Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Falastin TV Live Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 

Socdaalkii uu ku yimid Xadraawi wadanka Iswitzerlan

By: Cabulaahi Maxamed Nuur Email:Abdullahi05@swissonline.ch

Waxaa magaalada zürich ee dalka switzerland booqasho socdaal nabaded ku soo gaaray 25.12.003 abwaan mohamed ibrahim warsame hadraawi , oo eey casumaad u fidiyeen jaliyada somaliyeed ee dalka switzerland , waxaa boqashadiisa ku wehliyay cawad cabdiraxmaan xirsi oo ka socday ururka isbahaysiga somaliyeed ee wadanka swiden , markii ay kasoo dageen goroonka diyaradaha ee magaalada  zürich waxaa sidiiran ugu soo dhaweeyay hogaanka jaliyada somaliyeed ee zürich mustaf Gobdon waxaana isla Markii loo gudbiyay hoteelka caanka ah ee Hilton halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen somaali badan oo kashaqaysa hoteelka wuxuuna aad ugu farxay soo dhawaynta ay usameyeen jaliyada iyo shaqaalaha hoteelka ka shaqeeya haween iyo ragba . qaar kamid ah hablaha ka shaqeeya hoteelka oo abwaanka ku yiri ma nabadbaa markasuu  yiri waxaan wadaba waa nabad mar haddii aad barteen hablihii udhashay iswiiska somaaliga waa ilaah mahadii. habeen nimadii axada 28,12,003 ayuu abwaanka jeediyay muxadaradii ay sugayeen somaali badan

 Abwaan hadraawi oo socdaalkaas   kasoo bilaabay Somaliya,  halkaas uu kaga hadlay nabad radinta uu ka soo bilabay Somaliya meeshii uu kasoo bilaabay iyo meelaha uu sii gaari doono. wuxuu xaqiijiyay inay umada somaaliyeed dhamaan ay donayaan nabad meelkasta ay jogaan wuxuu soo jeediyay sidii nabad loo wada radin lahaa dhamaan somaalida meelkasta ay jogaan umada somaaliyeed aysan jirin ciday sugayso oo aan somaali aheen  dhibaatooyinka Somaliya kajira way fara badan yihiin kuwa ka jira dibadahana way fara badan yihiin dhamaantoodna ay naga wada sugayaan xalin tooda hadaynaan xalin cid noo xalinayso aysan jirin inuu qof walba ay murayadiisu tahay camalka uu qabto iskana dhax arki doono.

Waxaa kaloo hadaladiisa kamid ahaa gabayo dhiri galinaayo nabada Somaliya .

Waxaana  lays waydaarsaday su’aalo ay kamid yihiin sidii Somaliya nabad loogu soo dabaali lahaa .

Umad walba waxay leedahay tariiq iyo dhaqan ay ku faanto si aan tariiqdena ugu faano waa inaan yelanaa dhaqan wanaagsan si aan dalkeena ugu soo dabaalno nabad nin toox sigana layska daayo .

Waxaa ila wanaagsan inaan wacyi galino dhamaan umada somaaliyeed meelkasta ay jogaan in lahelo, kuwa badan oo lamid ah hadraawi lana badiyo nabada radinteeda haddaan nabad sidii lagu helli lahaa la radin wax kale oo la heli karo inay san jirin.

Rabina wuxuu yiri u naxariista kuwa dhulka jooga allaha sare ayaa idin naxariisan

Cabdullahi Maxamed Nuur

Abdullahi05@swissonline.ch

Wariye mudulood.com

___________________________________

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul