Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Falastin TV Live Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Friday Aug. 13, 2004

Baaq Nabadeed eey soo jeediyeen beelaha Mudulood.com

Baaq Nabadeed

Walalaayaal,

Jaaliyadda Mudulood ee Dalka Kanada waxay muujinaysaa in ey si aada uga xuntahay ugana walwalsantahay dagaalada beryahaan dambe ka soo cusboonaaday beesha dhexdeeda oo sababay dhimasho iyo dhaawac tira badan isla markaasina dhibaato u geystay hantidii ummada, dagaladaaso ka dhacay Muqdishu iyo meela kale ee ka tirsan degaanka beesha.

Baaqaan adag wuxuu ku wajahanyahay dhammaan culuma’udiinka, odoyaasha dhaqanka, haweenka, duubabaka, siyaasiinta, iyo dhallinyaradaba in masu’uuliyad iyo xil adagba uu ka saaranayahay sidii ey u joojin lahaayeen dhiigaas macna darrada ku qubanayo isla markaasna ey abuuraan jawi saldhigiisu yahay nabad iyo isfagarad buuxa.

Sida la wada ogsoon yahay, dagaal wiil ama gabar kuma dhashaan ee waa ku dhintaan, horena waa uga dheregnay wixii aan ka dhaxalnay dagaalo iyo aafooyin waxanna ugu baaqeynaa qof kasta in uu iskiis masu’ul iskaga saaro sidii loo heli lahaa nabad waarta oo saldhigeeda yahay midnimo, cadaalad, sinaan , ismaqal iyo istixgelin, kuwaasoo dhammantood keeni kara horumar iyo dhismo maamul ee dalkeena uu baahanayhay.

Sidaa darted, anagoo ah Jaaliyadda Mudulood ee degan dalka Kanada waxaan si wadajir ah u go’aansanay in aan la xisaabtanno ciddii rabta in ey waxyeeleyso nabadda iyo horumarka beesha, waxaana dardaaran naga ah in shuruud la’an la joojiyo colaada iyo is-ugaarsiga ka socda beesha dhexdeeda.

Dhammanteen waxaan Illahay ka baryeynaa in uu tubta toosan na waafijiyo, dalkeenana ka qaado dhibaatada mudada dheer heysatay  si loo soo wada celiyo sharaftii, karaamadii iyo is-dhexgalkii Ummadda Soomaliyeed.

  Wa Billaahi Towfiiq

  Jaaliyadda Mudulood ee Kanada

Toronto, Jimco, Agoosto 13, 200

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul