|
|
 |
 |
 |
 |
 |
|
Shanta Sano Ee Mbagaathi Soo Wado Waa Guul Darro Hor Leh
by: Abdallah
Moallim Maxamud (Abdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
C/llahi
Macalim Maxamud.(C/llahi Siyaasi)
June 27,
2004 , Saudi Arabia
Mr Kiblat; waxaan u sheegaynaa in kacdoon Soomali u dhantahay lagu riday xukuumadi Maxamed
Siyaad.
Waa mar kale oo khalad khalad lagu saxayo waxa loogu yeeray Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee dalka Kenya (uga socdo soona maray marxalado kala duwaan oo uu fooda la galay fashilnaan iyo in lagu kala tago)keddib marki loo kacay in marxalada saddexaad ee shirka lagu dhaqo qaabki uu ku dhamaaday Shirweynihi dibuheshiisiinta Soomalida ee ka dhacay dalka Jabuuti ee degmada Carta sanadki labada kun ee isaga ku dhamaaday in uu la soo hoyday sameynta saduuqa codbixinta oo ragga isu soo sharaxay qabashada jagada ugu sareyso ee dalka Soomalida lagu kala reebay, halkaana ay ka soo baxday dowladi uu hogaankeeda ku guulaysaty Dr Cabduqaasim Salaad Xasan ee isna la ogaa halki uu la maray dowladi gacanta loo soo geliyay iyada oo aan dowladaas loo sameyn qaab dhismeed maamul gaar ah ee xisaabiyo hogaamiyaha dalka uga sareeya si looga koro ama loo hor istaago howl kasto oo ka hor imaanayso dastuurki lagu heshiiyay iyo talooyinka ay soo jeediyeen ergooyinki Soomalida qeybahooda kala duwan ee shirkaas ka soo qeybgalay sida saraakiisha Ciidamadi Xooga Dalka Soomaaliyeed,Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee dibada iyo gudaha dalka ka kala yimid iwm.
Shirkan haddii lagu dhaqmo qaabki uu shirki carta ku dhamaaday marxaladiisi ugu danbeyso wuxuu ku socdaa in uu isgana ku dhamaado in ay ka soo baxdo dowlad aan waxba ka duwnayn tii Carta lagu soo dhoodhoobay iyo madaxweyne la mid ah Dr Cabduqaasim haddii uunan isagaba ka sii xumaanin ,dalkana u horkicin dhiig daadin hor leh ,halki uu Dr Cabduqaasim ku ekaaday in uu jeebka ku shubto lacagihi dowladiisa lagu soo siiyay magaca ummadda
Soomaaliyeed.
A) Waxaa Su’aal mudan in aan is-weydiino ma jiraa cilaaqaad ka dhexeeyo magaca shirka xanbaarsanyahay ee dibuheshiisiin iyo ku tartan gelinta jagada dalka Somaaliya u sareeyso hogaamiyayaal uunan jirin heshiis dhexmaray ama heshiis la heshiisiiyay oo ku cad dastuurka la sheegay in dalka lagu dhaqayo lana wada saxiixay?.
B)Waxaa iyadana isweydiin mudan isku soo wada duub yaa soo dirsaday oo ay methalaan .hogaamiyayaasha dhaqanka, haddii la soo dirsadaysa ma jiraa hogaamiye dhaqan oo kaliye oo shirka tegay isaga oo la tashi la soo sameeyay jufooyinka hoose oo uu yahay odagoodi ama ha sheegto ama dhaxal ha ku helee magaca kaaba
qabiil?
C)Yey methalaan hogaamiyayaasha hubaysan ee gogosha shirka ka socdo ee Mbagathi ku joogo in ay ka soo jeedaan Xisbi ,Gobal ama Dowlad Gobaleed? Haddiise ay iyaga mathaleen gobal ama dad gaar ah maxaa loogu baahday hogaamiye dhaqan , misa jiraa hogaamiye dhaqan oo talo ku mideyn karo hogaamiyayaasha hubeysan oo ku abtirsado beesha uu sheegayo in uu yahay kaaba qabilkeeda ?
D)Waxaa iyadana su’aal isweydiin mudan ah ragga isu soo sharaxay madaxweyninimo kana aan mid ahayn labada kooxood ee aan kor ku soo xusnay ,iyaga ma ku jiraa hogaamiye kaliye ee dalkeeni lagu dhex arkay afar iyo tobanki sano ee u danbeysay amaba ka hor isaga oo dhaqdhaqaaq nabadeed ka dhex wado Soomali weyn ama hore u sameeyay abaabul ku aadan kor u qaadida garaadka wadaninimo ee dadweynaha Soomaliyeed iyo in ay ka hoos baxaan taageerida danaystayaal aan u adeegin danaha dalka iyo dadka Somaaliyeed? Haddii uunan jirin nin noocaas ah maxaa wanaag ah oo uu dalkeena ku soo kordhin karaa waqtigan wax walba is dhaxyaaceen mid ka mid ah raggaan ?
Inta aanan hoos ugu daadigin qoraalkan waxaan ku hormaraynaa in aan isa soo xusuusina dhibaatooyinki ay dalka ku soo kordhiyeen ciidamadi shisheeya ee dalkeena la keenay 1993 si aan uga digtoonaano aqbalaada ciidma shisheeya oo mar kale la keeno dalkeena,ciidamadaas oo weliba ka soo jeedo dalal uu dhaqaalahooda liito,dhaqaalana ka sugayo dalalki xoog iyo dhaqaalaba lahaa oo iyaga ku fashilmay in ay ku guulaystaan xalinta khilaafaadki dalka Soomaaliya ka jiray 1993 gaar ahaan kooxihi isaga soo horjeeday gacan ku dhigida maamulka magaalada Muqdisho oo ah xarunti dalka soomaliya .
Ciidamadi Unisom oo ay Ameericaanka horkacayeen waxay dalka Soomaliya ku soo kordhiyeen dib u gurashadoodi keddib.
1) In ay abuurmaan hogaamiyayaal hor leh oo hubaysan oo aan ahayn hogaamiyayaashi ay ku kala dhexjireen, dalkana ka abuuray dagaalo keenay nabadgalyo xume iyo qaajo baahday oo dalkeena intiisa badan saameysay .
2)Kala daadsanaan soo dhexgashay kooxihi horay iyaga isugu mabda’a ahaa,hogaamiya kaliyana lahaa, tan oo iyadana sii fogaysay xal ka gaarida khilaafaadka siyaasadeed ee soomaliya ka jiro.
3)In aduunka ka gaabsado in uu si toos ah u soo fara galiyo xal u helida arrimaha murugsan ee Soomaalida.keddib fashilki ku yimid gurmadkoodi ay ugu magac dareen Dib u soo noolaynta rajadi Soomaaliya.
4)Bixitaanki ciidamadi Unisom keddib in dowladaha deriska nala ah ku tartamaan ku guulasyashada in ay nufuud ku yeeshaan hogaanka sare ee dalkeena si ay ugu sahlanaato fulinta masaalixa ay ka leeyihiin dalkeena iyada oo uu weliba tartankaas abuuray in ay soo baxaan hogaamiyayaal ku tartamayo u adeegida iyo fulinta danaha dalal shisheeyo si ay iyagana ugu sahlanaato gaarista hadaf aynan ku gaari karin karti ay leeyihiin iyo rabitaanka
shacabka.
Waxaan ka digeynaa aqbalaada ciidama shisheeye in dalkeena la keeno mar kale gaar ahaan ciidama ay hor kacayso Xabasho(Ithopia) ama xarunta ciidamadaas laga maamulayo uu ku yaalo dalkeeda maadaama ay iyada tahay dal ay colaad kala dhaxeysa dadka Soomaaliyeed, taana ay u dheertahay in ay dhinac la safan-tahay hogaamiyayaasha isku haysto qabashada halbowlaha laga maamulo dalkeena .
cidna kama qarsano cawaaqib xumada ay dabada ku wadato arrintan ah in ciidama shisheeye la keeno dalkeena oo ay xabashada safka hore kaga jirto dowladaha doonayo hergelinteeda ,waxaana mas’uuliyada dhibaatada arrintan la timaado dhabarka u dhiganayo cid alle ciddii dowr ku yeelato aqbalaad ah in ciidama shisheeyo dalkeena la keeno .gaar ahaan haddii ay ciidmadaas ka soo jeedaan dalal iyagaba ku hungoobay kor u qaadida daryeelka iyo horumarinta dhaqaalaha dalalka ay iyaga ka soo jeedaan oo u badan Dalal africaan ah.
Aan dib ugu noqono su’aaladaha aan kor ku soo xusnay oo aan ka jawaabidooda u dayn doono aqrisatayaasha iyada oo ay tahay hubaal in jawaab kasto taabanayso xaqqiqada iyo in uunan jirin iftiin yar oo muujinayo guul kaliya oo uu dabada ku wato shirka loogu magac daray dibuheshiisiinta Soomaalida balsa uu magaca xaqiiqada ah ee shirkan uu yahay kala furfurida Soomaalida si ay u sahlanaato in la sii bahdilo tan iyo inti ay dowladaha abaabulka gogashaa iska leh ay ka gaarayaan ajandooyinkooda daahsan.
Soomaliweyn waxay mar kale halis ugu jirtaa shan sano oo uu shirarka caalamka ka mathelo madaxweyne aan awood ku lahayn dalka gudihiisa (sidi uu Cabdiqaasim yeelay shirki Carta keddib) .Shirka Mbagathi waxaa ka soo baxayo sida muuqato waa haddii uu guuleystee dowlad iyo madaxweyne aan loo diyaarin halka ay degayaan sidi hoygi dowladda Soomaliyeed(Villa Soomaliye), dowlad aan gacanta ku wadan heshiis laga gaaray qaabka loo dhisayo Ciidaamadi Xooga Dalka Soomaliyeed iyo Booliska ,dowlad aan gacanta ku sidan faylki qaab heshiis lagu yahay oo lagu furo ilihi dhaqaalha sidi degadda Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ka hor inta aan lagu kala tegin shirka Mbagaathi ee la doonayo in lagu soo dhiso waxa loogu yeeray dowlad loo dhan
yahay.
Waa ka xumahay in aan soo xuso murugada iyo turanturooyinka horyaalo dowladda lagu soo dhoodhoobayo Mbagathi ,ujeedadu ma’ahan in aan dadweynaha Soomaaliyeed ka jeediyo ifaafaalaha uga soo muuqanayo shirka Kenya oo ah in ay ka soo baxayso dowlad dib u soo celiso kala danbeyn iyo sharciga oo lagu dhaqmo balse ujeedada xaqiiqada ah waxay tahay Soomaaliweyn ninki dalka iyo dadkiisa jecel ,kuna danbeeyo damiir wacan in uu doono qaab cad ee dalkeena looga badbaadiyo caadowga kala duwan ee mid waliba si ula doonayo in uunan ka soo bixin bohosha dheer ee goor hore loo diyaariyay iyo cadowga gudaha ee taa fulinteeda loo adeegsaday.
Dad badan baa waxaa moodo in ay Kenya iyo dowladaha Igad moogyihiin horjoogsiyada(isbaarooyinka) soo baxayo dhamaadka shirka Kenya keddib. Kenya iyo Igad ma mooga dhibaatooyinka soo baxayo guusha shirka keddib laakin waxay doonayaan in ay caalamka berri u gudbiyaan cudurdaar ah, annaga Somali waa isu keenay, dowladna waa u dhisnay ,nasiib darrase Soomalida ma’ahan ummad u diyaarsan qabshada maamul dowladnimo .tan waxa daliil u ah hadallada dorraad ka soo yeeray Mudane Kiblat , mana ahan mid aan aqbalayno in uu Mr Kiblat noo sheego dowladi Maxamed Siyaad Bare waxaa riday Hawiye waayo xaqiiqada ma’ahan taas , .dowladi ina Siyaad Bare(Allah ha u naxariistee) horkacayay waxaa riday kacdoon ay Soomali u dhan tahay waxaase ka horeeyay taa dagaala hubeysan oo ay qaabaa’ilka Soomaaliyeed uu qabiil waliba ku doonayay in uu isaga beddalo xukuumadi hogaanka dalka ku dhaqaysay qabiil kaliye oo ummadda soomaaliyeed horboodo iyada oo talada laga saaray beddalaada dowlada in ay ku salaysnaato fasahaada oo wanaag lagu beddealo. dhibaatada dalkeena ka jirtana, maanta waxaa mas’uul ka ah qabaa’ilka Soomaliyeed dhamaan walow la kala badsado qaadida mas’uuliyada dhibatadaas ,waxaana masuuliyada inteeda badan dushooda tahay qabiilki ugu horeeyay ee isaga SSDF u bedelay xisbi ay leeyihiin qabiil iyo USC oo iyada ahayd qabiilki ugu danbeeyay ee abuuro jabhad qabiil suurtageliyayna in uu daciifiyo awoodi Dowladi Maxamed siyaad horkacayay ,keddib markuu dalka ka cararayna isku dayay in ay iyagana dalka ku wadaan sababahi abuuray in ay Soomaaliweyn ka dhiidhiyaan oo ahayd qabiil kaliye oo gacanta ku haayo awooda waddanka ugu sareyso.
Qaran ku imaanmaayo qabiil kuraasto lagu qaybsado ,qaran wuxuu ku imaanayaa doonista dadka dalka iska leh oo garto in awooda maamul loo daayo rag na gaarsiin karo dalkeena oo dib loo dhiso ,kala danbaynti iyo sharciga oo la soo nooleeyo iyada oo aan loo fiirin hogaamiyaha dalka qabiilka uu shaqsigiisa ka soo jeedo, taa hadii la waayo waxay la mid tahay iyada oo la fulinayo danaha cadowgeena ka leeyahay dalkeena.
Soomali maanta umma baahna odayaal dhaqan iyo hogaamiyayaal siyaasadeed ee isku haysta waa aniga ninka magacaabayo xubinta baarlamaan iyo waa aniga iyada oo aan la gaarin dhisida dowladi dalka wedi lahayd iyo xal u helida turaanturooyinka ka hor imaan
doono.
Abdallah
Moallim Mahamud.
Moallem10@hotmail.com
|
|
|
 |
|
 |
 |
 |
|
 |
|