|
GURI
AASAAS LA’AAN LA DHISAY
iyo
doowlad sharci la’aan la dhisay mala hoos degi karaa?
by: Prof.
Omar Hasaan Galagul galagulone@yahoo.com
16dii
fadhi oo midkaan ka horreysay waxeey u meel
mariwaayeen 7 qodob eey ka mid yihiin:
1)
faag-faagasho been eh iyo
faataxo boob,
2)
kursi jiris iyo iskala koox kooxeeyn,
3)
maan yari
iyo meel
gaaban wax ka arag,
4)
madaxweeyne nimo
doon iyo macangag,
5)
qabiil aan kaa
warqabin iyo qaac isku qaris,
6)
dood dheer iyo
dagaal deris oo joogto eh,
7) is
qaderis la’aan iyo qaran bur-buris.
Intaan waa ka badan yahay
dhibka Somalia ku habsaday,oo illa manta lugu
wareersan yahay xaliskiisa; assii la wada ogyahay
meesha eey xaajiada ka xanniban tahay iyo
balaayada hortaagan.
a)
gacan ku dhiigle ka dagaalaayo in aan maxkamad
lasoo saarin si aan loogu qaadin
dembigoow dadka iyo dalka ka galay,
b) dagaal ooge derejo doon deeqne heeysto,
c)
ganacsada ku sheeg ka taajiray beeso been abur eh
iyo badeeco qaal eh,
d)
dabaal aan weli kasin waxa loo dagaalay ooy weli u
muuqato derejadii laga xayuubiyay,
e)
dameer dhaan raac eh iyo duq dhuunta duleesho,
f)
duub aan ka warqabin dadkiisi meel oow ku dambeeyo.
Quraanka
waxaa laga bilaabaa alifka,
derejadane waxaa saldhig u eh sharci, aan marne la
xasuusan; somalida
shirkeeda waxoow ka bilaawdaa derejo
qeeybsi aan lugu
heshiin kari eey hortaagan yihiin kuwa leh
haleey badsho, ama ha baabado.
Haddi
cafis loo fidiyo intii dembiga gashay (mid
dhiig,mid dhac iyo mid dhaqaale) assii laga
xaaraantimeeyo derejo iyo maamul doowlad, muddo 5
sano eh; muku qanci doonaan, nabadse malooga
helidoonaa?
Habaar
ma qabto, waano ma maqlaan, walaal iyo waalid
midne ma ceshan karo, sharci ma ogola mana rabaan,
Ilaah ma yaqaanaan, diin iyo iimaan midne ma leh.
Waxaan
maqlijiray si leesaga xureeyo cadaw,
waa in la quuraa naf
iyo ma alba.
Maxaa
la sheegay? Xaq iyo xurriyo galagul
|
___________________________________
|
|