Waxaa nagu maqaal ah in shir ay
albaabada u xeran yihiin ay yeesheen qaar ka
mida ah siyaasiyiin isku sheega beesha Mudulood iyo
Iimaan Maxamuud marka yaa waaye nimanka halkaas ka
maqan? oo waliba loo diiday
in ay ka qayb galaan Saxafiyiinta marka waxaa la yab
ah in Iimaan Maxamuud oo markii hore wax ka saxiixay
liisaskii lagudbiyay hada qabanayo shir jaraa'id marka
dadka qabanayo shirkan maka caqli duwan yihiin
dadka kale, maxaa yeealy waxaan ognahay sida ay
wax u dhaceen iyo waliba Iimaan maxamuud sida uu
isaga maadinayo eeda loo jeedinayo.
Waxaaba taas ka sii daran in Afhayeenkii u
hadlaayey Imaanka uu ka cabsado in uu wax ka sheego
sida loo wada hadlay iyo wixii ka soo baxay,
waxaa uu sheegay aanan jirin marka waxaan u aragnaa in
ay arintu tahay mid maadaysi ah oo dadka loogu jilaayo
Riwaayad marka muxuu yahay shirka uu qabanayo Imaanka
maadada uu wax walbo ogyahay maxaase dadka ka soo
qaybgalay shirkaas ay u qarinayaan waxa saxa ah ee ka
soo baxay shirkaas.
Anaga maadaama aan nahay dadweynihii waxaan u
aragnaa in ay arintu tahay shinbir yahow heesa uuna Iimaanku
yahay mid naftiisa burcad ah oo la og tuugadan wax
kala qaybisay waxaana ogaatiin labadii qof ee ku
heshiisa xaaraan in ay maalin ku dagaalamayaan xaqa
taas oo cad, in dadkii shalay is magacaabay ay
maanta is eedaynayaan uu ka mid yahay xaajo bood oo
sheegay in liiskii hore uu gudbiyay Maxamed dheere iyo
Oday Muuse marka muxuu kii uu isaga gudbiyay uu kaga
duwan yahay kan kale.
Waxaan u sheegaynaa Siyaasiyiinta isku sheega in ay
dadka ka aqli badnayn marka haddii aad tahay qof
masu'ul ah waxaa la sheegaa wax soconkaro maaha in aad
iska daacdaacsato marka waxaan u aragnaa in shirkii
jaraa'id ee uu shalay qabtay Iimaanka uu ahaa mid
qiyaali ah sababtoo ah wax walbo waa uu la socdaa iyo
waliba sida ayn wax u dhaceen marka aniga figrad ahaan
waxaan soo jeedinayaa in Iimaanka lala hadlo loona
sheego wax uu ku qaldan yahay iyo sida uu beesha u
maamulaayo maxaa yeealy asiga Aabihiis laguma aqoon in
uu kala xigsado labo walaalo ah laakiin Iimaankan
waxaa uu inta badan la jiraa meesha uu dantiisa ka
helaayo waxaan u malaynayaa in uu Iimaanka naftiisa uu
jago rabo laakiin ay xadidayso Iimaamnimada.
Marka haddii xilka noogala qaadi karo Iimaanka waa
in laga qaadaa oo loo dhiibaa qof ay labadiisa
garab simantahay waxaaba ka sii yaab badan waxaa uu
leeyahay afhayeen u hadla Iimaanka marka Iimaanka ma
waxa uu ku jiraa beesha Siyaasiyiinteeda mase waa nin
u xilsaaran gudashada jilka uu u haayo beesha uu
hogaamiyo waxaa laysku ogaa in nin siyaasi ah ama
madaxweyne uu yeesho afhayeen u hadlo marka uu
shirka ka soo baxo maxay tahay afhayeenka halkan ka
soo baxay waxaase waliba ka sii daran in ay sheegayaan
in ay jiraan wax qilafaad ah hadana ka baqanaya in ay
qilaafaadkaas shaaca ka qaadaan.
Waxaan leeyahay bulshada u soo bandhiga waxa aad
qarsa haysiin marka waxaan soo jeedinayaa in la helo
dad dhinac kale ka soo jeeda ee raadiya xaqa
dadkii wax laga duudsaday mase dadku waxa ay ka baqaan
inay la hadlaan Iimaanka maxa yeelay maanta Aduuyaadu
waa Dimoquraadi sida ay sheegteen gaalada marka
waa in lala hadlaa Iimaanka oo la dhahaa naga dhaaf
waxa aad nagu hayso oo aad waliba rabto in lagugu
ixtiraamo marka Iimaan soconmayso in aad anaga nagu
maadaysato intaas ayaan ku soo gabagabaynayaa ra'yigayga
wabilaahi towfiiq