Walaalihi
waddanka naga dhexeeyay, waxay asxaab badan beryahan igu
eedeynayeen in aan la soo daahay, ra’yi ka dhiibashada
arrimaha Soomalida ee sii galay murugo iyo miliq hor leh
iyo gala garan waa, xagal qoyska hooray, ma roobaa misa
waa dhedo.
Mar kalaan ku celinayaa “sooma daahin ee dhowr
maalmood ka hor dhamaadki shirka Mbagathi ayaan waxaan
qoray, maqaal aan ugu magac daray “Shanta
Sano Ee Mbagaathi Soo Wado Waa Guul Darro Hor Leh”
iyo maqaalo fara badan oo aan si aad ah uga hadlay
xaqiiqada uu shirkaas ku sugnaay , waxaana ka mid ahaa “Shirka
Mbaghati Waa dhagar Abaabulan Ee Dhulka Soomaaliyeed Ma
Jirtaa Meel Naga Dhexeyso”
Xamaasad uma haayo, laakin waa lama huraan in aan ka
hadlo madaxweynaha qaflada
lagu doortay, dowladda uu doonayo in uu soo
magacaabo iyo xabashi ma ka runbaa, heshiiska ay
Cabdullahi wada galeen in ay
fulinayso, iyadana danaheeda halkaa ka dhex
doonayso ,misa isagana waa Soomaliye, waxba kama duwano
ummada uu ku abtirsado oo ay mudda dheer dabin u qoolaysay.
War iyo dhamaantiis isku soo duub ,hadal tiridiisana ku
soo koob, Milis Sanaawe waa tashanayaa, Cabdullahina waa
tashanayaa, Ilaaheyna waa tashanayaa, Soomalina way jiiftaa,
annaga oo aan kala soocin,hogaamiyayaasha Banaadir, qaarna
weli naxdinti kama soo kicin, qaarna waxaa raja kaga
jirtaa hogaaminta dowlad madaxweynaheeda keligiis dowlad
yahay.
Cabdullahi
Yusuf mudda dheer ayuu dadaal ugu jiray in loogu yeero
Madaxweynaha Soomaaliyeed, waana loogu yeeray maanta, oo
xaqiiqo ayey noqotay taa iyo in ay dhegahiisa maalin walba
ku dhacayso jaalle Madaxweyne.
Cabdullahi ma riyoon isaga
oo soo jeedo iyo isaga oo hurdaayo toona, oo waa ka soo
shaqeeyay dhacdadan, waddadi uu doono ha u maree, waxaana
khudbadiisa maalinti loo dhaarinayay madaxweyninimada ka
mid ahaa “dadka soomalida isku dhaqan maaha, waayo qaar
habeenki ayey shaqeeyaan, qaarna maalinti ayey
shaqeeyaan,anigana waxaan
diyaar u ahay in aan labadaba la shaqeeyo”.
Hadalkan
wuxuu ka tarjumayaa in uu cabdullahi diyaar u yahay in uu
galo khiyaana waddan, kol haddii uu raali ka yahay, la
shaqaynta nin san iyo nin xun oo habeenki wax xado.
Cabdullahi
qudbadiisa guud ahaan, kuma jirin hadal si lama filaan ah
afkiisa uga soo yeeray, xitaa uu ku noqnoqday ciidama
shisheeyo ee dadka Soomalida hubka ka dhigo, dalka ha la
keeno, isaga oo aan taa kala tashan barlamaanki soo
doortay iyo dowlada la filayo in uu soo magcaabo iyo
wasiirka koowaad ee
uu u garto in uu howsha dib-u-duminta Soomaliyeed
la wado.
Cabdullahi
wuxuu ku tashanayo isu tilmaamimeyno, waana nin ay u
jeexantahay waddadi uu u mari lahaa, gaarista isaga oo
caasumada Soomaliya ka deggan, guri uunan marti ku ahayn,
laakin waxaa su’aal ka taagan tahay isaga ma isweydiiyay,
xabshida uu ka filanayo in ay garbaduub ugu qabato Xamar
in ay doonayso dowlad xoogan ee Cabdullahi hogaamiyo iyo
in kale.
Cabdullahi
siduu isgaba sheegay wuxuu ku tashanayaa hadal laga haayo
afkiisa “waxaa iga go’an saddex arrimood midkood in
aan la imaado”. saddexda, tan u danbayso, ma filaayo in
ay maanta jirto Soomaali rumaysanayso.
1) In aan
dalkeena ku soo dabaalo nabad lagu wada noolaado iyo kala
danbayn.
2) In aan
ku dhinto raadinta tan koowaad.
3) Iyo in
aan iska keeno madaxnimada barlamaanka hortiisa ,isna
casilo, haddii aan ku fashilmo gaarista tan koowad.
Mlis
Sanaawe wuxuu ku tashanayaa ,saddex shay oo uu mudda dheer
ku taamayay, oo uu maantana u helay ninki ku haboona
fulinteeda.
1) In ay
Soomaali mar kale heyb isu disho,dagaal lagu hoobtana uu
ka dhax qarxo, ilaahey taa ma aqbalee, adduunkana uu u
sheego war waxa
kan
dowladnimo ma garanayaan.
2) In uu
gacanta ku dhigo gobalka jubbadda hoose iyo
gobalka
Bay
isaga oo taa u marayo, gacan siinta dowladda uu horboodayo
nin ay madax martay, mar uun ha laguugu yeero, madaxweyne.
3) Ku
negashaada goballadaas, isaga oo haddana taa u marayo
dadka reer koofureed oo uu hubeeyo, kuna yiraa iska
dhiciya cadowgiina shalay, idin dul degganaa, si ay u
dheeraato joogida Xabashida ee dhulkaas.
Ilaaheyna
waa tashanayaa ,waxaana ilaahey ka bayaynaa in uu umadda
soomaliyeed ka yeelo kuwi ka gacan sareeyo cadowgooda,
howshana
kala wareego dhamaan inta suurta gelisay in Cabdullahi
Yusuf loogu yeero jaalle Madaxweyne si dadban iyo si toos
ahba.
Intaa oo hordhac ah keddib, waxaan Cabdullahi u
sheegaynaa in uu ka waantooba in uu lugaha la sii galo,
taariikh ka sii madow, tiisi hore iyo baalal hor leh oo
dhiig lagu qoro.
Kooxaha
muqdishana waxaan u sheegaynaa in ay xilalka ay sheegtaan
ku wareejiyaan dad xilkas ah, oo yaqaano waxa ay rabaan,
danta
soomaliyeed halka ay ku jirto guud ahaan iyo cadowga oo la
iska mooso inta uunan lugaha kula soo galin.
Soomalina
guud ahaan waxaan kula talinaynaa in aan Cabdullahi Yusuf loo
sameyn cudurdaar, taas oo aan uga jeedo, ha loo kaadiyo
odayga, yaan laga waalin, ilayn ruuxa kolka uunan wanaag
wadin, meel ma gaaro, haddii uunan u helin ruux ka hor
yimaado oo u dhaqmo sidiisa. Cabdullahi Yusuf oo laga
horyimaado, ha ku ekaato sharciga oo la adeegsado iyo
dastuurka ay xabashida naf’ahaanteeda soo diyaarisay,
haddii
uu gacan ka hadal layimaadana ,taa waa tala faraha ka
baxday iyo iska dhicin lagu sii tashtay.
Sidaan
horayba u sheegay, in Shirka Mbagathi soo wado Shan sano
oo murugo leh, haddana waxaan idiin sheegayaa,sadaalna
ah.gaar ahaan, arrimaha
marka dhinaca san laga fiirsho, Cabdullahi la imaanmaayo
guul Soomaliweyn u soo hoyato, guul darrada Cabdullahi la
yimaadan waa guusha Soomaliyeed, guuldaradiisana waxaa
laga dhaxlayaa arrimaha hoos ku xusan.
1 ) In
hogaamiyayaasha reer Muqdisho oo waddanka meel u dhigi
waayay ay ku qaadon doonaan darsa siyaasadeed, guul
darradi ay kala soo hoydeen riwaayadi Mbagaathi oo ay
daawadayaal ka ahaayeen, Cabdullahi yusufna kaga adkaaday,
halka ay iyaga u haysteen in riwaayadaas ahayd jidki ay u
mari lahaayeen, danaha shaqsigaa oo ay ummadda kaga hor
istaageen in ay aayaheeda kaga tashato.
2) In
taageerayaasha Cabdullahi
Yusuf garwaaqsan
doonaan, khiyaana lagu doono dowladnimada waddanka in ay
tahay guuldarro aanan laga soo kabanayn iyo in Soomaali oo
la doonaa ay
tahay guul Soomaali oo dhan u soo hoyatay.
3) In
dadka deggan caasumaada geed ku xiraan cuqdo qabiil iyo
qab aan loo meel dayin, una soo jeestaan waddanki
Soomaaliyeed oo dib loo dhiso, loona sinaado awoodiisa
maamul in aynan guul ka sukayn.
4) In
soomalida inteeda isku tiriso, tiradooda oo yar, ogalaadaan
in toosnaan loo wada socdo, in ay tahay guul la wada
gaaray oo loo dhan yahay. 25/10/2004
Abdallah
Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com