Waxaa
la arki jiray ama lamaqli jiray waraabe layska cayriyo ama
ladilo maanta waxaan Argnaa ama aan maqalnaa warabihii
layska cayrin jiray ama la dili jiray inuu noqday Garsoore
taasna waxaa usii dheer inuu noqday macalin dadka waxbaro
waa arin ku cusub tariiqda .Aan taariiqda
dib ugu laabano si kooban oo dul mar ah iyada oo
aan lasoo koobi karin .Anoo ka bilawaayo meel dhaxe
waqtigii ay somaaliya soo wajahday dhibaato gudaha
iyo mid dibada ah si looga faa‘iidaysto tan
maanta taagan loogana gudbo .
Sanadku
makuu ahaa 1414 dhulka ay maanta degan yihiin dadka loo
yaqaan somaali wuxuu Ahaa mid aad u xoog badan waana isku
xirnaa diin ahaan dhaqan ahaan waxaana hogaanka u haayay imaamyada
ugaasyada saladiinta iyo cullimaa‘udiinka iwm.
Waxaa dagal ku
soqaaday isla
sanadkaas xabshida
waxaa dhacday in dhagta dhiiga loo daray
waxaana loo gaystay qasaare xoog badan waxaana laga
qabsaday dhul aad u balaaran .
Sanadku
markuu
ahaa 1415 waxaa dhacay dagaal qabiileed oo aad u daba
dheeraaday dhib xoog lehna gaystay , xabashidu waxay ku
fakirtay inay ka fa‘iidaysato waxayna soo qaaday dagaal
culus waxayna dib uqabsatay dhulkili hore loo qabsaday
waxayna ku darsatay dhul kale waxayna ku istaagtay
Saylac.
Waxaa
dhacday inuu fakar dhasho, oo lagu fakiro sidii xabashida
laysaga dhicin lahaa
waxaa ugu horayntii lagu fakiray sidii dagaalka
qabaa‘ilka loo
joojinlahaa , markii lagu gulaystay joojinta dagaalka
qabaa‘ilka waxaa lagu fakiray sidii umuda ay kawada
dhaxayso diinta kaliya sidii loo midayn lahaa waxaana la
go‘aamiyay in la bixiyo magac kawada dhexeeyo umuda mid
kawada dhiga dhamaantood si arinta qabiilka meel laysaga
tuuro waxaana labixiyay magaca maanta naloo yaqaan ee ah soomaali
waana laysku wada wafaqay intii u dhaxaysay 1415-1429
waxaana labilaabay in dib laysugu ururiyo magacaas
xabashidana layska dhiciyo oo laga xureeyo dhulkii ay
qabsatay .
Intii
udhaxaysay 1506 –1543 waxaa hogaamiyayasha ka mid ahaa
oo qabtay hogaanka dagaalka imaam axmed
alghaasi
allaha u naxariistee waxaa suurto gashay in dib laysaga
xureeyo xabashida dhamaan dhulkii ay qabsatay laga soo
celiyo waxaana
laga sabarsiyay inay dagaal danbe ay ku fakirto
wuxuuna fakirkii xabaashida usu rogay inay kaalmo
waydiisato quwado kale ama heshiisyo sir ah ay lagasho si
ay danaheeda ay ugaarto.
Sanku
markuu aahaa 1824 waxaa magaalada muqdisho yimid kabtan owen
Kasoo ka talinaayay mudo sagaal sano ah mombasa
.Markuu kabtan owen
uu yimid muqdisho wuxuu codsaday inuu ilaaliye ka naqdo
xeebaha somaaliya
waxaana arinkaa ka diiday hagamiyayaashii dhaqanka ee
magaalada muqdisho.waayo waxay xiriir la lahayeen
saldanadii kajirtay sansibaar tasoo ka dhexaysay xiriir
dhan walba ah. inkastoo ay ku kala qaybsameen fikirka
hogamiyaashii dhaqanka ee marka iyo kuwii muqdisho. kabtan Owen
markuu u ban dhigay dowaladiisii waxay amar
ku siisay inuu asaga tago Somaliya kuma gulaysan
safarkiisa uu ku soogaaray magaalada
muqdisho wuuna isaga tagay
Sanadku
markuu ahaa 1825 kii waxaa dhacday inuu ingariis
go‘doomiyo xeebaha somaaliya
Kuna
godoomiyo marakiibta dagaalka sababta go’doonka uu u
sameeyay waxay aheed
Dhibaato
ka dhacday dekada barbara
kadib markii lagu qabsaday dekada markab uu lahaa
ingariis oo ku xertay dekada magaciisa waxuu ahaa(
MARI AN ) waxaana go‘doonka laqaaday markii la
dhiibay magdhow oo uu codsaday ingariiska tasoo dhameed (6000kun
oo gani).
Sandku
markuu ahaa 1827 waxaa
heshiis dhaxmaray hogamiyayaasha dhaqanka ee waqooyi iyo
ingariiska waxana
dib u bilawaday inay marakiibta ingariiska ay dib ay ugu
soo xirtaan dekada barbara.
Sanadka
markuu ahaa 1839 waxaa dhacay dhiblabaad
dekada barbara
sidoo
kale waxuu ka dhacay dhibkaas markab uu lahaa ingariiska
waxaana dhacay dhimasho dadkii markabka saarnaa,
Ingariiska wuxuu go‘doon galiyay
xeebaha somaaliya wuxuu dalbaday magdhow gaaraysa 15
shan iyo toban kun oodolar
markii labixiyay
wuxuu qaaday go‘doonkii . isla Sanadkaas ayaa
hadana dib loo heshiiyay bishii
november wuxuuna heshiiska ka dhaxdhacay ingariiska
iyo xakinkii barbara
waxayna ku heshiyeen inuu lawareego maamulka dekada
ingariiska. tasoo u
ahayd ingariiska fursad wayn uu helay waayo wuxuu horay u
joogay dekada cadan tasoo
fursad usiisay inuu isku xiro labada dekadood awood
buuxdana uu uhelay mamulka gacanka ilaa hindiya.taasna
dhabar jab ku noqotay shirkadihii kale ee reer galbeedka
Waxaana bilowday tartan loo tartamaayo xeebaha bariga
afrika,kadib markii uu ogaaday ingariiska inay taranka ay
ku jiraan talyaaniga iyo farnsiiska
Talyaaniga oo
isaga joogay eretereya iibsadayna dekada casab 1839 .
Fransiiskana
oo uu jogay xeebaha
jabuuti,
ingariiska
isagoo iska rixaayo fransiiska ayuu wuxuu talayaniga kula
taliyay inuu tago xeebaha konfureed
ee somaaliya .
Hogaamiyahii
talyaaniga ee lagu magacaabi jiray okiyaale
wuxuu heshiis sir ah lagalay
sanadka markuu ahaa 1887
ibaradoorkii xabashida ee mililik
isagoo sabab ka dhiganaayo dilkii la dilay
sahmiyayaashii talyaniga ahaa ee sahminaayay dhulka
somalida waxaana lagu heshiiyay inuu talyaniga gacan ku
sinaayo qabsashada magaalda harar iyo dilka baqorkii
dhinac ka xukumaayay itoobiya ee ladhihi jiray (jon),
sanadku markuu ahaa 1888 waxaa ladilay boqorkii jon
,mililik waxuu noqday midka kawada
taliya dhulka xabashida waxayna ku saaxibeen talyaninga.
Okiyaale
waxay noqotay siyaasadiisa
mid gulaysato itobiyaanka waxay talyaaniga u
wakiisheen inuu mas‘uul uu uga naqdo siyaasasada dibada
Sanadku
markuu ahaa 1888 qunsulkii u joogay sansibaar talyaniga
waxuu heshiis lagay suldaankii xukumayay sansibaar
inuu talyanigu ilaaliye
kanaqdo sansibaar.
Sanadku markuu
ahaa 1889wuxuu talyaaniga heshiis laglay hogamiyaasha
dhaqanaka ee konfur somaliya wuxuuna yimid xebaha
konfureed ee somaaliya .
Waxaa
dhacday inuu qilaaf ka dhaxdhaco shirkadahii
talyaniga iyo kuwii ingariiska xabashidana waxay ka
noqotay dhex dhaxaadiye si ay danteeda dhul balaarsiga ay
ugaarto. Sanadku ahaa 1891 qilaafka waxaa lagu xaliyay
inuu talyaaniga joogo xeebaha konfureed ee somaaliya
igariiskana xeebaha waqooyi ee somaaliya shirkadaha waxaa
loo calamadeeyay xuduudo kala qay biya ,taasna waxay
keentay in somaaliya loo aqoonsado dhul lagumaysto ,
ingariiska iyo talyaaniga iyagoo kala qabsanaayo dhulka
somaaliya talyaniga wuxuu dalbaday
inuu xukunkiisa ay hoos yimaadaan saylac , iyo
harar isagoo waxba la socodsiin mililik
taasna waxaa ka xumaaday itoobiyaanka waxay
bilaabeen inay
qoraalo u diraan calamka iyagoo ka dacwoonaya arintaas
dalbashada saylac iyo harar , talyanigana wuxuu udiray
wafdi itoobiya isagoo ku qan cinaayo mililik
una sheegaayo in arinkaan ay ku heshiiyeen talyaniga iyo
ingariiska 1891mars tasoo lagu qeexay xuduudaha .sanadku
markuu ahaa 1894dii may waxuu irinku ku dhamaatay sida tan
ogaadeen inuu u taliyo talyaani hawdna
ingariis .sanadku markuu ahaa 1895 somaaliya waxay noqotay
mid ay isku haystaan taliyaani fransiis ingariis iyo
itoobiyaan. kala qaybinta somaaliya waxa ka fa’iidaystay
itoobiya waxana
luntay maslaxadii umada somaaliyeed ‚waxaa dhacday inuu
dagaal dhaxmaro talayaniga
iyo itoobiya 1896 waxaana lagu jibiyay talyaniga okiyaale
waxa laga wareejiyay katalintii aramiha dibada ee
itoobiya dawladaha reer yurub waxay itoobiya u aqonsadeen
mid ayaheeda kaligeed katashan karto gacana aysiin donaan
hadii ay u bahato, arinkaa waxaa si wayn usoo dhaweeyay
fransiiska itoobiya waxay noqotay mid ay rali galiyaan
dawladaha isticmaarka waxayna dheeshay dawr siyaasadeed ay
ku qarinayso xuduudkeeda si ay ugu gorgortanto, waxay ka
dhigtay xaduudaheeda mid lagu wareero
Itoobiya
waxay hashiis sir ah la gashay ingariiska sanadku markuu
ahaa 1897wuxuuna heshiiskaas dhexmaray mas‘uulkii
ingariiska ee ladhihi jiray (lord
raniil)iyo ibradoor mililik,waxaana
lagu heshiiyay ingariiska inuu gacanta u galiyo dhulkii
somalida waxuuna ahaa dhulkaas (hawd)
taasna markii ay somalida ogaatay waa ay ka xumaatay
waxaana kadhashay in la‘ aas aaso jabhado xureen ah,
waxaana kamid ahaa darawiishta.
Xabashida
waxay ku gulaysatay inay somaalida ay galiso dagaal sedex
gesood ah iyadana ay ka qab gasho dagaalkaas is ay
somaalida u baaba’do guushana aay ku raacdo
Waxaa
bilawday dagaal looga soo horjeeda dhamaan gumaysiga
noocuu doono ha naqdee dagaalkaas waxaa gacan ku
siinaayay somaalida jarmalka iyo turkiga iyo wadaada
carabta.
Sanadku
markuu ahaa 1920 waxaa istaagay kalmadii ay somalidu
kaheliysay jarmalka iyo turkiga waayo waxay galeen dagaal
waana lagu jibiyay. itoobiyana waxay noqotay mid ku ad
kaato dagaalkaas darawiishtana waxay noqotay
mid aad u tarbar yar
Sanadku
markuu 1934 ingariiska wuxuu kadalbay itoobiya heshiis
lagu calamadaynaayo xuduudaha , ingariiska wuxuu uga
tanasulay itoobiya dhulkii ay laheed somaalida isgoo ku
raali garaynaayo xabishida talyaaniga isagoo aan raali ka
aheen isagana waa uu ka tana sulay
Dhulkii
somaalida qilaafkooda manoqon mid dhamaada talyaniga iyo
xabishida waxaana halkaas lagu kala calamadeeyay xuduudaha
gumaysiga talyaaniga faransiiska iyo ingariiska.gumaysi
walba isgoo raali galinaayo xabashida.arinkaa waxaa kawada
xumaaday dhamaan somaalida waxaana dib u bilowday dagaal
loogu magacdaray jihaad kasoo ay u wada dhameed somaalida
meel kasto ay joogto iyo wadaada hogaamiya dariiqooyinka
suufiya sida Axmadiya qaadariya
salixiya iyo dhamaan culimada somaaliyeed meel
kasta ay jogaan dagaalkaa waxaa ka qaybgalay tiro kabadan
40kun oo somaali ah .
Talyaaniga
oo aan raali ka aheen bixintii uu bixiyay ogadeen qilaafna
uu ka dhaxeeyay itoobiya si uu u kasbado somaalida isgoo gacansiinaayo ayuu kala qayb
galay waxaa jihaadkaas looga soo celiyay dhamaan dhulkii
lasiiyay xabishida waxayna guusha ku raacday somaalida
sanadkii 1936dii dhamaan mujahadiintii dagaalantay waxay
doorteen ka casimo ahaan inay tagaan magaalada muqdisho
dhamaan toot waxay degeen degaan ahaan muqdisho
Oo
markaa dhamayd tirakoob ahaan dadka degan magalada qiyaas
ahaan 60kun oo qof
Sanaku markuu
ahaa 1941 waxaa dhacday talyaniga inuu ku jabo meelo
kamida bariga afrika awoodii uu lahaa fashiistaha ay
baaba‘do kasoo kacan siinaayay jarmalka
laguna jebiyay dagaalkii labaad ee aduunka wuxuu ingariiska gacanta ku dhigay ilaalinta xeebaha
koonfureed ee somaaliya.
Sanadku markuu
1942 xabashidu waxay hashiis lagashsay ingariiskii waxayna
ka dalabtay inuu ku soo wareejiyo dhulkii laga xureyay
iyadoo sheganayso inay leedahay somaalidana ay xoog ugu
qadatay dhulkaas. Isla sanadkaas waxay xabashidu ku soo
rogtay dhulkaas amar ay iyadu ku qadayso canshuurta,
shacabka dhulkaas kunool waa uu ka xumaaday arinka wuxuuna
dhigay mudaharaad uu arinkaa ugu soo horjeedo
hogaamiyayaasha dhaqanka ee goboladaas waxay dalbeen inay
lakulmaan hogaamiyahii ingariiska ee siiyay itoobiya
dhulalkaas si
ay uga wadahadlaan una sheegaan inuu
dhulkaas yahay dhul somaaliyeed uusan aheen dhul ay
itoooboya ledahay kulankaas wuxuu ka dhacay magaalada
muqdisho oo ah magaalo madaxda somaaliya .Itoobiya waxay
ku fakirtay inay qatar soo wajahday markii ay arinkaas ay
ka war heshay waxayna ku fakirtay inay arinkaa ka hortagto
waxayna bilawday inay laaluush ay u qaybiso
hogaamiyayaasha gobaladaas waxayna ku gulaysatay arin
uusan marnaba ku gulaysan gumaysigii somaaliya jogay
waxayna aas aastay urur waxayna usu magacabeen (ururka
midnimada isdhaafsashada gargaarka somaaliya)wax taageeray
oo somali ah ma jirin .
Sanadku
markuu ahaa 1943-23kii may
waxaa laga aas aasay magalada muqdisho ururkii syl
waa
ururkii ugu waynaa somaaliya kasoo gaaray meelkasta dhulka
somaaliya ayna ku wada midaysnayeen dhaamaan umada
somaaliyeed meel kasta ay jogaan
.
Talyanigu
waxuu ku mashquulay dhexdisa waxaa dhacday in la‘riddo
dowladii fashiitaha halkaas ay ka dhalato dawlad cusub,
kuwii riday fashiistahii waxay dib usoo nolayeen
istsicmaarkii waxayna somaaliya isku qabsadeen ingariiska
oo lawareegay dhamaan somaaliya waxaa qilaafkoodii soo
dhex galay dowlado waa weyn sanadkii 1946 qilaafkoodii ma
uusan helin wax xal ah. isla Sanadkaa wuxuu ku dhawaaqay
wasiirka arimaha dibda ee engariiska bayfin
hadii uu ingariiska naqdo midka ka masuulka ah somaaliya
inuusan ka hor imaanayn midnimada somaaliya waqooyi iyo
konfur inay
ahaanayan siday hada yihiin somaali wayn uu mid kadhigaayo,
waxaa hadalkaas ka xumaaday itoobiya oo canbaaraysay
ingariiska hadaladii wasiirka arimaha dibada waxaa kaloo
kasoo horjeestay dowlado waa weyn, hadalkaas ma aheen mid
somaliya xurnimo gaarsiinaayo lakiin wuxuu ahaa mid
midaynaayo dhamaan somaalida .
