Mudulood Page
mudulood Online mudulood Home Pagemudulood News (in English)Mudulood Sport (in English)Mudulood World Service (English)
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 

Sidee nabad waarta lagu gaari karaa?

By Yaasiin Maaxi - Scandanevian, Sweden
maaxi@hotmail.com

Run sheeg, wax u marqaati fura, ma waayo. waxaan taas ula jeedaa in dad badan ay ka

marag kici doonaa waxa aan ka qori doono moowduucaan.waxaase xusid mudan

sida xeeldheerida iyo taxadarka leh ee dad badan oo walaalaheey ah ay horey ugu soo falanqoodeen ama aay wax ugu qoreen mowduucan.

Intaanan u guda gelinse muduucaan waxaan rabaa inaan ummada aan ka dhashay xasuusiyo in ay jirto saxaafad xor ah oo qof walbo ra`yigiisa iyo fikirkiisa ku sheegi karto.

Run ahaantii waxaa dhab ah in laga soo gudbay hadalkii Faarax Gololey oo ahaa

 ”ama af wayne raac, ama afkaaga daboolo ama afgooye aad”.

Maanta qof ashuun dhaxdii ku adimeeyso ma jirto waase Ilaah mahadii.

Qofkii xumaan arkaa Gacantiisa ha ku suuliyo, hadii uu awoodi waayo afkiisa ha ka sheego, hadii uusan awoodi karin Uurka ha ka naco taasi oo ah halka iimaanka ugu hooseeyso.

Waa xadiiskaas aqristow tan igu kaliftay inaan halkaan ku soo bandhigto fikirkeeyga ah sidee nabad waarto loogu heli lahaa ummada aan ka dhashay oon weligood arag agaasin wanaagasan oo ka arimiyo ayatiinkooda.

Hadaan u soo laabto mawduuceena Sidee nabad waarta lagu gaari karaa?

Waxaa  shaki ku jirin in loo baahan yahay dhowr qodob oo aan aniga u arkay ineey muhiim yihiin in la hirgiliyo

  1. Sideedaba in dib loo soo nooleeyo baahida aasaasiga ah sida amniga, caafimaadka 

      waxbarashada iwm.

  1. Hadii la helo waqti munaasib ah oo nabad buuxdo la gaaro aayna isku af-gartaan ummada soomaaliyeed ineey hubka iska dhigaan islamarkaasna hal mar laga wada uruuriyo dhamaan degmooyinka dalka ka kooban yahay,

     oo aaysan dhicin in cid laga xayuubiyo cidna loo hambeeyo.

  1. In degmooyinka iyo gobolda dalka la isku duwo loona sameeyo maamul hoosaad madax banaan oo aay u dhan yihiin dhamaan dadka loo yaqaano.

4.  In laga sameeyo tiro koob dhab ah dhamaan degmooyinka iyo gobolada dalka oo dhan,

    oo sugnaanteeda goob joog u yihiin hay`ado caalami ah oo lagu wada kalsoon yahay.

  1. Maamulka degaanada waa in si cadaalad ah loo qaybiyaa oo aan cidna lagu dulmin laguna saleeyaa saami sida loo kala badan yahay.
  1. In la sameeyo barnaamij horumarinta reer miyiga ah oo lagu nageeynaayo reer guuraaga, si dib loogu celiyo dadkii magaalooyinka u soo qaxay iyo kuwa ku soo qamaamay.
  1. In xabbad la qaybiyo waxaa ka fiican in abuur iyo daawo la qaybiyo.

Ka dib markii la fuliyo lana sugo arrimmaha aan kor ku xusan ayay suuragal noqon kartaa in la qabto shirwayne aay u wada dhan yihiin xubno xalaal ah oo laga soo xulay gobolada iyo degmooyinka dalka oo aay hurmuud u yihii Culuma u diinka,  Aqoon-yahanada iyo Indheer-garadka iyo haweenka soomaaliyeed iwm. Si loogu wada hadlo in cid walbo sameeysato maamul goboleed oo aay ka taliyaan dadka u dhashay goboldaas isla markaasna lagu dhiso dawlad dhexe (oo fedaral ah) oo xalaal ah islamrkaana loo wada dhan yahay.

Jamciyada quruumaha ka dhexeeysa iyo dawladaha ku midoobay waa inaay u soo gurmadaan si aay u qaan gaarsiiyaan maamulka cusub, inta uu ka tabareeysanaayo.

Isla markaana gacan ka geeystaan maxkamad dadwayne ee madax banaan oo lagu abaal marinaayo kooxihii falalka soomaali dumiska ku kacay dhowrka sano aay soomaalida xorta ahayd; oo aay ka mid yihiin kuwii dadka laayey kuwii dhaqaalaha boobay, kuwii maatada haoowshay, kuwii hantida dadweynaha dibada u badeeca geeyey, kuwii badda iyo beriga ka ijaaraty shisheeyaha kuna aasay nugliyeer qatar gelinaayo caafimaadka iyo nolosha ummada Soomaaliyeed labada boqol sano oo soo socota iyo kuwii qaranka soomaaliyeed u bur buriyey danahooda gaarka ah.

Kooxahaas abaalmarinta sugaaya ee dadweynaha Soomaaliyeed denbiga ka galay, hadii laysku dayo in loo soo galiyo shaati cusub ee siyaasadeed, isla markaana la lugooynaayo shacbiga, waxaay taasi keeneeysaa in aan lagu guuleeysanin nabadeeynta beelaha soomaaliyeed. cidii isku daydaana ineey noo soo dhisto xukuumada aay ku wada jiraan kooxahaas iyo kuwo la mid ah, gacan ma siin shacbiga soomaaliyeed ee waa maran habaabiyeen.

Waxaa kale oo xusid mudan oo runtii oo aan indhaha ka daboolan karin shan kooxood aan aniga u arkay in layska jiro ama layska ilaaliyo oo mar walbo laga feejignaado.

  1. Koox daneeystayaal ah oo isku sheegaayo in aay dad wakiil ka yihiin, ujeedadoodu tahay ineey bur-buriyaan danta guud, hadeeysan u muuqan tooda gaarka ah
  1. Shirarka beenta ah oo aay hurmuudka u yihiin laba naflayaasha soo taagan oo aan go`aamada ka soo baxa aaysan fuleyn.
  1. Ururada magacooda lagu ganacsado, oo laga dhigtay aalad lagu gor gortamo xiliyada shirarka oo kaliya.
  1. Kuwo boob iyo bililiqo ka hunguri baratay oo maantooleyska ah oo aanan ogolayn in nabad la gaaro.
  1. Kuwa hud-hudnimo ku sifoobay oo xaajad ku dhameeya ” kanna jodow leeyahay kanna garow leeyahay”

Guntii iyo gabo gabadii qoraal igama dhamaan, waase iga soo dhawaaday. balsewaxaan isku taxluujinayaa inaan maqaalo danbe ku dhamaystiro firadayda ah sidee nabad waarta lagu gaari karaa. Anoo qoraalkeeyga soo gabagabynaayo waxaan leeyahay oraahdaan

”dheheeyso dhagax helnaa ama dheef helnaaba war aan dhowrano dhulkeena”.

Allaa wax og!



Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul