Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Mbagathi; Madasha Beenaalayaasha Aanan Garan Agaasinka Alifleyda Hogaamiso Igad

by: Abdallah Moallim Maxamud (Abdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

September 02, 2004 , Saudi Arabia

Waxaa soo dhoweyn cabsi weheliso mudan dhismaha Barlamaanka Soomaliye ee waaga cusub oo ay xubna ka yihiin Habar Dugaag oo uunan midna ka maqnayn marka laga reebo  Libaax oo isaga laga waayay madasha shirka ka socdo, isla markaana aanan cadayn laga bixin asbaabaha uu gogasha kaga maqnaa.

 

  Igad waa hay’ad ay ku bahoobeen dowladdaha deggan geeska Afrika, gargaarna uga baahan aduunweynaha, aduun- weynahana uu u balanqaaday daryeel dhaqaale  kolki ay ku fashilmeen dardargelinta horumarinta dalalkooda.Igad waa dowlado ay ka taliyaan intooda badan kalitaliyayaal aanan dheg jalaq u siin cid kale, ama ay ka taliyeen maamul ay  ku baahday fasaad ay aaad u adagtahay xakamaynteeda iyada oo aan lala kaashan adduunweynaha. 

 

  Igad oo ah, taa aan kor ku soo sifeynay waxay go’aansatay in ay Soomali u dhisto guri dowladeed oo la mid ah kan ka dhisan dalalkooda, gurigaana waa mid asaaskiisa uu yahay mid aad u dabacsan, dhismihiisa korana uu yahay mid aad u culus sidaa darteed waa adagtahay in uu dhismahaas yeesho cimri dheer intuu la ekeedaba.

 

  Shirka kenya uga socdo Somaliweyn waa gaaray ujeedadi looga gol lahaa oo  ahayd in lagu soo dhiso dowladi daadihin lahayd umuuraha dalka Soomaliye. 

 

Dhinaca kalana, waxaa mar kale isa soo taraya shacabka Soomaliyeed sida uu ugu ooman yahay helitaanka dowlad mar kale dib u soo celiso heybadi Soomaliyeed iyo nabad kuwada noolaasho iyo sharciga oo lagu dhaqmo.

 

Waxaase su’aal ka taagan tahay xubnaha barlamaanka iyo madaxda dowlada la filayo iyo Mareeyayaasha shirka dib-u-heshiisiinta Soomalida Igad, ma u carbaysan yihiin fulinta guushan mudda la wada dhowrayay in ay iyaga oo gacmaha ishaysto kaga wada shaqeeyaan dhulka Soomaaliya?.

 

Su’aashan jawaabteeda waa cinwaanka xalka Soomaliye oo markan laga dhexdoonay tixgelinta hogamiyayaasha dagaalka, halka shirka Carta xal u helida arrimaha soomalida laga doonay tixgelinta hogaamiyayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin hubkooda afka iyo jeebka ku sitay. .

 

Su’aashan jawaabteeda waa hogaamiyayaasha dagaalka intee in la'eg ayey diyaar u yihiin ku shaqaynta Dastuurka ay aqbaleen, xubinimada barlamaanka iyo dowladda la filayo in ay ka soo dhexbaxdo gogashaa. 

 

Su’aashan jawaabteeda waa marwalbo oo shacabka dareemo iftiin soo muuqdo oo xanbaarsan dowladi dalkan cagaha dhulka u dhigi lahayd, maxaa soo kiciyo cadowtooy- ada gaamurtay ee Itoobiya oo dabada kaga jirto qeyb ka mid ah kooxaha uu dalka Soomaaliye ka degiwaayay iyo kooxaha ka soo horjeedo oo iyagana lagu tilmaami karo cadowga gudaha oo aanan waxba ka duwanayn xabashida iyo kuwa ay dabada kaga jirto.

 

  Waxaa hubaal ah in uunan jirin ruux soomaaliye oo damiir leh oo uu maanta shaki kaga jiro in aynan Itoobiya doonayn dowlad Somaaliyeed oo awood leh, maamulka dalkeedana si buuxdo gacanta ugu hesyo iyada oo ka maaranto talooyin kaga yimaado dhinaca Tigreeda ku amar-ku-taagleyso dalka Itobiya. 

 

Laakiin dhinaca kale waxay sua’aal ka taagan tahay, jawaab ka bixinteedana laga dhur sugayaa ummadda Soomaliyeed oo dalkooda musiibada ku habsatay ay qaan-gaartahay, taas oo ay u dheertahay in uunan jirin iftiin soo muuqdo oo looga baxo mugdigaas ummadeena u diiday in ay dalkooda si nabadgelya ah ugu noolaadaan. 

 

Su’aasha waxay tahay yaa koofurta dalka oo Muqdisho ku jirto ka maroorsan karo gacanta mooryaanta uu dalkeena  ka degiwaayay? Itoobiyana banaanka ku dhigi karo?. Jawaabta su’aashan waa xalka uu nabad iyo xasilooni dalkeena ku gaari  karo.

 

Waxaan shaki ku jirin ka jawaabida su’aashan fal ahaan in aynan ahayn mid si sahal ah loogu soo boodi karo waqtigan xaadirka ah, iyada oo aan haddana quus laga joogsan raxmada Ilaahey uu na siiyay ee aan la soo tira koobi karin waayo herdanka u dhexeeyo kooxaha ama mooryaanta maanta isku heysto gacan ku dhigida awooda u sareyso ee dalka Soomaliya, kama dhex muuqdo nin ama koox lagu tilmaamo karo hufnaan dhinac walba leh.

 

Hadaba hordhac keddib waxaa la marayaa gebagebadi shirka dibuheshiisiinta Soomalyeed ee ka socdo Mbagathi ,dalka Kenya .

 

Shirkan waxaa la isku afgartay xubnihi ka mid noqon lahaa barlamaanka dalka, oo iyagana dhinacooda laga doonayo in ay intooda badan isku raacaan doorashada mid ka mid ah, ragga isu soo taagay, qabashada jagada madaxweynaha dalka. 

 

Shacabyahow waxaan idin weydiiyay, idinka iyo xubnaha idin mathalo ee reer walbo oo wiil kaga jiro wejiyadooda laga aqrisan karay, farxad ay ku reebtay guusha wiilkooda uu ku noqoday xubin barlamaan ee ilaaliso danaha reer hebel. 

 

Waxaana idin weydiiyay wiilkiina sito qoryaha darandooriga u dhaco, damaciisa ma ku egyahay xubin Barlamaan? si wiilashiina kuwooda awood iyo aqoonba u leh u qabtaan maamulka jaga aqoonyahan u baahan,  misa haddana wuxuu tartan u galayaa qabashada jaga wasiir isaga oo ku doodayo xubinimadayda waxaan ku wareejinayaa fulaan oo aan isku reer nahay, isla markaasna aan jeel ku nahay adeegsiga qoryaha dadka Soomaliyeed lagu gumaado.

 

Jawaab ka bixinta su’aashan waxaan u daynaynaa, masu’ uuliyada dhibaatadi ka timaadana dusha ka saaraynaa dadka tageerada u fidiyay Barlamaanka Somaliya ha lagu saleeyo 4.5 ama Qabiil qayaxan iyo awood qeybsi dulmi ku salaysan, dadka tageerada u fidiyay xubnaha Barlamaanka ha soo xulaan gacan ku dhiiglayaal iyo odayaal akhyaarnimadoodi ku bedeshay dhuuniqaadnimo iyo raggi horseedka ka ahaa bohasha ay maanta Soomali dhextaalo iyo dadka taageerada u fidiyay howsha iyo maareynta shirka dib uheshiisiinta Soomaalida ha loo daayo dowlado cadow ku ah guul Soomaliweyn gaarto.

 

    Waxaa iyadana isweydiin mudan Barlamaan Qabiil lagu saleeyay, xubnihiisana yihiin Habar Dugaag oo uu Libaax ka maqan yahay, Dhurwayna madax u yahay guusha ay u soo hoyn karaan Dal iyo Dad ku daalay midadaalo iyo shirar loogu gogol xaaro in dalkooda loo doonayo dowlad caadil ah.

    

    Waxaan shaki ku jirin in dowladaha deriska nala ah ay dadaal dheer u galeen curinta dowlad ka arrimiso dalka Soomaliya iyada oo uu dadaalkooda ku salaysnaa ilaalinta danaha ay ka leeyihiin dalkeena. 

 

Laakin waxaa dhinace kale ka soo baxayo su’aal ah, weli ma haynaa Soomaali si rasmi ah ugu xaydatay in ay dalkeeda gudihiisa ku kulmaan kooxaha ku tartamayo qabashada awooda ugu sareyso ee dalkeena, si xal looga gaaro khilaafadka keenay burburka dalkeena ku yimid iyo in meel la isla dhigo dib u dhiska dowlad heshiis lagu wada yahay ee ka arrimiso arrimaha dalkeena.

 

   Aan u gudubna xudunta qoraalkan, dalkeena maanta waxaa ku soo fool leh dowlad aan waxbadan ka duwanayn dowladii lagu soo dhisay degmada Carta ee dalka Jabuuti marka laga reebo hogaamiyayaasha hubeysan oo ka dhexmuuqdo dowladan. 

 

Hadaba sidaa darteed Soomaliweyn waxaa la gudboon soo dhaweynta dowladan si feejignaan ku jirto, dhiifonaana aynan ka maqnayn, tan macnaheeda ma’ahan arrimaha gogasha Mbagathi lagu gorfeeyay, laguna heshiiyay duuduub ha loo liqo, balse ujeedaydayda waxay tahay kol haddii uunan maanta jirin albaab kale oo Soomali u furan,  ha laga wardoono guul dhurwaa keeno iyo deris cadaw nagu ah, si aan shacabkeena loogu eedayn dadweynaha Soomaliyeed diyaar uma ahan in ay dowlad helaan.

 

   Maanta waxaan haynaa 275 xildhibaan iyo Barlamaan Ilaahi na abuurtay uu ogyahay xaalkiisa, berina waxaan sugaynaa madaxi dowlada Soomaliyeed oo la doorto .hadaba sidaa darteed yaa Xabshi u sheegi karo waa guuleystay shirki Mbagathi kol haddii uunan madaxweynaha Soomaliya noqon mid ka mid ah taageerayaasha siyaasaddeeda ku aadan dalka Soomaliye, dhinace kalase yaa hogaamiyayaasha taa ka soo horjeedo u sheegi karo shirka waa guulaystay kol haddii uunan iyaga mid ka mid ah noqon madaxweynaha Soomaliye.

  

  Cadowgeena waa kuwa ay xabshida dabada ku wadato iyo kuwa qayladhaankooda la maqlo kolki ay arkaan in danahooda shaqsigaa ay xabashi ku soo duulayso. 

 

Cadowgeena waa kan aanan ka dhiidhin dhibaatada Soomaliweyn dul taalo mudda afar iyo toban sanadood ah. 

 

Cadowgeena waa kuwa aanan xalna la imaan, xalki la keenana hor-istaago. 

 

Cadowgeena waa kuwa wax walba ay kaga muhimsan yihiin jaga uu ka helo dowlad Somaliyeed isaga oo aanan u soo duuban badbadbaadinta ummadda Soomaaliyeed iyo dalkooda, Cadowgeena----Cadowgeena ---

 

   Danti Soomaliyeed waxay ku dhex dhuntay inta u dhexeyso laba cadow oo uunan jirin mid midka kale ku dhaamo hagardaaminta wacnaan ay Soomali gaarto mustaqbalka dhow.

 

Somaaliyeey, Ilaahey ha loo noqdo, Ilaaheyna ha na badbadbaadiyo, Aamiin

 

Abdullahi Moallim Mahamud.

Moallem10@hotmail.com 

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul