Waxaan ognahay in maalamahan
ay ku soo bateen shabada cabasho ay cabanayaan
beesha mudulood kana cabanayaan habka wax
qaybsiga ayaa waxaa waraysi lala yeeshay
oday muuse mid kamid ah shabakadaha wax qora waxaana
uu sheegay in qaybinta ay ahayd mid aan xaq ahayn
balse ay tahay xal marka qof walbo oo garaad leh
waxa uu is waydiin karaa xalka ku jira in ay afarta
kursi ee Wacbuudhan Abgaal ay qaataan Daa'uud
maxaa xal ah oo ku jira arintaas waxaay
jawaabto tahay wax xal ah kuma jiraan.
Maxaa yeelay haddii ay noqoto xag cudud in ay
daa,uud ka tiro badnayn wacbuudhan intiisa kale
marka oday muuse xalka uu sheegayo
xagee ayuu ka keenay bal waxaan jeclaan lahaa in
dadka joogo halkaas ay waydiiyaan arinta uu xal u
arko teeda kale waxaa uu ba isku magacaabay in uu
yahay Gudoomiyaha Samatabixinta
marka yuu samatabixinayaa
isagii baaba dadk laynayee teeda
kale waxaa uu ku hanjabay haddii aan waayo kursiga
baarla- manka in macnaheedu tahay in
soomaaliya aan wax nabad ah laga rabin
bal walaalayaal caqligaas iyo garaadkaas bal fiiriya.
Waxaa uu isugu muuqdaa in uu yahay nin siyaasi ah
balse waxaa loo fasiran karaa in uu yahay qof aan u
bisleen siyaasada sababtoo ah ninka siyaasiga ah ma
cadeeyo dareenkiisa ku wajahan xaga siyaasada haddii
aan u soo noqdo aragtida ah in uu xal mooday oday
muuse in uu daa'uud oo kaliya u qaybiyo kuraasta
taasi waa mid aan soconaynin micnaheedu waxaa waaye
waan socon waynay ee aan orodno marka waxaan u
sheegayaa jufooyinka kale ee ku jira wacbuudhan in
ay ka tashadaan ninkaas iyo waliba kuwa kale uu
xaqooda maqan yahay waa in la abaabulaa
mudaaharaadyo lagu diidan yahay liiska ay gudbiyeen
kuwa isku tilmaamay in ay yihiin siyaasiyiin meesha
waxaa la mooday in bun lagu cunaayo oo sidii loo
kala wayn yahay wax loo boobaayo.
Marka waxa is waydiin leh dadkii beesh mudulood
xagee ayay ka baxeen maxaa ku fadhiya oo ay ugu
dhiidhin waayeen gardaradan cad ee aan geedka loogu
soo ganban dadka isku
magacaabay in ay yihiin gudiga nabada ee
banaadir ma waxay u yihiin tusaale ahaan mase waxay
u yihiin in ay umada wax u qabtaan maxay
mudaaharaadyo lagu diidan yahay liiskaas ay ugu
abaabuli waayeen xarunta magaalada Muqdisho iyo
waliba Kenya dhexdeeda mase awood ayayna ku lahay
magaalada Muqdisho teeda kale Muuse ma waxa uu
hogaamiye u yahay Wacbuudhan mase daa'uud oo kaliya
ayuu hogaamiye u yahay taas waxaan jawaabteeda
ka sugaa dadweynaha aqrista shabakadan haddii uu Muuse
Wacbuudhan hogaamiye u yahay maxaa uu xaqooda u
cunay uu waliba afarta kursi uu siiyaya
jilibka uu ka soo jeedo oo ah ciroole
aaway daa'uudkii kale mase arintu waa ciroole
oo kaliya ayaa siyaasi qabo marka walaalayaa
xaq darida waa waxa uu ilaahay nooga caroonaayo
marka haddii aynu nahay umada muslin ah waa in
aan la jihaadnaa midka qaadanay xaq dadka waxaase su'aal
iga ah maxay soo kordhinayaan ciidamo la keeno
xiligan, kuwii 1992 Soomaaliya
yimid ayaa wax ka qaadi waayay uu hogaaminaaya U.S.A
iyo xulafadiisa marka Africaan oo mushaar doon ah
muxuu ka sheegayaa Soomaaliya?.
Waxan u malaynayaa Soomaaliya in ay noqotay
meel loo soo mushaharad doonto oo ay hay'adaha ay ku
tuugsadaan intaas waxaa na gaarsiiyay kuwa cawaanta
ee isku magacaabay in ay yihiin siyaasiyiin
ilmahii ay dhaleen u soo dirsaday dibada iyaga oo
lagu biilaayo Kenya ayuu wuxuu rabo iska dhahaa
dadna xamar ayay ku qadaan oo ay waysan yihiin
waxaay xoogaada ku shaqaystaan nabad ay ku cunaan
marka walaalayaa waxaan halkan ku soo gabagabynayaa
qoraalakan
wabilaahi towfiiq