Isla
Sanadkaas ama hadalkaas kadib itoobiya waxay bilowday inay
ku dhaqanto siyaasadeedii
Kudhisneed
qiyaamada waxayna bilawday inay soo dhawayso
hogaamiyayaasha dhaqanka ee ogadeen waxayna u qay bisay
waraaqo casumaad ah iyadoo leh waxaa tihiin martida
rasmiga ah waxayna bilawaday inay lasamayso xeriir
saxiibtinimo wayna kala qaybisay iyadoo adeegsanayso
dhaqaale waxaana dhacday qaar inay kasoo hor jeestaan
ingariiska qaarna ay lajirsadaan xabashida . sanadku
markuu ahaa 1947 waxay UN KA soo gaarsiyeen dacwo ay kaga
dacwonaayaan igariiska
ayna ku dalbayaan itoobiya lakiin shacabka ogadeen arinkaa
raali kama aheen wuxuuna dhigay mudaharaad uu arinkaa ugu
soo horjeedo waxaana dhacday in laysku dilay
mudaharaadkaas .
Sanadku
markuu ahaa 1947 ururkii somalida ku midaysneed waxaa
qasab ku noqotay inuu magaca badalo wuxuuna labaxay ( jabhada dhalinyarada somaliyeed )
Sanadku
markuu ahaa 1948 talyaanigu waxuu adeegsaday laaluush
isgoo lacag adag siinaayo dabadhilifyadiisa waxaa loo kala
baxay labo qaar rabo talyaaniga iyo qaar kasoo horjeeda
Waxaana
dhacay mudaharaad looga soo horjeedo iyo mid lagu
tageersanyahay talyaaniga
UN
ka waxaa waqtigaa u joogay magaalada muqdisho indha
indheyayaal qilaafka talyaniga iyo ingariiska .waxayna
kala ahayeen (ingariis maraykan iyo fransiis iyo ruush).
Igariiska
wuxuu aminsanaa inay isga ay dalban donaan hadaladii
wasiirkiisa arimaha dibada
awgeed talyaaniga wuxuu aminsanaa mudaharaadkii ay
arkeen indha indheeyayaasha inuu noqdo midka
kugulaysaanayo somaaliya
23dii
setembar1948 xukunkii ingariiska ee ogadeen waxaa la
wareegay itoobiya ingariiska wuxuu ku guul daraystay
midnimadii somaaliya ee uu sheegay si uu ugu wada taliyo
somaaliya oo dhan . ingariiska waxuu kaloo uu arkay
arinkaa inuu ugu tanasulo talyaaniga madama uu talyaniga
ku jabay dagaalkii labaad ee aduunka si uu uga soo kabto
dhawicii garay indha
indheyayaashii waxay ku labteen newyork waxayna arinkii
hor dhigeen wasiirada arimaha dibada ee UN ka waxaana
go‘aan lagu gaaray inaysan noqon tan Somalida konfureed
ilaalisa faransiiska iyo ingariiska midnaba
Sanadku markuu
ahaa 1949 bishi novembar 21kii ma dhicin waxay rabeen
umada somaliyeed inay ka xuroobaan gumaysiga tasoo ay
aminsanayeen fikirkaas dawlado badan oo aduunka kamid ah .
wuxuu UN ka go‘aan ku gaaray in mudo 10sano ah
lagaarsiiyo xurnimada somaaliya uuna masuul ka naqdo
talyaaniga mudadaas, waxaana la magacabay dawlado talada
la wadaaga talyaniga ay kamid yihiin (philipine kolombiya
masar )
Sanadku
markuu ahaa 1956di bishii agoosto 25tii markii ay soo
dhawatay xurnimada somaaliya ibaratoorkii itoobiya wuxuu
bilaabay qudbado uu ugu soo horjeedo Somaliya inay xor
noqoto waxaana
qudbadihiisa ka mid ahaa somaaliya inay kamidtahay famil
waynaha itoobiya mustaqbalka somaaliya waa inuu kamid
noqdaa itoobiya kasoo qudbadaas ka jedin jiray meelkasta
uu tago iyo munasabad kasta .
Sanadku
markuu 1959bishii febraayo markii lagu dhawaqay inay
somaaliya ay qadantoonto xurnimadeeda sanadka soosocdo
ingariiska wuxuu cadeeyay inuu sahli doono wada hadalka
somaalida meelkasta ay jogaan arinkaa waxaa canbaareeyay
itoobiya muujiyayna inuu kaxunyahay
hadalkaas waxayna itoobiya go‘aansatay inay
arinkaa kahortagto ibaradoorkii itoobiya wuxuu bilaabay
inuu calamka uu usafro
wadamadii uugaaray waxaa ka mid ahaa ruushka oo
gacan weyn siiyay waxuuna ka helay gargaar xoogleh waxaana
lasiiyay dhaqaale dhan (100kun
oo milyan) si uu uga hortago midnimada somaaliya .
Ingariiska
waxay ku kaliftay inuu fakirkiisa kalaabto si uusan
uxumaan xiriirkooda itoobiya, Sanadkii 1960kii maykmilan
wuxuu qudbad ku sheegay inuu gacan ka gaysaneen midnimada
somaaliya taasna waxaa ku lumay somaali weyn ,
markii
mile sanaawi xukunka itoobiya uu helay wuxuu dib usoo noo
leeyay siyaasadihii hore
kama waan toobin . ogow aqristoow tariiqda inay soo
laba kaclayso somaalida
qaar ka mid ah waxay ilaabeen tariiqda iyo siyaasadii ay
itoobiya ku dhaqmi jirtay ,taasi waxaa ka daran
filinka
laga daray dalka keenya ay jilayaan TOM AND JERY oo
dawadayaasha aysan marna kadalin dawashadiisa,
waxaa
iga su’aal ah oo aan rabaa inaan idin waydiiyo goortii
ay somaaliya kala kulantay
wax wanaaga ah waraabe dadow ?
Ilahay
hanaga dhigo umad kala garato , ninkii dilay , ninkii u
deeqay , ninkii u digay ,
kuwa
leh dantiina gaara hadaynaan kafiirsan waxay dhuminayaan
dantooda iyo dalkadooda
meel
cidlaha way soo istaagi waxayna
noqonayaan kuwa la’gumaysto,warabayaasha danta
ugu wayn ay lee yihiin waa mid qura waxayna rabaan inay
calamka tusiyaan somaaliya inay tahay dal aan dadka kunool
aysan isu talin karin dawladna noqon karin warna aan
maqleyn hadii dawlad loo samayn lahaa. Waana meel ay
argagaxisadu ay ku dhuumato , hadii ay taas laga aqbalo
tan ku xigta waa in somaaliya xoog lagu qabto qabsashadaas
waxay rabaan inay iyaga hogamiyayaal ka noqdaan ama kuwo
laga la tashado sidii loo qaban lahaa gacan weyna ay ka
geestaan . somaaliyana waxay noqonaysaa falastiinta afrika
fac kafac waxaa lagu jiri donaa dagaal aan dhamaad laheen
. falastiin waxaa daris la’ah dawlado waa weyn oo uu
cadowgooda hal kaliya yahay soomaaliya waxaa dhinac kaxiga
bad weyn dhinac labaad waraabe dhinac sedaxaad waraabe
dhinaca afaraad dowlad yar aan tabar saas uweyn laheen
marka waxay ilatahay dhamaan in laysku wada shubi doono
bada cidii ka harta gumaysiga inay
kabaha u qaadi doonto, anagaa diidnay inaan wax
qabsano hadal iyo dhamaantii waxaan hadalkayga ku
gunaanada bada inata nooga dhimatay
kuwo kuwaana qaato allaha naga dhigo.
Nin
abeeso koriyoo adigaa u aayee Axdi malaha xabashidu lagu
aaminee
Raali
halaga noqdo hadii aqriskiisa aad dhibaato kala kulantaan
waadna mahad san tihiin
Abdullahi
maxamed nuur
Abdullahi05@swissonline.ch
Wariye mudulood.com
___________________________________