Ninaa
waqti dheer cudur la jiifa aa markii xaalkiisa sii
xumaaday intii la joogtay goosatay in loo yeero walaalkiis
oo magaalo kale deganaa.
Walaalkii
aa ku yiri qaraabaddi iyo deriskii nin buka la joogay: intii
oow walaalkeey
sidaan u
baabi’in maxaad
wax ugu qaban weeyseen oo ugu tacaali weeyseen.
Waxaa
lugu yiri waan ku dadaalnoo waxaan geeynay
cusbital, waxaan siinay daawooyn kala duwan, waxaan ka
uuminay wadaado, waxaan ka tunnay boorane, waxaan ka
tunnay mingis, waxaan ku daynay in xibna deb looga qabto,
waxaan ku aqrinay quran, ugu dambeestiine waxaan saarna
qidmatu sharuut. Intaasoo dhan waa ku caafimaadi waayay.
Waxaan
kugu yeernay in aad noo tilmaanto sidii aan ku caafimaadin
leheeyn ninkaan bushigiisa dheeraasay, anakane aa nabad
iyo neefsi ku heli leheeyn.
Walaalkii
aa waxoow ku yiri intii kale:
cudur aad
kurtiin wax
ka qaban
weeyseen maan
kaligeey caafimaad
u heli
karaa; waxaanse idin
dhihilahaay: BAL SHABA-SHABONE
HA LUGU DAYO.
Sheekadan
waxeey hor dhac u tahay in qof kaliyah wax daaweeyn karin
oo loo bahan yahay barnaamij wadajir lugu dhisay oo haddii
laga maarmi waayane loo kaashado dad aan dan gaar eh ka
laheeyn in soomaaliya qariidada aduunka ka tirtiranto.
Inta
aan u gudbin su’aasha oow Aden isoo weeydiiyay, bal aan
taabtaabto meelaha kale oow ka waramay sida:
IGAD
waa
doowlado sideey u badan yihiin deris nala eh oo danohooda
kala duwan yihiin, assii rabo in soomaalidu doowlad
dhisato si kastaba haku timaadee; si looga qaado dhibka
korsaaran oo ku yimid dagaalada is dabajooga eh iyo
qaxootiga soo kor degay.
Doowladahaan
qaarkood waxeey rabaan in eey lug ku yeeshaan siyasada
dalka soomaaliya,taas aawadeed waxeey wataan niman
berri u hogaamiyo dadka iyo dalkaba si aan looga
hadlin dal maqan iyo soohin midne.
IGAD
oo dhan waxeey heshiis ku tahat in soomaalida dhibka ka
qaado dalalka derika la eh eey ku soo qaxday ku
noqoto dalkeedii, taas
awadeed IGAD
waxeey go’aan ku gaartay in soomaalida loo celiyo
meesheey ka timid oo loona dhiso koleey ku tahay doowlad
gacan
ku
rimis
eh oo mar un keenyo Ka baxdo.
Haddeeyba
IGAD u suurta
gasho
in eey geeyso doowlad ku sheegaas Muqdishow, waxeey u
baxaneeysaa in laga ilaaliyo inta aan raali ka eheeyn iyo
inta ku qaday qeeybsiga beenta eh; Taas awadeed, IGAD
waxeey ku qasbantahay in eey u
dirtaa soomaaliya
askar isku dhafan
oo ka kooban dalalka deriska eh oo ka diin
iyo dhaqan duwan dalkeeyna oo keeni
karto cuduro faafo iyo caado eeysan soomaalidu
aqoonin.
DHOOBDHOOB
waa dhismo xun oo meel dheer gaareeynin, iloowse lagu mada
daalinkaro wax magarad iyo inta aan meel dheer wax ka arag.
Doowlo
la dhoodhoobay ma daaimeeyso, maxaa yeelay aasaas qodan
iyo sarci kuma disna, doorash iyo duub midkood kuma
imaanin.
In
aan
kheeyr la sugeeyn waxaad ku garan kartaan, ficilkii ugu
horreeyay oo lugu doorta gudoomiyaha
barlamaan ku sheega oo noqday nin
ku caan baxay beec
mushtarka dorogada
oona lugu sheegaayo wadaad iyo ninkaa ugu nadiifsan inta
meesha joogto.
Waxaa
kaloo noo cadatay in IGAD eeysan arki karin cid kastoo ka
hor timaado ama toosin maagto qaladyada muuqdo eey
go’aan ku gareen,assii
berri keeni karo dhib ka weeyn kan manta taagan.
Ciddii
u tilmaantane loo arkaayo dad kasoo horjeedo barmamijkooda
iyo dhismada doowlada eey rabaan in eey u guuriyaan
shacbiga soomaaliyeed.
Ragaa
rabo in eey kaligood dalka maamulaan, haddi eey u
suurtoobi weeysane
u soo taagan waqti dhumis iyo gaw
maleh.
Waqtiga
sii dheeraanaayo ragaasaa dan ugu jirta, maxaa yeelay dad
weeynaha waa daalay oo waxaad ku garaneeysaa kuwa badan oo
leh DOOWLAD
XUN, DOOWLAD LA’AANEEY DHAANTAA.
SIDEE MAANTA SOOMAALI WAX KU NOQON KARTAA?
Ma
sahlana jawaabta su’aasha Aden oo ii soo gudbiyay,
laakin waxaan
ku dadalaa in aan aga jawaabo sida aan u arko xalka
mariilka noo
jiifo tan iyo waqtigi soomaaliya xurnimada qaadatay oo
cudurkiisane daawo dabiso loo waayay.
Dadkii
dabilahaayne cudurka soomaliya waxeey daawo
aga
dhigeen
dagaal
joogto eh iyo derejo u dirir aan dhamaane- eynin.
Anigu
xal deg deg eh ma haayo, waxaanse dhihi lahaay qododyo
aan macquul eheeyn iyo
kuwa dhibka
looga
bixi
karo:
- In
la laayo soomaalida wixii cumrigooda ka weeyn yaha 5
sano; habraha ilmaha dhalayne carabka laga gooyo si eeysan ugu sheegin ilmaha
qabilka iyo abtirsiga midkoodne.
- In
leeyska soo aruursho lacag lugu ijaaro calooshhd u
shaqeesta yaal oo
laayo inta naga hortagan heshiiska iyo nabada,lagana
aruusho hubaka nugula gumaadaayo.
- In
inta banaanka ku nool dalka kusoo laabato , si loo
meel mariyo barnaamij loo wada dhanyahay oo lugu
kicinaayo dagaal oogayaalka iyo kuwa cudurka, qaajada
, qaxa na baday oo caruurtoda dibada uga helay dugsi
iyo dugaal.
- In
la hubeeyo intii ka hertay xoogii
iyo boliiskii soomaaliya,
si eey ku badbaadiyaan inta kasoo hertay dadka iyo
dadka. Waxaan
ka wadaa gurub wadani eh oon qabiil ku saleeysneen oo
nugo dhaqdo xoog iyo xaq ,intii laga habeeynaayo
sharci iyo maamul doowlo lugu aqoonsado.
- In la helo sharci,
tirakoob, doorasho, doowlo iyo maamul waxaa ka horreyo
barnaamij looga taqluso
gala madoowda na hor taagan oo noo diiday nabad
iyo dib u dhismo qaran.
- Inta
lamada sano ku shireeysay keenyo
lugu martiqaado jasiirad aan cidne joogin lugu
oodo inta eey oon iyo qaajo aga dhintaan; xawaalo
hoodane la gubo si eeysan ku soo bixin.
- In
dibad eeysan u bixin, si eey u helin caafimaad oowsan
dadka la qabin iyo himno cusub eey kuwaa ka bukaday ku
bedeshaan.
- In
baarlamaanka ka koobnaado 135 xibnood oo 4 sano
taagnaayo.
- In
wasiirada eeysan ka badan 13 ximnood oo jagadooda iyo
xaduudooda caddahay.
- In
madaxweeynaha doortaan muwaadhininta 18 sano jir eh
iyo wixii ka weeyn , jagadane haay karo 4 sano oowna
ku soo noqonkaro marlamaad
kaliyah
- In
jagooyinkoo dhan ( gabalka, degmada iyo belediyada )
loo galo tartan iyo tacliin oo waqtigeedane cadadan
yahay.
- In
la helo sharci cad iyo maxkamad madax banana oo
doorash iyo iyo tacliin saldhigeeda yahay aanan ka
badneeyn 4 sano.
- In
la dhiso xoog dalka cadawga ka ilaaliyo oo caddadiisa
u qalanto baahida dalka iyo miisaniyada dhaqaalaha.
- Boliis
sugo amniga iyo nabada muwaadhininta ilaaliyane
naftooda iyo maalkooda meel kasto eey joogaan miyi iyo
magaalo.
- Tirokoob
dhab eh iyo aqoonsi aan laga been sheegi karin eey
ka muuqato qof walbo meesha oo degantahay iyo
meesha oow ka codeen mar walbo.
- In
la dhisaa gudiyo dhaqaale iyo dib u dhis oo hooshooda
iyo xilkooda sharciyeeysan yahay.
- In
dib loo habeeyo gabalada iyo degmooyinka naas nujiska
loo aburay.
- Waa
in laga xaraashaa maalka laga keenay beesada bugta eh
iyo canshurta aan la bixi, sicir bararka iyo lacagta
shcbiga loogu yaboohay oo
bangiyada la geeystay Waa
in maxkamad lasoo taagaa intii
dad dishay, dhaawacda, xoolihii dad
weeynaha
dhunsatay,
warshadihii
dhoofsatay,
beerihii
dhacday,
guyihii
muwaadhininta
kale
degtay,
korontadii
fur
furatay,
dhuumankii
biyaha
la
baxday,
bada
iyo
berriga
sunta
ku
shubta, dhirtii xaluufisay, dhidigii suuq geeysatay,
qaxootigii bada ku daadisay, dadkii afduubtay,
gebdhihii fara xumeeyay.
- Waa
in dib loosoo celiyaa nadaamkii ahaay “
qofkii qof dilo in dil lugu xukuma, meel fagaaro ehne
lugu toogto.
- In
laga soo celiyo dadka degay, la wareegay, dhista, ka
beec mushtaray, duudsaday xoolihii doowlada, sida
cusbidaalada, dugiyada, xafiisyada, xerooyinkii
askarta iyo ugu dambeeyn madaxtooyadii dalka.
Qodob yada qaarkood waxaa iga keenay ciil
iyo xanaaq, qaarka kalane waa macquul haddi la hab iyo cid
meel mariso.
Waa in xasuus gaar
eh loo lahaada BBCda oo caado ka dhigatay in eey kusoo
dhoweeso mikroofankeeda qaaqle
yaasha, dagaal oogayaasha iyo inta nabada na hortaagan, si
eey ku badsato dhageeysta yaasha aan meel dheer wax ka arag iyo tuugada eey
u shaqeeyaan.
Ma
xasuusataan mar kaliyah ooy mikroofoonkooda ku soo
dhaweeyeey dad wax garad eh, tacliin leh, nabada
daneeynaayo ee doonaayo in qaarankii dib loo dhiso lana
walaaleeyo intii dagaalada dhaxmaray?
Waxaa
laga sugaayay in eey qaladka tilmaamaan, kii gefane
toosiyaan oo u shaaqeeyaan dalkooda iyo dadkooda
nabadeentooda, iskana dhaafaan nin jeceelysiga iyo
qabiilka.
Filasofiyadooda
waa tii eheeyd : AQBAAR MA
AHA EEYAA NIN QANIINAY EE
WAA
TAN
EH
NINAA EEY QANIINAY ( waa
inta xun kaliyah, aqbaarta gadmeeyso ).
Intaan
xasuustay waa idiin soo gudbiyay, inta ka maqane madaxiina
ka raadiya.
Waan
dhibsaday ee
mardambe ha’i
dhihina maxaa
lasoo sheegay.
Kuwaan
ALLEHEEY hanna dhaafiyo, nabadne hanoo keeno.
Prof.
galagul