Doorashadi
afhayeenka barlamaanka iyo guusha raacday Mudane Sharif
Xasan Shiikh Aadan oo aan isaga ahayn
shaqsi macruuf ah oo ka dhexmuuqday ragga
iyaga horboodayay maareynta iska soo horjeedka
dabadheeraaday ee xagga siyaasada, gacan ka hadalka iyo
muujinta hogaamiye walba xoogiisa intuu la eg-yahay, gacan
ku dhigida halbowlaha dhaqaalaha, gacan ku dhigida
deegaanada lagu tiriyo in ay ka barwaaqo badan yihiin
dalka intiisa kale, hogaaminta arrimaha
dalka guud ahaan waxay iftiimisay kala duwanaashaha
xooga leh ee u dhexeeyo barlamaanki Carta oo ay
dhamaadkiisi u tartanki
qabashada madaxweyne Soomaliyeed isugu soo hareen Dr
Cabdullahi Caddow iyo Dr Cabduqasim salaad oo iyaga
labadooda ka soo wada jeedo beel kaliya,
una soo wada shaqeeyay mudda dheer oo aan kala
go’a lahayn dowladdi diktatoorika ahayd ee uu Maxamed
Siyaad horkacayay oo iyada loo aaneeyo in ay qayb weyn ku
leedahay burburki ku habsaday iyo barlamaanka Dalka Kenya
lagu dhisay haddeer oo
kulmiya xubna intooda badan ka soo jeedo kooxa lagu tiriyo
in ay ku kala fog yihiin aragtida ay ka qabaan habka ugu
haboon ee dalkeena kaga bixi karo musiibada ku habsatay
tan iyo inti laga adkaaday ,xukunkana laga tuuray
xuukumadi awooda dalka kula wareegtay cudud milatari 1969
oktoobar 21.
Barlamaanka
Kenya lagu dhisay wuxuu kulmiyaa
hogaamiya kooxeedyo awood u leh taaba gelinta
guusha barlamaankaas ku tilaabsaday haddii ay u kacaan
isfaham dhexmaro iyaga oo ka tarjumayo in ay diyaar u
yihiin in uu dalkeena ka baxo dowlad la’aanta ku daba
dheeraatay, dhinaca kale hogaamiye kooxeedkaan waxay awood
u leeyihiin horjoogsiga hirgelinta guushaas iyo ka mira
dhalinteeda haddii ay la soo taagnaadaan, aniga teyda ha
la qaato iyo aniga teyda ha la qaato oo uunan ka danbayn
fikir cad ee lagu tilmaami karo xilkasnimo iyo garasha ka
tarjumayso, hadafka guud oo ay ummadda soomaliyeed ku
taamayso oo ah helitaanka
dowlad dalkeena ku soo dabaasho kala daybaynti iyo
sharciga oo lagu dhaqmo.
Barlamaanki
carta waxaa xubnaha barlamaanka buux dhaafiyay shaqsiyaad
aan awood badan dalka ku lahayn haddii ay ahaan lahayd
dhinaca siyaasadda ,dhaqaalaha iyo cudud isu sheekadka ka
jiro waddankeena.Barlamaanki carta wuxuu sababay in ay
dhamaadki wareegi u danbeeyay ee doorashadi madaxweynaha
isugu soo hareen laba nin oo iyaga ka soo wada jeedo beel
lagu tiriyo in ay dowr weyn ka ciyaartay burburinta
dowladdi soomaliyeed ,horjoogsiga dhisida dowlad kasto oo
uunan madax ka ahayn nin aan iyaga ka soo jeedin reer
ahaan iyaga, labadan nin waxaa kale oo ay xubnihi
barlamaanka Carta la wadaagaan sifaha ah, in aynan dalka
Soomaliya waqtigaa iyo haddeerba ku lahayn miisaan
siyaasadeed iyo mid maleeshiyadeed
,intaa waxaa u dheer madaxweynaha Jabuuti oo
wareysi uu Siiyay laanta afsoomaaliga ee BBC London ku
sheegay fashilka ku yimid Dowladi Carta lagu soo dhisay
keddib “Soomalida waa ummad yaab leh ,waayo iyaga oo ka
eed sheekanayo beelaha ay ka soo jeedaan Cadow iyo
Cabduqaasim ayey haddana codkoodi siiyeen raggan ka
soo jeedo beelihi ay kuu eedaynayeen in ay iyaga dowr weyn
ka qaateen burburki dalkooda ku habsaday”.
Kala duwanaashaha barlmaanki Carte iyo kan Kenya lagu
dhisay faala ka bixintiisa keddib, aan u gudubno
Sua’aasha ugu weyn ee maanta dadka Soomaliyeed hortaalo
,loogana doodo meel walba oo ay Soomali ku kulanto
,sua’shaas waxay tahay yaa ku haboon qabashada
xilka madaxweynaha Soomaliye waqtigan ay wax walba isku
miliqsanyihiin, iyada oo Soomali meel walba ha joogtee,
qalbiga ku hayso tolow barlamaankan ma guulaysan doonaa
doorashada yaa xilkaa mudan?
Su’ashan
ka jawaabideeda waa mid aan adkayn marka dhinac kaliya
laga fiirsho ,waana mid aan sahlanayn marka dhinaca kale
laga fiirsho.su’ashan jawaabteeda waa furaha xal u
helida arrimaha murugsan ee maanta Soomaliweyn horyaal.
Su’aashan jawaabteeda ma ahan mid adag marki aan
howsha sahlano ,wax walbana lagu saleeyo raggaa isu soo
sharaxay jagada madaxweyne, ha ku kala hareen cod bixin ka
dhacdo barlamaanka dhexdiisa.tan iyada waa dalkaeeni
yuunan dowlad helin haddii uunan ilaahey nasiibkeena ka
dhigin in aan ka dheeraano
guul raacdo dhowr nin oo aan ku soo xusi doono
dhamaadka maqaalkan iyo ruux kasto oo sfihooda leh.
Marka
dhinaca labaad laga fiirsho Jawaabta su’aashan, xaqiiqa
ahaan waa sahal, laakin waxay
adkaanaysaa marki arrimaha lagu saleeyo aragtida
daka uu imaankooda daciif yahay,necebna
in xqiiqada laga hadlo,
loona kaco ka hadlida dhabta hortaal Soomaliweyn in
ay tahay iyada
oo
1)raggan
isu soo taagay qaabashada madaxweynaha laga falaanqooda,
lagana baaran dego, yuu yahay ruuxa mudan qabashada xilka
ugu sareeyo ee dalka
Soomaliya doorasho ka hor.
2)in
laga hadlo in
ay raggan ka mid yihiin rag ku mintidayo gaarida jagadaas
wax walba oo ay ku qaadato ,haddii ay ahaan lahayd bixin
laalush, haddii ay ahaan lahayd caga juglayn iyo saa
haddii aanan la’ii yeelin shirka wuu fashilmay- aa iwm,
sidaa darteed waa in la qaada dhigo,dood hoosana laga
yeesho inta aanan loo gudbin cod bixin, raggan ma ku jiraa
ruux ku sifoobay ku fiicnaashada dhamaan dhinacyada isku
haayo arrimaha Soomalida, lahaanshada karti, garasho iyo
xikmad uu ku meel mariyo danta guud ee ummadda
soomaluiyeed isaga oo aynan isku dhicin kooxaha lagu
tiriyo in ay leeyihiin mintid siyaasadeed oo aan ka
tarjumayn danta guud ee ummadda Soomaliyeed.
Maanta Barlamaanka Soomaaliya waxaa hortaal howl
adag , barlamaankan waxaan kaga digeynaa in uunan marin
waddadi uu barlamaanki carta ku doortay shaqsi isaga ka
mid ahaa mushkiladi dalka Soomaliye tiil ee xalinta u
baahnayd, maadaamo uu ka mid ahaa rejiimki abuuray badanaa
dhibaatooyinka kala dhex gaaray Soomaliweyn, isla
markaasna ka soo jeeday beel isku dayday in ay xukunka
maroorsato, kuna wado waddadi uu jeexay rajiimki Maxamed
Siyaad oo ahayd, talada waddanka ha ku jirto gacanta hal
qabiil.
Barlamaankan
waxaan ku wargelinaynaa annaga oo ka hal qaadayno doonista
dowlad Soomaliyeed ee dalkaeena ka samata bixiso dowlad
la’aanta waddankeena ku raagtay, in ay ka fogaadaan
iyago oo codkooda siiyo Cabdullahi Caddow, Cabdullahi
Yusuf, Cabduqaasim, Xuseyn Caydiid iyo wixi sifahoodaba
leh.
Shaqsiyaadka
aan kor ku soo xusnay ,marnaba kuma maagayno arrin shaqsi
ah, amma mid qabiil, laakin arrinta oo dhan waxay ku soo
arooreysaa in ay iyaga ka mid yihiin mashaakilka Soomalida
ee in xal laga gaara u baahan ,waayo raggan annaga oo aan
farta ugu fiiqeyn si gaar ah, ayaan haddana waxaan
barlamaanka soo xusuusinaynaa in uu
1)
Cabdullahi Yusuf uu horay isugu dayay in uu xukunka
waddankeena kula wareego qaab milatari, isaga oo shaqdaas
u adeegsaday taliyayaal ka soo jeedo beeshiisa ,kana
tirsanaa saraakiisha ciidamada xooga dalka soomaliyeed,
shaqsigan tan iyo 1978 inti uu fashilka ku yimid
inqilaabki milatari oo uu isku dayay, marnana kama
tanaasulin doonista iyo gaarida jagada ugu sareyso ee
dalkeena, iyadoo oo ay taas u dheertahay in uu xitaa dhiig
badan u daadshay gaarida jagadaas.
2)
Cabdullahi Cadow isagana wuxuu mudnaanta kaga fogyahay
isaga oo wax u bartay dalka hooyo iyo dadka Soomaaliyeed,
lagana sugayay in uu waddanka wax ugu qabato, ayuu
waxbarashadiisi kula shaqeeyay, jagooyin muhimana kaga soo
qabatay mudda dheer oo aan kala go'o lahayn xukuumad ku
tumatay xuquuqda dadka Soomaaliyeed ,falxumadadeena
gaarsiisay in ay xasuuqdo dad aan haba yaraatee wax
danbiya aan lagu hayn, maxkamadna aan la soo taagin ,intaa
waxaa kuu dheer in uu xidid la ahaa hogaamiyihi
xukuumadaas, ayna u sahlanayd in uu
ku dhiiri geliyo in uu ummadda ku hogaamiyo wadda
wacan ee ku dayasho mudan ama uu isaga tago xukuumadiisa
haddii uu diido taas.
Laakin
Cabdullaahi labadaba ma garan, wuxuuna ka raacay dantiisa
gaar ahaaneed waa sida ay la noqotay isagee, wuxuuna
jeebka ku shubatay xoolihi dadweynaha Soomaaliyeed inta ay
ummadda ku howlanayd iska tuurida heeryadi kali taliya
Maxamed Siyaad..
Cabdullahi
wuxuu mar kale mudnaanta
jagadaas kaga
fogyahay, in marki la riday xukuumadi uu hogaaminayay
soddoga gabadhiisa, allah ha u naxariistee, in uu taageera
buuxda oo aan qarsanayn u fidiyay general kale oo
jufadiisa ka tirsan ,xasuuq aad u ba'ana ku sameeyay
dadweynihi degganaa magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan
qabiil kasto oo Soomaaliyeed iyo koofurta dalka, welina
waxaa qoyan dhibki uu ummadda kaga tegay
generaalkaas,Cabdullaahi marnana lagama haayo isaga oo si
cad u canbaareynayo falalki xumaa oo ay geysteen
generaaladaas, midna ina adeerkiis yahay, midna sodagiisi
yahay ilaa hadda, ama isaga oo ku howlan xal u helida
dhibaatada kala gaartay ummadda Soomaaliyeed, ilaa isaga
oo raadinayo hogaaminta ummadda Soomaaliyeed ee lagu
bahdilay gar darro garab doqoneed og.
Caddow
wuxuu mudnaanta kaga fogyahay in shirka Carta ay xubnaha
Barlaamanka doorteen, in ay dhamaadki doorashada isugu soo
hareen Caddow iyo Cadbuqasim iyaga oo arrimaha Soomalida
ka fiirinayo, laga yaabee in uu midkood labadan nin xal u
noqon karo arrimaha Soomalida maadaama ay ka soo jeedeen
beel lagu tiriyo in ay iyada tahay caqabada ugu weyn ee
hortaagan nabad soo Soomaliya lagu soo dabaalo.
Waxay
barlamaanki doorteen Cabduqaasim oo
Soomali oo dhan ka dharagsan tahay xagee la maray xilki
loo dhiibay iyo yaa hor istaagay.
3)Xuseyn Caydiid dhibaatadiisa waa nin aan karti uu
leeyahay ku imaan, ee ku yimid dhaxal uu aabihi ka dhaxlay
jagada gudoomiyanimadi SNA ,taana waxaa u dheer in uu ku
dhaqaaqay dhamaystirki dagaaladi lagu boobayay deegaanada
koofureed ee dalka Soomaliya ilaa ay reer Baydhabo iyo RRA
ku guulaysteen in ay iska qaadaan heeryadi uu ku haayay
gobalkooda .Xuseyn guul darradi Baydhabo ka dib maalin
walba hoos ayuu u dhacayay dowrkiisa siyaasadeed,dhaqaale
iyo milatariba .taana waxay sababtay in uu xabashi maciin
u doonto oo uu dalkeeda joogay tan iyo intuu ka badbaaday
dabinki dilka ahaa ee loogu dhigay deggadda weyn ee
magaalada Muqdisho, mudda ay ka soo wareegtay saddex sano
ku dhoweed.Xuseyn ma laho xilkasnimo,aqoon, dhaqan
Soomaliyeed iyo mid siyaasadeed oo uu ku qaban karo xil
madaxweyne.
4) Xubnaha barlamaanka Soomalida ee kenya lagu
xulay uma baahno in aan taariikhda Cabduqaasim soo
xasuusino si ay uga digtoonaadaan in ay siiyaan codkooda,
waayo Soomaliweyn oo dhan waa ka dheragsan yihiin
taariikhda Cabduqaasim iyo falalkiisa xun oo dhan tan iyo
xukuumadi diktatooriga ahayd oo uu la soo shaqeeyay ilaa
haddeer oo uu kenya la taagan yahay “waxaan ku ku
guulaystay ilaa haddeer in aan Calanki Soomaliyeed
ilaaliyo, guushi Carta
iga gaartay keddib”
Abdallah
Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com
__________________________________