Waa
dabadheeraaday shirka Nayroobi oo loogu magac daray
shirka dib u heshiisiinta Soomalida, Soomaliyeey mid ka
mid ah safxadaha ugu farawaaweyn safxadaha wararka
shirka ka soo tebiyo dalka Kenya ayaa maalin dhoweeto
wariya ka mid ah weriyayaasheeda ku dooday in uu marki u
horeysay Soomaalida u sheegayo in ay wacan tahay rajada
laga qabi karo shirka dib u heshiisiinta Soomalida oo
guulaysto ,dowlad loo dhan yahayna ay ka soo baxdo,
keddib marki uu hadalkiisa asaas uga dhigay sida ka
muuqanaysay warar iska soo daba yeeray oo uu ka mid ahaa
war uu sheegay Dr Cabdullahi Caddow oo ahaa in jimcihi
la soo dhaafay ay soomalida maqli doonaan haddalo ka
farxiyo oo ku saabsan shirka, iyo wasiirka arrimha
debadda dalka Kenya Mr Kalonza Musyoka oo isagana
sheegay in laga gudbi doono marxalada cakiran ee shirka
ku jiro bisha May iyo Juun ee sanadkan ,laguna tilaabsan
doono horumar la taaban karo ,wuxuuna hadalkaa gadaal ka
raaciyay haddii ay muddadaas ku guuldaraystaan shirka
Soomalida uga socdo dalka Kenya in ay arrimaha Soomalida
ku wareejin doonaan dowladaha isu tegay ee adduunweynaha
UNka.
Marki aan soo koobo ujeedada soo
xusida hadallada kore waxaan rabaa in aan Soomaaliweyn
ku baraarujiyo in hadalka ka soo yeeray wasiirka Kenya
loo aqristo siduu yahay lagana gudbo calool jileeca ku
fiday dadweynaha soomaaliyeed intooda badan meel walba
oo ay joogaan oo beryahan ku habsaamay raja ka qabida
guul laga gaaro shirka Soomalida uga socda dalka Kenya
khaas ahaan qaabka ay hadda Igad u daadihiyeen arrimaha
shirkaas. Wasiirka Kenya hadalkiisi, run ahaan wuxuu
ahaa afeef iyo isaga oo soo hormariyay qaabki u fududayn
lahaa maalmaha fooda nagu soo haayo ku dhawaaqida si
rasmi ah in uu fashilmay shirkaa, (ay iyaga ka ahaayeen
daadihiyaal ,dalkoodana ka soconayay mudda kor u
dhaaftay sanad iyo bar) ,wasiirka wuxuu doonayay ,waa
sida ay tahay dhabtee ii uu dhabarka u saaro
hogaamiyayaasha Soomalida mas’uuliyada in uu fashilmo
shirkaa uu siday diidiin ay ku raagtay necayb uu u haayo
dadka Soomaliyeed . tan macnaheeda ma’ahan in aynan
hogaamiyayaasha Soomaaliyeed dowr ku lahayn fashilaada
shirkaas laakin dhinaca kale waa lama huraan taabashada
xaqiiqada waxay tahay oo ah in aan marnaba
hogaamiyayaashaas la isu madaxbanayn in ay ka wada
hadlaan arrimaha dalkooda tan iyo inti uu bilowday
shirkaas ,annaga oo aan ku dheeraan faala ka bixinta
ujeedada ka danbayso kala haynta hogaamiyayaasha
Soomalida waxaan hadalk ku soo koobaynaa in uu shirkaas
xanbaarsanaa dalaalo ah in sideedaba Kenya iyo Iitoobiya
ay ficiladooda ka muuqanaysay hagardilyeynta mustaqbalka
dadyowga Soomaaliyeed iyaga oo taa u soo maray garasha
xumida,waddanima la’aanta hogaamiyayaasha Soomaliyeed
iyo waxyaaba badan oo aan qoraal kaliya lagu soo koobi
karin.
Wasiirka debada ee Kenya in aynan dhab
ka ahayn hadalladi danbe ee ka soo yeeray oo ahaa in
shirka Kenya ku tilaabsan doono horumar la taaban karo
waxaa cadaynayo arrimahan .
1) Kenya oo ku dhawaaqday in aanan
Baasaboorka Soomalida lagu soo geli karin dalkeeda mudda
yar ka hor ku dhawaaqida wasiirka debadda Kenya in uu
shirka ku tilaabsan doono horumar la taaban karo.
2 ) Ku dhawaaqida 203 in ay tahay
tirada ergada ka qeybgalayso wejiga saddexaad ee shirka,
iyaga oo Igad iyo Dowlada Kenya og xasaasiyada uu
ficilkan ka dhex abuuri karo ergooyinka ka qeyb galayo
shirka Soomaalida iyo iyagoo ka dheragsan in bedbedalka
tirada ergada ay ahayd sabab ka mid ah sababihi keenay
in uu shirka dhaafo muddooyinka loo xadiday in laga mira
dhaliyo oo guul lagu soo gabagabeeyo.
3)Wasiirka Kenya oo hadalkiisa ku soo
afjaray afeef ah hadii aan ku fashilano soo afjarida
shirkan si guul ah in aan arimaha shirka ku wareejin
doono Ummamal mutaxida UN ka.
4) Tan iyo inti uu socday shirkan
waxaa bishii ama labadi bilba gudohooda lagu dhawaaqayay
ajandooyin hor leh oo shirka ku socon doono, oo aan
haddana lagala tashan ka soo qaybgalayaasha shirka ,taasoo
macnaheeda yahay hagar aan loo meel dayin iyo rabid aan
qarsanayn in shirkaas dabadheerado ,khasaarihi ka
yimaadna ay dusha u dhigtaan ummadda Soomaliyeed oo ku
tashatay cadowya soo jireen ah xagga xal u helida
arimahooda murugsan iyo dowlad loo ka ambaqaado dalkooda..
Si kastaba ha ahaatee su’aasha
Soomaliweyn hortaalo waxay tahay yaan sugaynaa in uu xal
u hello arrimaha murugsan ee dalkeena kol haddii aan ku
tashanayno in uu shisheeya xalliyo ariimaheena.
Sua’aasha labaad waxay tahay in xal
loo helo arrimaha murugsan ee dalkeena ma waxaan ka
sugaynaa hogaamiyayaal isbaarooyin u dhigtay adeegyada
dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan markaan tusaale u soo
qaato tiro ku dhow Sideed iyo ilaa Toban isbaaro oo
waddada afgooye iyo Xamar cadde isku xirto u taalo
hogaamiyayaal ka soo wada jeedo jufa kaliye .
Ma waxaan xal ka sugaynaa hogaamiye ku
habsaamay sheegashada in uu yahay madaxweynihi
Soomaaliya isaga oo weliba ahaa kii horeeyay ee jabiyay
cahdiga uu ka galay ummadda Soomaliyeed keddib marki
lagu soo caleema saaray shirka Carta oo isaga lagu
tilmaami karo shirka kaliye ee guul la taaban karo la
yimid marka loo fiirayo shirarki dib u heshiisiinta ee
loo qabtay ummadda Soomaaliyeed tan iyo inti ay
burburtay dowlddi Soomaaliyeed.Dr Cabduqaasim intaa
waxaa u dheer in uu habeenki la doortay uu shirka
aqriyay aayad quraan oo ku saabsan in ay waajib ku tahay
ruuxa Muslimka ah (iyo beni’aadamka oo dhan ) fulinta
Cahdiga, laakin nasiib darro uu isaga noqday kii ugu
horeeyay oo jebiyay cahdiyadi halkaa lagu wada galay
keddib marki uu ka baxay balanki ahaa in dowladda halkaa
lagu soo doorto la geeyo magaalada Baydhabo.
Ma waxaan xal ka sugaynaa
hogaamiyayaal heshiiskoodu sahlanyahay ,dirirtoodana ka
sii sahlantahay ,heshiiskooda iyo dirirtoodana ku
saleeyo dano iyaga u gaar ah waa iyaga sida ay u arkaane.
Ma waxaan xal ka sugaynaa maamulo ka
shaqeynayo sii burbrinta midnamada Soomaaliyeed ,dadaal
dheerna ugu jiro ka shaqaynta kala qoqobida ummadda
Soomaaliyeed.
Isku soo wada duub ma waxaan xal ka
sugaynaa hogaamiyayaal mid waliba tartan ugu jiro u
adeegida danaha dowladda shisheeye ay dalkeena ka
leeyihiin.
Ugu danbeyn Soomaliyeey yaa saarka
doqonimo naga tumayo ee ummaddaan u maciino oo aan
ilaaheey ahayn, ogowna ilaaheey wuxuu kitaabkiisa
kariimkaa nagu baray in uunan beddalaynin qowmki aan wax
ka beddelin wixi naftooda ku sugan tahay.
Ogow mar kale, oo aan talada ku darno
in aanan hogaamiye iyo akhyaarba la sameysan karin .afkana
umma roono dalkeena waa akhyaar la’yahay waana dal
aynan ku badnayn hogaamiyayaal ijaabi ah.
Gacal waa inti garato in dalkan uu u
baahan yahay hogaamiyayaal ijaabi ah ee dalka u dhashay
dadkana aqbali karaan ,haddaba waxaan ruuxi tebayo in uu
jagadaa buuxin karo ugu baaqaynaa in uu ummadda
Soomaaliyed u kaco una dhaqaaqo baraarujinta dadkiisa
iyo la imaatinka daawo bogsiin karto bukaankan nagu
dheeraaday .dhinaca kale ma donayno hogaamiye isu soo
sharaxo madaxweyne shir kasto oo Soomali isugu timaado ,weligiina
aan la arag isaga oo qaadayo tilaaba wax ku ool ah oo ku
aadan arrimaha murugsan ee Soomaalida ,ha ahaato
taakulaynta dadyowga tabarta daran ,ka shaqeynta daminta
colaadaha ahliga ah, ku baraarjinta bulshada in ay ka
kacaan hurdada una dhaqaaqaan u adeegida dalkooda,kor u
qaadida waxbarashada ,kor u qaadida tayada cafimaad ,ka
shaqaynta isu dhoweynta hogaamiyayaasha dusheena ku
herdamayo, iwm.
Abdallah Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com