Marka hore, waxan si xushmad
& qadirin leh u salaamaya bahada/aqoon yahanada
daadihiya
Marka xiga, waxan akhriyey shaxda wax loogu qaybiyey
Mudulood oo runtii iila muuqata midaan wax xaq dhowr
& caddaalada lagu salayn.
Anigoo runtii ka xun in an adeegsado undiplomatic
Language, hadana waxan marnaba haboonayn in
laga aamuso Xaqiraada & Caddaalad darada loo
bareeray oo an aaminsanahay in ay meelkadhac wayn ku
tahay dhaqanka & xurmada soo jireenka ah ee
shacabka Mudulood miday jirtay.
Midda kale, mayaan ragga wax qaybinaayey ku
xisaab tamin in arinkani Uurkutaalo & Ciil ku
abuuri karo umadaha Mudulood qaarkood sida
walaaleheen (MOOBILEYN)
Ugu dambayntii, yaan ummad walaala ah, iskuna hadaf
& ujeedo ahayd kumannaan sano lagu kala dilin
wax ay dhiciba karto inaan lagu lisin ganuunka loo
cugaayo ee dib wax garadku ha u soxo qaladka laga
cabanaayo.
Wabilaahio Towfiiq.
Ismail Jumale. (at Soas University of London).