Shirkaan oo ka dhacay Hotelka Gran Regency ee Nairobi
ayaa waxaa lagu lafa guray qaabkii ay Beesha Mudulood
wax ugu qeeybiyeen koox ay ugu yeereen calooshood u
shaqeeysta yaal, kuwaasoo sida ay sheegeen anan
metelin Beelaha ku abtirsada Mudulood.
War murtiyeed loo qeeybiyey Saxaafadda ayaa qaabkii
Mudulood wax loogu qeeybiyey lagu sheegay mid
cadaaladda ka fog, Dr. Xusseen Xaaji Bood oo ugu
horeeyntii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in lagu
xad gudbay Qodobka 30-naad ee qexaya qaabka ay Beeluhu
Xildhibaanada u qeeybsanayaan wuxuuna ku tilmaamay
Liiskii ay IGAD,u gudbiyeen Koox uu ku tilmaamay in ay
dan qaas ah lahaayeen mid Cadaaladda ka fog isla
markaana anan lagu saleeynin Sharciga.
Mar uu ka jawaabayey su`aal ahayd sababta ay
waqtigaan cabashadooda ugu soo beegeen oo ay
Saxaafaddu weeydiisay ayuu sheegay in danta laga lahaa
kulankaan balaaran ay tahay in sharciga iyo
qawaaniinta la raaco ee anan cidna laga gaabsan isaga
oo sheegay inuu sharcigu cid waliba ka horeeyo, Shirka
Hanan baa u degsanaa oo uu ku socday haddii sharcigii
u degsanaa lagu xad gudbana ma aha in aan ka aamusno
mana aha in naloo fahmo in anu nahay Kursi doon ayuu
Yiri Dr. Bood,
Mar kale oo uu ka jawaabayey Su`aal ahayd Maadaama
ay IGAD, sheegtay in ay Baarlamaanka Soomaalida
dhaarin doonaan 19ka bishaan, haddii cabashooyinkooda
wax laga qaban waayo waxa la gudboon ee ay ku dhaqaaqi
karaan, in aan wax sameeyneeno waay cadahay laakiin
waqtigeeda ayaan sugeeynaa, wuxuuna yiri IGAD, ma aha
in ay isku kaaya dirto. Hal Booli ahi Nirig Xalaal ah
ma dhasho ayuu yiri oo uu ula jeeday in haddii IGAD,
ay dhaariso xubnaha baarlamaanka Liiskii Muduloodna
anan dib loosoo celin taasi micneheedu ay tahay wax is
diba marsiis sida uu sheegay.
Wax waliba sharci ayeey lahaayeen IGAD na ma aha in
ay wax aan sharciga waafaqsaneeyn Ansixiso.
Mar wax laga weeydiiyey Waxyaabaha keenay in ay
Cawdaan maadaama uu Imaamka Beeshu Liiskaasi ansixiyey
, ayuu sheegay inuu Imaamku qaldami karo uuna yahay
Bani aadam laakiin waxaan leenahay waxaad saxiixday
dib ugu laabo, Imaamka ka horna waa in ay Beeluhu si
Cadaaladi ku jirto ay wax usoo xushaan Imaamkuna ma
aha buu yiri inuu meel la galowaxa uu ugu yeeray sedax
Dagaal ooge waana inuu la tashtaa Boqorada kale,
Waa in sharciga loo hogaansamaa haddii uu Imaamku
sharciga ka il duufayna waxaan leenahay Raali ahaaw
waxa aan u doodeeynaahina ma aha dan Shaqsi ee waa
Cadaaladda iyo danta Mudulood ayuu yiri mana aha in
heshiisyada la garab maro Dr. Bood
Musharaxa Max`ed Max`ud ayaa ka hadlay in aysan
meesha isagu imaan in ay Kursi u doodaan laakiin ay u
yimaadeen sidii Dalkii Dowladd wax tarta loogu dhisi
lahaa wuxuuna yiri Dowladd abaabulkeedii hore dhinac
martay in ay xeerarka iyo qaaynuunka dhinac marto ma
aha Dowladdaan labada sano u fadhinay, sida an Dowladd
Caadil ah ku heli karnaahina waa in an u hogaansano
dhamaan waxa uu qorayo Dastuurku oo aan isku dayno in
anan garab marin.
Ruqiya Cali Cabdi oo iyana halkaasi ka hadashay
ayaa si kulul u cabaareeysay qaabkii Mudulood wax
loogu qeeybiyey iyadoo si kulul u weerartay dhamaan
Beelaha Soomaalida oo ay ku eedeeysay in aysan
Gabdhaha Soomaaliyeed aysan doorkoodii siin iyada oo
sheegtay in aysan taasi Beeluhu ku kala rooneen,
Haweenka dhibaata kasta dhabarka u dhigtay 14kii sano
ee dagaalka sokeeye Soomaaliya ka socday isla mar
ahaantaana dhibaata kasta ay iyaga hoos imaaneeysay ma
aha in ay Beelaha Soomaaliyeed Xaqiraan, Soomaalidu
waligeenba waay na liidi jireen wax nooma ogoleen
laakiin Beesha Caalamka ayaa noo garatay in aan qeeyb
ka qaadano shirkaan wax kale kama rabnee intii Aduunku
noo qoodneeyey ma yeeleeyno in ay naga fara
marooqsadaan ayeey si kulul u tiri Ruqiya oo si gaar
ah Beesha Mudulood ugu eedeeysay 15kii Xildhibaan ee
ay ka heleen Hawiye in aysan xitaa hal Xubin ka siin
Gabdhaha taasina waa wax aysan Beelaha kale la qabin
ayeey sii raacisay.
Canab Axmed Ciise ayaa iyana sheegtay in ay la
yaabantahay waxa ay Raggu u iloowsanyihiin Haweenka
mise Haweenka waay ka maarmaan, Haweenku waa kuwii u
dhaxay,dhaqayey, aasayey ee ma aha in Haweenka la
ilaawo mana ku raaci doono in ay Beelaha Soomaaliyeed
Haweenka gacan bidxeeyaan ayeey tiri,
Waxaay sheegtay inuusan Imaamku liis anan loo
dhameen ansixin Karin, Imaamku ma Ragga kaliya ayuu
Imaamu yahay ayey Tiri Canab Axmed.
Dr. Cali Cabdulle oo isna Madashaasi ka hadlay ayaa
sheegay in Xaqqa ay wanaagsantahay in lagu dhaqmo
Baadilkana laga tago isagoo waxa Soomaalida u diiday
in ay sharciga ku dhaqmaan ku sheegay Jaahilnimo
haddii ay aqoon lahaan lahaayeen waxa ay ku heshiiyaan
ayeey ku dhaqmi lahaayeen Balan ka baxyaba ma dhacdeen
ayuu hadalkiisa sii raaciyey, waxa kale oo uu yiri in
la isku kaaya diro meesha uma imaan ee in nala
heshiisiiyo ayaan u nimid.
Max`ed kulmiye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku
tilmaamay dhacdadaan Mudulood ku dhacday nasiib
daro.wuxuuna wax laga naxo ku tilmaamay in ay IGAD, u
xalaaleeyso in ay is dilaan.
Dhamaan Siyaasiintii iyo wax garadkii Maanta
shirkaasi jaraa`id ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay
hal ku dhig ahaa Shirku ma shir dib u heshisiineedbaa
mise waa shir dib isugu dir.
Dhamaan dadkii maanta halkaasi ka hadlay ayaa
sheegay inaaysan dhibaatadu ahayn oo kaliya Xagga
Soomaalida ee IGAD, laf ahaanteedu aysan eeda ka
marneen.
Mar dhan kasta laga eego hadaba is kadaba jiitanka
iyo buuqa ka dhex taaqan Beelaha ayeey Beesha Mudulood
waxa ay ahayd Beesha ugu buuqa yar marka la eego
Xaaladda Beelaha kale .
Maryan Max`ud (Qalanjo)
Hiiraan Online