Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Falastin TV Live Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Soomaalyeey; Yaa noo Maqan Oo Saarka Shisheeya Naga Tumayo

by: Abdallah Moallim Maxamud (Abdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

Waa dabadheeraaday shirka Nayroobi oo loogu magac daray shirka dib u heshiisiinta Soomalida, Soomaliyeey mid ka mid ah safxadaha ugu farawaaweyn safxadaha wararka shirka ka soo tebiyo dalka Kenya ayaa maalin dhoweeto wariya ka mid ah weriyayaasheeda ku dooday in uu marki u horeysay Soomaalida u sheegayo in ay wacan tahay rajada laga qabi karo shirka dib u heshiisiinta Soomalida oo guulaysto ,dowlad loo dhan yahayna ay ka soo baxdo, keddib marki uu hadalkiisa asaas uga dhigay sida ka muuqanaysay warar iska soo daba yeeray oo uu ka mid ahaa war uu sheegay Dr Cabdullahi Caddow oo ahaa in jimcihi la soo dhaafay ay soomalida maqli doonaan haddalo ka farxiyo oo ku saabsan shirka, iyo wasiirka arrimha debadda dalka Kenya Mr Kalonza Musyoka oo isagana sheegay in laga gudbi doono marxalada cakiran ee shirka ku jiro bisha May iyo Juun ee sanadkan ,laguna tilaabsan doono horumar la taaban karo ,wuxuuna hadalkaa gadaal ka raaciyay haddii ay muddadaas ku guuldaraystaan shirka Soomalida uga socdo dalka Kenya in ay arrimaha Soomalida ku wareejin doonaan dowladaha isu tegay ee adduunweynaha UNka.

Marki aan soo koobo ujeedada soo xusida hadallada kore waxaan rabaa in aan Soomaaliweyn ku baraarujiyo in hadalka ka soo yeeray wasiirka Kenya loo aqristo siduu yahay lagana gudbo calool jileeca ku fiday dadweynaha soomaaliyeed intooda badan meel walba oo ay joogaan oo beryahan ku habsaamay raja ka qabida guul laga gaaro shirka Soomalida uga socda dalka Kenya khaas ahaan qaabka ay hadda Igad u daadihiyeen arrimaha shirkaas. Wasiirka Kenya hadalkiisi, run ahaan wuxuu ahaa afeef iyo isaga oo soo hormariyay qaabki u fududayn lahaa maalmaha fooda nagu soo haayo ku dhawaaqida si rasmi ah in uu fashilmay shirkaa, (ay iyaga ka ahaayeen daadihiyaal ,dalkoodana ka soconayay mudda kor u dhaaftay sanad iyo bar) ,wasiirka wuxuu doonayay ,waa sida ay tahay dhabtee ii uu dhabarka u saaro hogaamiyayaasha Soomalida mas’uuliyada in uu fashilmo shirkaa uu siday diidiin ay ku raagtay necayb uu u haayo dadka Soomaliyeed . tan macnaheeda ma’ahan in aynan hogaamiyayaasha Soomaaliyeed dowr ku lahayn fashilaada shirkaas laakin dhinaca kale waa lama huraan taabashada xaqiiqada waxay tahay oo ah in aan marnaba hogaamiyayaashaas la isu madaxbanayn in ay ka wada hadlaan arrimaha dalkooda tan iyo inti uu bilowday shirkaas ,annaga oo aan ku dheeraan faala ka bixinta ujeedada ka danbayso kala haynta hogaamiyayaasha Soomalida waxaan hadalk ku soo koobaynaa in uu shirkaas xanbaarsanaa dalaalo ah in sideedaba Kenya iyo Iitoobiya ay ficiladooda ka muuqanaysay hagardilyeynta mustaqbalka dadyowga Soomaaliyeed iyaga oo taa u soo maray garasha xumida,waddanima la’aanta hogaamiyayaasha Soomaliyeed iyo waxyaaba badan oo aan qoraal kaliya lagu soo koobi karin.

Wasiirka debada ee Kenya in aynan dhab ka ahayn hadalladi danbe ee ka soo yeeray oo ahaa in shirka Kenya ku tilaabsan doono horumar la taaban karo waxaa cadaynayo arrimahan .

1) Kenya oo ku dhawaaqday in aanan Baasaboorka Soomalida lagu soo geli karin dalkeeda mudda yar ka hor ku dhawaaqida wasiirka debadda Kenya in uu shirka ku tilaabsan doono horumar la taaban karo.

2 ) Ku dhawaaqida 203 in ay tahay tirada ergada ka qeybgalayso wejiga saddexaad ee shirka, iyaga oo Igad iyo Dowlada Kenya og xasaasiyada uu ficilkan ka dhex abuuri karo ergooyinka ka qeyb galayo shirka Soomaalida iyo iyagoo ka dheragsan in bedbedalka tirada ergada ay ahayd sabab ka mid ah sababihi keenay in uu shirka dhaafo muddooyinka loo xadiday in laga mira dhaliyo oo guul lagu soo gabagabeeyo.

3)Wasiirka Kenya oo hadalkiisa ku soo afjaray afeef ah hadii aan ku fashilano soo afjarida shirkan si guul ah in aan arimaha shirka ku wareejin doono Ummamal mutaxida UN ka.

4) Tan iyo inti uu socday shirkan waxaa bishii ama labadi bilba gudohooda lagu dhawaaqayay ajandooyin hor leh oo shirka ku socon doono, oo aan haddana lagala tashan ka soo qaybgalayaasha shirka ,taasoo macnaheeda yahay hagar aan loo meel dayin iyo rabid aan qarsanayn in shirkaas dabadheerado ,khasaarihi ka yimaadna ay dusha u dhigtaan ummadda Soomaliyeed oo ku tashatay cadowya soo jireen ah xagga xal u helida arimahooda murugsan iyo dowlad loo ka ambaqaado dalkooda..

Si kastaba ha ahaatee su’aasha Soomaliweyn hortaalo waxay tahay yaan sugaynaa in uu xal u hello arrimaha murugsan ee dalkeena kol haddii aan ku tashanayno in uu shisheeya xalliyo ariimaheena.

Sua’aasha labaad waxay tahay in xal loo helo arrimaha murugsan ee dalkeena ma waxaan ka sugaynaa hogaamiyayaal isbaarooyin u dhigtay adeegyada dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan markaan tusaale u soo qaato tiro ku dhow Sideed iyo ilaa Toban isbaaro oo waddada afgooye iyo Xamar cadde isku xirto u taalo hogaamiyayaal ka soo wada jeedo jufa kaliye .

Ma waxaan xal ka sugaynaa hogaamiye ku habsaamay sheegashada in uu yahay madaxweynihi Soomaaliya isaga oo weliba ahaa kii horeeyay ee jabiyay cahdiga uu ka galay ummadda Soomaliyeed keddib marki lagu soo caleema saaray shirka Carta oo isaga lagu tilmaami karo shirka kaliye ee guul la taaban karo la yimid marka loo fiirayo shirarki dib u heshiisiinta ee loo qabtay ummadda Soomaaliyeed tan iyo inti ay burburtay dowlddi Soomaaliyeed.Dr Cabduqaasim intaa waxaa u dheer in uu habeenki la doortay uu shirka aqriyay aayad quraan oo ku saabsan in ay waajib ku tahay ruuxa Muslimka ah (iyo beni’aadamka oo dhan ) fulinta Cahdiga, laakin nasiib darro uu isaga noqday kii ugu horeeyay oo jebiyay cahdiyadi halkaa lagu wada galay keddib marki uu ka baxay balanki ahaa in dowladda halkaa lagu soo doorto la geeyo magaalada Baydhabo.

Ma waxaan xal ka sugaynaa hogaamiyayaal heshiiskoodu sahlanyahay ,dirirtoodana ka sii sahlantahay ,heshiiskooda iyo dirirtoodana ku saleeyo dano iyaga u gaar ah waa iyaga sida ay u arkaane.

Ma waxaan xal ka sugaynaa maamulo ka shaqeynayo sii burbrinta midnamada Soomaaliyeed ,dadaal dheerna ugu jiro ka shaqaynta kala qoqobida ummadda Soomaaliyeed.

Isku soo wada duub ma waxaan xal ka sugaynaa hogaamiyayaal mid waliba tartan ugu jiro u adeegida danaha dowladda shisheeye ay dalkeena ka leeyihiin.

Ugu danbeyn Soomaliyeey yaa saarka doqonimo naga tumayo ee ummaddaan u maciino oo aan ilaaheey ahayn, ogowna ilaaheey wuxuu kitaabkiisa kariimkaa nagu baray in uunan beddalaynin qowmki aan wax ka beddelin wixi naftooda ku sugan tahay.

Ogow mar kale, oo aan talada ku darno in aanan hogaamiye iyo akhyaarba la sameysan karin .afkana umma roono dalkeena waa akhyaar la’yahay waana dal aynan ku badnayn hogaamiyayaal ijaabi ah.

Gacal waa inti garato in dalkan uu u baahan yahay hogaamiyayaal ijaabi ah ee dalka u dhashay dadkana aqbali karaan ,haddaba waxaan ruuxi tebayo in uu jagadaa buuxin karo ugu baaqaynaa in uu ummadda Soomaaliyed u kaco una dhaqaaqo baraarujinta dadkiisa iyo la imaatinka daawo bogsiin karto bukaankan nagu dheeraaday .dhinaca kale ma donayno hogaamiye isu soo sharaxo madaxweyne shir kasto oo Soomali isugu timaado ,weligiina aan la arag isaga oo qaadayo tilaaba wax ku ool ah oo ku aadan arrimaha murugsan ee Soomaalida ,ha ahaato taakulaynta dadyowga tabarta daran ,ka shaqeynta daminta colaadaha ahliga ah, ku baraarjinta bulshada in ay ka kacaan hurdada una dhaqaaqaan u adeegida dalkooda,kor u qaadida waxbarashada ,kor u qaadida tayada cafimaad ,ka shaqaynta isu dhoweynta hogaamiyayaasha dusheena ku herdamayo, iwm.

Abdallah Moallim Mahamud

Moallem10@hotmail.com

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul