Asalaamu calaykun
walaalahayga Mudulood waa idin salaamay.
Salaan ka dib waxaan halkan ku soo
bandhigaa ra,yiga ku aadan sida ay
waxa u qaybsadeen walaalaheena Mudulood. Waxaan aragnaa
magacyada loo gudbiyay gudiga hawl fududeenta
igad oo ku wajahan habka ay wax u
qaybsadeen Mudulood marka walaalayaal waxaan aragnaa in
magacyada halkaas ka muuqda aysan kuwo
loo dhahan yahay maxaa yeelay Mudulood Hiraab maaha oo
kaliya in laga soo qaado HARTI, WACBUUDHAN IYO
WACAYSLE.
Lagana tago dadka
walaalahayna ah oo nala wadaago magaca aan
hugsanahay marka walaalayaal taas waxaaba ka sii
daran in magacyada la gudbiyay ku jiraa intooda
badan dadkii dhiigya cabka ahaa oo noo horseeday
dagaalkan dhaxdeena ah marka walaalyaal xagee
looga soo tegay dadkii rayidka ahaa ee xabada dushooda
laga ridaayay waliba waxaan ka sii yaab badan marka aad
u fiirsato dadka ku jiro halkaas ay yihiin kuwo afar
jeeble ah tusaale ahaan markaan u soo qaadano
beesha wacboodhan abgaal waxaa wax laga siiyay nimanka
dagaalamaayo uu hogaamiye u yahay muuse suudi marka
qaybsiga wacbuudhan ma waxaa uu ka kooban yahay oo
kaliya daauud iyo afarta daba cararto xagee
ayay aadeen wacbuudhankii kale mase wacbuudha waa daauud
oo kaliya kuwa aaminsan arinta in ay saas tahay
waxaan u sheegaynaa in arinta qaybsiga ay tahay
mid xal aan ku jirin ama xaq wax lagu qaybiyay ay tahay
cabsi laga qabo dadkaas haddii aan lagu derin ay dagaal
keenayaan marka walaalyaal taas waxaaba ka sii
daran in MAXAMED
DHEERE CALI MAHADI FAARAX
SENDIGO IYO HELOWLE IIMAAN ay ku
jiraan safka hore sidoo kale
MUUSE SUUDI CUMAR FINISH XUSEEN XAAJI
BOOD IYO ENG CADOW dadkaasna ay ku jiraan safka
hore marka waxaa su,aal iswaydiin leh xagee
bulshadii kale aadeen ma mudulood intaas oo kaliya
miyaa mase inta kale waxaa lagu qariyay jeebka ka
hoos haddii laga tago inta meesha ku
qoran oo la soo doorto in kale maxaa dhacaya? walxaan
walaalahayga waydiinayaa soo magacaabida dadkan ma waxay
ku yimaadeen rabitaanka bahweyta mudulood mase sikooda
ayay isku magacaabeen waxaa iga yaabiyay in arinkan uu
ku lug lahaa imaanka abgaal haddii uu iimaanka
saas wax u qaybshay meesha iimaan nooma jooge ee waxaa
noo jooga nin lagu adeeganaayo maxaa yeelay dadka meesha
kuwada qoran waadad aan siyaasad iyo arimo
dublumaasiyadeed shaqo ku lahayn waana wada ognahay waxa
ay yihiin mid walbo meesha uu ka soo jeedo iyo wax
uu soo qabtay abgaal ama mudulood toona waxaan tusaale
ahaan u soo qaadanaynaa cali mahdi muxuu u soo qabtay
abgaal amase mudulood amase harti abgaal jawaabtu
waa iska cadahay tankale muuse suudi muxuu u qabtay
abgaal in uu dagaal u horseedo maahee wax kale
sooma kor dhin xataa daauuudkiisa waxa uu u qabtay ma
jiraan in uu kala qaybiyo maahee wax kale uma horseedin
cumar finish shalay waxa uu ahaa nin hoos joogay muuse
maantana waxaa uu si bidaa in uu yahay siyaasi
marak haddii aan nahay soomali siyaasi waxaan u qaadanay
si qaldan marka walaalhayga waxaau u soo jeedinayaa in
ay ka fiisadaan dadkaas isa sharaxay ee magacooda ku wax
raadasanaayo teeda kale sendigo waxaa uu ahaa mushara
madaxweynimo maxaa keenay baarlamaanka in uu
isku daro bal aduunyooy fiiriya dadkan ilaahay
cabsidiisa ka tegay waxaan soo gunaanudaa rayigay
cidii rabto waa igu mucaaradi kartaa laakiin cida
igu mucaaradayso waa in ay keento wax daliil ah cidii
rabto in ay wax iga waydiiso rayigan waxaay igala soo
xariiri kartaa eamilkan waana ka baxay waxaan
sugaa waa jawaab fiican.
by: Adan Mahamed