Warqad
furan 10/03/2004
Ku/ Cabdirisaaq Xaaji
Xuseen
Ra’iisul Wusaare hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed
Salaan
qaaliya keddib
Mudane Abdirizaq, hordhac
la’aan waxaan kaaga mahadnaqaynaa dadaalka aad u
gashay soo jeedinta arrimaha aad ku tilmaantay ‘waa
xalki lagu heli lahaa dowlad loo dhanyahay oo nin caadil
ah gacanta ku dhigo, ummadda Soomaliyeed iyo dalkeedana
dib u dhiso, xumaan iyo jirooyinka aan gacanteena ku
abuurnayna tirtiridooda ka shaqeyso). Mudane, haddii
aad asiibtay (haleeshay) xalki iyo haddii kalaba waxaan
Ilaaheey kaaga baryaynaa in uu ajir kaa siiyo dadaalkaas
aad la timid. Waxaana ku xusuusinaynaa, xaqiiqana ah in
uu Ilaaheey ruux walbo sadarkiisa og yahay, wixi uu
qarinayo iyo wixi uu kor u sheegaba. Waxaan iyadana
shaki ku jirin in uu ra’yigaaga in badan raali gelin
doono, in kalana ay madaxwareer ka qaadi doonaan, in
kalana laga yaabo in ay kuugu tuhmaan in aad dad gaar ah
ku dhibeyso fikirkaan aad ummadda Soomaaliyeed u soo
jeedisay, saad adigaba risaaladaada ku xustay.
Mudana aan u gudubno ra’yi garab ordayo kaaga
, macnihiisana
uunan ahayn naqdi (kahortag) balsa uu yahay istusaalayn
iyo saad adigaba ugu bilowday hadalkaada in jawaabta
su’aasha aad weydiisay lagu
kala duwanaan karo.
Mudane waxaan shaki ku jrin qaran iyo qabiil in
aynan isqaadi karin, shirar badan oo soomalida loo
qabtayna, xalka dhibaatada ummadda Soomaaliyeed kala
tirsanayso waxaa lagu doonay in uu qabiil qaran soo
dhiso (4.5 oo aanan aniga aqoon xaggee laga helay
ixsaa’iyaadka (tirakoobka) cadaynayo in ay somalida
tahay 4.5 qabiil).
Haddaba
adiga waxaad soo jeedisay talo ah in qabiilki laga tago
(waana mid aad u fiican haddii aan helo taa maanta,
waxaa
kale oo taladaada ka mid ah, hogaamiyaha Soomaliya ee
shanta sano ee soo socoto in uunan ka soo jeedin labada
Qabiil Hawiye & Darod
Balsa uu ahaado Soomalida kale.
Mudane madax daacad ah
helitaankeeda marnaba ku imaanmeyso in qabiil kale oo
aanan ahayn Hawiye & Daarood laga doorto hogaamiyaha
Dalka, kuna imaanmeyso in H & D laga doorto hogaamiyaha dalka
tiro ama tayo qabiil awgeed sidaad
meelaha qaarkood risaaladaada ku xustay tira aadan
qabiil gaar ah ku tilmaamin.
Mudana hadalkaada waa is isku dhacay wuxuuna leeyahay qabiil ha laga tago si aan guul u gaarno,
marnana wuxuu leeyahay hogaamiyaha dalka ha lagu doono
mid ka mid ah qabaa’ilka aan ahayn Hawiya & Darood.
Mudana waxaan kuu sheegayaa, aqristayaashana u
shegayaa in aan ahay ruux Hawiyaa, Mudulood, Abgaal-------------.tan
macnahedda ma’ahan in aan difaacayo qabiil ama aan ku
hadlayo af qabiil waayo ruux kasto oo Soomaaliya maannta
waxaa waajib ku ah in uu la yimaado dadaal xal loogu
helo dhibaatada Soomaliweyn ku dul raagtay ,ninkaana waa
in uu ogyahay in aynan gar iyo cadaaaladba ku imaan
karin nin jeclaysi,
qabiil
jeclaysi, iwm midnaba.
Mudana, aniga oo soo koobaya Shirka Kenya maanta Somali uga
socdo waxaa la qorshaynayaa in doorasho lagu kala baxo (waa haddii uu guul ku dhamaadee) sidi kii
Cartaba
loogu kala baxay doorasho, xubnaha codkooda dhiibanaya
ama barlamaanka halkaa lagu dhisayo, kii Carta waxaa soo
xulay raggi abaabulkiisa iska lahaa, kan hadda Kenya ka
socdana waxaa barlamaanka xulidiisa
gacan weyn ku yeelanayo dowladda uu hadda
dalkeeda shirka ka socdo, guusha madaxnimada Soomaliyana
waxaa la rajeynayaa in ay raacdo kii ku badiyo gadashada
xubna aan shacabka soo dooran, dhibaata badanna ku
raagtay iyaga naf’ahaantoodo, ogow oo talada ku dar
hogaamiyahaas karti uu leeyahay lagu dooran maayo iyo
taariikhdiisi hore oo ka tarjumayso wacnaan horay loogu
yiqiin. Hadalkan waa araar aan soo hormarinayo ilayn
waxaa rabaa in aan tilmaamo asbaabaha uu ku imaan karo
hogaamiya caadil ah waa sidaan aniga u arkee. Mudane,
hogaamiye la sameeyay Dal dhibaata ku raagtay sidi
waddankeena ma
hogaamin karo ama ha ka soo jeedo qabiil kale ama ha ka
soo jeedo H & D, Mudane
taariikhda waxay na bartay hogaamiyaha ha samaado
ama ha xumaadee in uu yahay mid isaga isa soo bandhigo .
ILaahey
ummadda Soomaaliyeed towfiiqda ha waafajiyo.
Mudane Cabdirizaq Xaji
Xuseyn, Soomaali maanta
waxaa haayo fasaad ku raagtay, hogaaamiya la,aan iyo
la’aanta koox
daacadnimo Soomaaliyeed isku kaashato iyo Ilaahey
wejigiis. Helitaanka
hogaamiya daacad ahna kuma imaanesyo qabiilka uu
ka soo jeedo hogaamiyaha, balsa waxay ku imaaneysaa in uu
hogaamiyaha ummadda ka soo dhax baxo isaga oo wato hadaf
cad oo ka tarjumayo quwadiisa shaqsigaa iyo in uu yahay
caadilki ay Soomali sugaysay, kooxda uu ka soo
dhaxbaxna abaabulkeedi hore in uunan ku salaysnayn
qabiil ,
mooryaanimo
iyo gadashada xubna Barlamaan. Midda kale waa in ay
ummadda garato in uu hogaamiyahaas yahay nin u siman
dadka Soomalida oo dhan, sooona dhaweyso .
Haddaba ra’yigayga waxaan ku soo gabagabaynayaa
baaq ah in aanan sugin hogaamiyayaasha maanta
Soomaliweyn horboodayo (oo uunan jirin maanta mid Somali
ka bixi karo dhibaatada ku dul habsatay, gaar ahaan kuwa
magacooda uu idaacadaha ku soo noqnoqdo taana waa
ra’yigayga) qabiil kuu doono ha ka soo jeedo. waxaan
leeyahay talo ha ahaato Dhalinta Soomaalida ee Mustaqbalka waddankooda mas’uuliyad ka saaran
tahay in ay gole wanaag lagu dhisay soo abaabulaan,
iskana dhax doonaan hogaamiye ay ku tebayaan in uu
gacanta ku dhigo gole u dhigmo SYL ee mabda’iisa yahay
ku dhaqanka Islaamka, qabiil isku bahaysina ka fog iyo
tixgelinta hogaamiyahooda reerka uu ku abtirsado balsa
hogaamiyaha lagu tixgeliyo kartida uu u leeyahay dal
bahala galeen ah oo dowlad caadil ah laga
curiyo.waxaa kale oo aan isa soo xasuusinaynaa aayatan
Qur’aan, suurada Al-Racad, aayata 10 & 11 (Waana isku
mid kiina qarsada hadalka iyo kiina la qayliyo iyo kii
isqariya habeenkii iyo kii muujiyo maalinti (10) wuxuuna leeyahay(ruux kasta) kuwa isbedela (malaa’ig) oo
hortiisa iyo gadaashiisa ah, kuna dhawra amarka Eebe,
Ilaaheyna ma dooriyo wax dad ku sugan yahay intay
ka dooriyaan waxa naftooda ku sugan, markuu Eebe la
doono dad dhibna wax ka celin ma jiro, mana laha Eebe ka
sokow Gargaare (11). )
Mudane
qaab kale oo lagu doorto Madax Qarameed aan maskaxda ka
wada doono oo ay inta
badan isku raaci karaan.
Mahadsanid.
Abdallah
Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com
WARQAAD
FURAN (Open Letter)
by:
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
Email:
Hussen554@aol.com
March 10/2004
Ujeeddo:
DOORASHO MADAX QARAMEED ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Hadal-keyga
waxaan ku bilaayaa "wax weyddiin" (su’aalo):
S (= su’aal): Akhriyow (Soomaali) ma rabtaa in
nabad, xasillooni iyo midnimo lagu soo dabbaalo
waddankaaga hooyo, Soomaaliya?.
J (= jawaab): Waxaan filayaa in jawaabtu
noqondoonto: HAA (maxaa kale!).
S : Sideebaa lagu heli karaa, xaggeese laga
bilaabi kara?
J
: Waxaan filayaa in lagu kala duwanaan karo jawaabaha
labadaan su’aalood. Haddiise, metalan, qof soo
jeeddiyo in sida lagu heli karaa ay tahay iyadoo la helo
madax daacad ah, karti iyo aqoon dhab ah leh, kasbi
karta kalsoonida aqlibiyada dadweyneha, inkastoo
ummaddii loo kala qaybiyey reer-reer iyo qoys-qoys qoryo
isu haysta. Waxaa laga bilaabi karaa is-doorashada la
filayo/rajeynayo in dhawaan laga sameeyo shirka dib-u-heshisiinta
ee ka socda dalka Kenya. Qofkee haya ra’yi ka
mac-quulsan mid kaas? Ka dhig iyadoo la isla oggolaaday
jawaabahaan: Madax daacad ah…… oo lagu doorto shirka
Kenya.
Waa
hagaag (fiican badan!). Ma ku heshiin karnaa micnaha
"madax daacad ah"?. Alle ha sahlo!. Dareenka
guud ee haataan ka jira ummada dhexdeeda, madax daacad
ah " waxaa badiba qofku u arkaa kan la qabiilkiisa
ah. Kaan ahayn qabiilkiisa daacad maaha, sidaa darteedna
ma oggola madaxnimadiisa. Haddii la ogsoonyahay in
waddanku uusan yeelan karin hal madaxweyne, hal
ra’iisul wusaare iyo hal ra’iisul baarlamaan ka
badan, sidee la yeeli karaa? Markaas, labo talo midkood
ayaa gudboon: ha la iska illoobo midnimo iyo dawladnimo,
oo aan ku joogno sida haatan xaaladdu tahay iyo si ka
sii xun; ama haddii kale, waa in dib looga fiirsado
xikmadda ku salaysan in wax kasta lagu qiimeeyo aragti
qabyaaladeed keliya.
Inkastoo
aan garan karo jawiga waqtigaas jiray, weli waxaan
rumeysnahay in qalad weyn iyo aragti gaaban ayey ahayd
markii shirkii Carta (Arta), ee Djibouti, lagu
sharciyeeyey in talada ama maamulka qaranka saldhig
looga dhigo fiiro qabyaaladeed (4.5). Intii ay
cambaareyn lahaayeyn qabyaaladdii sababtay xasuuqii iyo
bur-burkii dagaallada sokeeye keeneen, ee markaas ay ku
dadaali lahaayeen soo noleynta ama xoojinta wacyi
waddaninimo iyo qowmiyadnimo (national consciousness and
national belonging), dadkii shirkaas ka qayb galay waxay,
si aan toos ahayn (indirect), muujiyeen in sababta
dagaalladasi ku dhaceen ay jid/gar ahayd, ee sidaas
darteed qabyaaladdu, hadda ka dib, noqotaa mitirka talo
qaybsiga qarameed lagu jaangooyo. Si dhug leh ma loogu
dhabba galay sida nidaam qabyaaladeed iyo mid qarameed
ay u heshiin karaan?
Waxaan
rajaynayaa in ummadu badiba aysan rabin inay ku sii
jirto bur-bur iyo midnimo/qaran la’aan. Haddii taasi
jirto, soo waa waajib maaha in xoogga la saaro sidii
fikradaas loo hirgalin lahaa ee looga bixi lahaa
xaaladda murugta iyo xanuunka weyn leh ee haatan lagu
suganyahay. Tallaabada ugu horreysa waa sidii loo heli
lahaa madaxda MAANTA loo baahan-yahay: daacad, caddaalad/sinnaan
(eex qabiil iyo qaraabo kiil la’aan) joogto ah, u
hoggaansan sharciga iyo qaynuunka ("strictly
observing and respecting the rule of law"), uguna
dhaqma awoodda (mas’uuliyada) lagu sharfay in danta
guud ay u adeegsadaan ee aysan u adeegsan danahooda
gaarka ah iyo kuwa qoysaskooda.
Haddii
intaas kor ku xusan la isla garto, waxaa soo haray sidii
loo xaqiijin lahaa ama loo fulin lahaa. Waa arrin
daacadnimo, dadaal iyo geesinnimo u baahan, siiba dadka
dhallinyarada ah ee aayahoodu si gaar ah ugu xiran-yahay
sugidda tallaabooyin kaas.
Waxaa
loo baahnaan karaa in dib loo jalleeco ama loo fiirsho
wixii la soo maray 40kii sano ee la soo dhaafay, wixii
dhacay iyo sida ay ku dhaceen, iyadoo la iska ilaalinayo
eedeyn, iyo been abuur aan raad run ah taariikhda dhabta
ah ku lahayn. Dib-u-jalleecaas waxaa badiba loogu baahan
yahay in la xasuusto qaladdaadkii dhacay si looga
gaashaanto in aysan dib u dhicin, horona looga socdo ee
aysan naftoodu noqon caqabad.
Arar
dheer ka dib, sidee "matoorka"
(‘engine"-ka) loo kiciyaa?. Mee furihii?. Furihii
derbi dhagax ah ayaa ka sokeeya: waa qabyaalad iyo tiro
ku faan. Bal wixii ka horreeyey iska daaye, 14tii sano
ee dagaallada sokeeye socdeen, maxaan ka helnay
qabyaalad iyo tiro ku faan?. Jawaabta laga filan karo
qofkii daacad ah amase dan gaar ah wadan, waa balo, baas
iyo bur-bur aan sahal looga soo kaban doonin.
Ku
soo dhawow arrinta dulucdeeda: Sidee loo heli karaa
madax suubban oo si daacad ah u rumeysan nabadeynta,
dib-u heshisiinta, isu soo dumidda iyo dhayidda dhaawaca
weyn ee colaadihii sokeeye reebeen; madaxdaasoo, isla
mar kaasna, xooggooda iyo kuwa dadweynahaba isugu
gaynaya dib-u-dhiska iyo dib-u-habeynta qaraneed/dawladeed
si loo soo nooleeyo ama celiyo sharaftii iyo magacii
ummadda.
Waxaa
Soomaalida qaarkeed tiraahdaa: "NIN YIRI ANIGA’,
dad iska reeb". NIN waxaa looga jeedaa QOF. Anigoo
taas tix-raacaya, waxaan soo jeedinayaa, ka dib markaan
in muddo ah arrintaan ka fakaray oo ka fakaray, in
maanta arrinta dhabbe cusub loo jeexo. "Bal
shab-shablana ku day " (waa maah-maah). Maxaan ula
jeedaa dhabbe cusub?. Sida la wada ogsoon-yahay, waxaa
jira (jirta) labo reer oo si gaar ah isu fiirsanaya ama
u ficil-tamaya: D (=Daaroot) iyo H(= Hawiye). Labadaan
reer si weyn ayey wax u kala tirsanayaan. Waa sheeko
muddo dheer soo socotay, welina socota. Dadweynaha
kalena wax weyn ayuu ka tirsanayaa labadoodaba.
Hoggaanga
xukunka oo labada reer (D iyo H) midkood ama labaduba
qabtaan wuxuu noqon karaa qoryo xansaso ah oo dab la
saaray?. Intii ay xoogga saari lahaayeen wacyi
waddaninimo iyo horumar guud, waxay waqti iyo maalba ku
lumen-doonaan tartan, awood ku looltan(power struggle)
iyo xoog-qabiil isugu faan, taasoo deg-deg u horseedi
karta colaad cusub iyo sii kala fogaansho horleh. Qiyaas
cad ayaa laga qaadan karaa sansaanka iyo
"record"-ka dadka maanta walaalahay D iyo H
safka hore ugu jira loollanka hogaanka xukunka.
Ummadu
waa ka daashay dagaal iyo xunguruf ku salaysan qabyaalad,
oo koox yari danaheeda gaar ah ku beer dulucsato.
Dadweynahu taas waa ku liqanyooday, waxaanaan rajaynayaa
inuu ka soo jeedo. Wuxuu maanta doonayaa (maaha u
baahan-yahay) nabad, xasillooni, dib-u-heshisiin iyo
dib-u-dhisid, si uu uga soo kabto bur-burkii iyo
barakacii uu ku soo jiray in ka badan 14 sano.
Sidaas
darteed, daawadu maanta waxay ku jirtaa in labadaan reer
ay ka tanaasulaan saddexda jago ee u sarreeya jagooyinka
qaranka: Madaxweyne, Ra’iisul Baarlamaa iyo Ra’iisul
Wusaare 5ta sano oo KMG ah. Saddexdaas jago waa in loo
doortaa madax ka soo jeedda dadweynaha kale ee aan ku
abtirsan labadaas reer (D iyo H).
Dadweynahaas
kale wuxuu tabanayaa, dhabna ah, xaq darrooyin iyo
tacaddi; wuxuuna sheeganayaa, oo badibana wax ka jiraan
(si ay ku noqotayba), in laga bursaday talada/ maamul
qarameedka, ilaa qaarkood ku dhawaaqay goosasho.
Arrimahaasu garowsho iyo daawo ayey u baahanyin ama
mudanyihiin, waana ayaan darro haddii si weyn loo
tixgelin waayo.
Walaalahay
D iyo H waa inay si fiican uga fiirsadaan taladaan.
Kursi qof iyo labo ku fariisato, waxaa ka faa’ido
badan daryeelka danta guud. Waa ogahay in qofkii rabaa
oran karo dad gaar ah ayaa Cabdirisaaq ula jeedaa
taladaan. Anigu waxaan leeyahay, oo iga dhab ah, qof (qofaf)
toona ulama jeedo. Waa arrin iigu muuqatay in daawo ay u
noqon karto xaaladda maanta lagu suganyahay. Waa talo
dabin looga boodayo, ee maaha mid loola jeedo "joogto".
Waa
shan taan sano oo lagu magacaabay "Ku Meel Gaar (KMG)".
Xukunku maaha, oo keliya, madaxweyne iyo ra’iisul
wusaare, iwm. Walaalahay D iyo H saami weyne ayey ka
qaadan karaan maamulka dawladda, waxayna ka ciyaari
karaan dowr weyn dib-u-heshisiinta iyo dib-u-dhiska
qarankooda, waana ku waajib. Sidaas bayna magac, muunad
(sharaf) iyo tixgelin weyn kaga kasbi karaan dadweynaha
Soomaaliyeed iyo adduunweynahaba. Maxaa ka sharaf iyo
qiimo badan xaqaaga oo aad uga tanasushay daryeelka
danta (maslaxadda) guud ee Qaranka?
Madaxweyne
Aaden Cabdille Cusmaan (Aden Adde) waxaa laga dhaxlay
erayo qiimo weyn u leh nidaamka ku dhisan in talada
qaranka loo simanyahay. Wuxuu mar ka badan fagaare kaga
dhawaaqay: ‘Dadku ha kala barto raggiisa (madaxdiisa)’.
Muxuu ula jeeday?. Wuxuu ula jeeday : xukunka waa in loo
sinnaadaa, oo hadba qofof talada loo dhiibaa, si
dadweynahu u kala bartaan madaxdooda iyo si ay u
caddaato in qof/qofof ama reer/reero gaar ahi aysan si
joogto ah u layn hoggaanka xukunka. Haddii aan si kale u
dhaho. Wuxuu, Mudane Aadan, u la jeeday in qabashada
mas’uuliyad qarameed "yuu yahay" aysan muhim
ahayn ee "muxuu yahay" ay tahay su’aasha loo
baahanyay.
Waa
in la gaaraa maalin la’ ogaado in tiro qabiil aysan
noqon karin mitirka wax lagu jaangooyo, ee mitirku
noqdaa heer aqooneed, daacadnimo, dadaal gaar ah,
caddaalad, dammiir ama dun fiicni, Alle ka cabsi, iwm.
Faraqa ku jira "Yuu yahay" iyo "muxuu
yahay" waxaa metaal ama markhaati cad, oo la taaban
karo, u ah Mudane Aadan Cabdulle qudhiisa.
Daacadnimadiisa, eexasho la’aantiisa, dadaalkiisa iyo
kartidiisa (muxuu yahay ) weeye wuxuu ku kasbay in lagu
magacaabo: "Aabbihii Qaranka" (Father of the
Nation).
Haddii,
sidaan rajaynayo, taladaasi saameyn yeelato, markaas
waxaa lagama maar-maan ah in la helo madax leh
tilmaamaha/sifooyinka kor ku xusan iwm, oo la rajayn
karo inay kasbi karaan, haddii fursad la siiyo,
kalsoonida dadweynaha, iyagoo mar kasta xasuusan sababta
ay hoggaanga ku kasbeen iyo iyagoo ficil ku muujinaya in
"muxuu yahay" ay ka khayr roonaan karto "yuu
yahay".
Eebbow
adigaa naga og wixii khayr ah, ee na waafaji, aammiin.
Cabdirisaaq
Xaaji Xuseen
Ra’iisul Wusaare
hore ee Soomaaliya