September
02,
2004 , Saudi Arabia
Waxaa
soo dhoweyn cabsi weheliso mudan dhismaha Barlamaanka
Soomaliye ee waaga cusub oo ay xubna ka yihiin Habar
Dugaag oo uunan midna ka maqnayn marka laga reebo
Libaax oo isaga laga waayay madasha shirka ka
socdo, isla markaana aanan cadayn laga bixin asbaabaha
uu gogasha kaga maqnaa.
Igad waa hay’ad ay ku bahoobeen dowladdaha
deggan geeska Afrika, gargaarna uga baahan
aduunweynaha, aduun- weynahana uu u balanqaaday
daryeel dhaqaale kolki
ay ku fashilmeen dardargelinta horumarinta
dalalkooda.Igad waa dowlado ay ka taliyaan intooda
badan kalitaliyayaal aanan dheg jalaq u siin cid kale,
ama ay ka taliyeen maamul ay ku
baahday fasaad ay aaad u adagtahay xakamaynteeda iyada
oo aan lala kaashan adduunweynaha.
Igad oo ah, taa aan kor ku soo sifeynay waxay
go’aansatay in ay Soomali u dhisto guri dowladeed oo
la mid ah
kan
ka dhisan dalalkooda, gurigaana waa mid asaaskiisa uu
yahay mid aad u dabacsan, dhismihiisa korana uu yahay
mid aad u culus sidaa darteed waa adagtahay in uu
dhismahaas yeesho cimri dheer intuu la ekeedaba.
Shirka
kenya
uga socdo Somaliweyn waa gaaray ujeedadi looga gol
lahaa oo ahayd
in lagu soo dhiso dowladi daadihin lahayd umuuraha
dalka Soomaliye.
Dhinaca
kalana, waxaa mar kale isa soo taraya shacabka
Soomaliyeed sida uu ugu ooman yahay helitaanka dowlad
mar kale dib u soo celiso heybadi Soomaliyeed iyo
nabad kuwada noolaasho iyo sharciga oo lagu dhaqmo.
Waxaase
su’aal ka taagan tahay xubnaha barlamaanka iyo
madaxda dowlada la filayo iyo Mareeyayaasha shirka
dib-u-heshiisiinta Soomalida Igad, ma u carbaysan
yihiin fulinta guushan mudda la wada dhowrayay in ay
iyaga oo gacmaha ishaysto kaga wada shaqeeyaan dhulka
Soomaaliya?.
Su’aashan
jawaabteeda waa cinwaanka xalka Soomaliye oo markan
laga dhexdoonay tixgelinta hogamiyayaasha dagaalka,
halka shirka Carta xal u helida arrimaha soomalida
laga doonay tixgelinta hogaamiyayaasha dhaqanka iyo
siyaasiyiin hubkooda afka iyo jeebka ku sitay. .
Su’aashan
jawaabteeda waa hogaamiyayaasha dagaalka intee in
la'eg ayey diyaar u yihiin ku shaqaynta Dastuurka ay
aqbaleen, xubinimada barlamaanka iyo dowladda la
filayo in ay ka soo dhexbaxdo gogashaa.
Su’aashan
jawaabteeda waa marwalbo
oo shacabka dareemo iftiin soo muuqdo oo xanbaarsan
dowladi dalkan cagaha dhulka u dhigi lahayd, maxaa soo
kiciyo cadowtooy- ada gaamurtay ee Itoobiya oo dabada
kaga jirto qeyb ka mid ah kooxaha uu dalka Soomaaliye
ka degiwaayay iyo kooxaha ka soo horjeedo oo iyagana
lagu tilmaami karo cadowga gudaha oo aanan waxba ka
duwanayn xabashida iyo kuwa ay dabada kaga jirto.
Waxaa hubaal ah in uunan jirin ruux soomaaliye
oo damiir leh oo uu maanta shaki kaga jiro in aynan
Itoobiya doonayn dowlad Somaaliyeed oo awood leh,
maamulka dalkeedana si buuxdo gacanta ugu hesyo iyada
oo ka maaranto talooyin kaga yimaado dhinaca Tigreeda
ku amar-ku-taagleyso dalka Itobiya.
Laakiin
dhinaca kale waxay sua’aal ka taagan tahay, jawaab
ka bixinteedana laga dhur sugayaa ummadda Soomaliyeed
oo dalkooda musiibada ku habsatay ay qaan-gaartahay,
taas oo ay u dheertahay in uunan jirin iftiin soo
muuqdo oo looga baxo mugdigaas ummadeena u diiday in
ay dalkooda si nabadgelya ah ugu noolaadaan.
Su’aasha
waxay tahay yaa koofurta dalka oo Muqdisho ku jirto ka
maroorsan karo gacanta mooryaanta uu dalkeena
ka degiwaayay? Itoobiyana banaanka ku dhigi
karo?. Jawaabta su’aashan waa xalka uu nabad iyo
xasilooni dalkeena ku gaari
karo.
Waxaan
shaki ku jirin ka jawaabida su’aashan fal ahaan in
aynan ahayn mid si sahal ah loogu soo boodi karo
waqtigan xaadirka ah, iyada oo aan haddana quus laga
joogsan raxmada Ilaahey uu na siiyay ee aan la soo
tira koobi karin waayo herdanka u dhexeeyo kooxaha ama
mooryaanta maanta isku heysto gacan ku dhigida awooda
u sareyso ee dalka Soomaliya, kama dhex muuqdo nin ama
koox lagu tilmaamo karo hufnaan dhinac walba leh.
Hadaba
hordhac keddib waxaa la marayaa gebagebadi shirka
dibuheshiisiinta Soomalyeed ee ka socdo Mbagathi ,dalka
Kenya
.
Shirkan
waxaa la isku afgartay xubnihi ka mid noqon lahaa
barlamaanka dalka, oo iyagana dhinacooda laga doonayo
in ay intooda badan isku raacaan doorashada mid ka mid
ah, ragga isu soo taagay, qabashada jagada
madaxweynaha dalka.
Shacabyahow
waxaan idin weydiiyay, idinka iyo xubnaha idin mathalo
ee reer walbo oo wiil kaga jiro wejiyadooda laga
aqrisan karay, farxad ay ku reebtay guusha wiilkooda
uu ku noqoday xubin barlamaan ee ilaaliso danaha reer
hebel.
Waxaana
idin weydiiyay wiilkiina sito qoryaha darandooriga u
dhaco, damaciisa ma ku egyahay xubin Barlamaan? si
wiilashiina kuwooda awood iyo aqoonba u leh u qabtaan
maamulka jaga aqoonyahan u baahan,
misa haddana wuxuu tartan u galayaa qabashada
jaga wasiir isaga oo ku doodayo xubinimadayda waxaan
ku wareejinayaa fulaan oo aan isku reer nahay, isla
markaasna aan jeel ku nahay adeegsiga qoryaha dadka
Soomaliyeed lagu gumaado.
Jawaab
ka bixinta su’aashan waxaan u daynaynaa, masu’
uuliyada dhibaatadi ka timaadana dusha ka saaraynaa
dadka tageerada u fidiyay Barlamaanka Somaliya ha lagu
saleeyo 4.5 ama Qabiil qayaxan iyo awood qeybsi dulmi
ku salaysan, dadka tageerada u fidiyay xubnaha
Barlamaanka ha soo xulaan gacan ku dhiiglayaal iyo
odayaal akhyaarnimadoodi ku bedeshay dhuuniqaadnimo
iyo raggi horseedka ka ahaa bohasha ay maanta Soomali
dhextaalo iyo dadka taageerada u fidiyay howsha iyo
maareynta shirka dib uheshiisiinta Soomaalida ha loo
daayo dowlado cadow ku ah guul Soomaliweyn gaarto.
Waxaa iyadana isweydiin mudan Barlamaan Qabiil
lagu saleeyay, xubnihiisana yihiin Habar Dugaag oo uu
Libaax ka maqan yahay, Dhurwayna madax u yahay guusha
ay u soo hoyn karaan Dal iyo Dad ku daalay midadaalo
iyo shirar loogu gogol xaaro in dalkooda loo doonayo
dowlad caadil ah.
Waxaan shaki ku jirin in dowladaha deriska nala
ah ay dadaal dheer u galeen curinta dowlad ka arrimiso
dalka Soomaliya iyada oo uu dadaalkooda ku salaysnaa
ilaalinta danaha ay ka leeyihiin dalkeena.
Laakin
waxaa dhinace kale ka soo baxayo su’aal ah, weli ma
haynaa Soomaali si rasmi ah ugu xaydatay in ay
dalkeeda gudihiisa ku kulmaan kooxaha ku tartamayo
qabashada awooda ugu sareyso ee dalkeena, si xal looga
gaaro khilaafadka keenay burburka dalkeena ku yimid
iyo in meel la isla dhigo dib u dhiska dowlad heshiis
lagu wada yahay ee ka arrimiso arrimaha dalkeena.
Aan u gudubna xudunta qoraalkan, dalkeena
maanta waxaa ku soo fool leh dowlad aan waxbadan ka
duwanayn dowladii lagu soo dhisay degmada Carta ee
dalka Jabuuti marka laga reebo hogaamiyayaasha
hubeysan oo ka dhexmuuqdo dowladan.
Hadaba
sidaa darteed Soomaliweyn waxaa la gudboon soo
dhaweynta dowladan si feejignaan ku jirto, dhiifonaana
aynan ka maqnayn, tan macnaheeda ma’ahan arrimaha
gogasha Mbagathi lagu gorfeeyay, laguna heshiiyay
duuduub ha loo liqo, balse ujeedaydayda waxay tahay
kol haddii uunan maanta
jirin albaab kale oo Soomali u furan, ha
laga wardoono guul dhurwaa keeno iyo deris cadaw nagu
ah, si aan shacabkeena loogu eedayn dadweynaha
Soomaliyeed diyaar uma ahan in ay dowlad helaan.
Maanta waxaan haynaa 275 xildhibaan iyo Barlamaan
Ilaahi na abuurtay uu ogyahay xaalkiisa, berina waxaan
sugaynaa madaxi dowlada Soomaliyeed oo la doorto .hadaba
sidaa darteed yaa Xabshi u sheegi karo waa guuleystay
shirki Mbagathi kol haddii uunan madaxweynaha
Soomaliya noqon mid ka mid ah taageerayaasha
siyaasaddeeda ku aadan dalka Soomaliye, dhinace kalase
yaa hogaamiyayaasha taa ka soo horjeedo u sheegi karo
shirka waa guulaystay kol haddii uunan iyaga mid ka
mid ah noqon madaxweynaha Soomaliye.
Cadowgeena waa kuwa ay xabshida dabada ku
wadato iyo kuwa qayladhaankooda la maqlo kolki ay
arkaan in danahooda shaqsigaa ay xabashi ku soo
duulayso.
Cadowgeena
waa kan aanan ka dhiidhin dhibaatada Soomaliweyn dul
taalo mudda afar iyo toban sanadood ah.
Cadowgeena
waa kuwa aanan xalna la imaan, xalki la keenana
hor-istaago.
Cadowgeena
waa kuwa wax walba ay kaga muhimsan yihiin jaga uu ka
helo dowlad Somaliyeed isaga oo aanan u soo duuban
badbadbaadinta ummadda Soomaaliyeed iyo dalkooda,
Cadowgeena----Cadowgeena ---
Danti Soomaliyeed waxay ku dhex dhuntay inta u
dhexeyso laba cadow oo uunan jirin mid midka kale ku
dhaamo hagardaaminta wacnaan ay Soomali gaarto
mustaqbalka dhow.
Somaaliyeey,
Ilaahey ha loo noqdo, Ilaaheyna ha na badbadbaadiyo,
Aamiin
Abdullahi
Moallim Mahamud.
Moallem10@hotmail.com