Guddoomiyaha Golaha Samatabixinta Muuse
Suudi yalaxoow oo ay wareeysi gaar ah kula yeelatay
magaalada Nairobi wargayska waaga cusub waxaan ugu
horeeyn weeydiinay Xaaji Muse"waxaa laguugu
eedeeyay inaad xubnahii wacbuudhan u maamusheen adiga
iyo Cumar Finish qaab musuq maasuq ah oo afartii
wacbuudhan lahaa seddex ka mid ah aad kala qaadateen
siyaasiyiintiina Daa'uud taas ma xaq beey kuula
muuqataa?
Xaq maahina waa xa l"waxaana
wax ku qeeybsanay qaab aan is leenahay waa saxan yahay"
waxaase iska jira dad mar walbaba qalad u arko sidii
wax loo qeybiyo ayuu kaga jawaabay Muuse Suudi.
Waxaan kale oo aan weeydiinay Muuse
waxaa jira inay wacbuudhankii kale oo dhan ay hoos ka
guuxayaan oo ay aaminsan yihiin in cadaalad darro aad
wax ku qeeybiseen"haddii beelaha wacbuudhan iyo
IGAD kaa reebana liiska xildhibaanadda oo lagu yiraa
oday baa tahay ee iska samir miyaad ku
qanceeysaa?ayaan markii labaad weeydiinay.
Muuse wuxuu yir i"warkaas waa
dulmi"haddii anigga la iga reebo baarlamaanka
dalka miyaan nabbad laga rabin "waa wax aanan
qaadan doonin taas ma yeelayo waa inaan number one ka
noqdaa baarlamaanka mise waxaad iga rabteen inaan sida
dadka qaarkood been idiin dhoodhoobo.
Waxaa
Wareeystay tafatiraha Waagacusub Online
somali_journalists@yahoo.com