By Yaasiin Maaxi - Scandanevian, Sweden
maaxi@hotmail.com
Run
sheeg, wax u marqaati fura, ma waayo. waxaan taas ula jeedaa in dad
badan ay ka
marag
kici doonaa waxa aan ka qori doono moowduucaan.waxaase xusid mudan
sida
xeeldheerida iyo taxadarka leh ee dad badan oo walaalaheey ah ay
horey ugu soo falanqoodeen ama aay wax ugu qoreen mowduucan.
Intaanan
u guda gelinse muduucaan waxaan rabaa inaan ummada aan ka
dhashay xasuusiyo in ay jirto saxaafad xor ah oo qof walbo
ra`yigiisa iyo fikirkiisa ku sheegi karto.
Run
ahaantii waxaa dhab ah in laga soo gudbay hadalkii Faarax Gololey oo
ahaa
”ama af wayne raac, ama afkaaga daboolo ama afgooye
aad”.
Maanta
qof ashuun dhaxdii ku adimeeyso ma jirto waase Ilaah mahadii.
”Qofkii xumaan arkaa Gacantiisa ha ku suuliyo, hadii uu
awoodi waayo afkiisa ha ka sheego, hadii uusan awoodi karin Uurka ha
ka naco taasi oo ah halka iimaanka ugu hooseeyso”.
Waa
xadiiskaas aqristow tan igu kaliftay inaan halkaan ku soo bandhigto
fikirkeeyga ah sidee nabad waarto loogu heli lahaa ummada aan ka
dhashay oon weligood arag agaasin wanaagasan oo ka arimiyo
ayatiinkooda.
Hadaan
u soo laabto mawduuceena Sidee nabad waarta lagu gaari karaa?
Waxaa
shaki ku jirin in loo baahan yahay dhowr qodob oo aan aniga u
arkay ineey muhiim yihiin in la hirgiliyo
- Sideedaba
in dib loo soo nooleeyo baahida aasaasiga ah sida amniga,
caafimaadka
waxbarashada iwm.
- Hadii
la helo waqti munaasib ah oo nabad buuxdo la gaaro aayna isku
af-gartaan ummada soomaaliyeed ineey hubka iska dhigaan
islamarkaasna hal mar laga wada uruuriyo dhamaan degmooyinka
dalka ka kooban yahay,
oo aaysan dhicin in cid laga xayuubiyo cidna loo hambeeyo.
- In
degmooyinka iyo gobolda dalka la isku duwo loona sameeyo maamul
hoosaad madax banaan oo aay u dhan yihiin dhamaan dadka loo
yaqaano.
4.
In laga sameeyo tiro koob dhab ah dhamaan degmooyinka iyo
gobolada dalka oo dhan,
oo sugnaanteeda goob joog u yihiin hay`ado caalami ah oo lagu wada kalsoon
yahay.
- Maamulka
degaanada waa in si cadaalad ah loo qaybiyaa oo aan cidna lagu
dulmin laguna saleeyaa saami sida loo kala badan yahay.
- In
la sameeyo barnaamij horumarinta reer miyiga ah oo lagu
nageeynaayo reer guuraaga, si dib loogu celiyo dadkii
magaalooyinka u soo qaxay iyo kuwa ku soo qamaamay.
- In
xabbad la qaybiyo waxaa ka fiican in abuur iyo daawo la
qaybiyo.
Ka
dib markii la fuliyo lana sugo arrimmaha aan kor ku xusan ayay
suuragal noqon kartaa in la qabto shirwayne aay u wada dhan yihiin
xubno xalaal ah oo laga soo xulay gobolada iyo degmooyinka dalka oo
aay hurmuud u yihii Culuma u diinka,
Aqoon-yahanada iyo Indheer-garadka iyo haweenka soomaaliyeed
iwm. Si loogu wada hadlo in cid walbo sameeysato maamul goboleed oo
aay ka taliyaan dadka u dhashay goboldaas isla markaasna lagu dhiso
dawlad dhexe (oo fedaral ah) oo xalaal ah islamrkaana loo wada dhan
yahay.
Jamciyada
quruumaha ka dhexeeysa iyo dawladaha ku midoobay
waa inaay u soo gurmadaan si aay u qaan gaarsiiyaan maamulka cusub,
inta uu ka tabareeysanaayo.
Isla
markaana gacan ka geeystaan maxkamad dadwayne ee madax banaan oo
lagu abaal marinaayo kooxihii falalka soomaali dumiska ku kacay
dhowrka sano aay soomaalida xorta ahayd; oo aay ka mid yihiin kuwii dadka
laayey kuwii dhaqaalaha boobay, kuwii maatada haoowshay,
kuwii hantida dadweynaha dibada u badeeca geeyey, kuwii badda
iyo beriga ka ijaaraty shisheeyaha kuna aasay nugliyeer qatar
gelinaayo caafimaadka iyo nolosha ummada Soomaaliyeed labada boqol
sano oo soo socota iyo kuwii qaranka soomaaliyeed u bur buriyey
danahooda gaarka ah.
Kooxahaas
abaalmarinta sugaaya ee dadweynaha Soomaaliyeed denbiga ka galay,
hadii laysku dayo in loo soo galiyo shaati cusub ee siyaasadeed,
isla markaana la lugooynaayo shacbiga, waxaay taasi keeneeysaa in
aan lagu guuleeysanin nabadeeynta beelaha soomaaliyeed. cidii isku
daydaana ineey noo soo dhisto xukuumada aay ku wada jiraan kooxahaas
iyo kuwo la mid ah, gacan ma siin shacbiga soomaaliyeed ee waa maran
habaabiyeen.
Waxaa
kale oo xusid mudan oo runtii oo aan indhaha ka daboolan karin shan
kooxood aan aniga u arkay in layska jiro ama layska ilaaliyo oo mar
walbo laga feejignaado.
- Koox
daneeystayaal ah oo isku sheegaayo in aay dad wakiil ka yihiin,
ujeedadoodu tahay ineey bur-buriyaan danta guud, hadeeysan u
muuqan tooda gaarka ah
- Shirarka
beenta ah oo aay hurmuudka u yihiin laba naflayaasha soo taagan
oo aan go`aamada ka soo baxa aaysan fuleyn.
- Ururada
magacooda lagu ganacsado, oo laga dhigtay aalad lagu gor gortamo
xiliyada shirarka oo kaliya.
- Kuwo
boob iyo bililiqo ka hunguri baratay oo maantooleyska ah oo
aanan ogolayn in nabad la gaaro.
- Kuwa
hud-hudnimo ku sifoobay oo xaajad ku dhameeya ” kanna jodow leeyahay kanna garow leeyahay”
Guntii
iyo gabo gabadii qoraal igama dhamaan, waase iga soo dhawaaday.
balsewaxaan isku taxluujinayaa inaan maqaalo danbe ku dhamaystiro
firadayda ah sidee nabad waarta lagu gaari karaa. Anoo qoraalkeeyga
soo gabagabynaayo waxaan leeyahay oraahdaan
”dheheeyso
dhagax helnaa ama dheef helnaaba war aan dhowrano dhulkeena”.
Allaa
wax og!
|