Wax
walbo waxeey leeyihiin waqdhac inta badanina hal abuuradu
waay asiibaan. Hadii aan wax ka taabto duluucda maqaalka
ah kiisii labaad aan qoro.
” Soomaali Aragtayaa yaab
aragtayaa” ayaa ah taariikhdan madoow ee
soomalida ku habsatay ayaa sideedaba ah taariikh murugo
leh oo sawireeysa dhibka ka dhacay beelahaan soomaalida ee
isuma talisada ah, walax qoraal ahna laguma soo koobi karo,
runtiina hal abuurku kama tago inuu asiibo dhacdooyinkaan
layaabka leh, una sheego bulshada wixii suurtagal u ah in
loo gudbiyo ummada Soomaaliyeed. Hadaba waxayaalaha ka
dhacay baryahaan dambe Soomaaliya waa wax waali waali
dhaftay oo aad moodo in aay Soomaalida heshiiyeenba afar
waxyaalood oo kala ah
•
Ii talimaysid
• Kuu talimaayo
• Wada tashan meeyno
• Kala tagi mayno
Cinwaanadaan waa kuwo iska soo horjeedo
oo ”xujo ma falantee xaajo ayaa falanto”qofku waa inuu
noqdaa ama talo keen ama talo raac, waxaadse moodaa in
laga tagay hidihii iyo dhaqankii sooyaalka ahaa, oo ah lug
hore hadii lug danbe dhaafto waa aay jabtaa taas oo
macnaheedu tahay ALLOOW dersigii naga qaldoomay diirad
toosh noogu iftiimi waxaa la joogaa Waqtigii la duceeysan
jiray oo aaysan wax kale soomaliya iyo soomaalida ka
socanaaynin. Cabdulle Raage naxariistii jano Allaha siiyee
wuxuu yiri.
Soomaalidu dareen maleh darxumada qabiilkaa,
duli iyo qadhaa heshay.
Xamdi meeshi laga rabay xoowli baay ku marayaan
Ruux xiriirta jaban tahay xagasheeey ka kabayaan.
Midka sida wax loo xado ugu xeelad badanaa xaaji hebel
la`leeyahay
Xal la raadin maayee xujaa lagu fikirayaa
Waxa aan ku xiranahay xabsi guudku furan yahay
Xaafadaha kama hadlaan xurgufa dhaxdoodaa
Xukun dowli la`ida ayaan lagu kale xayiran yahay
Xasharaad waxaa kacay xabadu u salaan tahay
Xanta iyo xag-xagadka iyo xumaanta la jecelaa
Xurmada xishoodka iyo xasnaadka la necebaa
Xilka ummada loo sido ku xadgudubku badanaa
Xabadkaan ka toogtay iyo xinjir bixintu fududaa
Dadku soow xabaal iyo xisaab kama cabsanayaan
Xagee laga fikirayaa?
Wadar iyo waaxid yaa waalan ? waxaa
lagu jawaabi jiray waaxidka ayaa waalan laakiin Soomaalida
hada nool gadaal gadaal ayey u aqriyeen. Wadartii
ayaa waalan Meel wadartii miirdoorsoontay,
la yaab maleh inuu waaxidkiina dhaho meel sideey u taal
ayaa loola yaal uu isagiina raaco wadartii waalnayd.
Furuq markii la arkaa waraaboow faro ka
leef noqdaa waxaa ayadana aragnay wax aaysan bulshada
soomaaliyeed horey aaysan ugu dhaqmin laguna arag, sida
dilka, kufsiga, xatooyada, lacag been abuurka,
xaasidnimada,daneeysiga, boobka, dhaca, indho cadeeynta,
maamul xumida nin tooxsiga, fowdada xaaraanta xashiishada
khamriga, jaadka, sigaarka, maroorsi jiingad fuqsi
bililiqeeysi iimaan laawaha afmiishaarka labo wajiilaha
kii wax bartay oo qalinka wax ku xadaayo, qabiyihiina
qaadanaayo oo quudanaayo, sharaftii soomaalida dhulkii
lagu tuuray cidna dhulka ka qaadeeynin, xaaraantii oo la
xalaashaday, tarbiyad xumi, siyaasad faasid ah ee uu
naxwaheedu noqday ”waxna aan qalano midiyahana
aan qarsano”. Taas waxaa sii dheer safka hore
iyo hogaanka ummada oo u batay danaystayaal dhuuni raac ah
iyo odayaal matalaayo siyaasiga, dhaqtarka, sarkaalka,
injineerka, gasoorka, iyo kuwo kale ayagoon garasho iyo
garaad u lahayn.
Waxaase ka sii daran in shisheeyaha aan
la nool nahay eey nala yaaban yihiin sidii cid la arkaa
aay u lahayd; aniga ayaa gob ah, aniga ayaa dad badan,
aniga ayaa degmo fiican, anigaa ayaa carab ah, aniga ayaa
……. aniga ayaa …………aniga ……….aniga……inata
soo hartayna waa gun wax magarato ah waxeeyna mudan yihiin
inaa aniga hogaamiyo.
Aqriste waxaa iga su`aal Yaa dan kaa
leh? Hadaad tahay DDDDDDDDDD …… Ama GGGGGGGG………aad
tahay ama HHHH…….. Aad tahay Dunida maanta aan joogno
ayaaba magaca Soomaaliya wax macno leh ku lahayn khasaaro
iyo foolxumo maahinee ee uusan wax faa`iido ah u keenin
dunidan Ilaaheey nagu abuurtay waxaanse aqristayaasha
waydiinayaa su`aal taas oo ah Hadeeynu Soomaali nahay
maxaynu aduunka ku soo kordhinay? KHASAARO maahinee.
Wixii faah-faahin ah kal xiriir Qoraaga Yaasiin Maaxi
Macalin.
Allaa
wax og!
Scandanevian Sweden
maaxi@hotmail.com
www.ssup.org
ymahi@ssup.org
__________________________________