Inteey
dalka ka tageen Doowladihii iyo Hey'adihii u soo gurmaday
shacbiga Soomaaliyeed si eey uga samata bixiyaan xabada
iyo gaajada eey badeen intii qaxa
ku timid
iyo
lama
naflayaashii
ka
heray
Doowladii
Maxaamed
Siyaad
oo
qabiil
walba
leh,
aa
waxaa
caado
noqotay
in
dalxiis
loo
tago
marba
meel.
Markeey
meel mari weeysay nabadeeyntii qabiiladii ku kala tagay
dagaaladii guud
iyo kii sokeeye, aa waxaa
la dhoob dhoobay Doowlad
ku sheeg aan cidne aamisaneeyn oo ku dhisan aan dhergo
iyo waqti dhameeys
aan dhamaaneen.
Markeey cid
kasto garatay in eeysan soo dhoweeyn nabad iyo Doowlad ku
dhisan Xaq iyo Sinaan, aa waxaa biloowda is koox kooxeeyn
ku dhisan dhagar iyo lug gooyn eey koox walbo is leedahay kuwaan
manta ku gudob tag, berrina ka guur.
Toman
iyo affar sano oo dood eh iyo toman
iyo lix fadhi
ka dib, markii lagu heshiin
waayay nabadeenta Qabiiladii
dagaalada dhax maray iyo Qarankii
bur buray dib u dhisidiisii; aa waxaa laga badin
waayay in Soomaaliyoo dhan
noqoto derejo doon aan ka
danqaneeynin baaba’a
Dadka iyo Dalka midkoodne
Markii
ilihii dhaqaalaha fudud kasoo gali jireen, sida dalalka Carabta, ee eeyuuda,
Heeyadaha Qaramada Midoobay iyo kuwa samafalka
eey xirmeen aa waxaa la radiyay mela kalo oo laga helo
dhaqaale dedikaro baahida Doowlad Goboleed ku sheega iyo
dagaal Oogayaasha.
Waxaa
bilaabatay in Maraakiibta
bad weeynta mareeyso la afduubto, si looga helo
lacag madax furasho dadka iyo Markabkaba.
Bada la ijaarto kaluunsato
ajnabi ah
Iyo
in laga ijaaro Wershadaha Yurub Xeebta
Soomaalieed, si loogu shubo wasaqda iyo sunta cid
la arko soo diiday oo meel lageeyo la waayay.
Waxaa
kaloo bilawday in la afduubo, ama la suuq geeyo qof Kastoo
maal leh ama
gadmikarto.
Waxaa
xasuus gaar ah leh dadkii
bari lacagta looga
qaatay oo doonta
korkeeda
lugu dilay, ka dibna lugu daadiyay bad
weynta Hindiya.
Intii
beesada beenta ah ka
dheregtay iyo gedisleeydii
ku taajirtay canshur la’aanta iyo
sicir bararka, waxeey usoo jeesteen sideey safka hore uga
gali lahaayeen Barlam- aan ku sheega iyo Doowlada ka
dambeeyso.
Si
eey ku gaaraan muraad kooda
waxeey kala qaadeen sedax
tub oo kala eh:
1)
Tubta muruqa
oo ku dhisan:
Anaa xoogleh, aalad dagaalne ii taalaa, cidii hor joogsatane dardaraayo. Toloow nabadiina waxeey ku
jirtaa in aad iga dambeeysaan.
Qeeybta cidda anaa idiin
soo qaadaayo oo sidaan gartane u qeeybihaayo. Anaa aqaano
sida Qaranka loo samata bixinkar, madaxne loogu noqonkaro.
2) Tubta
maalka: Anaa maal leh oona wada gada karo dadka iyo
dalkoo dhan,
ilihi dhaqaalane gacanteeyda ku jiraan ;
masaruufane intii aan ka maroojiyay furdada iyo garoonka
lacagta adag igasoo gasho.
Waxaan
xariir la leeyahay inta beesada leh iyo ganacsatada eey badeecada
uga soo degto furdadeeda
iyo garoonkeeyga; haddey gacan igu siin waayaan dagaalka iyo derejada aan la
doonaayo lafteeyda, waxeey meesha ku dhuminaayaan
dantooda iyo dhaqaalohooda.
3)
Maskax; anaa cilmi leh,
sharci yaqaan eh, dalka dhisikaro, mamul hufan iyo musuq
la’aan dadkoo dhan ku dhaqi karo, Qarankii dhumay dib u
soo dhisi karo, Qabiilaa qabiil ka fadli badan yeeleeynin,
Cadaalad, Sinaan iyo doorasho ku dhisan tirakoob ku
maamulaayo dalka.
Safka
hore joojinaayo intii Cilmi iyo
xirfad eh; kana tirtiraayo adigu
yaatahay iyo yaa taqan.
Waxaan
dib usoo celinaa intii qaxday iyo wax
garadkii nadiifka ahaay oo dalka ka cararay.
Lamada qeeyb oo hore
waxaa la jiro kuwa kale oo u raacsan Qabiil
iyo qado; kooxda
sedaxaad, waxeey u badan yihiin dad
wax garad eh oo qabiil waba leh doonaayane nabad iyo dib u dhisida
Qaranka Soomaaliyeed, aminsaneh in eey ku meel tagi karaan tacliintooda
iyo aqoontooda.
Gunaanad
aan horay iyo gadal mid midne aan loo dhaafikarin:
Haddii
cid walbo dhaxdeeda ka dagaaleeyso,
haddii intii wax isugu
darsaneed eeysan wadaagi karin,
haddii
boobkii iyo kufsigii weli joogto yahay,
haddii
weli qabqablayaashii shalay iyo kuwii manta qaaylinaayaan,
haddii beesadii beenta
eheed Doolar iyo Dahab weli laga dhigay,
haddii
gedisleeydii sicir bararkii caado
ka dhigteen,
haddii
muqaadaraadkii iyo maan dooriskii laga mushtaraayo,
haddii
gacan ku
dhiiglihii weli dagaal u duuban yahay,
haddii
hunguri weeynihii lataagan yahay haleey badsho, ama waa ka
baxaa,
haddii
weli hubkii Dalka ku soo daldalmaayo,
haddii daacuuntii, qaaxadii
iyo dhilaayadii weli loo dhimanayo,
haddii Duubkii iyo
Duqoowdii deferaad iyo darin cun barteen,
haddii
Culumadii is dirirtay oo qarba meel degay,
HADDII INTA AA SOO ARAGNAY IYO INTA NOO MUUQATO TAHAY
TUSALAHA
MUSTAQBALKEEYNA, WAA XUNTAHAY RAJADA DALKA IYO DADKA
SOOMAALIEED EE;
ALLOOW ADAA DAAI’N EH OON KUGU DEGANEEYNE NAGA
HORJOOGSO DUULKAAN
HABAARAN IYO BALAAYADA EEY NALA DULJOOGAAN.
Duco kadib war majiro, laakin
waxaan dhihilahaay: DUCADA WAX UUN HA LUGU DARO.
Prof. Galagul
___________________________________