Salaan
nabadgalyo dushiina ha ahaato
iyo raxmadii ilaahay
Nabadu bari samaaday
leedahay
nabad daradu damiir laawey leedahay
Nabadu
bulsho wanagsanay leedahay
nabad daradu jidgoyayaalay
leedahay
Nabadu
guri lagu hoyday leedahay
nabad
daradu guri
la’aan leedahay
Nabadu geesi aan gablaminay leedahay
nabad
daradu geesi gablamay leedahay
Nabadu
gadaal ka gaar danbay leedahay
nabad
daradu goob
dumisay leedahay
Nabadu
fool faraxsanay leedahay
nabad
daradu fool
murugaysanay leedahay
Nabadu
qalbi wanaagsanay leedahay
nabad
daradu qalbi
xumay leedahay
Nabadu
saxiib wanaagsanay leedahay
nabad
daradu saxiib
la’aan leedahay
Nabadu
habeen socoday leedahay
nabad
daradu socodla’aan
leedahay
Nabadu salaan wanaagsanay leedahay
nabad
daradu salaan
la‘aanay leedahay
Nabadu
jiif wanaagsanay leedahay
nabadd
araduna jiif
la’aanay leedahay
Nabadu dhalaan dhashay leedahay
nabad
daradu dhalaan dhintay leedahay
Nabadu naas lanugey leedahay
nabad
daradu naas guranay leedahay
Nabadu
raxmad ilaahay leedahay
nabad
daradu raxmad
la’aanay leedahay
Nabadu
nimco aduunnay leedahay
nabad
daradu gaajo
adduunay leedahay
Nabadu
shariif sheegey leedahay
nabad
daradu dagaal
oogay leedahay
Nabadu muslinnimay leedahay
nabad
daradu diin
la’aanay leedahay
Maanta markaad
firisid dhulka
Somaliya intiisa badan waxaa laga waayay nabadii iyo
dawladii cid haysana
waa la la’yahay
shacbiga Somaliyeed wuxuu noqday baadi doon dawlad
isagoo aan nabad haysan
oo waxuu u baadi doon u tagay meelkasta cadawba
allaha ka dhigee nabadiina
waxay u kaliyowday cadawgeeda
Mudo kabadan
10sanadood waxaan radinaynay dawlad anagoo nabad haysan
Dawlad nimadana
waxay ku dhax jirtaa
nabada oo
hadii lawada radin lahaa waxay u dhawaan lahayd inaan
helno, nabadu iyadaa dawlad ah ,dawladi dawlad manoqon
karto hadaynaan nabad jirin
jiritaanka nabada ayaa dawlad ah
Laba qofood aan
nabad aheen wax ma wada dhisi karaan
haday dhisaana waxay dhiseen nabad laguma helo oo
way dhuntaa.
Hadaad qoriga u haysatid inaad heshid
dawlad aan kaligaa kaa maqnayn
walaalkana uu qoriga u haysto inuu helo dawlad aan
kaligiis ka maqnayn dawladnimadiina
ay cadawgeeda u bahal yawday cid haysatana
aysan jirin , waxay ku haboontahay in si wada jir
ah loo wada raadiyo intuusan cadawgeeda meel xun geynin.
Malaga yabaa inaan helno nabadeena iyo dawlad nimadeena?
Nabadii iyo dawladnimadii waxay
u go’donsantahay oo
ku heraarsan cadawgeeda iyo wax magarad aan coloshiisa ka aqli badneen.
Surtagal matahay dawladnimadeena iyo nabadeena inaan ka dhacsano oo aan
ka badbaadsano cadawgeena inta dhiman intuusan
dhamaystirin.
waa su’aal da‘ weyn oo
madaxa dalinaysa?
waxaan loo dhiman laguma dheefsado waxaan loo sabrina lama hello.
Somaliya
maanta nabad uradinteeda waa adoo seef afleh lagu yiri
cago la’aan kor mar
Siraadku waa seef muminkana lugaha kama goyso naartana
kumo dhaco ,ruux walbana wuxuu kumaraa camalkiisa
Waxaa dhacday nin ku
safrayay meel saxaro ah
oo watay awr ayaa sexday
markii oo uu hurdadii
kasoo toosay ayuu waxuu wayay awrkii sahayda u
saarneed markasuu
naxay oo uu u orday meelkasta oo ay jihadu ka jirto waxba
waa arki waayay orodkiina waa uu ka quustay
inuu arko awrkii naxdintii
iyo daalkiina waa uu kabatay
markasuu la
dhacay suxtin ,markuu ka soo tosay jiifkii naxdinta
waxay indhahiisa ay ku dhaceen awrkii oo agtagan
markasuu farax dartii isku dardarsamay markasaa waxaa
niyadisa ku soo dhacday
inuu rabigiis ku shukriyo isagoo aad ufaraxsan
markasuu yiri
ilaahow adaa mahadsan waxaa tahay adoonkayga anna
waxaan ahay rabigaaga
isagoo rabay inuu dhaho
ilaahow adaa
mahadsan waxaan ahay adoonkaaga
adna waxaa tahay
rabigayga faraxii uu farxay dartiis ayuu hadalkiisa
ayuu isku qalday.
somalida maanta faraxii ninkaas oo kale inay faraxdo malaga yabaa oo ay
ilaahayda ku xamdiso iyadoo waxba qaldin
Aan kala doorano jano iyo
naar anagoo joogno aduunka
aqiro dorasho majirtee fursadeenu waa intaan
noolnahay oo aan aduunka joogno hana ka quusan
raxmada ilaah isagaa naxarisbadane ah.
Malga yabaa inaan noqono
cibaadu raxmaan ee uu rabi ku tilmaamay qura’aanka
Adoomada ilaah markay ku socdaan dhulka xasilooni ku mara iyagoo wax
dhibaato ah gaysan ama aan cidi ogeen inay mareen iyo
inkale ,markay hadal xumeeyaan kuwa jahiliinta ah ama
fidna abuurayaasha ku dhaha nabadgalyo ama nabad .
shahaado been ahna aan furin Hadii hadal xun la amrana
iyagoo wanaagsan ka jeedsada oo wanagoodii sii wata
Ilaah hanaga dhigo kuwa aqaligooda cilmigooda diintooda
iyo ilahooda
kaalmaysta wabilaahi tawfiiq .
Cabdullahi Maxamed
Nuur
Abdullahi05@swissonline.ch
Wariye mudulood.com
___________________________________