Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Falastin TV Live Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Sunday Aug. 22, 2004

Dhaarintii Baarlamaanka Carta iyo Baarlamaankan Cusub maxay ku kala duwan yihiin?

Sida aan la socono waxaa maalinta Sabtida la dhaarinayaa Baarlamaanka cusub ay soo doorteen beelaha soomaalida marka waxaa su'aal mudan in lays waydiiyo maxaa u dhexeeya labada Baarlamaan ee kala ah kii Carte iyo kan Kenya lagu sameeyay waxaan u malaynayaa in aan jirin wax farqi u dhaxeeya labadooda balse dadka ay u malaynayaan in farqi u dhaxeeyo.
 
Haddii aan tu'saale ahaan u soo qaadano waxaa ay ku andacoon jireen kuwii ka maqnaa shirkii Carta in aan loo dhamayn oo ay qolo iska abaabushay balse kan Kenya loo dhan yahay, marka xagee loogu dhan yahay waxaan ognahay in kan Kenya ay jiraan dulduleelo badan oo ay dadka ka cabanayaan hadana aan waxba laga qaban sida qaybsigii ay sida xun wax u qaybiyeen Siyaasiyiinta isku sheega Beesha Mudulood hadana la rabo in loo dhaariyo Baarlamaanka.
 
Marka waxaan u aragnaa in ay IGAD nafteeda rabto in shirkan haatan la sheegayo in uu joogo gabagabo uu noqon doono kii Carte halka uu maray, maxaa dhacay inta dadka  dhiig miiratada ah wax laga maqlaayo. 
 
Arintuna waxay quruntay markii la yiri qaybsiga ha loo daayo Siyaasiyiinta iyaguna ay waxa ay rabaan ka fasheen marka waxaan gudiga IGAD iyo dadka ku howlan arimaha Soomaaliya in ay shirka daba qabtaan isaga oo hada ku dhow in  lagu kala tago, maxaa yeelay  haddii la dhaariyo Baarlamaankan oo aanan u dhamayn shacabka rayidka ah in ay keeni karto burbur marka waxaan ognahay in inta maanta ku jirta Baarlamaankaas ay tahay inta soomaali buburkeeda ka qayb qaadatay marka dadkan maanta la dhaarinaayo waxaa intooda badan ay ku jireen Baarlamaankii hore Carta.
 
Marka haddii uu kii hore ku dhaartay in cadaalad falaayo uunan cadaaladii muujin maanta muxuu u ku dhaaranayaa marka waxaan u malaynayaa in lagu dheelayo dhaarta Ilaahay marka waxan u sheegayaa dadka halkaas ku jira in haddii ay yihiin kuwo Muslin ah waxna ka yaqaano Diinta in ay Ilaah hortiis been ugu dhaaran walaalayaal waxaan ognahay kuwii Carte oo aan ka fiirsanaynay tv sida loo dhaarinaayo ayaa waxba ka qaban waayay dhaartooda.
 
Maanta oo aanan jirin tv ay dadka ku qancaan sida wax u socdaan sidee ayaa loo malaynayaa in cadaalada ka soo baxdo marka waxay aniga ila tahay in kii Carte uu ka nidaam wanaagsanaa kan maanta la leeyahay waxaa lagu soo dhisayaa Dowlada Soomaali u dhan tahay marka waxaan Ilaahay ka baryaynaa masaalixad qayr qabto in Ilaah noo keeno umada Iimaanka ka tegey in Ilaahay u soo celiyo ayaan leenahay aniga igulama muuqato in halkaas wax ka soo baxaan, sababtoo ah qof walba oo dareen leh wuu dareemi karaa sida ay wax u socdaan inta qof  lacaburina- ayo qofna dhegta wax loogu sheegaayo wax ka soconaayo ma jiraan ayaan aniga aaminsanahay waa tii alaha kuma derin in Ilaahay qayr nooga dhigo.
 
Marka waxaan shacabka Soomaaliyeed waydiinayaa su'aashaan ah maxay ku kala duwan yihiin dhaartan sabtiga iyo tii hore loo dhaariyay Carte waxaan maqli doonaa in ay inta  badan dadka ay ugu jawaabayaan kii Carte looma dhameen marka yaa kan u dhan hadiise loo dhan yahay maxaa cabashada Beelaha keenay oo loo caburinayaa sideese gudiga fududeenta ay wax u dhaarinayaan iyadoo Soomali inteeda kale ay maqan tahay marka taas macnaheedu maaha in meesha lagu kal boodo.
 
Marka walaalayaal waa in laga mudaaharaadaa dhaarintaas la dhaarinaayo Baarlamaan isku sheega maxaa yeelay dad  badan ayaa xaqooda ka maqan yahay inta Soomaali ay hal ka maqan tahay wax suurto galayo majiraan marka waa in arintaas laga fiirsadaa in arintaas ayaan ku soo gabagabeeyay arintayda 
 
 
Wabilaahi towfiiq

Adan Abdi Mahamed    dhcg_3@hotmail.com

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul