
Mudane
Guddoomiye adiga iyo xubnaha ka tirsan Golaha aad
madaxda u tahay waxaad
Soomaali weyn ugu baaqdeen shirweyne dib u
heshiineed ee lagu qabanayo dalka Soomaaliya gudihiisa
iyo weliba in aad dadaal dheer u gelaysaan in shirkaas
ay ka soo qeyb galaan dhamaan kooxaha Soomaalida ee isku
heysto gacan ku dhigida ilaha laga maamulo awooda dalka
Soomaaliyeed sidaa darteed waxaan idinka
codsnaynaa
in aad ka fogaataan dhamaan asbaabaha keeni karo
dayacaad ku timaado dadaalkas aad ku tilaabsateen
iyo in uu fashilmo shirkaas gogol dhigiisa ka hor
ama maro qabashadiisa keddib wadadi ay mareen shirarki
ka horeeyay oo geddigood lagu qabtay dibadda
dalkeena, fashilaada ugu weyn oo ku timidna
ay asaas u ahayd faragelin shisheeya oo qayaxan oo ay
wehelisay damac xume ku jiray kooxaha Soomaalida
qaarkood ee gacan saar la lahaa quwada shisheeye iyo
kuwa ku riyoonayay sadbursi iyo helitaanka qeyb aynan
xaq u lahayn..
Mudana
Muusa Suudi yalaxow waxaa dhegteena ku soo dhacday,
beryahana la hadal haayaa horana looga bartay in
Madaxweynaha DKM ee waqtigeeda dhamaaday uu dadaal ugu
jiro furitaanka deggada weyn ee Muqdisho iyo garoonka
diyaaradaha oo aan iyada ahayn arrin xun ku
dhaqaaqideeda laakiin aad moodo in uu doonayo waa Dr
Cabduqaasim Salaad in furitaanka goobahan laga hormariyo
qabashada shirka aad Soomali ugu baaqdeen golihiina
taasoo macnaheeda yahay in uunan dan sidaa u fog ka
lahayn guusha shir lagu qabto dalka gudiihiisa ama ka
shaqeynayno sidi uu mar kale u hanan lahaa jaga uu ku
hungoobay wedideeda kaddib marki uu ku dhaqmay
caadooyinka sababay in xukuumadi uu xubinta ka ahaa
madaxna uu ahaa M/Siyaad laga eryo gacan ku haynta
awooda dalka Soomaaliya
iyo isaga oo weli damac uga
jiro in uu cagaha dhulka u dhigo jagada uu sheegto
gacantana uu ku haayo in aynan farahiisa ka bixin.
Mudana iyo xubnaha Golaha Samata bixinta qaranka
Soomaaliyeed haddii aadan ka hotegina fakir ku salaysan
damac shaqsiya ama mid qabiil ciduu doona ha ka yimaadee
wuxuu sababi karaa dagaalo hor leh ee ka dhaco dalka
soomaaliya guud ahaan iyo Gobalka Banaadir iyo
deegaanada ku xeeran gaar ahaan oo ay taa idinka idiin
dheertahay in golahiina maro wadadi caadada u ahayd gole
walbo oo ka abuurmo laab lakac siyaasado aan si aad ah
looga baaran degin..
Mudana
waxaad gacanta ku heysaa fursad wacan oo sababi karto in
mar kale cagaha dhulka loo dhigo dowlad Soomaaliyeed oo
loo dhan yahay kuna dhaqanto sinaan iyo cadaalad ay
Soomaalida wax ku wadaagto, mudana waxaan kaala
talineynaa saddex arrimood ,waxaana kuugula talineynaa
saddex kale ,Mudana Yalaxow waxaan kaa codsanaynaa dhamaystirka fursadan ay Soomaali maanta heyso in aad u marto
alla ka cabsi ,adeegsiga caqligaaga adiga oo ka
fogaanayo damac shaqsiya iyo mid qabiil, ku dhaqanka
talooyinka wax ku oolka ah ee laguu soo jeediyo iyo
sabar dheeraad ah, iyo adiga oo
ka fogaado in aad qaar soo dhoweysato qaarna aad
fogeyso xubnaha ka tirsan golahaada iyo hogaamiyayaasha
Soomaaliyeed oo dhan, mudana talooyinka aan kuu soo
jeedineyno guusheeda waa haddii aad ku dhaqantee waxaa
iska leh adiga, dadka aad beel ahaan ka soo jeedo ,degaankaaga
iyo Soomaali weyn inta dooneyso in dalkeena lagu wada
noolaado alla ka cabsi, nabad,wada shaqayn iyo is
ixtiraam.
A)Mudana
waxaan kaala talineynaa saddex arrimood.
1)
Gogasha aad dooneysaan in aad Soomaaliweyn isugu
yeertaan in aynan ahaan halka gogasha la dhigayo dhul
ama deegaan dadka tira ahaan ku badan deegaankaas aynan
ka talin ama gacan ku heynta awooda maleeshiyeed ee ka
jirta aynan tala ku lahayn.
2)
martigelinta xubnaha ,shaqsiyaadka iyo kooxaha ka
soo qeyb galayo gogasha aad ku taamaysaan dhigideeda in
aad ka fogaataan wecitaanka ama casumaad u fidinta ka soo qeybgalayaasha nin jecleysi ama neceyb aad u heysaan
koox, shaqsi ama
qabiil.
3)
Mudana waa midda ugu daran oo u baahan in aad la
timaadaan shaqo miizaanan si aad uga fogaataan in shirka
aad gundhigiisa ku jirtaan ay gacan faragelin ama wax ka
dhihid dhinac u
janjeerto ku yeeshaan qaabsami
u socodka gogashaas dowlada shisheeya ha ahaadeen
dowladahaas kuwa idinku kaalmeeyay deeq dowr ka qaadatay
guusha qabashada shirkaas,kuwa aad u aragtaan
saaxibadiina iyo dowlado awooda ay dunida ku
leeyihiin aad kaga baqataan, mudana dhinaca kale shirka
iyo natiijada ka soo baxdo si loo aqoonsado waxaa muhim
ah lagana aan maarmin hay’adaha caalamiga ah,dowladaha
aan deriska nahay, dowladaha daneeyo arrimaha Soomaalida
iyo dowladaha waaweyn ee dunida in ay gogasha ka joogaan
goobjoogaayaal ku eg ka warhaynta qaabsami u socodka
shirka fara gelin la’aan .
B)Mudana
Yalaxow waxaan kuugula talineynaa saddexdan arrimood
1)Mudana
Yalaxow waxaa asaas u ah guusha shirka aad dooneysaan in
aad Soomaaliweyn isugu yeertaan loogana wada xaajooda
arimaha Soomaalida iyo dhibaatada kala gaartay si guul
looga gaaro in dhidibada loo aaso dowlad Soomaaliyeed ee
loo dhan yahay in aad horta ka shaqaysaan gogasha goobta
la dhigayo waxaana ugu horeeyo howlaha la idinkaga
baahan yahay idinka oo ogalaasha buuxda ee loo dhan
yahay ka helo dadka ku badan deegaanka aad dooneysaan in
aad dhigtaan gogasha taana waxay ku imaan kartaa idinka
oo ka shaqeeyo dhigida gogol ka horeyso tan Soomaaliyeed
oo ay ka soo qaybgalaan dhamaan oday dhaqmeedka beesha
deegaankaas degan oo
oda keen ah ,culumaa’udiinkooda, siyaasiyiintooda,
aqoonyahankooda, tujaartooda iyo hogaamiyayaasha kooxaha
hubeysan ee ku abtirsado beesha degan deegaankaas, mudana gogal aad u
dhigto baeesha iska leh deegaanka uu ka dhacayo
shirka keddib waa in aad weydiisataan
hogaamiyayaasha beeshaas aqbalaad buuxdo oo ay idin
siiyaan in aad deegaankooda ku dhigtaan gogol
Soomaaliweyn la isugu keenayo laguna xalinayo dhibaatada
kala gaartay iyo in ay ka tanaasulaan arrima badan oo
Soomaaliweyn kala dhexeeyo iyaga oo taa bedelkeeda
helayo in ay
iyaga noqdaan afar iyo toban sano oo dhibaato taxana ah
keddib beeshi ku guulaysatay in ay mar kale Soomaali oo
gacmaha is haysato deegaankooda ku heshiiyaan kuna
dhistaan dowlad Soomaaliya mar kale cagaha dhulka u
dhigto.
2) Guusha
taa hore keddib Mudana Muusa suudi yalaxow haddii aad
rabtaan in uu guuleysto shirweynaha aad soomaali ugu
baaqdeen waxaa idinkula talineynaa in aad meel iska
dhigtaan adiga iyo golaha aad madaxda u tahay in aad
gacanta ugu sareyso ku yeelataan maareynta gogasha aad
Soomaaliweyn isugu yeeraysaan ,waana in aad talooyinka
inta badan u deysaan akhyaar Soomaaliyeed ee lagu soo
xulay ixtiraamka ay ku leeyihiin Soomaaliweyn dhexdeeda
lagana keeno Soomaali degaanadeeda oo idil , guddigan
akhyaarta ka kooban howshooda ugu muhimsan waa in ay
ahaato xalinta khilaafaadka soo gala dhex galo wada
hadalada dhexmarayo ka soo qeybgalayaasha shirka aad ku
taamaysaan iyo dhiirigelinta hogaamiyayaasha
Soomaaliyeed in ay meel wax isla dhigaan, mudana dhinaca
kale waa in aad abuurtaan guddi kale oo ka soo jeedo
dadka degaan ahaan degan dhulka gogasha taal
shaqadoodana ahaato kaalmeynta iyo u fududeynta howlihi
qabashadooda ku adkaado (technically) guddiga
akhyaarta Soomaaliyeed ee aan
kor ku soo xusnay.
3) Waa
haddii uu qabsoomo ilaaheey idinkiis shirka aad Soomaali
ugu baaqdeen, Mudana taladan saddexaad waxay ku jeedaa ,Adiga,
Golaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed, ka soo
qeybgalayaasha dhamaan, guddiyada kala duwan ee
gogashaas ka abuurmo dhamaan, waxayna tahay in hogaanka
dalka ku ekaado madaxweyne ama wasiirka koowaad mid
kaliya ,in doorashada madaxweynaha iyo wasiirka koowaad
hadba kii aad ku heshiisaan saddex sano ama laba sano
gogashaas keddib si toos ah ay shacabka u soo doortaan
isaga iyo baarlamaan awood u leh in uu madaxweynaha kala
noqdo kalsoonida uu ka helay shacabka haddii uu
howshiisa uga soo bixi waayo si dastuurka lagu heshiiyo
waafaqsan, mudana dhinaca kale waa in gogashaas uu ka
soo baxo madaxweyna
ku meel gaar ah wanaag badana lagu yaqaan oo ay farta ku
fiiqaan ka soo qayb galayaasha gogashaas halki uu
shirarki horay ku imaan jiray cod ay u bixiyaan xubna
barlamaan oo uunan shacabka si toos ah u soo dooranin,
madaxweynahaas iyo dowladi halkaa ka soo baxdo
howlahooda waa in ay ugu horeyso sidi ay uga shaqayn
lahaayeen in soomaali madaxweynaha xiga madaxweynahaas
ay toos u soo doortaan shacabka si nabad ah oo toos ah
oo madaxbanaan.
Mudana
gegebada taladeena waxaan ku soo xusuusineynaa in ay
maanta Soomaaliweyn si daran baahi ugu qabto ruux garto
in jaga uu ka qabto ilaha ugu sareeyo maamulka
Soomaaliya ay ka wacan tahay isaga oo ku guuleysto
Soomali oo wada shaqeyso, cagahana dhulka u dhigo dowlad
ay raali ku wada yihiin, mudana taariikhda Soomalida ee
maanta waxaa ku wacnaan doono baal dahabana ka gelayo
ilaaheeyna ajar badan kaga helayo ruuxi u istaago
heshiisiinta soomaali weyn haddii uu howshiisa ku
guuleysto iyo haddii uu dadaal la yimaado laakin aynan
xag alla ka soo dhmaan,mudana waxaan ilaaheey ka
baryaynaa in uu towfiiqda waafajiyo ciddi dooneyso
soomaali oo heshiiso cibaadadoodana ku guto dhulkooda oo
nabad ah oo ay heshiis ku yihiin.
Abdallah
Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com