Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Falastin TV Live Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Banaadir Annagaa Leh Oo Kaliya Meel Idinma Geyso

by: Abdallah Moallim Maxamud (Abdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

Cibaada ha jirin ,ceelka ha jirin ,ciyaar ha jirin ,ciddana ha jirin waa rag caydii iyo Calool xumadi uu Shirka Carta ku danbeeyay Xaaji Cali Mahdi, oo ay haddana falki oo kale la soo ceegaagaan walaalihiis Xaaji Muuse Suudi Yalaxow iyo Maxamed dheere, haddaba waxaa isweydiin mudan, aaway Somaali iteedi kale ,arrinka miyuu ku soo idlaaday yaanan kursiga  looga daba hadlin Hiraab aan runta isu sheegayn ,kala danbayn iyaga dhexdooda ahna aan la imaanayn, dadka Soomaliyeedna rajadoodi ku soo  koobay gunaanadka Eldorat ha ahaado mid aan ka duwanayn kii Carta oo ku dhamaaday u codaynta Dr Cabduqaasim Salaad iyo Dr Cabdullahi Caddow oo aan iyaga marnaba gacanta ku hayn furaha xal u helida arimaha Somaaliyeed guud ahaan iyo nabadaynta Mgaalada Muqdisho gaar ahaan oo aan iyada weli la hayn gogol gaar u ah ee looga hadlay maamul u samenynteeda iyo guud ahaan xal u helida arimaheeda isku miliqsan.

  Dood uma baahna waqtigan xaadirka ah in ay reer Mudug ciyaar suge ka dhigeen walaalkood Cabdullahi yusuf oo mudda sanad ku dhow ku riyoonayay madaxnimada waxay taalaa meel aad gacanta la gaarto iyaga oo taa u kaashtay awood sheegadka Yalaxow iyo Banaadir anigaa isk leh oo aynan ka danbayn siyaasad qorshaynsan oo u gaar ah isaga iyo taageerayaashiisaba, ilaa haddana Yalaxow lagama haayo wax muuqdo oo aan kaga dayno in aan farta ku fiiqno boogta halka ay ku taal. 

  Dr Cabduqaasim iyo caddowna arrintooda ma xuma oo waa walaalo wacan ee mudan in lagu faano, oo iyaga ku heshiiyay gacan ka hadal waxaa ka roon  innaga oo ku kala harno sanduuqo codaynta ee aan soo hordhigno Somaali lagu bahdilay lacago iyaga siyaaba kala duwan looga maroorsaday, hogaamiyayaal somaali ee iimaan yari iyo zamanka oo aad u kululeeyay ay ku khasabtay in ay geed xun u koraan dalkoodo oo helo dowlad uun magaci ummadda ku shaqeyso iyagana ka asturto in asraartooda oo dhan kashifanto.

 

Cabduqaasim iyo Caddow meermeereysi iyo isdaba maryayn idin bili meyso, Soomaalina idinkuugu garaabimeyso, Shalay annagaa u adeegaynay dowladi diktatoodiga ahayd, tan xigtana annagaa wadayno ee ha noola daayo. Waxaad yeeshaan xalka ka doona Hiraab oo heshiis ah in ay yimaadaan gogal Soomaaliyeed, taana ay tahay tan loogu gudbi karo guul Soomaali usoo wada hoyato ,haddii kale yeelkiin wixi waqti iyo lacag idinkaga khasaaro tartan guushiisa idin raacdo oo aan nabad u keenayn Muqdisho iyo agagaarkeeda.

 

   Maxamed Dheere  dadaal iyo halgan dheer keddib shirki Carta wuxuu kala yimid Xubin barlamaan, kolki uu xamar yimidna waa ku qanci waayay taa, sidaa darteedna wuxuu sameystay quwad aan ka xoog yarayn xoogaga ka jiro magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda,intaa keddibna wuxuu walaalkiis Yalaxow u kaashtay banadaada guushi Cabduqaasim  debada kala yimid isaga oo aan ku xisaabtamin dhibaatooyinka dowladiisa hor istaagi karo ee ka jiro magaalada Muqdisho, kana dhigi karo mid aan shaqayn. Maxamed, weli kama muuqdo hunguri weyni fog oo uu zamanka baray ,arrintiisana waxay u muuqataa mid ku kooban wasiir iyo wax la mid ah haddii aynan harsanayn arrin u qarsoon oo uunan weli kor u sheegin ,doonayana in uu sheego keddib furitaanka shirka uu ka garab furaayo shirki Eldorat oo ay maalmo dhoweyto isaga iyo kooxaha uu gacan saarka la leeyahay ku gacan sareeyeen.

 

Waa warki oo kooban Shirka Jowhar waa isbaara hor leh oo loogu tala galay in loo dhigo wixi ka soo baxo sanduuqo codeynta ee Eldorat iyo  is yeelyeelka Soomalida Eldorat ka sugayso in ay wax ka soo baxaan inta ay jiraan xoogag wax u dhimi karo hehiis aan Soomali u dhamayn oo uu dhinac kaliya horboodayo. Maxamed, adiga iyo yeelkaa in aad qaabkaaga wax ka badasho iyo in ay howshaado ku ekaato banadaad aan qorsha cad oo aad dadkaaka la kaashato ka danbayn. Xabashana  ku bilimesyo, garab joogeedana Soomaali kuugu garaabimeyso ee danta gaar ee gobalka  Banaadir iyo tan guud ee Soomaaliyeed ka doon halki ay ku jirto, adiga oo u kaashanayo taagerayaashaada oo ah dadyowga ugu tira badan deegaanka gobalka Banaadir iyo agagaarkeeda,ilayn iyaga aqoon iyo maalba kuma yaree .

 

  Xaaji Muuse waa ku guulaystay banadaadi dowladi lagu soo aloosay Degmada Carta ,Soomaali weyna ay raja ka qabeen in ay mar kale cagaha u dhigi doonto dowlad Soomali ka Anbaqaado, laakin waxaa hadda su’aal ka taagan tahay, Yalaxow iyo golahiisa Samatabixinta yey u codayn rabaan Shirka Soomali uga socdo Eldorat kolki la horkeeno saduuqa codaynta oo ay isugu soo hari doonaan sida la saadaalinayo Caduqaasim oo la ogyahay isbaarada uu u dhigay xanuunkeeda inta ay la ekeed iyo Caddowgi uu ku tilmaamay dhowr jeer oo hore in uunan ka duwanayn Walaalkiis Cabduqaasim. Tageerayaasha Muuse waxay ku guuxayaan, odaga weli isma soo sharaxin si cad, mana soo sharaxin mid ay raali ku yihiin taagerayaashiisa ,Maxamed Dheere oo banadaadi Cabduqasim ku garab siiyayna shaqo muuqato beryahan kama dhexeyso, sideey wax u jiraan ma annagaa mar walbo dhamaadkeena yahay guuldarro aan gacmaheena ku abuurno, ma annagaa dhameedkeena yahay “riibi geed ma daaqo ,lagamana daaqo”. 

 

Waxay is weydiinayaan, Muusa Suudi haddii uunan doonayn in uu tartan u galo qabashada jagada u sareyso dalka Soomaaliya , maxaa u diiday inuu garab istaago ruux ay taageerayaashiisa aqbali karaan misa arrinrta waa waali ah, shalayna anigaa diiday Cabduqaasim ,berigana anigaa dhisayo Cabduqaasim oo ay huban tahay in uunan la imaanayn dhaqan ka duwan kii lagu bartay oo ay u dheertahay isbaarada Maxamed dheere u dhigi doono isaga oo ay ugu danbayn u soo jebi doonaan taagaarayaashi Muuse Suudi qabiil ahaan haddii ay dhacdo in ay Cabduqaasim guusha raacdo mar kale. 

 

Cadowna haddii uu soo guulaysto, shaki kuma jiro in isbaarada intaa ka weyn tahay oo ay Muusa iyo Maxamed dheere isu kaashan doonaan rididiisa sidi in ay howshoodaba ku ektahay,ciddi guul la timaadana meel uga soo wada jeesta, idinkana ku ekaada qayla dhaan iyo Banaadir annagaa leh. Warki oo kooban Muuse Suudi, waxaan u sheegaynaa in ay tageerayaashiisa beryahan ka gaabiyeen garab istaagiisa, taana aynan macnaheeda ahayn in ay diidan yihiin Islooganka Yalaxow oo beryahan ahaa Somaali ayaan doonayaa laakin ay diidan yihiin Soomaalidaas uu sheegay in uu doonayo in uu marka kale afka u geliya dhurwaay aan cidnaba bixinayn berri haddii uu xoogaysto. Muusa adiga iyo yeelkaa, Cabduqaasim ku bilimaayo, Soomalina kuugu garaabimeyso garab istaagiisa isaga iyo wixi la mid ah Muusa howsha kuu taal waa in aad la timaado wax ay taageerayaashaada oo Maxamed dhere ka mid yahay kuugu bili karaan oo ah  in aad fursad siiso ruux lagu tabayo in uu sadkiisa iyo sharafka Soomaaliyeedba meel cidla ah kaga tegayn ama aad adiga si rasmi ah ugu dhawaaqdo in aad u sharaxan tahay madaxnimo, keddib la tashi dhinacya  badan  leh oo  ay ka mid yihiin kuwa aad la tashaneyso taageerayaashaada iyo golaha aad ka tirsan tahayba.

 

  Kolkaan u dhaadhaco ujeedada risaaladan waxaa caddaan  ah, banaankana u soo baxay, qabashada shirar badan oo lagu heshiisiinayay Somaalida keddib, in aynan  umadda Soomaaliyeed weli ku cibra qaadan dhaqan xumadi hore iyo tan haddeer ee hogaamiyayaasha shirweynaha dib u heshiisiinta Soomaliya u fadhiyo dalka Kenya, in aynan ahayn intooda badan hogaamiyayaal ka runsheegayo hadafka uu leeyahay mid walbo oo iyaga ka mid ah badankooda.

  Afar iyo tobanka shir ,shirwalba wuxuu ku bilaabanayay Soomaliyeey tooso wuxuuna ku dhamaanayay ,kolki horaba waxaan heshiis ku ahayn in aanan heshiin, marki laga reebo Shirka Kenya hadda uga socdo Somaaliweyn oo cunugi caloosha galay marki uu bilaabanayay ay ahayd in uu dhasho ,kii aan dhalana uu yahay mid  hooyada sido ay u baahan tahay  in lagu sameeyo  qaliin u baahan u fiirsasho badan.

 

Shirki Carta wuxuu dhalay cunug dhicis ah oo aan dhameys ahayn, dhalashadi keddibna waa waayay Aabe wacan ee daryeelo intuu saanta dhulka kala helayo ,wuxuuna ku danbeeyay cudura badan oo ku dhaco kedib in uu dhinto oo ay u dheertahay in aan weli la soo duugin ,haddana uu doonayo arrin aan macquul ahayn oo ah in uu ruuxa la wadaago cunug caloosha ku jiray afar iyo toban bilood oo aan weli maaro loo helin in uu dhalo cunug dhameys ah,  caqligiisana saliim yahay, caafimaad buuxana qabo, wax galna u ah ummadda Soomaaliyeed. raja ma laho ,Mana filayo cugug caloosha ku daahay oo dhaafay  mudadi la sugayay in uu dhasho in ay ruux kaliya wadaagi karaan cunug dhicis ah ee dhintay saddex sano keddib dhlashadiisa. 04/03/2004

 

Abdallah Moallim Mahamud

Moallem10@hotmail.com

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul