
Salaan
Nabadgalyo iyo Mid Naxariis ah Dushiina Ha Aha-
ato Waano aburisaa ka horaysay.
Eednay cid walba, muqdishana noqotay meel ayaan daran oo
cid walba meelay ku mar mar siyooto dantay rabto ha lahaato, eednay midkii aan
dagaal rabin ee yiraahdo walalayaal aan heshiino waxna aan u qabano umada aan
ka saarno dhibka , warmaha sumay san ee meel walba looga soo turaayo aan ka
bad badino didnay warkiisa.
Dagaal ooge wuxuu aqligiisa siiyay inuu sameeyo waa
sameeyay inata kadibna uu gaalo u doontay maciin iyo cadawgii aan umada ka
naxeen ee midiyaha isugu sofeynayay , saxiibna ka yeeshay miday naxariista ka
gurtay iyo raxmadii illaah moryaana la shirkobay si ay shilimaad ugu soo
aruriyaan maskiin dhibaataysan jidkana ku togtay maalin cad iyagoo shilinuu
haysan waydiinaya una dileen maskiin wuxuusan awood ulaheen naftiisana ay
gaajo u dhimanayso.
Dagaal ooge wa midaan
ka xishoon ILLahii abuuray, warna aan u haynin inuu lILLaah leyahay
xisaabina doona aqiro iyo aduun ,aamisana inuu yirahdo ANNIGA iyo
diktatoriyada iyo ad adayga inay tahay mida kaliya ee wax lagu xalin karo
dagaal iyo dulmi ay lama huraan tahay iyo gaaloo la kashadoo waxay rabaana loo
yeelo laguna hadaaqo, wadada
kaliya oo lagu gaari karo horumar inay tahay hal ku dhigna
ka dhigtay waxaad calfan
wayso waa la cideeyaa ama ceel dhera lagu ridaa .
Shacbiga somaaliyeed waa uu kala garan waayay wuxuu
rabo iyo waxuusan rabin tasoo ay ugu wacantahay.
Xaqii oo lugu badalay waxay
dhaheen waa xal
Xilkii oo lagu badashay
xaraan
Dacadii oo lagu badalay duli iyo
waxaan la aqoon
Damiirkii oo lagu badashay
dayacan iyo diin la’an
Dadnimadii oo lugu badashay dugaagnimo dareen la’aan
Magac iyo munad waxaad ku heli kartid maxaa kuu
diday inaad samaysid oo miro geed
saran oo kaliya ku daba dhigay kuwa guntaada ku jira aad u didantahay uguna dadinaysaa dhulka si sahlan
ay cidwalba ku jogsan karto manafacoodana aad ugu ciyaaraysaa , wixii
daatay waxaa laga garaa waxa kuu haray inaysan kaa dadan waa kuwa weli
guntaada jira ee yar ka fa ‘iidayso waqtiga yar ee kuu haray intuusan kaa
lumin.
Waano
1. Inaydaan noqan
mucarad aan qiimo laheen waxtarna laheen dunidana ay
la yaabto shacabkana aan waxba tareen dhibaatana usoo hooyo mar walba
waxaa ka wanaagsan marka hore inaad noqotaan mucarad waxtarleh tustaana
shacabka inaydaan aheen kuwa dantooda wayay waxay rabaana samaynayaan balse
aad tustaan inaad wax qaban kartaan waxna tari kartaan si aad tageero u
heshaan, tasoo ay ku jirto inaad qarowga aad ku jirtaan hurdadiisa aad ka
kacdaan moryaanta aad dhigteen jidwalba magalo madaxda
aad ka wadaan oo aad xeryo u yeeshaan masakiinta ay
hortaganyihiin si ay u
nafisaan waxna u kala gartaan.
2.
Inaad iska cafi saan wixii dhibaato ah ee horay u
dhacay iyo qaladaadkii badnaa ee
aad gasheen lagana midoobo wixii dhibaato cusub abuuri karo sidii looga
hortagi lahaa iyadoon xabad laridin dulqaadna in loo yeeshaa.
3.
In la nabadeeyo dadka ay weli colaada ka dhaxayso ka
bilow magalada madaxda si ay meel walba ugaarto laysna samaxaa iyadoo raali
lawada yahay si horumar la taban karo loo wada gaaro.
4.
In laga cudi bilaysto si wada jir ah kalmada anigaa
ah iyo anagaa yeeli karo iyo anagaa ka wanaagsan.
5.
In la mideeyo maxkamadaha loona sameeyo mamul
mideeyo oo mid ah ayna ku wada dhanyihiin lana abuuro cidan nabadgalyo oo
amaanka soo celiyo iyo mid difaac sameen kara, wixii dhibaato ah ee ka hor
yimaado ka hortagi karo.
6.
In lafuro dhamaan ilaha dhaqaalaha lagana tanuusulo
kuwa macmalka ah iyadoo la firinaayo maslaxada guud iyadoo la kashanaayo
dhamaan ganacsatada waxgaradka iyo cidanka amaanka iyo kuwa xooga dalka.
7.
Ka bilow iscafinta naftaada qilaaf walbana sidii
looga gudbi lahaa xooga saar kuna tagal inaad ka gudbi kartid ogowna tanasul
la’aan inaysan waxba ku tosaynin inagaa yeeli kara ama inagaa owooda waxaa
ka wanaagsan maaxaanyeeli karnaa maxaanse awoodnaa , waxii intaas kasoo haray
ogow inay shirki tahay oo aad illahaaga u shariig yeeshay
gortuu donana uu kaa abaal marin doono aduun iyo aqiro.
wabillaahi towfiiq
Cabdullahi
maxamed nuur
Abdullahi05@swissonline.ch
Wariye
mudulood.com