Siday
doonaan shaxda ha u dagaan ,dhinaca ay rabaana jarta
ha u qaadaan,waxaa hubaal ah in uu ruux walbo yaqaan
sida uu u seexdo kol haddii uu tuur leeyahay iyo
haddii uunan lahaynba.Cabdullahi Yusuf juhdi dheer buu
u soo galay noqoshada madaxweyne Soomaaliyeed isagayna
ka go’antahay in uu hadafkiisaas dhalanteedka ah ku
sii dheganaado ama ku dhawaaqo in uu ka quustay
gaarida hadafkaas mustaqbalka dhow, Cabduqaasim afar
sanadood ayuu sheeganayay Madaxweyne ayaan ahay isaga
oo aan ka talin hal Kilo meter dhul ahaan Casumadi
dalka (Muqdisho) ,taa oo ay u dheeratahay isaga oo ku
fashilmay furida albaabada ilaha dhaqaalaha
Soomaliyeed guud ahaan iyo kuwa Caasumada Soomaliyeed
gaar ahaan ,sidaa darteedna isaga ayaa laga rabaa
wasiirka koowaad goobta uu la tegi doono , kagana
shaqeyn doono iyada oo uu madaxweynihiisa yahay
Cabdullahi Yusuf ,haddii ay caasumada xamar tahayna og,
hogaamiyayaasha joogo Xamar Cade sida ay isku yihiin
iyo sida uu yahay dhaqankaoodaba kolki ay wax la
qeybsanayaan nin ay ka dheragsanyihiin khibrada uu ku
leeyahay meermeerin iyo is-dabamaryayn, taas oo uu ka
kasbaday Muddada dheer oo uu la soo shaqeeyay dowladi
diktatooriga ahayd oo uu madaxda ka ahaa Maxamed
Siyaad Bare Alla ha u naxariistee.
Aan
u dhaadhacno dulucda faaladan annaga oo iswediinayno
su’aalada badan, Waxaa Su’aal guud ah labada nin
ee aan kor
ku soo xusnay waa Cabdullahi Yusuf iyo Cabduqaasim
Ma yihiin laba nin oo wada shaqayn kara, misa
yihiin raggi maanta ku haboona qaadida Mas’uuliyada
in ay Soomali ka samata bixiyaan afar iyo toban sano
oo colaad sukeeyo lagu dhex jiray iyo dowlad la’aan
nagu raagtay,dalkana uu ka jiray boob baahay ,ha ka
yimaado dhinacyada hubaysan,tujaar caadaysatay xaaran
quudnimo iyo qabiilo iska dhaadhiciyay in ay xaq u
leeyihiin maamulka deegaano aynan ka soo jeedin.
Sua’aasha
kale oo gaar ah waxay tahay Maxamed Dheere iyo
tageerayaashiisa hoose Ma ka fiirsadeen kolki ay
dagaal ku qaadaan amma uu Muusa suudi iyaga ku qaado,
yaa khasaarayo,yaase dagaalkaas faa’iido ku qabo ,
su’aashaan naf’ahaanteeda dhinaca kale
marki loo dhigo Muusa ma ogyahay ugu danbayn
isaga iyo Maxamed in ay yihiin kuwa aan
is hurayn ,amaba waxa loo damdam leeyahay in ay
tahay in iyaga la isku bixiyo awooda dalkana sidaa
lagu qeybsado ilayn horaa loo yiri “Lafa Aboodi
iyagaa la isku jebiyaa”.haddana waxaan leenahay
“Lafa Doqoneed iyagaa la isku jebiyaa”..
Muuse
suudi khibrad ma ka qaadayay taxaaluf lala galo nin
aad dowladiisa hor istaagtay heerka ay amaanadiisa
gaarsiisan tahay .misa ogyahay in aynan danta ku jirin
dagaal
sukeeya isaga oo ka arkayo dhinace ah dad iska dhicin
ayey wax ku leeyihiin . Maxamed dheere iyo
jamaacadiisa hoose iyagana ma ogyihiin meesha Muusa ka
maqnaado in iyagana ka maqanyihiin, awoodi lagu
tixgelin jirayna ay naaqusayso,Misa ogyahay in ay
Itoobiya tahay cadow soo jireen ah iyo in aynan
marnaba aaminayn dad(Mudulood) ay ku tuhmayaan
waddaninimo iyo in ay jecel yihiin dadkooda iyo
dalkooda Soomaliyeed.
Aan
yara gadaal ugu noqono qeybta hore ee hadalkan annaga
oo jawaab gaaban ka bixnayno su’aaladaha kore. isku
soo wada duub Col Caabdullahi yusuf ma’ahan Cali
Khalif galayr, Cabduqaasimna ma’ahan Jaamac
cali
Jaamac .
Cabdullahi
waa nin macangag ah muddana raadinayay mar uun in lagu
yiraa Jaalle Madaxweyne, taas oo ay u dheer tahay in
uu yahay nin ay ka buuxdo cuqdo Qabiil ,saa darteed
way adag tahay in uu la shaqeeyo ,wanaagna ay meel
isla dhigaan Dr Cabduqaasim(oo loo yaqaan Cabdi Qabiil)
oo ah nin in mudda ah la soo shaqeeyay dowlad faasid
ah oo aan la is xisaabin ,taas oo ay u dheertahay in
uu noqday shirki Carte keddib Madaxweyne wax walba oo
gacantiisa soo galo bunuugta caalamka la aado,marki uu
wanaag ka hadlayana aayada Quraan soo daliilsado ,dhinaca
kalana aan marnana ka xishoon soo hor fadhiisiga
Milatari dacas sito oo uu lacagtoodi bunuugta ku soo
ogaaday iyo dhihida in ay dowladiisa tahay dowlad u
kacday dadka masaakiinta ah.
Soomaliyeey
waa waqti dhumis hor leh oo soo wajahay dadka iyo
dalka Soomaliyeed in awooda dalkooda sida loo
qeybsanayo la yiraa waxaa ka tashanayo dowlada kale ee
dana gaar ah ka leh waddankeena.waa waqti dhumis hor
leh in nala hor keeno shaqsiyaad aan ka dheragsan
nahay wax galkooda marki laga hadlayo horumar ay
gaarto ummadda Soomaliyeed .
Ugu
danbeyn marki aan u daadegno fariinta ay
xanbaarsan-tahay risaaladan, waa Maxamed Dheere Iyo
Muuse Suudi iyo jameecadahooda hoose ma og yihiin
Jabuuti,Itoobiya iyo Liibiya sida ay awooda dalkeena
ugu sareyso ugu qeybinayaan taageerayashooda
fuliyo danaha ay dalkeena iyo dadkeena
ka leeyihiin misa iyaga waxay ku egyihiin
fulinta qeybta looga takhalusayo in aynan bahweynta
Mudulood awooda dalka gacan balaaran ku yeelan,maxaase
iyaga lbadoodaba u diiday in ay ku dadaalaan gaarida
qaadashada sad
aan laga lahayn.
Calaa
kulli xaal ragaas waxaan u soo jeedinayaaa in ay ka
waantoobaan isku reed oradka guud ahaan iyo gaar ahaan
fulinta danaha cadowga Soomaaliyeed dalkeena ka
leeyahay iyo
Gobalka Banaadir gaar ahaan.waxaan dhinaca kalana ugu
baaqaynaa in ay yeeshaan hogaan kaliya oo ay danahooda
hoose kuwada
ilaashadaan tan iyo inti uu dalkeena iyo dadkeena ka
helayaan dowlad ka madaxbanaan bukaan Qabiil , haddii
ay ku fashilmaan taa iyagaa ayaa dhabarka u dhiganayo
mas’uuliyadi ka timaado dibandaabyada iyo
dhibaatooyinka ay
Itoobiya,Kenya ,Cabduqaasim,Cabdullaahi Yusuf iyo kuwa
kalaba u qoolayaan beesha Mudulood oo iyada guud ahaan
waqtigan xaadirkaa ku fashilantay gudashada
mas’uuliydi qeyb
ahaan ka saarnayd dalkooda iyo dadkooda.
Abdallah
Moallim Mahamud.
Moallem10@hotmail.com