Salaan
nabad galyo iyo raxamadii
ilaah korkiina ha ahaato
Somaliya
yaa leh? Ragii
iyo haweenkii dhaliyay xurnimada ee gumaysi iska kiciyay
cadawna iska dhiciyay iyagoon xor aheen dhulkoodana
xurnimo gaarsiyay mise kuwa iyagoo xor
ah wax qabsan la’ cadawgoodana u liita
Shacabkii
xurnimada usoo halgamay waxay ahayeen kuwa dhulkooda jecel
diyaarna u ah inay naftooda iyo maalkooda u huraan
halganka ay halgameen kuma koobneen carrabkooda ee wuxuu
kasoo go’ay qalbigooda ruxii
madaxweyne noqonaayo wel wel kuma hayn iyo dastuur
ku hishiintiisa
Qalbi been
masheego carrabkuse wuxuu doonuu sheegaa run iyo been,
ruux la leeyahay dhulka aad sheeganayso magaciisa burburi
lacagtaana qaado ama angaa
madaxwayne kaa dhigayno iwm garabna waan ku
siinaynaa ruux dhulkiisa rabo inuu shisheeyo xoog wax u kadhigo
Ruux cadawga dhulkiisa u arko
saxiibkiis dandiisana ay ku jirto
Cadow oo uu saxiibkiis cadow yahay
Qalin iyo qaa‘inkiisa
maxaa kala haysta
Qaan iyo qofkeeda
maxaa kala haysta
Qiyaamo iyo
qa’inkeeda maxaa kala haysta
Qabri iyo qofkiisa maxaa kala haysta
Qurux iyo qiimaheda maxaa kala haysta
Quud iyo qadarintiisa maxaa kala haysta
Qadirka
ilaah iyo caasi maxaa kala haysta
Qilaaf
kama dhamaade iyo calaamka maxaa kala haysta
Qaraabo
goys iyo ehelkiis maxaa
kala haysta
Qalbi
laysa saariyo qosol beena maxaa kala haysta
Qiyaas
aan qiimo laheen iyo qaran maxaa kala haysta
Qoomamo
iyo qabiil maxaa kala haysta
Qiil
ma waaye iyo qayb doon maxaa kala haysta
Qawsaar
iyo qaran maxaa kala haysta
Qaxooti
iyo qax maxaa kala haysta
Qasaaro
iyo qayr maxaa kala haysta
Somaliya
dhibaatoyinka loo bahan yahay in laxaliyo way tira badan
yihiin waxaase ugu weyn
jagada madax waynenimada
taas macnaheeda in loo helo nidaam uu diktatoor
danbe ku soo laaban hantida dadweynaha ay gacantiisa mid
ka fog ay tahay laguna kalsonaan karo ayna noqoto mid
laysku sharfo
mudadeedana ay kobantahay wareegna ku
dhisan dastuurkeedana uu yahay mid adag shacbigana uu
noqdo mid wax qabsan karo gobal ilaa degmo
waayo waa cudurka ugu weyn ee jira dhibaatoyinkii
tiktatoorka laga dhaxlay awgeed .
Jabuuti ragii lagu magacabay
xal ma aysan noqon nayroobina
waxba kama badalmayaan kuwii jabuuti
hadii loo wada dhan yahay iyo hadii aan loo wada
dhamayn waa isku mid
Intooda
badan waxay heshiis
kuwada yihiin inay is qiyameyaan
inuu mid waliba raadiyo sidii uu madaxwayne ku
noqan lahaa midwalbana waa u sir
Waxa
laysku haysto ma maslaxada umada somaliyeedaa?
Ruuxii
jagadaas helo in raali
looga wada noqdo ma suurtagalbaa?
Hadii
la dhaho ruux walba qabiilkiisa ha aado qabiil walbana ha
isa soo qanciyo
wuxuu
raali ka yahay hala yimaado hogamiyayaasha dagaalka
intooda badan inay
yelaan surtagal maaha.
Hadii
la dhaho qabiil walba ee ay u taalo isbaaro haqaado
si dawlad loo wada dhanyahay loo
dhiso dastuur raali laga wadayahayna loo helo
Isbarada
waxaa dusha looga xoraa inay dhigteen niman burcad ah
hadii la damcana in wax laga qabto oo burcada lala diro
qabiilaa la taabtay waa
dagaal qabiil, hadal iyo dhamaantii taasna kaba qabiilada ma ogola.
Dhibaatooyinka
shacbiga somaaliyeed haysta waa tiro badan yihiin shacbiga
somaaliyeed wuxuu tagan yahay ,cadawgeena allow cadow
ubixi
Hadaan
la saxin dhibaatooyinka runta ah ee loo bahan in laga
heshiiyo layskana daayo madaxtanimada qaab darada lagu
raadinaayo mid walbana uu qaab daro uu wax ku rabo xalku
waa fogyahay hadaan
sugayno inay dekada iyo eeriboorka ay mala’igi inoo
furto isbarooyinka ay
qabaa‘ ilada ka danbeeyaan
ay mala’igi
qaado, ama kii madaxweyno loo magacaabo raga la tartamaayana wax dheeraado
ee isiga soo baxa inaan sugno, ilayn dadku waxay tagan
yihiin waraboow iyo furuq kala dooro ileen albaab kale
malehe
Kadibna
la daawado siduu wax yeelo hadii uu xoog iyo aqli isku
darsado oo uu
calamka gacan kahelo uu naqdo nin wax qabsan karo iyadana
mid sahlan maaha ama wixii uu dhaqaale ka helo calamka
inuu arursado haduu arko inuusan waxba kaqaban karin,
ilayn cid laxisabtamayso ma jirtee waxad heshid
waxna u qaybi waxna meeldhigo , Shacabka somaaliyeed wuxuu
noqday shacabka kaliya ee ku nool calamka shacbi ahaan cid
garab tagan aysan jirin lakiin uu calamka gacan ka geystay
hogaamiye koxeed siddii uu wax unoqan lahaa dhaqaale iyo
hanti badan lagu bixiyay
deentana loogu dadaalay sidii ay ugu badan laheed
shacbiga somaaliyeed
Qaramada
midoobayna ay ka gaabsatay, dawlaha waa weyna aysan dhagta
wax ugu sheegin hogaanka qaramadamidobay, calamkana dowlad
ahaan aysan
dantooda ku
darin in shacbiga
somaaliyeed la garab istaago waxna loo qabto xoog iyo
aqliba, biloyin
kuma qadan laheen, hadayse rabaan inay ka dhur sugaan dagaal ooge inuu waantobo mid waan tobaayo maaha ilaa uu
cadaabta taabto waqtigiina waa uu dhamaaday
Cilmigii
iyo aqligii aan wax tarin wuxuu lamid yahay qalbi dhintay
Cilmigu
iyo aqligu wuxuu galaa qalbiga somaalida intooda badan
waxay adeegsaaan carrabkooda e ma adeegsadaan cilmigooda
iyagoo cilmi leh
Adeegso
cilmigaaga ku jira qalbigaaga
si somaali looga saaro dhibaatada
Wabilaahi
towfiiq
Cabdullahi
maxamed nuur
Wariye
mudulood
Abdullahi05@swissonline.ch
___________________________________