Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Codkaada Ha Siin Dr Cabdullahi Caddow,Col Cabdullahi Yusuf iyo Dr Cabduqaasim waayo waxay ka mid yihiin mashaakilka Soomaliya oo xal u baahan

by Abdallah Moallim Mahamud    moallem10@hotmail.com

Doorashadi afhayeenka barlamaanka iyo guusha raacday Mudane Sharif Xasan Shiikh Aadan oo aan isaga  ahayn shaqsi macruuf ah oo ka dhexmuuqday  ragga iyaga horboodayay maareynta iska soo horjeedka dabadheeraaday ee xagga siyaasada, gacan ka hadalka iyo muujinta hogaamiye walba xoogiisa intuu la eg-yahay, gacan ku dhigida halbowlaha dhaqaalaha, gacan ku dhigida deegaanada lagu tiriyo in ay ka barwaaqo badan yihiin dalka intiisa kale, hogaaminta arrimaha  dalka guud ahaan waxay iftiimisay kala duwanaashaha xooga leh ee u dhexeeyo barlamaanki Carta oo ay dhamaadkiisi u  tartanki qabashada madaxweyne Soomaliyeed isugu soo hareen Dr Cabdullahi Caddow iyo Dr Cabduqasim salaad oo iyaga labadooda ka soo wada jeedo beel kaliya,  una soo wada shaqeeyay mudda dheer oo aan kala go’a lahayn dowladdi diktatoorika ahayd ee uu Maxamed Siyaad horkacayay oo iyada loo aaneeyo in ay qayb weyn ku leedahay burburki ku habsaday iyo barlamaanka Dalka Kenya lagu dhisay haddeer  oo kulmiya xubna intooda badan ka soo jeedo kooxa lagu tiriyo in ay ku kala fog yihiin aragtida ay ka qabaan habka ugu haboon ee dalkeena kaga bixi karo musiibada ku habsatay tan iyo inti laga adkaaday ,xukunkana laga tuuray xuukumadi awooda dalka kula wareegtay cudud milatari 1969 oktoobar 21.

Barlamaanka Kenya lagu dhisay wuxuu kulmiyaa  hogaamiya kooxeedyo awood u leh taaba gelinta guusha barlamaankaas ku tilaabsaday haddii ay u kacaan isfaham dhexmaro iyaga oo ka tarjumayo in ay diyaar u yihiin in uu dalkeena ka baxo dowlad la’aanta ku daba dheeraatay, dhinaca kale hogaamiye kooxeedkaan waxay awood u leeyihiin horjoogsiga hirgelinta guushaas iyo ka mira dhalinteeda haddii ay la soo taagnaadaan, aniga teyda ha la qaato iyo aniga teyda ha la qaato oo uunan ka danbayn fikir cad ee lagu tilmaami karo xilkasnimo iyo garasha ka tarjumayso, hadafka guud oo ay ummadda soomaliyeed ku taamayso oo ah  helitaanka dowlad dalkeena ku soo dabaasho kala daybaynti iyo sharciga oo lagu dhaqmo.

 

Barlamaanki carta waxaa xubnaha barlamaanka buux dhaafiyay shaqsiyaad aan awood badan dalka ku lahayn haddii ay ahaan lahayd dhinaca siyaasadda ,dhaqaalaha iyo cudud isu sheekadka ka jiro waddankeena.Barlamaanki carta wuxuu sababay in ay dhamaadki wareegi u danbeeyay ee doorashadi madaxweynaha isugu soo hareen laba nin oo iyaga ka soo wada jeedo beel lagu tiriyo in ay dowr weyn ka ciyaartay burburinta dowladdi soomaliyeed ,horjoogsiga dhisida dowlad kasto oo uunan madax ka ahayn nin aan iyaga ka soo jeedin reer ahaan iyaga, labadan nin waxaa kale oo ay xubnihi barlamaanka Carta la wadaagaan sifaha ah, in aynan dalka Soomaliya waqtigaa iyo haddeerba ku lahayn miisaan siyaasadeed iyo mid maleeshiyadeed  ,intaa waxaa u dheer madaxweynaha Jabuuti oo wareysi uu Siiyay laanta afsoomaaliga ee BBC London ku sheegay fashilka ku yimid Dowladi Carta lagu soo dhisay keddib “Soomalida waa ummad yaab leh ,waayo iyaga oo ka eed sheekanayo beelaha ay ka soo jeedaan Cadow iyo Cabduqaasim ayey haddana codkoodi siiyeen raggan  ka soo jeedo beelihi ay kuu eedaynayeen in ay iyaga dowr weyn ka qaateen burburki dalkooda ku habsaday”.

 

  Kala duwanaashaha barlmaanki Carte iyo kan Kenya lagu dhisay faala ka bixintiisa keddib, aan u gudubno Sua’aasha ugu weyn ee maanta dadka Soomaliyeed hortaalo ,loogana doodo meel walba oo ay Soomali ku kulanto  ,sua’shaas waxay tahay yaa ku haboon qabashada xilka madaxweynaha Soomaliye waqtigan ay wax walba isku miliqsanyihiin, iyada oo Soomali meel walba ha joogtee, qalbiga ku hayso tolow barlamaankan ma guulaysan doonaa doorashada yaa xilkaa mudan?

 

  Su’ashan ka jawaabideeda waa mid aan adkayn marka dhinac kaliya laga fiirsho ,waana mid aan sahlanayn marka dhinaca kale laga fiirsho.su’ashan jawaabteeda waa furaha xal u helida arrimaha murugsan ee maanta Soomaliweyn horyaal.

 

  Su’aashan jawaabteeda ma ahan mid adag marki aan howsha sahlano ,wax walbana lagu saleeyo raggaa isu soo sharaxay jagada madaxweyne, ha ku kala hareen cod bixin ka dhacdo barlamaanka dhexdiisa.tan iyada waa dalkaeeni yuunan dowlad helin haddii uunan ilaahey nasiibkeena ka dhigin in aan ka dheeraano  guul raacdo dhowr nin oo aan ku soo xusi doono dhamaadka maqaalkan iyo ruux kasto oo sfihooda leh.

 

  Marka dhinaca labaad laga fiirsho Jawaabta su’aashan, xaqiiqa ahaan waa sahal, laakin  waxay adkaanaysaa marki arrimaha lagu saleeyo   aragtida daka uu imaankooda daciif yahay,necebna  in xqiiqada laga hadlo,  loona kaco ka hadlida dhabta hortaal Soomaliweyn in ay tahay  iyada oo

 

 1)raggan isu soo taagay qaabashada madaxweynaha laga falaanqooda, lagana baaran dego, yuu yahay ruuxa mudan qabashada xilka ugu sareeyo ee  dalka Soomaliya doorasho ka hor.

 

 2)in laga hadlo  in ay raggan ka mid yihiin rag ku mintidayo gaarida jagadaas wax walba oo ay ku qaadato ,haddii ay ahaan lahayd bixin laalush, haddii ay ahaan lahayd caga juglayn iyo saa haddii aanan la’ii yeelin shirka wuu fashilmay- aa iwm, sidaa darteed waa in la qaada dhigo,dood hoosana laga yeesho inta aanan loo gudbin cod bixin, raggan ma ku jiraa ruux ku sifoobay ku fiicnaashada dhamaan dhinacyada isku haayo arrimaha Soomalida, lahaanshada karti, garasho iyo xikmad uu ku meel mariyo danta guud ee ummadda soomaluiyeed isaga oo aynan isku dhicin kooxaha lagu tiriyo in ay leeyihiin mintid siyaasadeed oo aan ka tarjumayn danta guud ee ummadda Soomaliyeed.

 

   Maanta Barlamaanka Soomaaliya waxaa hortaal howl adag , barlamaankan waxaan kaga digeynaa in uunan marin waddadi uu barlamaanki carta ku doortay shaqsi isaga ka mid ahaa mushkiladi dalka Soomaliye tiil ee xalinta u baahnayd, maadaamo uu ka mid ahaa rejiimki abuuray badanaa dhibaatooyinka kala dhex gaaray Soomaliweyn, isla markaasna ka soo jeeday beel isku dayday in ay xukunka maroorsato, kuna wado waddadi uu jeexay rajiimki Maxamed Siyaad oo ahayd, talada waddanka ha ku jirto gacanta hal qabiil.

 

  Barlamaankan waxaan ku wargelinaynaa annaga oo ka hal qaadayno doonista dowlad Soomaliyeed ee dalkaeena ka samata bixiso dowlad la’aanta waddankeena ku raagtay, in ay ka fogaadaan iyago oo codkooda siiyo Cabdullahi Caddow, Cabdullahi Yusuf, Cabduqaasim, Xuseyn Caydiid iyo wixi sifahoodaba leh.

 

  Shaqsiyaadka aan kor ku soo xusnay ,marnaba kuma maagayno arrin shaqsi ah, amma mid qabiil, laakin arrinta oo dhan waxay ku soo arooreysaa in ay iyaga ka mid yihiin mashaakilka Soomalida ee in xal laga gaara u baahan ,waayo raggan annaga oo aan farta ugu fiiqeyn si gaar ah, ayaan haddana waxaan barlamaanka soo xusuusinaynaa in uu

 

1) Cabdullahi Yusuf uu horay isugu dayay in uu xukunka waddankeena kula wareego qaab milatari, isaga oo shaqdaas u adeegsaday taliyayaal ka soo jeedo beeshiisa ,kana tirsanaa saraakiisha ciidamada xooga dalka soomaliyeed, shaqsigan tan iyo 1978 inti uu fashilka ku yimid inqilaabki milatari oo uu isku dayay, marnana kama tanaasulin doonista iyo gaarida jagada ugu sareyso ee dalkeena, iyadoo oo ay taas u dheertahay in uu xitaa dhiig badan u daadshay gaarida jagadaas.

  

2) Cabdullahi Cadow isagana wuxuu mudnaanta kaga fogyahay isaga oo wax u bartay dalka hooyo iyo dadka Soomaaliyeed, lagana sugayay in uu waddanka wax ugu qabato, ayuu waxbarashadiisi kula shaqeeyay, jagooyin muhimana kaga soo qabatay mudda dheer oo aan kala go'o lahayn xukuumad ku tumatay xuquuqda dadka Soomaaliyeed ,falxumadadeena gaarsiisay in ay xasuuqdo dad aan haba yaraatee wax danbiya aan lagu hayn, maxkamadna aan la soo taagin ,intaa waxaa kuu dheer in uu xidid la ahaa hogaamiyihi xukuumadaas, ayna u sahlanayd in uu  ku dhiiri geliyo in uu ummadda ku hogaamiyo wadda wacan ee ku dayasho mudan ama uu isaga tago xukuumadiisa haddii uu diido taas. 

 

Laakin Cabdullaahi labadaba ma garan, wuxuuna ka raacay dantiisa gaar ahaaneed waa sida ay la noqotay isagee, wuxuuna jeebka ku shubatay xoolihi dadweynaha Soomaaliyeed inta ay ummadda ku howlanayd iska tuurida heeryadi kali taliya Maxamed Siyaad..

 

Cabdullahi wuxuu mar kale  mudnaanta jagadaas  kaga fogyahay, in marki la riday xukuumadi uu hogaaminayay soddoga gabadhiisa, allah ha u naxariistee, in uu taageera buuxda oo aan qarsanayn u fidiyay general kale oo jufadiisa ka tirsan ,xasuuq aad u ba'ana ku sameeyay dadweynihi degganaa magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan qabiil kasto oo Soomaaliyeed iyo koofurta dalka, welina waxaa qoyan dhibki uu ummadda kaga tegay generaalkaas,Cabdullaahi marnana lagama haayo isaga oo si cad u canbaareynayo falalki xumaa oo ay geysteen generaaladaas, midna ina adeerkiis yahay, midna sodagiisi yahay ilaa hadda, ama isaga oo ku howlan xal u helida dhibaatada kala gaartay ummadda Soomaaliyeed, ilaa isaga oo raadinayo hogaaminta ummadda Soomaaliyeed ee lagu bahdilay gar darro garab doqoneed og.

 

Caddow wuxuu mudnaanta kaga fogyahay in shirka Carta ay xubnaha Barlaamanka doorteen, in ay dhamaadki doorashada isugu soo hareen Caddow iyo Cadbuqasim iyaga oo arrimaha Soomalida ka fiirinayo, laga yaabee in uu midkood labadan nin xal u noqon karo arrimaha Soomalida maadaama ay ka soo jeedeen beel lagu tiriyo in ay iyada tahay caqabada ugu weyn ee hortaagan nabad soo Soomaliya lagu soo dabaalo.

 

Waxay barlamaanki doorteen Cabduqaasim  oo Soomali oo dhan ka dharagsan tahay xagee la maray xilki loo dhiibay iyo yaa hor istaagay.

 

  3)Xuseyn Caydiid dhibaatadiisa waa nin aan karti uu leeyahay ku imaan, ee ku yimid dhaxal uu aabihi ka dhaxlay jagada gudoomiyanimadi SNA ,taana waxaa u dheer in uu ku dhaqaaqay dhamaystirki dagaaladi lagu boobayay deegaanada koofureed ee dalka Soomaliya ilaa ay reer Baydhabo iyo RRA ku guulaysteen in ay iska qaadaan heeryadi uu ku haayay gobalkooda .Xuseyn guul darradi Baydhabo ka dib maalin walba hoos ayuu u dhacayay dowrkiisa siyaasadeed,dhaqaale iyo milatariba .taana waxay sababtay in uu xabashi maciin u doonto oo uu dalkeeda joogay tan iyo intuu ka badbaaday dabinki dilka ahaa ee loogu dhigay deggadda weyn ee magaalada Muqdisho, mudda ay ka soo wareegtay saddex sano ku dhoweed.Xuseyn ma laho xilkasnimo,aqoon, dhaqan Soomaliyeed iyo mid siyaasadeed oo uu ku qaban karo xil madaxweyne.

 

  4) Xubnaha barlamaanka Soomalida ee kenya lagu xulay uma baahno in aan taariikhda Cabduqaasim  soo xasuusino si ay uga digtoonaadaan in ay siiyaan codkooda, waayo Soomaliweyn oo dhan waa ka dheragsan yihiin taariikhda Cabduqaasim iyo falalkiisa xun oo dhan tan iyo xukuumadi diktatooriga ahayd oo uu la soo shaqeeyay ilaa haddeer oo uu kenya la taagan yahay “waxaan ku ku guulaystay ilaa haddeer in aan Calanki Soomaliyeed ilaaliyo, guushi Carta  iga gaartay keddib”

 

Abdallah Moallim Mahamud

Moallem10@hotmail.com

__________________________________

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul