Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Falastin TV Live Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Qiyaadadoon, Qabiildoon, Qalindoon, Quurdoon, Qurundoon VS  Qarandoon

by: Abdallah Moallim Maxamud (Abdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

Wejiga shirka miyaa isbedallay ? Ma hogaanki shirka ee martida loo ahaa ayaa tala kale u baxday misa dhicitaanki Danial Arab Moi Madaxweynihi hore ee Dalka Kenya ayaa dowr ka ciyaartay sababna u noqday Dowladda kenya ee cusub oo aqrisato  Dowlada Itoobiya qaabka ay dooneysa in shirka dibuheshiisiinta soomalida loo wado in ay meel ka dhac ku noqonayso sharafka martigelinta oo mas’uuliyadiisa ku dhacayso dowladda Kenya oo iyada ay gacanteeda ku dhacdo lacagaha ay dowladaha deeqda bixiyo ku bixiyaan in shirki afar iyo tobanaad ee Soomaliweyn la isugu keenay guul laga gaaro? Misa qaab xumadi loo maamulayay Shirweynaha dibuheshiisiinta ee Soomaalida tan iyo inti uu socday ( iyo is-jiid-jiid aan dhamaan oo u dhexeeyay koxaha soomaalida dhexdooda oo dhinac ah iyo wakiilada shirka ee dowlada kenya iyo Itoobiya oo waagi baryaba inti uu shirka soomalida socday la soo baxayay ajandayaal iyaga isku dhacayo, dhibaatooyin farabadana ku soo  kordhiyay khilaafaadki awalba hogamiyayaasha  soomalida u dhexeeyay) ayaa deeq bixiyayaasha u cuntami weysay oo iyaga gacan ku leh isbedelka ka muuqanayo qaabka loo sameeyay casumaadi hogaamiyayaasha Soomalida loo fidiyay ee ugu danbaysay kana  soo baxdo dowldaha IGAD ee iyaga daadihinayo maareynta shirweynaha Soomaalida? Misa Ku dhawaaqidi ay Dowlda Jabuuti ku dhawaaqday in shirki fashilmay ayaa dowlada Kenya ku baraarujiisay  shirka oo fashilmo in ay weji gabax ku tahay dowlad ahaan waa Kenyee? Misa Madax adeega hogaamiyayaasha shirka isaga tegay gacantoodana ay ku jirto asbaaba badan oo keeni karo in aanan shirkaas guul laga gaarin iyaga oo aan goob joog ka ahayn gunaanadkiisa ayaa abuurtay in ay dowlada kenya iyo deeq bixiyaasha ku dhalato in ay dib u lafa guraan amuuraha  sidaas darteedna ay qaab cusub la soo baxaan? Misa waxaa iyadana isbedalka socdo dowr ka ciyaartay dowlada Ugaanda oo iyada hadda dhow la wareegtay hogaanka dowladaha IGAD ku abtirsado?.

  Markaan u noqono xaqiiqada isku soo duub geddigoodba su’aaladaha kor ku xusun iyo kuwa kalaba waa sababa abuuri karo in uu isbedal ku dhaco qaabka maaraynta iyo hab dhaqanka dowladaha gacanta ku haaya maareynta Shirka dibuheshiisiinta ee somaalida uga socda dalka kenya oo ay ku jiraan deeq bixiyayaasha laakin waxaa isweydiin mudan Soomaaliweyn raja intee la eg ayey ka qabtaa in uu isbedal ku yimaado garashada hogaamiyayaasha Soomaaliyeed oo garto in ay maslaxadooda gaarka ah ka hormariyaan danta dadka iyo tan dalka Soomaaliyeed guud ahaan iyo in aynan Soomaliweyn maanta u laabnayn dhibaato hor leh iyo dibandaabyo u dhexeyso rag isjiid-jiidkooda ku kooban yahay dan shaqsi iyo damac doqoneed oo aan loo meel dayin.

  Ma badna rajada laga qabo in guul laga gaaro kulan dhexmaro rag sifahooda yahay Qiyaadadoon, Qalindoon(lacag) ,Qabiildoon aan dan qabiil ku maqnayn, Quurdoon iyo Qurundoon, ma badno rajada laga qabo in ay heshiis iyo balan wada galaan hogamiyayaal caadaystay fulaan haddii uu intaa helo anigana waa in aan helaa in ka badan ama u dhiganto haddii kale balanki waa ka baxay ,ma badno rajada laga qabo wanaag dhinacooda ka yimaado rag caadaystay fulaan haddii uu kooxdaas la saftay anigana kooxda kale dhexdeeda iga fiiri iyagaan beryahan il kaliya wax kuwada aragnaa..

   Soomaaliweyn maanta kuma badno cid kalsooni ku qabto hogaamiyayaasha lagu shirinayo gogasha taal Nayrobi Xerada doofaareey(Mbgathi) walow labadi maalmood ee u danabeeyay ay arrimaha Soomaalida ku soo kordheen raja ah in casumaada loo fidiyay hogaamiyayaasha Soomaalida lagu soo daray hogaamiyayaal magacyadooda la xusay laguna yaqaan in ay yihiin Qaran doon oo iyada ah sifaha kaliya ee shaqsiga sito laga filan karo in uu ku dadaalo ,dowr wacanna ka ciyaaro sidi loogu raxman lahaa dadweynaha soomaaliyeed oo ay korkooda caada ka dhigteen in ay isku dilaan  koox yar oo dad qalata ah oo aan doonayn in dalka Soomaaliya dowlad caadil ah  ka anbaqaado.

  Soomaaliweyn waxay maanta ka tala sugaysaa meel walba oo ay joogto wixi ka soo baxo wada hadal u dhexeeyo Qarandoon oo ay ka soo horjaadeen Qiyaadadoon, Qalindoon, Qabiildoon, Quurdoon, Qurundoon  oo dhinac ah  oo haddana aan iyaga heshiis ku ahayn shey kaliya iyo dowlada badan deris ha ahaandeen meel fogsa ha ka yimaadaan oo iyagana dhinac ah wax walbana ku salaynayo maslaxdooda ,maslaxadoodana aynan wada kaliya ku soo wada aroorin. Taas waxaa shirka u dheer in aynan beesha caalamka waxba ka qaban karin cid alle ciddi sabab u noqoto in uu shirkaas fashil ku dhaamaado ilayn maanta ma jirto wax layiraa beesha caalamka waayo adduunweynaha maanta waxaa u gacan sareeyo dowlada Maraykanka iyadana howlaheeda kama badno xal u helida albaabada naarta ah oo ay mar kaliya isaga wada furtay dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan.

  Dhamaadka shirka wuxuu u muuqdaa sidi  bil shan iyo toban ah oo ka dhexmuuqato  cirka oo aan caad lahayn. Tani waa aragti ku salaysan muuqaalka qaabxumida ay leeyihiin hogaamiyayaasha Soomaalida horboodayo intooda badan ee waxaan ilaaheey ka baryaynaa in uu dalkeena nabad ku soo dabaalo iyo in uu hogaanka gacanta u geliyo hogaamiya caadil ah.

Abdallah Moallim Mahamud

Moallem10@hotmail.com

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul