Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

MAXEEY KU DHAARTEEN – MAXEEYSA KA DHAARTEEN

by Prof. Omar Mohamed Hassan     galagulone@hotmail.com

Dhaartu waa Axdi adag oo la mario qofkii, ama kooxdii la doonaayo in loo dhiibto xil

si eey ku fuliyan heshiiska, maamulka iyo meel marinta hoowsha loo dhaariyay, kana dhaqaaqaan wax kastoo kasoo horjeedo Axdigaas eey qool qaadeen  marka loo dhiibaayo xilka.

Dhaartu waa lama nuuc oo kala eh: Ogolaasho iyo Diidmo,

1)      Mid lagu ogolaanaayo in la fuliyo nidaam qoran oo leh Dastuur, Sharci iyo Dhaqan dhigan oo shacbi ama dal go’aan ku gaaray inoow ku dhaqmo intii si sharciga waafaqsan looga bedeli doono. Bedelka iyo dhameestirka waa in eey ku cad yihiin nidaamka naftiisa, waxaa kalo ka mid eh Ogolaasho qaan lugugu leeyahay oo aad qirato.

2)  Midda diidmada eh waxeey ku sabsantahay markii lugugu soo sheegto waxyaalo la leeyahay waad qaadatay, waad burburisay, waad dhumisay, waad dhaawacday, waad dishay, ma dhiibi, ma bixinin, waad ku dheeshay iyo waad dayacday, ood diido, kana dhaarato.

Waxaan maqlay, websaadyadana ka aqriyay in naayroobi lugu dhaariyay intii meesha joogtay mudada ku dhow 2da sano oo waqtiga ka dhumisay dadka Soomaaliyeed oo u baahnaay in eey helaan Doowlad ka bixiso dhibka eey ku jireen 44 sano oo lasoo dhaafay.

Maxeey ku dhaarteen

Haddey ku dhaarteen in eey Somaali wax u qabaanaayaan, fulinaayaane dhaarta iyo axdigii eey kutubka Quraan eh gacata midig u sareen; waa dhaar been iyo xaaraan eh  oon cidna aamineeynin, maxaa yeelay inta dhaaratay waa kuwii shalay shacbiga laayay, baday Gaajada iyo Cudurka 44 sano eey xukunka haayeen.

Kuwii dhaqaalaha iyo dhaqanka bur-buriyay oo dhoofsaday intii yareed oo warshada ahaay, siibtay korontadii, la baxay dhuumankii biyaha, xayuubiyay dhirtii si eey uga dhigaan dhuxul eey dhoofsadaan, kuwii bedelay qariidada dalka,

kuwii u kala gooyay dalka Waqooyi iyo Koofur, kuwii gabal gabaleeyay oo kala gooyay dalkoo dhan si eey u helaan meel eey madax ka naqdaan, kuwii boobay mucaawinadii loogu soo dhiibay dadka Soomaaliyeed, kuwii Badda iyo Beriga sunta ku shuba.

Maxeey ka dharteen

Haddeey ka dharteen in eey dadka dileeynin, lacagta beenta ah suubineeyn, sicir barar dambe ku kobceeynin, Beeraha iyo Guryaha boobeeynin, jidadka gooyneeynin, dadka suuq geeyneeynin, qabiilka madaxooda ka tirtiraayaan, duulimaadka iyo gardarad dhafaayaan, Soomaali nabadeen teeda ka shaqeeynaayaan, inta dibada ku nool dalkooda kusoo celinaayaan, sharci dhaqan oo xalaal eh dalka u sameeynaayaan, deris wanaagii iyo walaal nimadii dib u soo celinaayaan, kana shaqeeynaayaan sinaanta iyo caddalada :waa been iy xaaraan aan cidne ka amineeynin.

Kuwaano waa koox derejo iyo maal doon eh oo aan dan ka leheeyn nabada barwaaqo ku noolaanshada dadka Soomaaliyeed.

Taas waxaa lugu garan karaa magacyada iyo derejada eey isugu yeeraayaan 44 sano ka dib.

Kurtood waa:

Jananka, korneelka, wasiirka, diritoorka, safiirka, wiilka jananka, xaaska wasiirka,

madaxweeynaha gebertiisa iyo midka qabo, waasiirka koowaadka, gudoomiyaha barlamaanka iwm.

Ma gartaan, ama ma rabaan in eey magaca ka hormariyan waxeey ahaan jireen.

Dugaagta nahaaysato waxaa la socdo in gaajoon oo loo daadiyo dhac dhac loo dhiibo maalin kasto iyo rajo ku dhisan berri amaad hooskooda hergeshaan.

Qabiil walbo waxaa loo dhaariyay dad eeysan geeysan goobta raalina ka eheeyn oo IGAD ku qasabtay, si eeysan weli ugu sii joogin hotelada eey lamada sano daaqaayeen.

Waxaa la yiraa matiyu waa malaay aan talaajo ku jirin, seddax beri ka dib waa soo urtaa.

Waxeey shacbiga ku qasbeen, kana dhacsiiyeen in: doowlad xun, doowlad la’aanaa dhaanto si eey ku fushadaan barnaamijkii ebedkood wateen oo ku saleeysnaay:

1)      xukunka yaa lagaaga hormarin, si aan maxkamad luguu soo taagin.

2)      dhaqaalaha iyo mucaawinada gacantaada ha soo galano ee adigu sidaad doonto u maamul.

3)      xukunka ku adkeey dadka aan kuugu abtirsi eheeyn, si eeysan madaxa kor u soo qaadin ebedkood.

4)      Maaweeli doowlada mucaawinada dhiibo iyo heeyada caalamiga eh, intaad ka qaangaareeysid.

      5)  Guriga la dhoob dhoobaayo haddow dumo,         ______adkeeyso meel kalaa dalxiis loo tagi doonaa.

Soomaali waxey tiraa ratigii rarka la badsho, reeridoow cunaa, ma ratiyaan ka caqli yar nahay; maan rarka iska daadino oo ku dur durino degebada jidka noogu dadbaan.

Qabiil walbo waxoow keensan karaa dad mutacalimin eh iyo wax garad miir iyo iimaan leh oo mas’uliyad qaadi karo, xirfadne u leh dhismada maamulka iyo dhaqaalaha bur-buray. 

Dadkii dhibka iyo dhaqan xumada laga badiya waa gadoodaa, maxaa nugu dhacay oon la jiifnaa.

Maxeey idinlatahay haddan iska xureeyno baahalada?

Prof.  Galagul

___________________________________

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul