Somaaliyeey
qalooc qabe na daay dhaha,
qayladhaanka qolyahan
Mbagathi jooga waa qiima la'aan dhaha,
qaran qurmis doonimayna dhaha ,
quraan diid qaadan mayno dhaha,
ku qaraabashada qandigeyna diidna dhaha ,
qalab la isugu keyn dhiibo qiil uma hayno dhaha,
qori nalagu toogto qaadimayno dhaha,
qas wade la qosalkiis waa qiira xuma dhaha,
qabashada askarta ilaaheey waa qaan aakhiro dhaha,
qunnaan ninkaan umadda ugu
shaqayn baska somaalida qaadi maaya dhaha ,
wiilal is qoomayo qalbigana wada buka qiyaadadooda
doonimayno dhaha,
qolo qolo iyo kala qobnaan qaa’id doonayo qaadi
kari mayno dhaho,
qabiil lagu qaraabto iyo quursi aan dhamaan ha la
qisaaso dhaha, qabqable dagaal waa qoonsanay dhaha,
qalin shubato qalinka ku xado waa qudh goys dhaha,
qaa’in qaran uu keeno waa ka quusanay dhaha,
Somaali ha loo qeybiyo afar iyo jab waa qar ka tuur
dhaha ,
qowl laabe waa qaadacnay dhaha,
qiil u doone qaniinyada deris xun waa qaa’in dhaha,
qeybsi aan loo dhamayn
kor nooma qaada dhaha ,
qaranka Somaliyeed midkaan qiimahiisa aqoon qaarka
nooga bax dhaha, calankeena kor u qaadidiisa kii
qoomamayo waa qaaya laabe dhaha,
Qaasim iyo ina Yusuf xabadka oo la isku qaado qalbiga
oo qaawan Gen Caydiid iyo Cali mahdi
ayaan kaga quusanay dhaha.
Somaliyeey xaalkeena waa
kaa, xaalkeena waa kaa ay ku nool yihiin Dr Cabduqaasim
Salaad, Col Cabdullahi Yusuf iyo asxaabtooda, waa
sua’aal jawaab cad u baahan raggan
maxay ku kala maqnaayeen ,waa su’aal jawaab u
baahan maxay ka sameysan yihiin raggan ku go’doomay
meel uunan ka jirin fakir saliim ah oo ummad
baahi u qabto nabad ka dilaacdo waddankooda lagu
hogaamin karo, su’aaladahan geddigood kolki aan u
helno jawaab cad waxaa innoo soo bixi karo
hogaamiyayaasha kale ee Soomalida badnkooda maanta in
aynan labadan hogaamiya wax badan kaga duwanayn waa
haddii ay jirtaba in ay ka duwanaadaan ,waxaa kale ee
inoo soo bixi karo in ay caddahay in aynan surtagal
ahayn xal ay la yimaaaan labadan nin oo soomali
dhulkeeda ka yeeli karo meel nabad looga nasteexeeyo.
Somaaliyeey
toosa bay afka labadiisa kor ugu qaadeen iyaga oo
gacmaha ishaysto, dhunkashadana dhinac walbo ula
jeesnayo daqiqado keddib kolki uu Madaxweyne Yuweeri
Musefeni qol mugdi ah oo aan luxudki ka duwanayn isugu
keenay iyaga iyo asxaabtooda waayo aniga uma arkaba in
ay yihiin dad war u haayo in
ay nool yihiin iyo in berri hore ruuxa isaga tegay jasadkoodi oo kaliyana uu
joogo.waxaa hubaal ah, shakina uunan ku jirin in ay
Somaaliyeey qaloocda niyada ka lahaayeen, qaar badan oo
dhinacyada iyo gadaalba ka taagnaa raggan lana
qaadayay heesti Soomaliyeey toosa wey ogaayeen (saaxibadood
heesta ay afka ka qaadayaan, islahaayeena ha maqlo
Yuweeri musaferni iyo in aad xamaasad
u haysaan xal u helida dalkiina iyo dadkiina) in ay ka
duwanayd heesta ay caloosha ka qaadayeen oo ahayd
Somalaay qaloocda haddii aad diidaan in aan hogaamiya
idiin noqdo.
Aan dib ugu noqono ka jawaabida
su’aaladah kor ku xusan annaga oo soo koobayno labadan
hogaamiya iyo kooxaha ay kala horboodaan maxay ku kala
maqnaayeen ilayn waxba isma baddelin arrimaha shirka
dibuheshiinta soomlida ee Mbagathi oo arrinka wufuuda
siduu shirka ku bilawday sanad iyo bil ka hor ayaa loo
daayay weyna aqbaleen
marka laga reebo isbeddelka ku yimid in uu markan
shirka hor boodayo madaxweynaha dalka ugaandha Yueeri
Musefeni oo ay
hubaal tahay in uunan waxba ku soo kordhin karin xal u
helida khilaafaadka kala dhexyaal hogaamiyayaasha
Soomalida kol haddii aynan suurta gal ahayn in uu dalka
Soomaaliyeed yeesho tiro iyo shan madaweyne, adduunkana
taa ma aqbali karaayo ilayn waa waali aynan waxba ka
dnbayn.
Raggan waxay sanad iyo bil doodooda
badanaa ku slaysnayd tirada ergada oo noqotay mid aan
xal laga gaarin ,maalin kasta oo horlana uu Kiblat
ergayga Kenya ee shirka suu doono ka yeelayay, waxay ku
kala maqnaayeen shirka soomali ha loo daayo, dastuurkana
ha ahaado mid ay Soomali soo diyaarisay, Ergaga
Itoobiyana ha joojiyo fara gelinta tooska ah ee uu ku
haayo shirweynaha Soomaalida ,dhinaca kalana waxay
lahaayeen dastuurka ha ahaado kii la saxiixay, waxaa kale oo ay lahaayeen Masar,
Jabuuti iyo Talyaaniga waxay caqaba ku yihiin in
shirka sidi loogu tala galay u socdo dowlad
Soomaaliyeedna lagu soo dhiso,waa sua’aal kale maxaa
isbedalay, jawaabtana waxay tahay waxba isma baddelin,
Itoobiya waa sideedi oo rag daacad u ah ayaa gogasha u
fadhiyo wax walbana ka hormarinayo danaha Itoobiya ka
leedahay dalka Soomaaliya,
Talyaanigi waa sidiisi oo rag buu daystay oo u maqan,
Masaaridi waa sideedi oo rag ay leedahay una ilaaliyo
danaheeda gogasha kama maqno, Ameerikaanka howshan
ishaysadkaa uma taalo oo mid walbo oo hogaamiyayaasha
ka mid ah diyaar ayuu yahay in uu u adeego ee
iyagaa xag allah laga heystaa, albaaba badanna isku
furay sidaa darteedna Soomali arrimaheeda uma soo
jeedaan, Kenya iyadaaba shirka daadihiso
oo danaheeda waa ilaalsanyiihin .Soomalaay waxba isma
baddelin oo ragga aan xalka ka sugayno howsha ugu weyn
oo ay gogashaa uga qeyb galeen waa in uu madaweyne noqdo
ama wasiir ,haddii uu intaa waayana xildhibaan aan la
soo dooran ee farta lagu fiiqo, loona sheegay guriga uu
xamar ka degi lahaa maleeshiyaadka baada hadda ku haysto
in ay ilaaladiisa noqonayso.
Yaanan waxba ku daalin hogaamiyayaasha
Kenya joogo ee
Soomaliyeey ha loo istaago sidi aan xal ugu heli lahayn arrimaha Murugsan
ee waddankeena, tilaabada xal lagu heli karaana waa in
aan ka shaqaynaa hogamiyayaal abuuro gogol Soomali loo
dhigo waddanka gudihiisa, gogashaasna aqbalkeeda
waa in uu ahaada gobalka,deegaanka ama hogaamiyaha
dhigayo in uunan ku amar ku taaglayn maareynta Gogasha,
daacadna ay ka tahay xal u helida dhibatada daba
dheeraatay ee waddankeena ka jirto.
Somaaliyeey
Shirka Kenya uga socda asxaabta aan la kala sooci karin
dagaalkooda iyo nabadooda, is arag walbana ku
bilaaba Soomaliyeey toosa , dhamaadka is aragoodana ku
dhameeyo somaaliyeey qaloocda,qaran diid ahaada, qaskana
ha daynina kol haddii aad garanweyseen in aan aniga ahay
hogaamiyaha ugu haboon ee waqtigan dalka
ku daadihin karo dhinac walbo oo xumaan looga baahan
yahay.
10/01/2004
Abdallah Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com