
Waxaay
madaxda Golaha Midnimada Mudullood iyo xubnihiisa
dhamaan iyaga oo aad uga mabsuuday sida quruxda badan ee
loo soo agaasimay shir ku dhex maray ururo soomaaliyeed
ee isku bahaystay gole ay ugu magac dareen golaha
samatabixinta Soomaliya kana dhacay degmada Balcad ee
gobalka shabeelada dhexe shalay oo taariikhda ahayd
30/09/2003 loona doortay Gudoomiyaha golaha Mudane Muusa
Sudi Yalaxow in ay ka digtoonaadaan in golahan maro
waddooyinki caadada u ahayd habadhaqanki ururadi sidaa
oo kale u abuurmay waddanka Soomaaliya gudihiisa iyo
dibadiisa saddex iyo tobanaki sano ee u danbaysay ee
waddankeena ku jiray jahwareer siyaasadeed iyo kala
danbayn la’aan saamaysay nolasha ummadda Soomaaliyeed
guuda ahaan.
Waxay
GMM ka digayaan in uunan ururkaan ahaan mid ka saan
qaaday dareen dhiifoon ee ku aadan in siyaasada ururada
ku bahoobay golaha samatabixinta Soomaaliya arkeen Qatar
ku soo fool leh ee wax u dhimo karto jiritaankooda siyaasadeed
iyo gacan ku lahaanshaho danbe ee talo goynta arrimaha
dalka iyo dadka Soomaaliyeed balsa ay ahaato mid ka
ambaqaaday garasho garaad siyaasadeed ee ku soo kordhay
ururadan ku bahoobay golahan ee ku aadan xaalada cakiran
ee ka jirto waddanka guud ahaan iyo shir walbo oo lagu
qabto waddanka dibadiisa in uunan ahayn mid ka tarjumi
karo gaarista himilada ay tiigsanayaan ummadda Somaaliyeed
oo ah in waddankeena dib ugu soo noqdo sharciga oo lagu
dhaqmo iyo kala danbaynti lagu tuntay iyo in shaqsi,
koox ,gobal kasto iyo reer kasto gaaraan xuquuqda ay
leeyihiin si kalsooni, is xildhowr iyo ixtiraam la is
dhaafsado ku jirto.
Waxay
GMM siddoo kale baaq u soo jeedinayaan ururada kale ee
Somaliyeed ee ku shirsan Dalka Kenya magaalada Nayroobi
iyo ururadaan xagana jirin intana aan jiran in aynan
abuuritaanka golahan u arkin cadowtooyo looga soo
horjeedo iyaga balsa ay u arkaan tilaabo wacan oo horay
loo qaaday ee ku aadan samata bixinta ummadda
Soomaliyeed abuuri kartana in ay goor dhow timaado shir
lagu qabto dalka gudihiisa kana madaxbanaan faragelin
shisheeya loogana hadlo ayaatiinka ummadda sidi meel la
isula dhiga lahaa guulna looga soo hoyn lahaa.
Mar
kale waxaan golaha Samatabixinta Soomaaliyeed u soo
jeedinaynaa in ay u dhaqaaqaan kordhinta wacyiga ururada
ku bahoobay golahan ,horumarinta golaha dhisma ahaan
dhinac walbo leh, doonista iyo ka shaqaynta balaarinta
ururada ku bahoobay golahan iyo doonista in ay xiriir la
sameeyaan cid kasto oo soomaaliya si ugu danbayn u
abuurmo jawi abuuro karo soomaali oo gudaha dalkeeda ku
shirto meelna isla dhigto aayatiinka waddankeena iyo
dadkiisa.
Waxaan
dhamaan ummadda Soomaaliyeed iyagana ugu baaqaynaa in ay
golahan garab ku siiyaan tilaabada ay qaadeen si ay u
noqoto mid loo dhamaado soona gabagabeyso dhibaato
ummaddeena ku dabadheeraatay tan iyo inti reer walbo oo
soomaaliyeed ku hamiyay in uu wiilkooda ku fadhiisto
kursi ay qabiil ka danbeeyaan ama hogaamiyaha kursigaa
ku fadhiisto u dhaqmo nidaam xumadi iyo qabiil ku
dhaqanki xukuumadi aan ka gaddoodanay kursigana ka
tuurnay ee uu hogaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Bare
iyada oo badankeena aynan ku fikirayn in aan booskeedi
ku beddelno xukuumad caadil ah oo dadka Soomaaliyeed
sinaan,cadaalad iyo
wax wada
qeybsi ku dhaqdo.
Ugu
danbeyn waxaan mar kale golaha Smatabixinta Soomaaliyeed
u rajeynaynaa in uunan noqon mid ku tunto rajada ku soo
noolaatay inta badan ummadda Somaaliyeed oo ah in laga
badbaaday khatar ay gadaal kaga jiraan dalal shisheeyo
oo doonayay in uunan waddankan mar kale dib ugu istaagin
lugihiisa isaga oo ka maarmo faragalintooda siyaasadeed,
dhaqaale iyo milatariba.
Gudoomiyaha
ku Meelgaarka GMM
Xoghayaha
guud ee Golaha Midnimada Mudulood
Abdallah
Moalim Mahamud (siyaasi)