Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Falastin TV Live Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Waa kow iyo toban Su’aal oo jawaab cad u baahan

by: Abdallah Moallim Maxamud (Abdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

August 05, 2004 , Saudi Arabia 

C/llahi Macalim Maxamud.(C/llahi Siyaasi)

Fariin Furan oo ku socoto 

Hogaamiyayaasha Soomalida Ee Dhaqanka iyo  Siyaasada 

Guddiga Maamulka Shirka,Goobjogayaasha Calaamiga ah iyo Igad.   

(Dhamaan suxufiyiinta Sooalida (gaar ahaan kuwooda joogo dalka Kenya) waxaan ka codsnaynaa in ay fariintan u gudbiyaan Igad iyo ka soo qeybgalasha shirka dib u heshiisiinta Somalida ee Kenya..

    Waa arrin aad u fiican marka laga hadlayo rajo wacan oo laga qabo guul ku dhamaashada  shirweynaha Dalka Kenya uga socdo madaxda Soomaaliyeed ee samanka na baday ,weliba marki ay rajadaas ka imaanayso dad bahdilan ,dowlad la’aan ku raagtay ,afar iyo toban sano oo la soo dhaafayna nabad u hamuun qabay iyo dowlad caadil ah ee dalkooda ka ambaqaado.

    Waxaa beryahan fooda nagu soo haayo oo la sugayaa, soo gabagabaynta shirwenihi Soomaliyeed ee degmada Mbagathi ee dalka Kenya uga socday Qabqablayaasha Dagaalka,Odayaasha Dhaqanka ,Siyaasiyiinta Ummadda Soomaaliyeed ee waqtigan iyo Ururada Bulshada waxa loogu yeero .

 Shirkan waxaa laga sugayaa in uu abuuro golaha sharci dejinta ( parliament ) ,golahanna waxaa laga doonayaa ansixinta dastuurki lagu heshiiyay iyo in uu kala saaro rag badan oo ku tartamayo qabashada jagada ugu sareyso ee dalkeena(Madaxweyne), madaxweynahaasna dowrkiisa waxaa ka mid ah magacaabida wasiirka koowaad ee Dowladiisa ,wasiirka koowaadna waxaa laga doonayaa in uu soo magacaabo golihi wasiirada isaga oo la kaashanayo madaxweynaha dalka ,isla markaasna waxaa laga doonayo in uu la tashiyo la sameeyo ka soo qeybgalayaasha shirkaas iyo cid walbo oo uu ku tuhmayo in ay ka kaalmayn karto dowladiisa oo ku guulaysato dib u soo celinta kala danbanyti iyo sharciga oo lagu dhaqmo dalkeena.( Fiira gaar ah ,intan waa arrinta uu shirkan Mbagathi u socday laba sano iyo marki lagu daro dastuurka la sheegay in la qoray oo lagu heshiiyay).

 Arrimahan oo dhan waa guul, waa haddii taa waddadi lagu gaari lahaa la maro, laakinse waxay caqaba ka taagan tahay su’aaladahan hoos ku xusan oo aan jawaab loo hayn ka hor ku dhaqaaqida arrimaha kor ku xusan. Waa su’aal kale guusha shirka Mbagathi laga gaaro ilaa iyo intee ayey wadanka ka shqayn kartaa, mise laga yaabaa in shanta sano ku dhamaato sidi saddexdi sano oo carte kol haddii shirarki horaba fashilkooda oo uu asaas u ahaa iyada oo aan laga hadlin arrimahan hoos ku xusan .

    1)Yaa balan qaadayo dhismaha ciidamada Booliska iyo Milatarigiba in aan loo adeegsanayn qaab qabiil kaliye ku badan yahay si looga koro berri gadoodasho aan loo meel dayin iyo ka hor imaasho qaanuun ah in loo sinaado?.

    2) yaa balan qaadayo in ay ka baxayaan kooxda hadda gacanta ku heyso guriga dowladda (Villa soomaliye) ,haddii ay diidaanse qaabkee loo xakamaynayaa ariintan?.

    3)Yaa balan qaadayo madaxweynaha la filayo in la doorto in uu ka tilaabsanayn dastuurka qoran ee lagu heshiiyay ,kuna kacayn arrima ka baxsan waxyaabaha sharciga u saamaxayo si looga koro kali talisnimo iyo isxisaabid la’aan?.

  4)Yaa damaana qaadayo barlamaanka goobta la geynayo ama guriga sal u noqonayo in aynan noqonayn meel ay gacanta ku haayaan beel kaliye  si looga koro barlamaanka oo cadaadis kaga yimaado deegankaas la geeyay oo uunan awood dowladeed ku lahayn?. (Fiira gaar ah , Sidi kii carta loo geeyay iskoola Boolisiya oo ay gacanta ku haayeen maleeshiyo ka soo jeedo beel kaliye)

    5) Ka hor ku dhawaaqida dowladda Mbagathi laga sugayo ma laga hadlay yaa iska leh awooda maamulka gobalka dowladda la geynayao ama caasumadda Soomaaliyeed(Muqdisho) ,gudoomiyaha iyo maamulka gobalkaas iyaga yaa xaq u leh magacaabidooda, ma dowladda Kenya laga sugayo misa dadka deegaanka dowladda la geynayo deggan?.  

    6)Yaa balan qaadayo furitaanka garoonka diyaarada ee Muqdisho iyo deggada Muqdisho ,maxaase damaan ah haddii la helo cid balanqaadayso furitaankooda in aynan qabiil kaliye gacanta ku dhigeyn maamulka deggada iyo garoonka diyaaradaha,maxaase tilaab ah oo laga qaadayaa ciddi ka hor timaado fritaankooda?.

     7)Yaa balan qaadayo xeritaanka garoomada  iyo deggadaha ka jiro dalka oo aan sharciga ahayn .haddii ay ragga iska leh diidaan xeritaanka goobahaas keddib furitaanka garoonada iyo deggadaha dowladda hoos yimaado, yaa damaano qaadayo soo qabashooda iyo sharciga oo lala tiigsado raggaas hor istaagay awaamirka dowladda?. .

     8)Yaa balan qaadayo in maamuladda goballada dalka ka jiro aqoonsanayaan dowladda laga sugayo in ay gogashaas Mbagathi ka soo baxdo ,haddii ay dhacdase in maamul gobballada dalka ka mid ah ka hor yimaado u hogaansanaanta qawaaniinta dowladda .la filayo, qaabkee loo wajahayaa in la xakamayaa diidmadaas ka soo yeertay dhinac ka mid ah dhinacyado isku haayo maamulka guud ee dalkeena?.

   9)Yaa balan qaadayo baabi’inta Maxaakimka lagu sheego in ay yihiin islaami ,run ahaantina qabiil ku abtirsado .dhinace kale yaa magacaabayo gudoomiyaha maxkamada dalka ugu sareyso?.

 10) Yaa damaana qaadayo hub ka dhigista maleeshiyaadka hubaysan, xageesa laga bilaabayaa hub ka dhigista xageese lagu dhamaynayaa?.

 11) Yuu hoos imaanayaa amar siinta ciidamada shiisheeye ee lagu taamayo in dalka la keeno ,haddii ay dhacdase in ay isku dhacaan qolo ka mid ah dhinacyada maamulka dalkeena isku haayo , sidee loo xakamaynayaa arrintaa?.

    Su’aladahan dhamaan waxay salka ku haayaan rag madax u ah maleeshiyaad  hubaysan oo aynan diidmadooda ku dhamaan karin gacan ka hadal haddii aan hadda looga wada hadlin gogasha Mbagathi oo aan iyada hadda lagu kala maqnayn. Waxaan uga jeedaa haddii aan hadal lagu dhamayn arrimahan oo dhan in ay mar kale waddanka u horseedi karaan dagaal ahliye ama dowladda la filayo oo fashil iyo timar horaba dab loo waa ku dhamaato, ilaahey hanaga koriyee.

   Fariintan waxay ku aadan tahay ka soo qeybgalayaasha iyo ruux kasto oo Soomaliye oo isku tebayo in uu gacan ka geysan karo dalkeena oo ay ka ambaqaado dowlad ugu yaraan waqtigan xaadirkaa soo celiso qaabdhismeed dowladeed oo uu dalkeena yeesho,kala danbaynti iyo sharciga oo lagu dhaqmo.

    Waxaan shaki ku jirin in aan waqti badan ku bixinay weerarka shaqsiyaadka maanta horboodayo xal u helidda ariimaha murugsan ee ka jiro dalkeena Soomaaliya , ujeedadaynana ma ahayn waxyeelaynta shaqsi gaar ah ,qabiil gaar ah, balse waxay  weeraradeena hore ku aadanayeen gubaabin ,caraadin ,ka caraysin ka danbeyso bal ma gartaa oo xaqa meeshuu ku jiro ma arkaa.

   Shirka waa gebagebo, waxa ka harsanna waa maalmo kooban  ,annaga oo taa ka hal qaadayno waxaan dhamaan ka soo qeybgalayaasha shirka Mbagathi uga socdo ummadda Soomaaliyeed  ka codsnaynaa in ay damiirkooda bal yara dib ugu noqdaan iyaga oo isweydiinayo caqabadihi hor istaagay guushi shirki carte laga gaaray iyo fashilaadi ku timid shirarki ka horeeyay kii carte iyo asbaabihi asaas u ahaa fashiladaas  . haddii ay taa sameeyaan waxaa u soo baxayo su’aaladaha aan kor ku soo xusnay iyo arrima badan oo kale sidaa darteed waxaan mar kale  ka codsanaynaa ka soo qeybgalayaasha shirkan in ay heshiis ka gaaran arrimahan oo dhan inta aynan ula hayaamin dalka soomaaliye  madaxweyne iyo barlamaan ka soo baxo shirka Mbagati(Dowladda). Waa in ay ogaadeen arrintan haddii aan looga falaanqoon gogasha inti la joogo in ay adagtahay natiijada shirkaas ka soo baxdo in ay ka shaqeyso dalkeena.

Abdallah Moallim Mahamud

Moallem10@hotmail.com

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul