Hadii
ay xabashi ay tahay cadawgeena kowaad mudo kabadan 500 oo
sano keenyaatigana uu
is qarin waayo oo uu calooshiisa banaanka soo dhigay
Somaaliyana ay u kala jabantahay
cadawgeeda gudaha iyo dibada
Cadawgana oo uu inoo qasaayo sun oo nooc walba leh
si uu inoo wada dhameeyo. Somaali dhaxdeeda ay isku
xasuuqday madfac Umad
wada sumaysan shacab
kala jaban hogaamiyaal wada hubaysan
Aqoon yahan qalinkiisu iibyahay rabi aan ka cabsan run
sheegidna ka dheer
Ganacsato ku xididaysatay xaaraan
malga yabaa inaan nidaam ku heshiino?
Rajada
bani’aadamka ma dhamaato intuu noolyahay uusan godka
dhimashada galin . illaahna wuxuu noo sheegay inaynaan
marna ka qusan raxmadiisa intaan noolnahay
danbigeena intuu doono hagaarsiisnaado.
Shirwalba
maxuu u fashilmaa hadduu doonoshirka ha qaato mudo kabadan
sanad
maxuu
hogaamiye walba u eedeeyaa midka kale markay rabaana ay u wada socdaan. Yaa waaye cida larabo in
laheshiisiiyo oo dirirsan.
Maxaa marka la heshiinaayo loo hormariyaa in lagu heshiiyo barlamaan
tiradiisa dastuur
qoritaankiisa , maxaa loo rabin in la hormariyo sidii loo
nidaamin lahaa hubka masaki- inta xaqdarada u gumaada
iyo jid goyayaasha Si
arintaas loo qariyo loo saxiixa heshiis xabad joojin ah oo
been ah
Yaa
xabada laga joojinaa yaana loo joojinaa
Maxaa
loogu tartamaa kuraas aan hoos iilin oo qorax taala
Dhulkeena muxuu
u qiimo beelay qayraad kiisana maxaa looga
oomanyahay Culuma’udiinka
Hogamiyayaasha dhaqanka waxay waligood la hayeen qiimo
wayn umada dhaxdooda
maantana maxaa qimahoodii hoos u dhigay
Diyaar ma unahay inaan qaladkeena saxno inteena badan oo
aan raadino Dawada cudarkeena
illaahna aan way diisano danbi dhaaf.
Haddaba
aan sunta qabiilka meel iska dhigno aan is waydi- ino cida
larabo in la heshiisiiyo hadii ay yihiin kuwa la heshiisin
karo meeqa qaybood ayay ka koban yihiin
Qaybta
kowaad
Kursi
doon,
Tuugsi
doon, Maal doon, Dulmi
doon, Balaayo doon
Iib
doon
Qaybta
labaad Nabad
doon,
Wanaag
doon, Dawo doon , Dawlad
doon,
Dal
doon, Calan doon.
Waa
laba qaybood oo aad ukala duwan wayna adagtahay sida loo
heshiisiiyo
Waxay ubaahantahay in
la heshiisiyo qarniyaal si ay isugu soo dhawadaan
Waxa
is haysta waa kuwaas isku qabiil ah kalana qabiil ah meel
kastana ku jira
Meel
ay ka maqan yihiin aysan jirin somaali dhex deeda
waxayna dhamaantood isga mid yihiin dhaqanka
digtatoor- nimada mana
qaldamaan gardaradoodana way ku sax san yihiin cid
ka wanaagsan majirto
Shir
walaba waxay u tagaan aad
dhaqaale heshid
uma tagaan umad wanageed intooda badan, ama shacabka
somaaliyeed dawlad ha hello, waayo mid walba waxuu dawlad
u arkaa sida uu hadda yahay nidaamdaradana nafsadooda ay
ku ilaaliyaan waxayna aamin san yihiin inuu ku jiro
jiritaankooda amaandarada
Mid
walba wuxuu u qayliyaa ama uu u eedeyaa midka kale iimaan
daro
waxuu is leeyahay adiga
yaa lagaa sad badsan naqo kan ugu hunguriga wayn
Dhaxdooda
way is beciyaan midba midka kale ayuu beec u yahay
waa hadba qimihii loo gaaro, hal qab sigooda waxay
dhahaan anigu intaas raali kama ihi
bani‘aadamka haddii uu isku
daawado xumaha iyagoo leh culuma’udiin wax garad iyo
aqoon yahayahan oo ay iska qaban wayaan inta xun ama ay
usheegi wayaan umada oo ay qariyaan lawaayo in badan oo
xaqa sheegta umadaas
waxaa usoo degdega halaag waxayna noqdaan kuwa
halaag sama aduunka aqirana qof iyo camalkiisa.
Dunida
aan maanta aan kunoolnahay waxay gaartay heer uu cilmiga
shaqeeyo jahligana laga gudbo intiisa badan
ruux walbana wuxuu
isku dayay inuu horamar raadiyo
waxaana lagaaray ruux bini’aadam ah oo aan dhego
laheen indhana laheen in labaro siduu wax u qori lahaa
waxna u aqrin lahaa kaligiina uu
nolaan lahaa, nolashiisana uu cilmiga wax weyn ka badalay.
Rabi
subxaana watacalaa wuxuu inoo sheegay inay dhaheen kuwii
cilmiga lahaa
cilmigiinba’a
ee abaalmarinta illaah baa ugu qeer roon.
Hadal
ladhaho waxaa ugu wanaagsan ruxii alla cabsashadi- isa
dadka ugu yeera iyo camal wanaagsan
oo lays faro
Culuma’udiinka
waxgaradka wadaniyiinta samo jecelka deeq
bixiyayaasha
Dhamaan
inta danaysa wanaaga umada somaaliyeed meelkasta ay jogaan
Inaan waxba laga sugin nimaan waxba soo wadin laguna
dadaalo sidii loo wacyi galin lahaa umada somaaliyeed inay
ku dadalaan sidii qolawalba ay u sugi laheeed amaan keeda
meelna looga soo wada jeesan lahaa inta xun ee wanaaga
diidan wax wada qabsiga diidan wada shaqaynta diidan
tuugaysiga iyo burcadnimada
rabaan dagaal
qabiileed jecel inay aburaan la tusiyo umada somaliyeed
ilaahna loo baryo
si umada dhibyaaraan uu alle uqabto bulashada calamka
waxay gacan weyn siisay umada somaaliyeed sidii ay ugu
bixi laheed dhibaatada waxaa udhiman inay ilgaar ah ku
eegto kuwa nabada
diidan la gaarsiyo magacyadooda maxkamadaha
calimiga laguna soo oogo qabasho guud oo caalimi
aha meelkasta ay dunida tagaan la qabto arinkaas oo keeni
karto kuwa aan u baqin dalkooda iyo umadooda ilaahna aan
ka baqin inay u baqaan nafsadooda dhibka ay
ka yereeyaan umada somaaliyeed.
Ilaah
hanaga dhigo kuwii uu saabkoodu biyo keeno aamiin.
Wabilaahi
tawfiiq
Cabdullahi
Maxamed Nuur
Abdullahi05@swissonline.ch
Wariye
mudulood.com
___________________________________