Salaan
qaali ah kadib
Anagoo
ku hadlayna magaca dhamaan beesha Hilibi ee ku nool
wadanka Ingiriiska, waxaan taageero fikri ah oo buuxda
la garab taaganahay culumaa’udiinka, waxgaradka,
odayaasha, aqoonyahanada iyo dhammaan xubnaha kale ee
Beesha Hilibi Daarandoole.
Taageeradaan
oo ku aadan warsaxafadeedka ay dhawaan soo saareen
kaasoo ay si cad ugu muujiyeen sida ay uga xun yihiin
cadaalad darada ay ku kaceen xubno ka mid ah beesha
Mudulood kuwaasoo ah kuwii gudbiyey liiska xubnaha
baarlamaanka ee beesha.
Waxaan
kale oo si cad u sheegaynaa in aanaan hadii aan nahay
beesha Hilibi marna aqbalaynin cadaalad darada
intaa le'eg.
Waxaan
ugu damayntii mahad u celinaynnaa dhamaan inta ku
hawlan wax ka qabashada arintaan. Waxaan sidoo kale
mahad balaaran u celinaynaa cid kasta oo isku
mashquulisay inay arintaan wax ka qabato sida Xaaji
Muuse Suudi, Ganacsade Bashiir iyo cid alla
cidii kale ee beesha Mudulood ah oo arintaan ka
xanuunsatay.
Mahadsanidiin
Xoghayaha
Guud ee Beesha Hilibi UK
Omar
Mohamed Qaasin
Tel.
0044-7984427009
London
UK