SOOMAALIWAYN:
Yaasiin Maaxi Macalin wuxuu ku bar baaray kuna dhashay
magaalada Muqdisho waxabarashadiisana waxay ahayd ilaa
heerka dugsiga sare wuxuu ahaa ciyaartooyda kubada
kolayga ee xulka GOBOLKA BANAADIR iyo
ciyaartoydii heerka koowaad ee kubada kolayga u ciyaari
jirtay naadiga Badda, Yaasiin Maaxi Macalin wuxuu
wadankiisa Hooyo (SOOMAALIYA) ka soo
tagay sanadka markuu ahaa 1988, wuxuuna Iminka ku nool
yahay dalka Sweden, isagoo xubin fir-fircoona ka ah
xisbiga social democratic ee haya maamulaka dalkaas,
Yaasiin Maaxi Macalin waa qoraa wuxuuna ku soo caan
baxay buugiisii ugu horeeyey ee uu qoray (SHEEKEEYE)
sheeko xariirooyinka hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed
iyo buugiisa 2aad oo isgana ahaa FURAHAFARBARASHADA
oo ah buug farbarasho ee uu ugu talo galay dayarta
SOOMAALIYEED ee ku nool qurbaha AF-soomaaliga waa
midnimada ummada u hartay. Buugaagtiisa uu soo saaro
waxaa iska kaashada bandar dhaqan Naadiga horumarinta
fanka iyo suugaanta soomaaliyeed ee uu gudoomiyah ka
yahay iyo somali youth Developmant Network.
Yaasiin Maaxi Macalin waxaa kale ee uu xubin fir-fircoon
ka yahay URURKA ISBAHAYSIGA UMMADA SOOMAALIYEED
EE ISWIIDHAN islamarkaana ah Xogayahay Ururada.
Yaasiin Maaxi waxaa uu aad iyo aad ka qayb qaataa
doodaha arimaha bulshada joornaalada iyo internetka lagu
soo qoro hadeey noqon lahayd af-soomaliga iyo afka
Iswiidhishka waxaa ka mid ah qoraalada iyo doodaha uu
wax ka qoray.
SIDEE
NABAD WAARTO LAGU GAARI KARAA?
MAXEEY
SWEDEN HORUMARKA KU GAARTAY?
SOOMAALI
ARAGTAYAA YAAB ARAGTAYAA?
CIYAARTOOY ISU BADELAY SIYAASI. (Af-Iswidhish)
ISKA HOR IMAADKA DHAQAMADA (Af-Iswidhish)
Iyo kuwo kale oo aan halkaan ku soo koobi karin.
SOOMAALIWAYN: Sida
aan la socono Mudane Yaasiin Maaxi Macalin Maalin
dhawayd waxaa ka qayb gashay Shir Symposium oo
ku saabsanaa The Global Progressive Forum wich
is a joint initiative of the Party of European
Socialists, the Parliamentary Group of the PES and the
Socialist International. oo ka dhacaayey
Brussels, (the Kingdom of Belgium)
Waxyaabaha looga hadlaayey iyo dadkii soo qaban qaabiyey
wax manooga sheegi kartaa?
YAASIIN
MAAXI: BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM
gabdhaheena waxey ku buraan buraan waxaan bisinka laga
bilaabeen barako malaha sidaa awadeed waa inaan bisinka
ku bilaabnaa. Hadaan u soo noqdo su`aashaada Haa
wax waan kaaga sheegi karaa waxyaabaha looga
hadlaayey iyo dadkii ka soo qayb galay waxay ahyd hadaan
ugu horeeysiiyo tan ujeedooyinka FORUMKA waxay ahayd
ayadoo la filaayey in aduunka isku jiho aadi doona mar
haduu dagaalkii qaboobaa dhamaaday ayaa waxaa laga
dhaxlay qilaaf keenay tafaraaruq iyo iska hor imaad
sidaa awadeed waxaa la doonaayay in la horumariyo aduun
waynaha aan ku noolnahay oo wax laga badalo. We need
global progressive alliances for change. Oo waxaa la
rabaa in la helo Aduun ku dhisan Bulsho caadil ah,
islamarkaasna ku dhisan shir iyo showr oo ah Demcracy,
Nabad iyo amniga
Arintu si kastaba ha ahaatee dadkeena
ka qayb galay horumarinta bulshada aduunka waxaynu
aaminsanahay in kulamada iyo wadashaqeeynta sidaan mar
hore loo baahnaa in la qabto. FURUMkaas waxaa ka soo
qayb galay ururo siyaasi ah iyo kuwa aan siyaasi ahayn
si loo helo quwad isu tagta kuwaas oo wadaaga fikrad oo
doonaaya isbadal cadaalad ku dhisan, sababahaas ayaa
dhaliyey in la qabto the Global Progressive Forum
Ayadoo aay soo qabanqaabiyeen Party of European
Socialists, its parliamentary group in the European
Parliament and the Socialist International.
Waxyaabaha looga hadlaayey waxaa ka mid ahaa
Round tables on development
issues
UN Millennium Goals
More and better jobs
Trade and poverty
Poverty, environment and natural resources
The fight against AIDS
Education, knowledge, and technology
Round tables on global policy issues
Wider global security
International migration
Cultural understanding
Human rights and democracy
Global public goods
Global financing
Round tables on global governance
Reform of the United Nations
Reform of the IMF and the World Bank
Regional integration
Europe in the world
Corporate social responsibility
Youth for global progress

Robin
Cook, president of the Party of
European Socialists iyo Yaasiin Maaxi
SOOMAALIWAYN:
Iga raali noqo Oo adiga yaa ku dirsaday ka Yaasiin ahaan
ma Soomaali baa ku dirsatay mise?
YAASIIN
MAAXI: Aniga waxaa i dirsaday
Iswiidhishka sida aan horey kuugu sheegayna waxaan ku
jiraa dhanka siyaasada Iswiidhan waxaan xubin ka ahay
baarlamaanka Degmada Katrineholm ee Sweden halkaas oo
aan ka ahay xiriiriyahay arimaha dibada ee Degmadaas
islamarkaasna waxaan fadhiyaa hay`ada Hidaha iyo
dhaqanka ee dagmadaas.
Aniga waxaan qaatay afar qodob oo aay ka mid yihiin
International Migration,
Reform of United Nations
Cultural Understanding.
UN Millennium Goals

Safiirka
Qaramada midoobay u fadhiya SWEDEN
Jean-Pierre Schori iyo Yaasiin Maaxi
Intaba waxay hoos yimaadaan Qaramada
midoobey waana arrimo in muddo ah laga munaaqishoonaayey.
Arrinta ku saabsan "reform of the United
Nations" waa arrin cakiran oo wax symposium
looga hadlaayo aan wax looga qaban karin ee aniga waxaan
awoodda saaray sadaxda kale: International migration iyo
cultural understanding iyo UN Millennium Goals Sadaxdaan
qodob "topics" waxay si aad ah u
khuseeyaan "Europe" oo dooneyso inay wax ka
qabato waxna ka badesho mustaqbalka fog.
SOOMAALIWAYN:
oo maxaa dhacay oo aad xooga u saari
wayday in wax laga badelo arimaha Qaramada midoobay
Reform of United Nations
YAASIIN MAAXI
Waxaa muhiim ah in marka hore la fahmo sida loo aasaasay
Qaramada midoobey iyo ujeeddada loo aasaasay.
Dadkii fikridda aasaasiddeeda ka dambeeyey meesha
ay joogsadaan ayuu Qaramada Midoobey wax qabadkeedana ku
dambeeynayaa. Sideedaba UNka waxaa lagu aasaasay
"the Atlantic Charter" in 1941 by Winston
Churchill and President Roosevelt and with its Charter,
it has been fully established in 1945 by the "Sanfrancisco
Declaration." In short, the reform of the
United Nations can be possible only through the
will of America and Britain, si kale wax kuma
soconaayaan.
SOOMAALIWAYN:
Ka Soomaali ahaan waxaa jira dhibaatooyin la xiriira
tah-riibka iyo qataraha aay soomalidu kala kulanto
badaha arintaas ma looga hadlay shirka.
YAASIIN
MAAXI MAYA loogama hadlin arintaan ANIGA
ayaa qaasatan u xiiseeynaayey waxaa kale oo jirto URURKA
ISBAHAYSIGA UMMADA SOOMAALIYEED EE ISIIDHAN oo ah u
doodaha iyo soo dhiciyaha xaquuqaha soomaaliya iyo
weliba ilaaliyaha sumcada ummada aan ka dhalanay ayaa
iyagana fariin gaar ah iigu dhiibay arintaan iyo arimo
la xiriira qaxootiga dib loo celinaayo ee loo celinaayo
wadamada Yurubta kale aay ka yimaadeen oo runtii iyadana
ah dhibaato aad u wayn oo xal loo la yahay marka waxaan
si qaas ah ula kulmay
Jan O KARLSSON
Co-Chair of the Global Commission on International
Migration (GCIM), former Minister for Development
Cooperation, Migration and Asylum Policy, Sweden
Oo aad taqanaan runtiina waxaa ku heshiinay inaan
markale kulano si qaas ahna arimahaas iyo arimo kale oo
la xiriira arimaha soomaaliya kawada xaajoono waxaana ku
kulmi doono SWEDEN Stockholm bilaawga sanadka cusub
haduu Ilaah yiraah.
Waxaa maqli jiray HOOL KUU TAAL HOOSKEEDA LAMA HARSADO
waxaan taas u leeyahay in Soomaaliya iyo Soomaalida
dhibka aay ku jirto in laga badbaadiyo Waxaay u taal
Anaga cidna yaanan sugin in aay wax nooqabtaan hadeey
noqon lahayd YURUB, QARAMADA MIDOOBAY, USA, IGAD,CARABAH,
iyo intii kale ee ka soo harta intaas howshaan anaga
ayey noo taal ee soomaalida jiifto hurdada halaga kiciyo
oo yaan la kicin kan soo jeedo oo horay ayaa loo yiri
nin soo jeedo lam kacsho ee nin jiifo ayaa la kacshaa.
Aan markale ku celsho In ummada Soomaaliyeed dhibka laga
saaro waxaay u taal anaga HOOL KUUTAAL HOOSKEEDA LAMA
HARSADO.
Allaa wax og!
Waxaad Yaasiin Maaxi Macalin kala xiriiri kartaa
Scandanevian Sweden
maaxi@hotmail.com

Mary
Robinson iyo Yaasiin Maaxi
former UN Commissioner for Human Rights, former
President of Ireland.
now chairs the Ethical Globalization Initiative based in
New York
Warbixin intaa ka dheer oo ku saabsan
wixii looga soo hadley HALKAAS waxaa ka heli kartaan
halkaan RIIXI HOOSTAAN OO FARTA SAAR.

