Afrika
inteeda baddan oo innaga (SOOMAALIYA) aynu ku jirno
waxaanu dhadhanka xorriyada ku baraarugnay dhamaadkii
dagaal weynihii labaad ee aduunka, markii dadkii
dagaaladaa ka qayb qaatay ay ku soo noqdeen wadamadoodii
iyagoo Soo fahmay wadaniyada waxa aay tahay, Ayaa waxaa ka
aas-aasmay dhulka Soomaaliyeed ee Ingiriisku gumaysan
jiray (Waqooyiga Soomaaliya) ururo gobonimo u dirir SNL,
(Somali National League)
Sidoo kale Dhulkii Soomaallyeed ee Talyaanigu
gumeeysan) jiray (Koonfurta Soomaaliya ayaa iyagana laga
aas aasay urur dhalin yaro ah kaasoo magaciisa la oran
jiray SYL Somali Youth League
Dhacdooyin fara badan
ayey soo martay soomaaliya iyo soomaaliduba waxa aan aamin
sanahay inaan halkaan lagu soo wada koobi karin
dhacdooyinkaas. Arintu si kastaba ha noqotee Soomaalida waxaa aay Dowlad la’aan tahay mudda ku dhow SHAN iyo TOBAN
sanadood. Islamrkaasna aay bur-bureen adeegyadii dowladda,
Waxaana ka dhacay dagaal sukeeye oo ay ku hoobteen dad aad
iyo aad u faro badan oo aan waxba galabsan, lagna gumaaday
heyb iyo qabiilka ay u dhasheen. Ayadoo la burburiyay
dhismooyinkii dowlada, ilaha dhaqaalaha iyo hantidii
dadweynahaba.
Waxaa
abuurmay Tujaar dhiigmiirata ah, gacantana ku dhigay
halbowlaha ilaha dhaqaalaha oo waxaa kolkaa batay shaqa
la’aan ku habsatay dhalinyarada Soomaaliyeed gabdho iyo
wiilalba,
Sidoo kale markii ay waxbarashadu noqotay privat
islamarkaana ku shaqeyso manaahij kala duwan oo laga soo
qaatay waddamo aanan isku dhaqan iyo diinba ahayn.
Hadaba waxaa muhiim ah in la sheego in soomaalidu heli doonto goor dhow
QARAN QABIIL ku dhisan, islamarkaana baarlamaankii ku meel
gaarka ahaa oo isgana QABIIL lagu soo xulay,
Madaxweynihiina sidaa ama si ka xun loo dooran doono goor
dhow.
Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed wuxuu DFKMGka ah iyo
XLIDHIBAANADIISA ka codsanayaa iyaga oo ka duulayo xal u
helida dhibaatooyinkaas aan kor ku soo sheeganay in ay ku
dhaqaaqdo si dhaqsiya dib u soo noolaynta adeega guud,
iyaga oo adeegsanyo wada tashiyo fududeeyo ummaddana ka
fogeeyo isku dhac iyo is af garanwaa sabab u noqon karo
fashilaad iyo in dowladdda howlaheeda jid gooyo loo dhigo.
Waxaan kale oo aan ugu baaqeeynaa dowlaada in aynan ahaan mid ka dheerayso
codkeeda amma
siyaasadeeda oo dhan ay ku tiirsantahay QOF ama labo QOF,
balse ay ahaato mid arrimaheeda ku fuliso dulqaad iyo
daryeelka talooyinka kala duwan oo loo soo jeediyo, kana
qaadato hadba talada ay badanaa isku raacaan xubnaha
dowladda ku jiro iyo la taliyayaashooda khibrada u leh iyo
kuwa talooyinka la qaadan karo soo jeediya ee mucaaradka
ah.
Hadaba
si qarankaasi la dhisaayo uu u shaqeeyo waxaa lama huraan
ah in la helo saddex arrimood oo midba midka kale ku xiran
yahay, oo ah kuwa
aan
kala maarmi karin kuwaas kala ah
Nabad, Siyaasad & Dhaqaale.
Dhaqaale iyo siyaasad midna lama fulin karo haddii
aysan nabadi jirin. Sidoo kale haddii aysan jirin siyaasad
cadcad oo caafimaad qabta oo himiladoodu tahay kobcinta
iyo si-siman u qeybinta kheyraadka iyo dhaqaalaha qaranka
iyo xasileynta nabadda, waxaa dhici karta in uusan
shaqeynin nidaamkaas qaranka ah
sida marar badanba dhacday. Soomaalida waxay
siyaasadda ula mid noqotay sir iyo khiyaanno. Balse,
siyaasaddu waa nolosha, haddii ay siyaasaddu xumaato
nolosha ayaa xumaata waa in taa la ogadaa.
Meel hoo u baahan hadal waxba kama tarto waxaan taas
ula jeedaa Ummmada soomaaliyeed waxay maanta dooneeysaa
waa DAWLADNIMO ee ma dooneeyso tuugeeysi, dil, dhac,
qabyaalad iyo waxyaabaha wasaqda ah ee maanta socda,
waxaanse leeyahay soomaalida hadeey rabto dawladnimo iyo
qarannimo waa ineey garataa DANTA GUUD waxaana taas lagu
garan karaa ayadoo SIYAASADDA SOOMAALIDA LAGA SIIBO XIDID
XUMAHA KU JIRA EE AH QABIILEEYSIGA.
Aan
orodno waa talo aan tuugada iska qabanona waa talo
Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed wuxuu
taageero buuxdo u dirayaa dawladaan KENYA lagu soo dhisi
doono 10 Oktoobar.
Hadaay wanaag sameeyso waan ku raaceeynaa wanaaga
Hadeey xumaan sameeysana waxaan ku tusineeynaa jidaka
wanaagsan.
Allaa
wax og!
Wixii
faah-faahin ah kala xiriiri Qoraaga.
Yaasiin
Maaxi Macalin
Scandanevian Sweden
maaxi@hotmail.com
ymahi@ssup.org
www.ssup.org
__________________________________