|
Yaasiin Maaxi – Scadanevian, Sweden
maaxi@hotmail.com
Göran
Persson, the Primierminster of Sweden
and
Yassin Mahi a member of socialparty
Yaasiin
Maaxi waxa uu ka mid ahaa ciyaartooydii hore ee kubada kolayga u
ciyaari jirtay naadiga Badda, Iminkana ku nool dalka Sweden, xubin fir-fircoona
ka ah xisbiga social democradic
ee haya maamulaka dalkaas, isla markaana ah musharax
u tartamaaya
doorashada gudiga degmada Katrineholm ee Sweden, wuxuuna dadaal ugu jira siduu
xubin muuqata ugu noqon lahaa baarlamaanka dalka Sweden mustaqbalaka soo socdo
haduu Eebe idmo.
Maxeey
Sweden horumar ku gaartay?
Runtii waa su`aal mudan in leys weydiiyo, sababaha
horumariyey wadamada reer Yurub, gaar ahaan Sweden.
Waxaan jeclaystay intaanan mowduuca u guda gelin inaan
dhiiri geliyo qof kasta oo fikrad wax ku ool ah haayo inuu wax qoro si aay
dadku ugu faa`iideeystaan, maadaama aaynu ognahay hadal meel laga yiri inuu
markiiba baabaàayo lakiin qoraalku uu faa-faayo, dhaxal-galna yahay uuna jiri
doono boqolaal sano.
Markii aay soomaaliya ka bilaawdeen dagaaladii sokeeye
waxaa dhacday in badan oo soomaali ah ay u soo qaxeen dalalka reer galbeedka
halkaas oo ay kala kulmeen soo dhaweyn wanaagsan oo ku dheehan benu`aadannimo,
dadkaasi waxaay ka soo carareen kuwo kale oo
soomaali ah, iimaan laawayaalna ah aay wadaagaan diin, dhaqan, midab,
dhul iyo af kaliya
Dhanka kalena aanay jirin cadow shisheeye oo dibada uga
soo duuley (yimid)
Hadaba arintu si kastaba ha ahaatee dadkii soo yaacay
waxaay qof walba tagtay meeshii calafka kulaheyd, inkastoo aay iska jireen
iska (dhacyo)
hor imaad xaga dhaqanka
soomaalida iyo kii aay u yimaadeen, hadane qof walbo siduu nolashiisa u
hormarin lahaa ayuu ku dadaalay.
Waxaase
xusid mudan in soomaalida intii
fursad u heshay iney ku noolaato Yurub ay ka faa`iideeysteen nolasha iyo qaab
dawladeedka ka jira wadamadaas ayadoo la qaadanaayo wixii wanaagsan oo aan
diinta wax u dhimaynin.
Wadamada
horey u maray siiba Yurubta oo aay Sweden ku jirto horuumarka aay gaareen
waxaa loo aaneeyaa inay ka dhalatay kaladanbeyn, wax wada qabsi, ixtiraam,
ilaalinta dastuurka iyo xeerka aay dagsadeen Hadii aan tusaale usoo qaato
waxaa la ogsoon yahay in dastuurku Sweden
leeyahay xushmad adag oo cid ku xad gudbi kartaa aaysan jirin, halka
dastuurka uu Soomaalida agteeda ka yahay shay magac u yaal ah oo ay sideey
doonaan ka yeelaan.Tilmaamahaas iyo horumarkaas lagu sheegay Sweden maqaalkaan
kuma soo koobi karo balse waxaan isku dayayaa inaan wax ka tilmaamo. Tilmaamahaas
oo aan u qaybiyey 5 qaybood.
1.
In muwaadinka iswiidhishka ah uu leeyahay xaquuq iyo waajibaad isag
saaran.
2.
Xoriyad tasoo macneheedu tahay in muwaadinka nolashiisa xor u yahay ee
uu go`aankeedu leeyahay islamarkaana dooran karo ayatiinkiisa.
Saxaafada
xorta
ah oo iyana ah awooda afaraad ee qaran ku taagan yahay
3.
Sinaan, oo iyana macnaheedu tahey
fursadaha dadka kale leeyihiin waa inuu muwaadinkastaa heli karo walow
mawaadinuuntu aay kala asal, diin, dhaqan,fikrad iyo midab duwan yihiin, hadana
taa macnaheedu ma`aha in mawaadiniintu isku si u wada dhaqmaan ama u wada
noolaadaan.
Waxaa jirto qadarin kala duwanaasho oo aan lahayn kala
sareeyn.
ulajeedadeeduna tahay ineeysan cid
cid kale ka fiicnayn aay ku xiran tahay dhamaan bulshada ineey ku
dadaalaan sidii ay wada jir dalkooda u horumarin lahaayeen.
4. Wadajir/Midnimo waa isku xirka bulshada, isla
markaana uu qof walba u istaago qadiyada ah in ummadu mid tahay.
5. Cadaalad iyo is aaminid bulshada u
dhaxeysa ayaa iyana ah aas-aaska horumarka bulshada, islamarkaana dhalisa shir,
showr, go`aan wada gaarid iyo wada tashi
oo la macna ah demuquradiyad. hadaba qodobadaas aan kor ku soo
xusey iyo waliba kuwa kale oo badan ayay
iswidhishku ku dabaqeen siyaasadooda, dhaqaalahooda iyo dhaqankooda.
Ugu danbeeyntii waxey culimada cilmiga bulshada ee reer
Sweden isku raaceen inaan dagaal xal noqon ee xalku noqdo mid lagu xaliyo
wadahadal iyo daryeel, ileen waxaa la yiri:
”Aan
wada hadalno waa aan heshiino”.
Allaa
wax og!
Yaasiin
Maaxi
maaxi@hotmail.com
|