Masaarida
waxay tiraahdaa, “khabarka maanta lacag ah, berri waa
bilaash”.
Wax badan ayaan isku haynay dood daba
dheerataay oo salka ku hayso shirka Mbagathi ee labaatanka
bilood loo fadhiyay meel isugu keenida (waa Barlamaan)
kooxaha hubaysan ee isku haayo qabashada hogaanka ugu
sareeyo ee dalka Soomaliya.
Doodi waxaad moodaa in ay
dhinac u dheelisay waayo hogaamiyayaal badan oo ka soo
jeedo dhinacyada isku haayo arrimaha Soomalida ayaa mid
walbo ku doodayay muddadi uu shirkaas socday in uu isaga
yahay hogaamiya kalsooni badan ka haysto Soomalida .
Maanta Somalidi kalsoonida laga haystay waxaa
methalo xildhibaano laga soo xulay beelaha ay ka kooban
tahay Soomaliweyn.ma doonayo in aan gadaal ugu noqdo
khaladaad laga tirsanayay qaabka loo soo xulay xildhibaa-
nadan oo ka kooban 275 xildhibaan, khaladaadkaas
ha ahaadeen farsame xume ama ha ahaadeen mid ula kac ah .laakin
soo xusida arrintan, waxaa
uga gol leeyahay in aan farta ku fiiqo xaqiiqada ah in
uunan jirin mid ka mid ah u tartamayaasha qabashada jagada
madaxweyne soomaliyeed oo ka wada dhashay 4.5 beelood oo
uu ka kooban yahay barlamaanka.
Haddaba sidaa darteed ruuxi
ku guulaysto “cod dheeri ah ku qaado kalsoonida
Somaliweyn” waa in aan tageero u fidino si uu dalkeena u
helo dowlad ku daadihiso waddadi looga bixi lahaa
dhibatada Soomaliweyn dul tiil tan iyo inti xukunka la
riday 1990 dowladi uu horkacayay kali taliye Maxamed
Siyaad Allah ha u naxariitee.
Baaq ku jeedo dhamaan
Soomaliweyn, Ka hor inta aan la gaarin doorashada
madaxweynaha waa in aan tageera buuxdo u
fidinaa Sharif Xasan Shikh Aden oo isaga Shiikh Aden
Madoobe kaga qaaday afyeenimada barlamaanka 60%, halka uu
Shikh Aden Madoobe helay 39.3%.
Dhinaca kalana waa mid aad
looga xumaado in uu Shiikh Aden Madobee isla goobtaa ka
sheegay in ay xaq darro u dhacday doorashadi halkaa ka
dhacday, loogana shubtay.
Ogow, oo ha hilmaanin, dhihida
hadalkan ma ahan mid sahlan ama mid uu ka soo bixi karo
ruux ku haboonaa hogaaminta jagadaas lagaga adkaaday
odayga hadalkan ka soo yearay, weliba iyada oo aan ognahay
dhibatada laga soo maray guusha meel isugu keenida 275
xildhibaan oo qaadatay labaatan bilood oo marba dhinac la
isu jiidanayay.
War iyo gunaanadkiis waxaa muuqato doorashadi
afhayeenka barlamaanka in ay saadaal ka sii bixisay
doorashada soo socoto ee loogu tartamayo madaxweynaha
dalka Soomaliye bishan 22/09/2004.
Mark aan kala qaad
qaadno arrimahan amma aan hoos u taabano sadaasha ay
bixisay guusha raacday nin aanan siyaasada Soomaliye iyo
dadgaaladiba ku
lahayn dowr siyaasadeed iyo mid dagaalba ee la tilmaami
karo iyo guul daraada raacday nin ka tirsan, kuna
tiirsan kooxda SRRC oo iyada ah mid ka mid ah labada
kooxood ee ugu tun weyn siyaasada iyo dagaal oognimada
Soomaliye, tani waxay
noo tilmaameysaa guul darrada ku soo fool leh
hogaamiyayaasha ka tirsan SRRC ee tartanka ugu jiro
madaxweyne Soomaliyeed.
Sidoo kale, waxaa iyadana saadaal
ahaan noo muuqanayo madaxweynaha guusha raaci doonto in uu
yahay
1)shaqsi
ka madaxbanaan gacan ku lahaashada dhibaatooyinka
soomailda ku habsaday muddadi aan xorta ahayn sidi Sharif
Xassan.
amma
(waa haddii aynan suurta galin tan koowaad)
2)in
uu madaxweynaha xiga yahay ruux ka soo jeedo ama tageero
ka heysto kooxda Golaha samatabixinta qaranka Soomaliyeed
oo iyaga ah xooga ugu weyn oo mucaarad ku ah in uu
jagadaas ku soo baxo hogaamiye ka soo jeedo kooxda SRRC
ama markaan si bareer ah farta ugu fiiqno
Col Cabdullahi yusuf.
War
iyo dhamaantiis Cabdullahi shubaakada danbe ayuu ka baxay
kol haddii ay SRRC iyo Itoobiye ku fashilmeen garab siinta
saaxibkood Shikh Aden Madoobe.
Abdallah
Moallim Maxamud
Moallem10@hotmail.com.