Gudoomiyaha
GMM, Xoghayaha Guud ee GMM, Gudoomiyayaasha GMM ee kala
joogo dalalka Europe, America, Asia, Africa iyo dhamaan
xubnaha ku abtirsada Golahan waxay si diiran oo taxdir
ku jiro u soo dhoweynayaan dhaqdhaqaaqa dardargelinta
dib u soo nooleynta mideynta siyaasada,dhaqaalaha iyo
xoogaga beeshan oo ay beryahan magaalada Muqdisho ka
bilaabeen qaar ka tirsan hogaamiyayaasha siyaasada ee
beesha Mudulood oo mudooyinkan danbe ku kala irdoobay
buuqa siyaasadeed ee hareereeyay dadka deggan gobalka
Banaadir gaar ahaan iyo guud ahaan dalka Somaaliyeed tan
iyo inti la riday xukuumida milatariga ahayd ee uu
hogaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad bare.
Sidoo kale Waxay GMM baaq u dirayan
qeybaha kale ee gacan weyn ku leh siyaasada beesha
Mudulood, gobalka Banaadir iyo tan dalkaba in ay iyagana
u istaagaan kaalmeynta dhaqdhaqaaqa ay bilaabeen
walaalahooda iyaga oo arrinta ka fiirinayo in aynan
labada kooxoodba iyo koox kalaba hadaf buuxa ka gaari
karin hamigeeda siyaasadeed halka uu hiigsanayo kol
haddii uu xoogooda ,siyaasadooda iyo dhaqaalahoodaba ku
dabran yahay tan beesha mudulood guud ahaan .
GMM wuxuu qeybaha howshan bilaabay uga
mahadnaqayaa tilaabtaa wacan oo ay hore u qaadeen kana
tarjumeyso hadafki abuurintaanka Golaha Midnimada
Mudulood oo ahayd in la maro dariiqa midnimo taas oo
aakhirka ku biya shubanayso midnimo guud oo uu dalkeena
gaaro kagana baxo gacanta kooxa yar yar oo howshooda ku
kooban tahay danaysi hoose salkana ku haayo doqonimo,
xikmad la,aan iyo tarbiyad xumo ku raagtay shaqsiyaadka
xanbaarsan sifaha danaysi gaar ah oo jidgooyo ku ah
gaarida midnima Soomaaliyeed iyo Soomaaliweyn oo soo
ceshato heybadi ay ku dhex lahayd dowladaha deriska la
ah iyo beesha caalamka.
Dhinaca kale GMM wuxuu kooxdan ku
tilaabsatay u dhaqaaqida mideynta siyaasada beesha
Mudulood ku dhiirigelinayaa in ay walaahooda kale
gaarsiiyaan fikir cad iyo falal muujinayo in ayanan
arrinta ahayn fikir gaaban ee looga gudbayo arrima adag
ee soo wajahay qeyb gaar ah, waxaa kale oo uu GMM ka
digayaa fashilki ku yimaado maareynta dib u soo
noolaynta iyo guul ka gaarida midnimada mudulood in uu
mas’uuliyadeeda dhabarka u dhiganayo ciddi hor
istaagto iyo ciddi gogasha la timaado dana shaqsi ah oo
aan ka tarjumayn midnimada beesha iyo xaq u lahaashaha
maamul u sameynta deegaankooda guud ahaan iyo gaar ahaan
magaalada Muqdisho oo ay tira ahaan ku badan yihiin tan
iyo inti uu waddanka Soomaaliya haleelayo gaarista
codkaada dhiibo si xornima ah, soona dooro ciddi aad u
argato in ay maslaxdda guud ee dadka iyo dalkaba u
istaageyso.
Siyaasada GMM waa ka shaqaynta
midnimada beesha Mudulood iyaga oo taa u arko in ay wax
weyn ka tareyso gaarista midnimada Soomaaliyeed iyo
deganaan iyo nabad wada noolaasho dib ugu soo noqoto
dalkeeni hooyo ,GMM wuxuu beryahi u danbeeyay iyo ka
horba xiriira badan la sameeyay odayaasha beesha
Mudulood oo uu ku dhiirigelinayay soo afjarida
khilaafaadka kala dhexyaalo siyaasiyiinta Mudulood iyo
ka shaqaynta in tala wacan oo mid ah lagu midoobo ,waxaa
kale oo uu GMM isla fariintan ugu baaqayaa odayaasha
beelaha kale ee soomaaliyeed in ay maraan waddooyinka
wanaagsan ee sahlayo mideynta beelahooda si ay u
sahlanaato mideynta danaha beelaha Soomaaliyeed siyaasad
ahaan ,dhaqaale ahaan taasoo ugu danbeyn abuureyso in
laga baxo gacanta kooxa yar yar oo aan ku maqnayn danta
guud iyo in dalkeena dib ugu istaago lugihiisa helana
dowlad caadil ah dadkana u sinaato.15/12/2003
Xaghayaha
Guud EE GMM Abdallah Moallim Mahamud
1. Dr. ABDI MOHAMED ULUSSO, Guddoomiyaha Guud ee Golaha
Midnimada Muddulood;
2. Mudane ABDALLA MOALIM MAHAMUD
(Cabdulahi siyaasi), xoghayaha Guud ee Golaha
Midnimada Muddulood
3.MAXAMED MUXIDIIN CALI, afhayeenka
guud ee Golaha midnimada muddulood fadhigiisana yahay
Magaalada Muqdisho
4. Dr Abdullahi Mohamed hirale,
Guddoomiyaha Golaha Midnimada Muddulood ee Sweden.
5. Moallim Mahamud, Guddoomiyaha
Golaha Midnimada Muddulood ee Canada.
6. ALI MOALIM MUSE, Guddoomiyaha
Gol;aha Midnimada Muddulood ee USA,
7. ABDULLAHI AHMED MOHAMED,
Guddoomiyaha Golaha Midnimada Muddulood ee Holland.
8. ABDALLA MOALLIM MOHAMUD,
Guddoomiyaha Golaha Midnimada Muddulood ee Waddamada
Carabta.
9. ABDULQADIR ALI GAAB, Guddoomiyaha
Golaha Midnimada Muddulood ee Waddanka Ingriiska.
10. AHMED HADAFOW, Guddoomiyaha Golaha
Midnimada Muddulood ee waddanka Jarmalka.
11. HASSAN SHEKH ABDI, wakiilka GMM ee
Afrika, wuxuuna joogaa LESOTO.
12.Mr HASSAN HOLOWLE , gudoomiyaha
golaha midnimada muddulood ee dalka Pakistan
13.HASSAN MOHAMED IBRAHIM,gudoomiyaha
golaha midnimada muddulood ee dalka finland.
14. Yusuf Maxamed Maxamuud Biiteeye,
gudoomiyaha golaha midnimada muddulood ee dalka sudan.
Abdallah
Moallim Mahamud
moallem10@hotmail.com