|
Anagoo
ka amba qaadeyna qeybinta kuraasta Baarlamaanka ee ay
qaybsatay beesha Mudulood.
Beesha
Mudulood waxaa qayb ugu soo aaday 15 kursi, taas oo afar
kursi ka badan tii baarlamaankii dawladii Carte lagu soo
dhisay oo ahayd 11 kursi.
Waxaa
wax lala yaabo ah markii ay dad ay wax u soo kordhaan,
ma'in ay qasaaraan baa mase in ay faa'idaan?. Jawaabtu waxay
tahay Dabcan waa in ay faa'ideystaan, umadaas oo dhan.
Hadaba
beesha Moobleen waxaa uga soo aaday baarlamaan kii carte 1
kursi mesha tan Mbagathi lagu nooleysiiyay rajo.
Beehsa
Moobleen waxay u aragtaa in qaabka wax loo qaybiyay haba
yaraatee in uusan sharciga waafaqsanayn, maxaayeelay
meeshaas laba nin oo isladhalatay ayaa midna waxaa uu
faa'iday 100%.
Midna
waxaa uu qasaaray 100%, markii dib loogu noqdo qaabkii hore
ee wax loo qaybsan jiray.
Waxaa
markiiba xasuusteenii ku soo dhacday qisadii laga sheekeyn
jiray oo ahayd (waxbadsi iyo walaal naceyb).
Waxaa
layiri waa baa waxaa jiri jiray laba nin oo isla
dhashay, midna waxaa uu lahaa 99 neef oo ari ah midna lahaa
1 neef, waxaa dhacday in kii lahaa 99ka neef uu hunguri
ka galo ninkii walaalkiis ahaa ee lahaa 1ka neef.
Subaxii
danbe waxuu ku soo kalahay walaalkiis oo ridii lajooga,
markaasuu waxaa uu ku yiri walaalow ridaan isii maxaa
yeelay arigeyga 99 waa dhaafi waayey.
Markaasuu
kii 1ka ri lahaa waxuu weydiiyay walaalow ma, igu
ciyaareysaa sideen rideyda kuu siyaa adigoo 99 neef leh.
Markaasoow
kii imaanka darnaa waxa uu ku yiri ridaada waxba igama gelin
ee waxaan rabaa in ay mar keliya ii yeerto arigiisa (100),
buu gaarey.
Murankoodii
waxaa ku soo baxay dadkii dariska la'ahaa kadibna waxaa
laskula tegay xaakimkii.
Xaakimkii
markii uu sheekadii labada dhinac dhagaystay waxaa uu ku
qanciyay kii iimaan ka darnaa in uu iimaan sado, waxii
Ilaahey ku irsaaqay hadii uu rabo in xoolahiisa 100 gaaraana
seko kabixiyo xoolahiisa 99 ari kana bilaabo walaalkiis 1ka
xabo keliyah haysto.
Marka
beesha moobleen waxa ay is weydiisay xaakim kaas oo kale ah
oo mudulood u kala garsooraa Mbagathi malaga waayey?
Beesha
moobleen waxay u aragtaa waxa wax lagu qaybsado in ay tahay
Dhul iyo Dhalasho, intiina ay haysato.
Laakiin
waxaan u aragnaa hadaan nahay Beesha Moobleen, in xubnaha
baarlamaanka ay qaybsadeen Muduloodka Mbagathi jooga
aysan u qaybsan qaab dad nimo, una qaybsadeen qaab dugaag
nimo.
Taasoo
aan ula jeedno in lagu saleeyey Beel walba sida axmaqnimada
ah ay dhaxdooda iyo umada ulayn ogtahay.
Sidaas
darteed Beesha Moobleen waxa ay u aragtaa qaybintaas lagu
qaybsaday Mbagathi in ay tahay mid qiyaano ku salaysan oo
aan wax kasoo qaadba lahayn qaybtaas...
by
Dr. Abdulkadir Hassan alcadaala25@hotmail.com
_______________________________________________
Thursday
Aug. 12, 2004
WARQAD
FURAN OO AY SOO DIREEN JAALIYADA MUDULOOD EE DAGAN NORWEY
KU: IMAAN MAXAMUUD IMAAN CUMAR.
KU: UGAAS ALI UGAAS CABDULE
KU: AQOON YAHANADA MUDULOOD
KU: SIYAASIYIINTA MUDULOOD
KU: NABADOONADA MUDULOOD
KU: DHALIN YARADA IYO HAWEENKA
MUDULOOD.
Kadib markii aan isgu nimid shir deg
deg ah oo aanu ku darsayno xaalda qaybsiga xubnaha
baarlamaanka mustaqbalka soomaali yeelan doonto.
Waxaan u aragnay qaabka wax loo qaybiyey in uu yahay
mid aan cadaalad ku salaysneyn oo aan la, aqbalikarin.
Taarikhdu wey qortay qaabkii wanaagsanaa ee mudulood wax u
qaybsan jiray, weyna qori doontaa cadaaladarada u muuqato
in aad wax ku qaybinaysiin dadkiina jooga
Mbagathi.
Mudulood waa dad walaalo ah mana haboona in lagu kala
geeyo dano gaar ah oo sadbursi ku salaysan.
Shaqsi kasta oo sheeganayo masuuliyad mudulood iskuna daya
in uu ku dhaqmo cadaalad daro waxaa xusi doonta taariikhda,
lana hor keeni doonaa maxkamad waqtiga ay ku haboonaato.
Beesha mudulood ee ku nool dalka Norwey waxey soo
jeedineysaa in ay si cadaalad ku salaysan tahay wax loogu qaybiyo
kuraasta baarlamaanka ee beesha mudulood, aaneyna dhicin
in laga tago beelaha walaalaheen ee ka maqan liiska sida
beesha Moobleen, iyo Hiilibi.
Waxaan ka xunahay in aan aragno liisas is daba jooga oo
loo gudbinaayo gudiga Igad oo la, leeyahay waxaa soo
saxiixay iimaamka, sidas darteed waxaan si gaar ah uga
codsaneynaa Imaamka in uu san saxiixin waxaan loo dhameyn,
ku dhisneyn cadaalad, awna ilaashado sharaftiisa iyo
karaamadiisa Imaamnimo.
Muduloodka jooga Norwey ee arintaan wax ka og.
1) CABDUQAADIR SHEEKH AXMED (GARGADUUD)
2) MAXAMUUD CABDULLE XASSAN (ABGAALOOW)
3) CABDULAAHI AXMED MAXAMUUD (QOOREEY)
4) AXMED MAXAMUUD CALI ( CARUUS)
5) JEYLAANI SHEEKH MUXUDIIN
6) CABDULQAADIR XASAN NUR
7) CALI MAXAMED MAXAMUUD
8) CIISE MAXAMUUD CARIIF
9) MAXAMUUD AXMED FIIDSHE
10) ALI CABDI MACOOW
11) MOHAMED XEYDER MOXAMED
12) LIBAAN JIMCAALE XASAN
13) MAXAMED CUMAR XUSEEN
Abdulkadir Hassan
alcadaala25@hotmail.com
Qoraal
ku socda Dhamaan
Bahweynta
Mudduloodka.
QORE
DR: ABDIRAHMAN MOHAMED SHEIKH
Agoosto
24, 2004. Muqdisho, Somaliya
KU:
Dhamaan Beesha Mudulood meelkasta oo ay Joogaan
KU: IIman Mohamud
IImaan Omar
KU: Culaaudiinka
Mudulood
KU: Aqoonyahanada
Mudulood
KU: Nabadoonada
Mudulood
KU: Siyaasiyiita &
WaXgaradka Mudulood
KU: Dhalinyarada &
Haweenka Mudulood
KU: DHAMAAN DADKA
NABADA JECEL
Ujeedo:
Dacwo qaybinta xubnaha barlamaanka ee beesha Moobleen
Asalaamu aleykum Walaalaheyga Mudulood
meelkasta oo ay joowan
Dalka & Dibadaba
Anigoo ah DR: Abdirahman
Mohamed Sheikh Ahna Gudoomiyaha
Jaaliyada Mudulood ee
Far East Pasific wadamada laysku dhaho Australia
Iyo New zealanad.
Waxaan halkan ka
dacweynanaa beesha Mudulood ee doorashadii
barlamaanka ee Nairobi
ku qaateen tiradii la siiyey laba beelood oo kaliya.
Tirada Mudulood la
siiyey waa 15, mana ay aheen in ay ku koobnaato
laba beelood oo
keliya,Beesha Moobleen oo ka mid ah beesha Mudulood
waxey lahaayeen
Xildhibaan doorasha iyadoowalba oo horey u dhici jirtay,
waxaa ka mid ah tii
Carta ee lagu qabtay wadanka Jabuuti Sanadkii 2000,
Maxayse ku dhacday waxay
hore u lahaan jireen in ay hada waayaan? ,
Waxaan u sheegeynaa
beelaha mudulood ee keligood qaatay xubnihii
barlamaanka ee loogu
talagaley Mudulood oo dhan in ay arintaas ka
noqdaan si xaq ahna wax
u qeybsadaan.
WAXAAN KACODSANEYNAA WALAAHEYNA QALADKA
NAGA GALEY INEY AY
KANOQDAAN QALADKAA WAXLAGU QAYBIYEY .SIDA
UGU DHAQSAHA BADAN.
UNA RAALI GALIYAAN WALAALAHOOD MOOBLEEN
IYO HILIBI
SIQORAAL AH.
1: IN WAXGARADKA,AQOONYAHANADA,DUUBABKA,
CULUMAA'UDIIKA,
SIYAASIYIINTA
KASOO JEEDA JUFOOYINKA SADBURSADEY EE
WALAALAHOODA GAFKA LOOGAYSTEY
LANA DULMIYEY UCADEEYAAN MOWQIFKOODA
LANA YIMAADAAN WAX FICIL AH
SIDA RAGA QAARKIIS HAJI KOOGAAR IYO
PROF: GAALAGUUL DHAMAAN KUWAKALE
SI LOO ILAALIYO MIDNIMADA, SHARAFTA,
WALAALTINIMADA KA DHAXEYSO BEESHA
WAXEY BEESHA MOOBLEEN UMAHAD CELINEYSAA
DHAMAAN DADKII WAXGARADKA
AHAA EE KAGIL GISHEY ARINKAN IYO
XAGDARADA LAGU SAMEEYEY WALAALAHOOD
SIDA CAAQIL HAJI KOOGAAR,PROF: GAALO
GUUL,BASHIIR RAAGE MUUSE SUUDI
YALAHOW OO DADAAL WEYN UGALEY INLASAXO
QALADAADKA INTA AAN LAGUDBIN
IYO DADKALE OO FARABADAN MACAGYADOODANA
HALKAN KUSOOKOOBI KARIN
NB:WALAALAYAAL IGARAALI NOQDA DADKII AAN
MACAGYADOODA KATAGEY
WAAN OGSOONAHEY DADKA BEESHA WAX UQABTEY
IYO KUWA KALEBA TAARIIQDA
AYEY KUQORANTAHEY QOFWALBA OO KATIRSAN
BEESHA WALIGIIS MA'ILOOBAAYO
MUDULOODKA KUNOOL FAR EAST
PASIFIC.(AUSTRALI IYO NEWZEALAND)
1: DR: ABDIRAHMAN
MOHAMED SHEIKH.
2: AHMED MOOBLEEN
3: SHEEKH MOHAMED YAROW
4: PROF: ZAKARIYA
SHEEKH MOHAMED.
5: INJ:AHMED SHEEKH
MOHAMED
6: ABDI RAHIIN HASSAN
MAHAMED
7: COR: ABDIKARIM
HASSAN MOHAMED
8: DR'S IFIIN ABULLAHI
HASSAN
9: INJ: JAMAC HASSAN
MOHAMED (ABQAALOW)
10: SHEEKH SIIDOOW
XAAJI ABUUKAR.
IYO DHAMAAN KUWABADAN OO AAN HALKAN
KUSOO KOOBI KARIN.
QORE DR: ABDIRAHMAN MOHAMED SHEIKH
Shir
ay yeesheen Jaliyadaha Moobleen ee wadamada
Scandinevianka & wadanka Holand. Ayaa soo saaray
warsaxaafadeed ,
Kadib
markii ay yeesheen wadahadalo mudo dheer qaatay ayeey
ku cambaareyeen Waxmagaradka sida xun wax u boobay
Kuwaasoo ku qarabanayo magaca mudulood arintaas in ay
tahy mid aan la qaadan Karin dhalineysana dhibaatooyin
badan.
1-
Qaladka halkaas ka dhacayna
waxaa masuul ka ah imamka abgaal imam maxamuud
ileen isagaa
saxiixay qalad ujeedadiisu tahay dhac boob iyo
bililiqo .
2-
Hadaba waxaan u sheegeynaa
dhamaan
A-
BEESHA CAALAMKA
B-
URURKA AFRICADA MODOWDAY
C-
URURGOBOLEEDKA IGAAD
D-
GUDIGA XALINTA QILAAFADKA
E-
WAXGARADKA BESHA MUDULOOD
F-
DHAMAAN SOMALI WEYNTA NABADA
JECEL
In
liisk la gudbiyey iyo Cidii gudbisayba ay yihiin
baadil cad iyo xaaran aan sal iyo raad toona ku
leheeyn qeybsi mudulood iyo dhaqan
mudulood toona
ayna jirin cid iyada loo doortay in ay mudulood
wakiil ka tahay oo iyada wax u qeybineeysa kali in wax
lagu qeybsan karo wada tashi iyo walaalayaal sideen
wax yeelnaa hadii taa lawaayana waxaan u sheegeeynaa
inta nabada jecel in ay ka tashadaan
wixii xaqdaro eh ayna diidaan iskuna aragti ka
noqdaan cid kastoo qaldan lagana yeelin sadbursi .
Intaa
kadib waxaan mahadnaq u celineeynaa waxgaradka kala
duwan ee ka hadlay xaqdarada lagula kacay labada
beelood ee kala eh Moobleen Cismaan iyo Hiilibi
Daaeandoole oo
ugu horeeyo Aakhil Koogaar Dr cabdulkadir xasan Dr
bood
Dr
Xusen cali axmad
iyo walalayaal kaloo mudan in la xuse .
Wabilahi
towfiiq.
1-
Omar M Qalimow
2-
Abdulkadir Ali Bunyo
3-
Inj Saciid Xamsow
4-
Dr maxamed xasan Cismaan
5-
Dr Abookar Muuse Idoow
6-
Maxamed Cabdule Bariise
7-
Jamaal Rooble Geedoow
8-
Dr abdulkadir Roomi
9-
Nabadoon Mooge Cali
thank you by kilimanjaro
email: kilimanjaroc@yahoo.com
|