Maxamadoow
waaxaan ogaaday meesha aad ii wado, laakin anigu ma ihi
nin sahlanaan ugu dhacaayo siriqda aad rabto in aad ii dhigto.
Xalay
markaa jiifka u tagay sariirta waxaa madaxeeyga ku
wareegeeysay su’aashii aad i weeydiisay, laakin waxaan
dhameeystay haddii ILAAHEEY
nabad igu soo kaakiciyo in aan dib u raadio meesha seey ka
timid su’aashaada.
Waxaan
ku dheelmaday websaadyada soomaaliyeed, si aan ku helo wax
ii ifiyo meesha aad ka heshay su’aasha yaabka leh oo
madax xanuunka igu riday.
Raadis
badan
ka dib, waxaan ku arkay websaadyada midkoo, niman Soomaali
eh oo masawir kooda hoostiisa ku qorantahay:
mid maad u codeeyn leheed?
Anigu
marne madheheen daanyeero
muwaadiniin Soomaaliyeed oo rabto in eey u noqdaan
madaxweeyne dalkeeyna, si kastaba haku timaadee, illeeyse
anigu kuma aamineen waxaro, iska
dhaafe dal iyo dad mustaqbal koode.
Waxaan
is weeydiiyay xageey ka bexeen 52 musharax oo mid walba
watay barmaamij qurax badan oo aqriskiisa laga qaadaayay
farax, rajo nabadeed, xaq, sinaan iyo dib u soo nooleeyn
qarankii Somaaliyeed.
Ragaan
badidood waxeey
ahaayeen raag aan aqoonis u leeyahay oo aanan u qalmin
jagada, xalin karine bushiga dheraaday oo ku dahacay dadka
iyo dalkaba Soomaaliyeed.
Waxaan is weeydiiyay yaa soo soocay 5
meesha ku masawiran, seese luugu soo soocay?
Ma
ayakaa qoray maqaalka xayeesisiinta eh?
Ma
nin qaraaba la'ah midkood aa naqaldaayo?
Ma
tubaa naloo tilmaami rabaa?
Anigu
u maleeymaayo in
si sahlan lugu xalin karo dhibka
44 sano soo jiitamaayay oo kala geeyay dadka
xabagta beenta eh lugu xariirinaayay. Anigu
ii cuntami meeyso habka ku dhisan: anigu
aan ku xukumo adiguna noo
shaqeey ee noo dhis dhaqaalaha aan kugu gumeeysanaayo.
Daanyeerka
waxoow caan ku yahay: haddii midkood madaxa xogto in inta kalane xogato; sidii kuwaa isu
sharaxay madaxweeyne
nimada eey isugu dayanaayaan xaga derejo raadiska.
Tanu
ma fiicna, waxaase ka daran tan soo socoto. Markii
la tabar dhigo lana xalin waayo dhibka taagan, waxaa la
yiraahdaa ALLAA
JIRO. Waa
noognee ALLOOW naga soo gaar.
Prof
galagul.