Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Xildhibaan, Xisaab Xume Xujo Ma Leh Dhanbaal furan oo ku socdo xubnaha Barlamaanka

by Abdallah Moallim Mahamud    moallem10@hotmail.com

Mudane xildhibaan,

xilliga waa mid aan tilmaan xusan lahayn,

xiligga aan ku jirno ma’ahan gu’,dayr,xagaa iyo Jiilaal,

dhulka iyo dadkana xilli dheer dowlad ma’aynan arag.

afarta xilliba waxay leeyihiin astaan lagu aqoonsado ,

xilligan astaantiisa

waa tusma xume,

waa garasha xume,

waa macallim xume,

waa akhyaar xume,

waa dhalinyare xume,

waa aqoonyahan xume,

waa tujaar xume,

waa iclaan xume ,

waa wadaad xume

waa xildhibaan xume,

waa milatari xume

waa dadweyne xume


Mudane xildhibaan ,

xisaab xil ma leh ,

xisaab xumane xuja ma leh,

xaqa oo laga tagaana xalaal ma leh,

xaaraan la doonane xidida dheer ma leh.

Mudane Xildhibaan.

 xigeel ayaan nahay haddana kala xeraysan.

xornimdoon ayaan nahay xiqdi ka wada buuxo.

dad is xagxagto ayaan nahay  xiisana isu qabo.

dad xumaan ku shoobaan nahay xilkasnimana isku sheego.

Dad aan xishoon ayaan nahay xaaraantana xalaal ugu yeero.

Dad aan xalka garan, xeerka ha la dhowrana xeel ka dhigtaan nahay. 

Xubin aan shacabka xilsaarin ayaan nahay xeerkoodana xabashi u soo xushay.

Barlamaanki xilligi tusma-xume ayaan nahay haddana xiisa loo qabo.

Aan xidida u siibee jawaabtan xal ma ka dhigateen .

Xilka idin saaran xalkiisa waa laba xumaan mid soo xula.

 Xirfad badan lagaa xoodin maayo xalkana waa xayaadaada iyo tan ummadda Soomaliyeed iyo dalkeeni ma bixiseen.

Mudana xildhibaan

 Labada xumaan midka hore xaalkiisa waa

  Xaaraan quute la yaqaan,

xukunki horana xildhibe ka ahaa ,

xilligiisana dhamaadaday,

xoogiisana iyo xikmadiisana tahay

 “xildhibaan xoogaa qaado,

xaaraan ku dhaqan,

xeerkana ha dhowrin,

xirfadayda qaado,

codkaada igu soo xul ,

aan  xariga u qabtee

xilka ugu sareeyo dalkeeni

xilligan kala guurkaa

xatooyadana ku wacan.

Midka labaadna xaalkiisa waa

Xildhibaan Xoogayga igu dooro ,

Xaqana waa qoriga caaradiisa ,

Xujadayda waa anigaa riday xukunki hore,

Xamarna anigay xarun ii tahay

Xamaasadi  generaal Caydiid

Raggaan xabadda isku xiirnay

Xabadkaan isku qaadnaa

Degadaa inoo wada xeran

Xaradheere iyo xaramka

Inta u dhexeysaan xoog ku wada joognaa

Xilligan xun codkaada igu soo xul

Waa guusha xayaadaada ,xayaadayda iyo tan Soomaliyeed.

Mudane dadka waa labo xilkas iyo xil-xume , mudana labadan tii aad raacdaa ayaa maandeeq lagu maalayaa.haddii aad xil xumo raacdo,Dowladani waa ha ka baxdo tii carta halkay baxday. haddii aad la timaada xilkasnimo ay ku xeerantahay garshada xal xun oo aan la hurayn waa guul iyo adiga oo gartay astaanta hogaamiyaha naga bixin karo xilli aan tilmaan lagu aqoosado lahayn.

   Muddane su’aashan jawaabteeda kolki aad hesho ayaad heleysaa hogaamiyaha mudan hogaaminta dowladda barlamaanka aad xubinta ka tahay oo iyada ah dowladda loo gogol xaarayo in ay ka ambaqaado dalkeeni hooyo ,dalkana ku soo celiso kala danbaynti iyo sharciga oo lagu dhaqmo.su’aasha waa midkee ayaa dooranaysaa laba arrin oo mid waliba ummadda Soomaliyeed dhib ku ah kolki lagu soo hordhigo?

Jawaabtana waa hadba kii u dhow in uu wax ka qaban karo xaalada xun ee lagu jiro xilli aan tusma lahayn .

Abdallah Moallim Maxamud.  
Moallem10@hotmail.com

__________________________________

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul