adeegsan karo baab inta dadkooda iyo dalkooda hadba dhinicyada ishaayo dhinici aqbalo shuruudaha qabanqaabiyaasha shirka Mbagaathi, tan macnaheeda ma ahan in dhinaca kale ee diido shuruudahaas uu ku sifoobay difaacida danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Itoobiya iyo Kenya waa ku fashilmaan halki ay tiigsanayeen oo ahayd dhisida xukuumad u adeegto oo daciif ah kalana shaqeyso qeybinta dhulalka soomaaliyeed iyo kordhinta khilaafaadka kala dhexyaal qabaa ilka Soomaaliyeed waayo waxay abuurtay isbahaysiyo cusub oo aan ka tarjumayn siyaasadooda ha ahaadeen isbahaysiyadaas kuwa ka soo horjeedo in shirka lagu dhameeyo sidi ay ugu tala galeen ama ha ahaadeen kuwa tageersan in shirka uu ku dhamaado sida ay doonayaan uguna tala galeen. Dowladahan waa Itoobiya iyo Kenya kama maqno qiraa adooda siyaasadeed ee ku aadan ummadda Soomaaliyeed in ay og yihiin ragga ay gacan saar la leeyihiin in ay yihiin dhurwaa iyo in dhurwaa uunan ahayn xayawaan ku wacan in la tababaro loona adeegsado sidi eeyaha oo kale meeshi la doono ama uunan noqon saaxib joogta ah, laakin dhinaca kale waxay ogyihiin oo aan cidnana ka qarsanayn in aynan kooxahan ku sfoobin wadaninimo iyo in koox walbo dadaalkeeda siyaasadeed, dhaqaale iyo maleeshiyo ku kooban yahay aragti gaaban oo aan dhaafssiisneen xil uun ka qabo dowladi ka ambaqaado waddanka Soomaaliya haddii ay suurta geli weyso in aad ku guuleysataan qabashada jagada ugu sareyso ee dalka idinka qabiil ahaan.

Aan u dhaadhacno sifaha runta ah ee hogaamiyayaasha ku soo haray googasha Mbagaathi raalina ka ah qaabsami u socodka shirka iyo dhaqanka mareeyayaashiisa iyo kooxaha diidan ee ka soo horjeestay habdhaqanka maamulka shirka Mbagaathi iyo maxiisyadiisa annaga oo ku hormarayno kooxda ku sugan Neyroobi waa Xerada Doofaareey.

Hogamiyayaasha Doofaareey joogo waxay u qaybsamaan dhowr koox, koox walbana waxay u kala baxdaa hoos, kooxahan dhamaan waxay xanbaarsanyihiin ujeedooyin iyo ahdaaf siyaasadeed oo aan marnaba meel ku kulmi Karin ,wada jirkoodana wuxuu ku kooban yahay ka dhur sugida gunaanadka shirka Mbagathi fikirka siyaasadeed ee dhaxalgal ka noqdo mustaqbalka dhow iyo yuu noqon doonaa ninka ku gacan sareeyo hanashada shukaanta baabuurka Mbagathi lagu soo farsameeyo oo u muuqdo waqtigan xaadirkaa mid aan la sii qorshayn dhulki lagu daadihin lahaa kol haddii gaarigi Carta lagu soo farsameeyay uu ahaa mid aan afar lugood lahayn haddii xitaa loo helay dhulki lagu wadi lahaa waa sidi uu kaarikateer ugu muujiyay Amiin Camir.

kooxda Puntland (ee uu horboodayo Cabdullahi Yusuf oo ah madaxweyna dhicidiisi keddib xoog ku maroorsaday weditaanka madaxtinimada Puntland keddib gobalkaas marki ay madaxweyne u doorteen Mudana Jaamac Cali Jaamac) waa kooxda koowaad ee ugu firfircoon xagga fidinta dacaayadaha ku aadan shirka amaba muujinta in uu shirka Mbagathi u janjeero siyaasad ahaan dhinacooda ayna u dheertahay in loo dhega dhugal yahay xitaa haddii aynan cadayn qorshaha shirkan ku dhamaanayo soo diyaarintiisa miyuu ku koobnaa Kenya iyo Itoobiya oo iyaga hadda u muuqda in ay leeyihiin gacanta u sareyso ee maareynta shirka iyada oo laga yaabo in uu jiro ajanda qarsoon oo aan weli loo soo bandhigin maxiisyada shirka Mbagathi kol haddii uu afhayaanka wasaarada arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka maalin dhoweyto ku dhawaaqay warar daahsan oo uunan cadayn dhinac ay u janjeeraan dhinacyada ku hardamayo hanashada hogaanka sare ee ummadda Soomaaliyeed ilaa hadda , Maraykanka maanta waa xooga keliya ee aynan muuqan cid banaanka la taal hor istaagida siyaasada foosha xun oo uu beryahan doonayo in uu ku dadihiyo dhaqalaha Caalamka ,kuna fidiyo xadaarad ku sheegiisa dalalka ay ku nool yihiin dadayowga ku abtirsado heysashada diinta Islaamka isaga oo aan taa u marayn isqancin iyo wada hadal una marayo xoog sheegasho.

Gunaanadka sifaha kooxdan waa in uu hogaamiyahooda Cabdullahi Yusuf qancinta tageerayaashiisa u maro soo noolaynta dhibatooyinki magac qabiil ee si fool xun loo adeegsaday loogu geystay reer Puntland gaar ahaan iyo reeraha Soomaaliyeed guud haan iyo isaga oo ugu baaqayo maanta in aynan jirin maalin kaga haboon in ay dadyowga puntland dego ku taageeraan hanashada madaxnimada dalka iyo daweynaha Soomaaliyeed si uu u soo celiyo wax uu ugu yeero isaga iyo dadyow badan ee fikirkaa la qabo calool jileecna bahdishay haybadi ay ku lahaayeen ilaha laga daadihiyo xukuumadihi ka soo talin jiray waddanka Soomaaliya isticmaarki keddib, jiradaana Cabdulahi waxaa la qaba dhamaan inta badan hogaamiyayaasha Soomaliyeed iyo taageeraayaashooda , dhabta sidaa maahan ee waa in Cabdullaahi iyo raga taa kala mid ah ay naftooda hoos kaga xireen aqal mugdi ah oo iftiinka kaliya ee ka muuqdo uu yahay madaxweynihi Soomaaliya waa in mar uun laguugu yeero, cudurkaasna ma aha mid u gaar ah isaga iyo qabqablayaasha dagaalka oo keliya ee waxaa la wadaago rag badan oo isu soo sharaxay madaxnimada Soomaaliya gogasha uu ka socdo sirka Mbagathi oo aad moodo geddigood in aynan maanta war u hayn xaqiiqada dhabta ah ee ka jirto adduunka iyo xaalada dhabta ah ee ummadda Soomaaliyeed ku sugan tahay.

Kooxda SRRC iyo kaabahooda isku Soo duub waa rag aan aan lahayn siyaasad cad oo dhan loo raaca leh, raggan geddigood waxay ku caam baxeen isbedbedel joogta ah taana waxaa kala mid ah saaxibadooda iyagana ku jiro isbahaysiyada kale ee ka jiro waddanka, raggan laba iyo saddex maahine ma jiro mid leh maleeshiyo xoogan oo uu ku difaaco siyaasadiisa, hogaamiya kasto oo ka tirsan SRRC gaar ahaan kuwa maleeshiyada leh waxuu leeyahay mucaarad maleeshiya ahaan ka xoog badan ama u dhigmo ee ku jiro isbahaysiyada kale sidi kooxda shaamo iyo G8. kooxdan malaho awood ay ku mideysan yihiin iyo xisaabo siyaasadeed oo kulmiyo iyo deegaanno is xigo oo ka tarjumayo siyaasadooda iyo xoogooda, dhinaca lagu tuhmo ee la jirka Itoobiyo iyo hubka ay ka helaan waxaan aniga u arkaa in ay tahay heshiis ku meel gaar ah waayo sidaan kor ugu soo tilmaamay hogaamiyayaasha Soomaaliyeed dhamaan waxay leeyihiin sifaha uu leeyahay dhurwaa mana ahan dad balan ka dhaco oo ka tarjumayo jiritaan hadaf asaas u ah siyaasadooda iyo meel loogu soo hagaago, hogamiyayaashaan in ay leeyihiin sifaha dhurwaa buko oo aan meel loo raaca lahayn waxay si dadban faa iido ugu tahay ummadda Soomaaliyeed iyo dalkeeda oo ay adkaanayso in si sahal ah loo maamulo iyada oo raggan loo adeegsanayo fulinta danaha deriskeena cadowtooyada ku gaamurtay . G8 waa kooxda ugu daciifsan isbahaysiyada ka jiro waddankeena waana koox ka abuurantay garasha yari siyaasadeed iyo yasnaan mar walbo uga soo urto dhinacyada isku haayo maareynta ama gacan ku dhigida awooda dalka ,kooxdan waxay leeyihiin sifooyinka saaxibadooda kale ee ku jiro SRRC iyo kooxda Shaamow iyo ururada loogu yeero urarada bulshada oo aan ayaga lahayn wehji loogu soo hagaago, kooxdan culayska dhibaatada wadanka ka jirto gacan ayey ku leeyihiin sida kooxaha kale laakin ayaga waa soo dhowaan lahaa damacooda siyaasadeed in cagaha dhulka loo dhigo waa hadii ay timaado awoodaha waaweyn oo ay maseyrka ka qabaan oo xal u helo khilaafaadka ka dhexeeyo ,taana maanta jidkeeda lagumo taagno.

Kooxda Shaamo siyaasadooda waa mid ka abuurantay diidmo la isaga kaashtay qorsha ay ka aqristeen qaab u socodka shirka Mbagathi oo ah in iyaga lagu dabar goyhaayo mustaqbalkooda siyaasadeed ee ku aadan Soomaaliya waxaana taa kala mid ah SRRC oo sidooda u abuurmay shirka Carta keddib ,kooxdan ma kulmiyo mabda midabkuu doono ha laheedee taana waxaa daliil u ah dowladda ku meel gaarka ah raga ay gacansaarka maanta la yeelatay waxaa ka mid ah hogaamiyihi ugu firfircoonaa ee diidma qayaxan kala hor yimid guusha ay doonaysay in ay kala soo baxdo deegaanka gobalka Banaadir iyo deegaanada koofureed oo ay gacanta ku haayaan maleeshiyada jufada uu ku abtirsado Madaxweynah DKM oo aan iyaga deegaan ahaan ka tirsanayn dadyowga Soomaaliyeed ee dego goballada koofureed ee dalka, weli ma jirto xal loo helay ama jidkiisa lagu taagan yahay arrinti abuurtay in uu hogaamiyahaas ka horyimaado DGM oo uu ku eedeynayay in ay maleeshiyada jufada uu ka soo jeedo Dr Cabduqaasim xoog ku haysato qeyb ka mid ah deegaanadda ay ku abtirsato beesha Mudulood oo uu ka soo jeedo Muusa suudi yalaxow. Kooxdan Waxeey kala mid yihiin SRRC iyo G8 isbedbedal joogta ah oo ku yimaado ugana yimaado hadba fara gelinta siyaasadeed ee dibadda looga haayo arrimaha dalkeena wejiga ay yeelato.kooxdan wada jirkooda siyaasadeed mudadiisa ama dhicidiisa waxay ku xiran tahay dhicitaanka taariikhda muddada jirataanka SRRC iyo kaabahooda oo iyada ku eg dhamaadka Shirka Mbagathi oo lagu tilmaamo shir lagu heshiisiinayo ummadda Soomaaliyeed oo aan loo dhamayn.

Ujeedada maqaalkan marki aan u dhaadhacno waa dhurwaa meel laga qabto ma laho iyada oo aan loo helin libaax dhirbaaxsho la haleelo goonkiisa tusana qaybta ugu weyn ee qaybsiga awoodda dalkeena in uu leeyahay shacabka oo isku duuban una siman xuquuqda waddanka guud ahaan ,nin walbo oo awood loo magacaabana uu ku yimaado kartidiisa shaqsigaa iyo iyada oo deegaan walbo gobal ahaan dadkiisa u madax banaanaadaan maamulkiisa hoose marka laga reebo arrimaha guud oo ay dowlada ku leedahay goballada wadanka.

Soomaliweyn arrimaha ay heshiis ku yihiin waa ka badan yihiin arrimaha ay isku khilaafsan yihiin , haddaba sua aasha waxay tahay sidee loo abuuro gole ay ku bahoobaan waxgarad Soomaaliyeed ee u dhigmo golahi SYL una dhaqaaqo ka xoraynta waddankeena iyo dadka Soomaaliyeed cadowga gudaha oo ka abuurmay damac shaqsi iyo qabiil lagu habarkacsadoo oo aan danahiisa loo maqnayn kol haddii danta guud ee qabiil walbo ku jirto waddanka oo cagaha dhulka loo dhigo nabadna lagula wada noolaado iyo cadowga dibadda oo tabartiisa gaaban tahay nolashiisana ku xerantahay ka adkaashada codowga gudaha, waxaa hubaal ah ama sidaa u muuqdo in shirka Mbagathi lagu soo dhisayo maamul u dhigmo kii Carta ama ka liito ujeedooyinka laga leeyahayna ay ku kooban tahay adduunweynaha maanta ah hal qudbi in loo sheego waa kaa waad aragtaan in aynan Soomaali lahayn dan mideyso oo ay ku heshiiyaan sida kaliya ee laga yeeli karana ay tahay in dib loo qeybiyo laguna kala daro dowladaha deriska la ah si loo soo afjaro nabad darro saameysay geeska Africa oo dhan.

Cadowgeena meeshuu doono ha u soo maro dabargoynta jirataanka ummadda Soomaaliyeed ,haybadeeda iyo ku abtirsigeeda diinta islaamka marnaba ma dhici doonto in uu taa guul ka gaaro waayo waddankan wuxuu leeyahay ilaah caadil ah oo cid walbo xaqeeda siiyo iyo rag aan aqbalayn khiyaanooyinka cadowgeena maleegayo wax kasto oo ay ku qaadatana ka hortagayo in ay danaha cadowgeena hiigsanayo ka hirgalaan waddanka Soomaaliyeed.

Soomaali maanta waxaa hortaal oo lama huraan ah in waqtigeedi la galay in wiilashadeeda uu ka soo baxo mid,laba iyo ka badan oo ka damqado, gartana in uu naftiisa u huro soo celinta haybadi Soomaaliyeed, kala danbaynti sharciga oo lagu tuntay mudda dheer welina ay xumaan qabayaal dadaal xoogan ugu jiraan in foolxumadaa aan ku sii jirno.

Abdallah Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul