KU: IMAAN MAXAMUUD IMAAN CUMAR.
KU: UGAAS ALI UGAAS CABDULE
KU: AQOON YAHANADA MUDULOOD
KU: SIYAASIYIINTA MUDULOOD
KU: NABADOONADA MUDULOOD
KU: DHALIN YARADA IYO HAWEENKA MUDULOOD.
Kadib markii aan isgu nimid shir deg deg ah oo aanu ku darsayno xaalda
qaybsiga xubnaha baarlamaanka mustaqbalka soomaali yeelan doonto.
Waxaan u aragnay qaabka wax loo qaybiyey in uu yahay mid aan cadaalad ku
salaysneyn oo aan la, aqbalikarin.
Taarikhdu wey qortay qaabkii wanaagsanaa ee mudulood wax u qaybsan jiray,
weyna qori doontaa cadaaladarada u muuqato in aad wax ku qaybinaysiin dadkiina
jooga Mbagathi.
Mudulood waa dad walaalo ah mana haboona in lagu kala geeyo dano gaar ah oo
sadbursi ku salaysan.
Shaqsi kasta oo sheeganayo masuuliyad mudulood iskuna daya in uu ku dhaqmo
cadaalad daro waxaa xusi doonta taariikhda, lana hor keeni doonaa maxkamad
waqtiga ay ku haboonaato.
Beesha mudulood ee ku nool dalka Norwey waxey soo jeedineysaa in ay si
cadaalad ku salaysan tahay wax loogu qaybiyo kuraasta baarlamaanka ee
beesha mudulood, aaneyna dhicin in laga tago beelaha walaalaheen ee ka maqan
liiska sida beesha Moobleen, iyo Hiilibi.
Waxaan ka xunahay in aan aragno liisas is daba jooga oo loo gudbinaayo gudiga
Igad oo la, leeyahay waxaa soo saxiixay iimaamka, sidas darteed waxaan si gaar
ah uga codsaneynaa Imaamka in uu san saxiixin waxaan loo dhameyn, ku dhisneyn
cadaalad, awna ilaashado sharaftiisa iyo karaamadiisa Imaamnimo.
Muduloodka jooga Norwey ee arintaan wax ka og.
1) CABDUQAADIR SHEEKH AXMED (GARGADUUD)
2) MAXAMUUD CABDULLE XASSAN (ABGAALOOW)
3) CABDULAAHI AXMED MAXAMUUD (QOOREEY)
4) AXMED MAXAMUUD CALI ( CARUUS)
5) JEYLAANI SHEEKH MUXUDIIN
6) CABDULQAADIR XASAN NUR
7) CALI MAXAMED MAXAMUUD
8) CIISE MAXAMUUD CARIIF
9) MAXAMUUD AXMED FIIDSHE
10) ALI CABDI MACOOW
11) MOHAMED XEYDER MOXAMED
12) LIBAAN JIMCAALE XASAN
13) MAXAMED CUMAR XUSEEN
Abdulkadir Hassan alcadaala25@hotmail.com