Xogeyaha guud ee
Beesha Hilibi Darandoolle Mudulood ee jaaliyada dalka Masar ama EGYPT Qaahira
Anigoo ku hadalaaya magaca beesha
Hilibi Darandoolle Mudulood Aqoonyahanada iyo wax
garadka iyo Culumaa udiinka & Haweenka gaar ahaan
kuwa ku nool dalka Masar Qaahira ama meel kasto ha
joogaan waxaan bahada Mudulood ku abtirsata u sheegeyaa
in ay sameeyeen kuwa ka mid ah beesha mudulood qayaano
ama cadaalad daro.
Taas oo noqotay lama filaan maadaama aan ka mid nahay
beelaha ku abtirsada Mudulood waxaa dhacday markii la
qeybsanaayay xubnaha xilbaanada beesha Mudulood
gudaheeda ayaa waxaa dhacay in loo diiday beesha Hilibi
Darandoolle xubintii ay ku lahaayeen Baarlamaanka taas
oo shirkii Carta la siiyay xubintii ay ku lahaayeen
Barlamaanka beesha hilibi.
Hadana loo diiday mana naqaano sababta keentay xaqdara-
da
ka dhex dhacaday beesha Mudulood waxaan mahad iyo
amaan balaaran usoo jeedinaynaa Al Xaaji Muuse Suudi
Yalaxoow iyo ganacsade Bashiir Raage oo ka xumaaday
ama dadaal weyn ugu jiray sidii ay ku heli lahaayeen
beesha Hilibi xubintii ay ku lahaayeen Baarlamaanka
waxaan digniin kulul u jeedinaynaa IGAD oo aan u
gudbinay cabasho ku saabsan xubintii aan ku laheyn
Baarlamaanka taas oo ilaa iyo hada aan ka helin wax
jawaab ah.
Waxaan leeyahay IGAD wax cadaalad ah ma sameyn
qeysashada Baarlamaanka hada waxaa la leeyhay waxaa la
dooranaa madaxweyne maxaa madaxweyna la doortaa waxay
wax ka qaban waayeen qeysigii Baarlamaanka.
Ugu danbeytii
waxaan mahad balaaran usoo jeedinaa websideka
Mudulood.com kaas oo noo ogolaada inaan ka hadli karno
wax kasto oo quseeya beesha Mudulood waxaan kaloo mahad
balaaran usoo jeedinaa Nuur Xaydar oo ah ninkii naftiisa
maalkiisa waqtigiisa u huray sidii ay beesha Hilibi
darandoole xaqeeda u heli laheyd oo ku sugnaa madasha
shirka mudo dhan laba sano iyo dhamaan kuwa kale ee
isaga la mid ka ah ee ku sugan madasha shirka ee Imbagaati.
Waxaa soo diyaariyay Xogeyaha Guud ee beesha
Hilibi Darandoolle Xasan Axmed Maxamed.
__________________________________