Danbi
uu galo bini aadamka waxaa ugu weyn in lala yimaado
shariiknimo, waxaa ku xiga in la dilo qof bini’aadamah,
loona dilo xaqdaro
taasna wuxuu ilahay
ayaadka quraanka inoogu sheegay ruxii qof bini’aadam ah u‘dilo
xaqdaro wuxuu lamidyahay isagoo dilay bini’aadamka uu
ilaah ubuuray oo dhan, hadii qofka bani’aadam ah
ismahdiyo oo uu yiraahdo aniga
oo ay ka waynaato nafsadiisa tan bani’adamka ee
uu san ogayn
inay nafsadiisu tahay tan bani’aadamka oo kale, qofkaasi
wuxuu xadgudub ugaystaa nafsadiisa iyo kuwa kalaba
wuxuuna u qadaa nafsadiisa waxayna qaadi karin
wuxuuna noqdaa qofuu shaydaanka hogaanka uu u haayo taasna
waxaa naloogu digay qur’aanka inaynaan noqon sidii
faraciinta oo kale oon aan ka waan towno
Tariiqda
faraaciinta waxay aheed taariiqaha ugu waa weynaa ee ugu
horeeyay ee bani‘ aadamka
soo maro waana tariiq jirtay sida lagu qiyaasay
inkabadan 3000kun oo sanadood ilaahna wuxuu ku sheegay
qur’aanka si loogu
cibri qaato. Magaca fircoon
markii lafasiray waxaa lagu fasiray
gurigii raxada
magaca maanta waxaa udhigma sida aqalka
cad iwm, hadba ninka jagada uga saraysa ka qabta
gurigaas ayaa waxaa lagu macaabay fircoon
dadkii qabtay jagadaa fircoonnimada
waa ay bad nayeen lakiin mid kamid ah ayaa
qur’aanka noo sheegay wakii sheegtay ilaah nimada
ee yiri anigaa ah ilaahii sare ee halay caabudo
ilaah kale majiro anaana ah ilaaha sare waayo faraaciintii
isaga kahoraysay heerkaa xadgudubka ee meesha
ugusaraysa ah
maysan gaarin lakiin mid walba wuxuu labixi jiray
magac markuu jagada fircoonnimada qabto mid kaduwan kii
kahoreeyay sida ilahii bisha
,ilaahii qoraxda, ilaahii
kobraha ,ilaahii shinbiraha
iwm waxayna isugu jireen rag iyo dumarba, waxayna
dhamaantoot isaga mid ahaayeen dhaca
dilka boobka shacbiga ay xukumaan wax alle waxay
donaan ayay kayeeli jireen oo ma aheen kuwa wanaagsan
shacbigana wuxuu ahaa mid iyaga xabsi ugu jira.Run
ahaantii maanta markaad
fiirisid shacabka somaaliyeed waxuu xabsi ugu jiraa
hogamiyayaal qoryo sitaan xabsiga waxaa u ilaaliya qabiil
kii xabsiga diidana qabiilka dila oo wax xaquuq ah oo uu
leeyahay majirto, dhaqan xumo meesha ugu saraysa ayaan
gaarnay. Aduunka
dagaalkasta iyo dhibaata walba oo soo martay
haweenka caruurta wayeelka iyo qofka aan dagaalka
ku jirin lama dilin xolahoodana lama ladhicin waa la
qadarin jiray xuma wadayasha kama aysan waan toobin.
wanaagana wuxuu noqday wax xun oo lagafaano. Weli madhicin
casriga maanta aan ku noolnahay dadka kunool kuwa diin leh
iyo kuwa aan diin laheenba inaysan la dhagalimin kuwa xun
ee wax dila dadkana fidnada dhax dhiga ee wax afduuba ee
dadka xoogga ama isbaaro u dhigta .waxaa shahaade sare
kawada sidanaa jamacadaha iscaynta
isku dirka been
abuurka difaaca xumaanta waxaa naga mambnuuc ah inaan
wanaag ka talino nin walbana waa inuu ku edeeyaa ninka
kale inuusan waxba tarin markaasaan raali waxaa kawada
naqanay waxkasta oo xun.Shacbiga waxaa hogaanka u qabtay
dad xumaha rabaan shacbigana wuxuu noqday inay u dhintaan
sharaf daro waayo waxaa dila wilal u shaqeeya xumaan
wadayaasha mar waxay ku garacaan madfac
marna waxay donaan ay ka yeelaan waxayna la mid
yihiin kuwii faraaciinta u shaqeen jiray
kalmada
fircoon waxaa manta
Somaliya u dhiganta erayga qabiil
Waayo
qofka somaaliga ah inta badan
waxaa ka wayn xumaan
iyo samaan magaca qabiilka marka qabiilka wuxuu noqday fircoonka somaalida manta.
Suurada
walcasri inuu ilaah inoo
sheegay inuu bani’aadanka oo dhan uu qasaaro ku
suganyahay waxaana ka badbaadi qasarahaas kuwii alle
rumeeyay lana yimid camal wanaagsan
xaqana ka dardaarmay sabarkana ku dardaarmay
Bini’adamka
sidiisa inuu wax dulmiyo waa sahlantahay lakiin
inuu xaqdhawr sameeyo waa adagtahay waayo waa la dulmin
ruux ku dulmiyay inaad ceebtiisa
aad asturtid way adagtahay, Qof waxa lawanaagsan
waxay laxun yihiin qof kale
Hadal
qof si u yiri qofkalena si u qaday,Marka ra’yi layskuma
wada raaco lakiin waxaa laysku wada raacaa shaqo wanaagsan
oo laqabto taasna waxay
kucadahay ayadaha qur’aanka, Kuwii alle rumeeyay ee
layimid camal wanaagsan
rabi wuxuu mar walba inoo sheegaa inaan la nimaano
shaqo wanaagsan aqiro iyo aduun taasna waxaa ku badbadayso
nafsadeena hadaad
firisid dunida hormartay waxaad arki inay aduunka la
yimadeen shaqo wanagsan markasay ka hormareen kuwa aan la
imaan aduunka
shaqo wanaagsan dad badan waxaa hal hees u ah galada
aduunka loogu nimceeyay lakiin rabi wuxuu u nimceeyay
bani‘aadamka oo dhan ee aduunka ku nool waxaase shardi
looga dhigay aduunka
cidii shaqo wanaagsan la timaado aqirana sidoo kale
cidii aqoonsato nimcada eebe shaqo wanaagsan la timaado
camalka aqiro lagu muto. Nimcada aaqiro iyo nimcada
aduunka qofkii garato labadaas camal aduunka dushiisa
waxaa loo siyaadiyaa nimcada aduunka iyo aqiradaba . Rabi
waxuu inoo sheegay hadii bani’adamka oo dhan
uu wadarumeeyo ama uu ku wada kufriyo carshiga
illaah dhibic kuma darayno dhibicna kama naqusinayno
Nolashayna ilaah ayaa kafalad qaday anagayna nagu xiran
tahay hadba waa saan kadhigano hadan wax maqalnana anagay
na anfacee hadaan diidnana angay noo darantahay xornimo
buuxda ayaa la siiyay bani’adamka oo dhan. Alle ciduu
doono waa uu qaban aduunka
ciduu doono waa iska dayn aqiradase xisaab la’aan
cidi ladayn maayo. Ilaah umad mabadalo ilaa ay badalaan
nafsadooda macnaha inay nafsadooda ka joojiyaan camalka
xun sameeyaana camalka fiican bani aadamkana waa waxa
kaliya uu ku wada noolaan karo hadii shaqo wanaagsan
lawaayo aduunka wada
nolaanta way adkaataa,
aan u wada shaqayno wanaag aan wada noolaanee.
Fircoon
jeclaysi waxba laguma toosiyo in wax lagu dumiya mahine
danteena hanaqoto mid lagangaro oo isku mid ah oo wanaag
doon ah ruux aan la aqoon dantiisa shay daana waa ka dhib
badan yahay waayo waa munaafaq .
Abdullahi
maxamed nuur
Abdullahi05@swissonline.ch
Wariye mudulood.com
___________________________________